SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 8, 2007

  • Max’ed Dheere oo kulan la yeeshay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Sheekh Xasan..

  • Cali Max’ed Geedi oo taageero ka raadinaya Dowladaha Carabta

  • C/raxmaan Shifti “Soomaali u xayirnaameyso Beelaha Hawiye”

  • Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho..

  • Hay’adda Amnesty oo sheegtay in aysan cadaalad aheyn Dilkii toogasho ee ay Dowladdu ku fulisay..

  • Toban qof oo ku geeriyootay baabuur ku gadoomay meel ku dhow degmada Guriceel

  • Xubno ka tirsan xiriirka K/cagta oo maanta u ambabaxay Marooko

  • Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Oo Ay Ka Biyo Diideen Odayaasha Iyo Waxgadardka Beesha Dhul-bahante Ee Waamo.

  • Puntland oo iska Fogaysay Eedaymo kaga yimid Dowlada KMG ka.


Tacsi – Marxuun Maxamuud X. Axmed X. Ibraahim (Jab-libaax)

Maxamed Jaamac Cawaale (Cabdalle)
Sahra Xuseen X Ibraahim
Yasin Jaamac Nuux (Suldaan)
Cali Xuseen X Ibraahim
Faadumo Jaamac Cawaale
Siyaad Timir Cali
Raxma Timir Cali,
C/kariim Timir Cali
Maxamuud Saleebaan Jaamac
Fahad Maxamed Jaamac
Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac
C/waaxid Maxamed Jaamac

Dhammaan dadkaa kor ku xusani waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii
uu ka geeriyooday Marxuun Maxamuud X.Axmed X. Ibraahim (Jab-libaax),
naxariistii janno Eebbe ha ka waraabiyee, oo maanta ku geeriyooday magaalada
Burco ee Somaliland. Waxay Alle uga baryayaan inuu naxariistii janno ka
waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo xaaskiisii iyo carruutiisii iyo
dhamaanteen ba.

Allaa mahad leh
Waxaa soo tebiyey
Yaasiin:
aftahanc@hotmail.com

Max’ed Dheere oo kulan la yeeshay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Sheekh Xasan..

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa kulan la qaaday Guddoomiyaha Guddiga Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan iyo waliba Afhayeenka dhanka Siyaasadda ee Beelaha Hawiye C/llaahi Sheekh Xasan.

Max’ed Dheere ayaa la sheegay in uu labada mas’uul ka hadlay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen nabadgelyada Magaalada Muqdisho, maadaama shirkii dib u heshiisiinta dhawaan laga furayo, isla markaana ay Dowladda Federaalka taageero siiyaan, waxayna wararku sheegayaan in Max’ed Dheere uu sidoo kale Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaashi Sheekh Xasan ku guubaabiyey in la qabto shir ay isugu yimaadaan Beelaha Hawiye oo lagu dhameeyo khilaafka ka dhex taagan, iyadoo saddex nin oo isku beel ah kulankaan oo ay yeesheen uu noqonayo midkii ugu horeeyey. 

Cali Max’ed Geedi oo taageero ka raadinaya Dowladaha Carabta

Waxaa waayadan dambe mugdi ku jiray xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo wadamada Jaamacadda Carabta, waxa uuna xiriirkaasi xumaaday markii Dowladda Federaalku adeegsatay Ciidamada Wadanka Itoobiya kuwaas oo dalka Soomaaliya soo galay bishii Janaayo ee sanadkaan, iyadoo taasi jirto ayaa waxay haatan Dowladda Federaalku dadaal ugu jirtaa sidii ay u soo celin lahayd taageeradii ay shacabka Soomaaliyeed ku lahaayeen Jaamacadda carabta. Waxaa dalka Sucuudiga shalay gaaray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo kaddib markii ay maritiqaad ka heleen Boqorka Sucuudiga Carabiya Boqor Cabadalla. Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa in inta uu joogo dalka Sucuudiga uu dowladdaasi weydiisto kaalmo balaaran, taas oo ah in Dowladdu Sucuudiga ka qayb-qaadato shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka dhaqaalaha, sidoo kale Geedi ayaa la filayaa in Dowladda Sucuudiga ka codsado in ay qayb-qaadato dib u dhiska dalka Soomaaliya. Booqasho uu dhawaan ku tagay dalka Masar Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa waxay ku dhamaatay is afgaranwaa kadib markii Jaamacadda carabta ay sheegtay in aysan taageere siineyn Dowladda Federaalka tan iyo inta ay Ciidamada Itoobiya ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee Sheekh Aadan Madoobe ayaa Jaamacadda Carabta u sheegay in Ciidamada Itoobiya Soomaliya u joogaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u soo celinta nabadda. Maalintii shalay ahayd ayaa wafdi uu hogaaminayo Sheekh Aadan Madoobe uu dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo, waxa uuna imaanshihiisa ku soo beegmay xili mudo dhowr bilood ah aysan waxa mushaar ah qaadan Xildhibaanada Doladda Federaalka.  

C/raxmaan Shifti “Soomaali u xayirnaameyso Beelaha Hawiye”

C/raxmaan Shifti oo ah afhayeenka shirka dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada ayaa waxa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu si rasmi ah u furmo 15-ka bishan, isagoo meesha ka saaray in uusan dib u dhac dambe ku imaan doonin, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda la diyariyey diyaaradihii soo daad gureyn lahaa eregooyinka shirka iyo waliba Hoteeladii ay degi lahaayeen.

C/raxmaan Shifti ayaa mar waxa laga weydiiyey in shirka uu dib u dhac ku imaan karo mar haddii uu khilaaf u dhexeeyo Beelaha  Hawiye ayaa waxa uu Shifti ku jawaabay “Hawiye qayb ayuu ka yahay Beelaha Soomaaliyeed haddii ay heshiin waayana loo xayirnaamaayo, dadkana waxaa isaga qaldan in haddii Hawiye uu khilaaf u dhexeeyo an la qaban Karin shir dib u heshiisiin guud, balse waxaan ku celinayaa in Hawiye uu qayb ka yahay oo keliya Beelaha Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay C/raxmaan Shifti in maanta shir isugu   imaan doonaan Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye kaas oo lagu rajo weyn yahay in lagu xalin doono khilaafka u dhexeeya Beelaha Hawiye. 

Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho..

Iyadoo ay weli socdaan qaraxyada iyo dilalka loo gaysanayo ciidamada Dowladda iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu qarax ka dhacay agagaarka Shirkadda Xawaaladda ee Dahab Shiil, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa iyo todobo qofood, oo shan ka mid ay ahaayeen shaqaalihii Shirkadda Dahabshiil oo iyagu markaasi ku halwlanaa daminta dahab ka kacay Gaariga oo keenay qarax horey isna halkaasi uga dhacay.

Dadkii dhaawaca ayaa loola cararay Isbitaalka waxaana ku jiray askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Dhanka kale waxa uu qarax ka dhacay jidka warshadaha waxaa  qaraxaasi ku dhaawacmay labo qofood oo ahaa dad rayid ah oo ka dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

Habeen hore ayay ahayd markii dil loo gaystay sarkaal ka tirsan ciidanka Xoogga   dalka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale degmada Afgooye lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Dowladda ee ka halwgala degmadaasi.

Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda baaritaan ay sameynayaan ciidanka Dowladda Federaalka, ilaa iyo haatanna wax hub ah oo ay soo qabteen ma jirto, sidoo kalana dadweynaha ayaa ka cabanaya baaritaankiisi kadib markii ay istaageen isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga qaarkiis.

Hay’adda Amnesty oo sheegtay in aysan cadaalad aheyn Dilkii toogasho ee ay Dowladdu ku fulisay..

Hay’adda Xaquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa ka hadashay dil loo gaystay labo nin oo dhawaan lagu toogtay dugsiga Sare ee Booliiska, kadib markii lagu eedeeyey in ay dileen askar ka tirsan Dowladda Federaalka.

Hay’addu waxay sheegtay in labadaasi nin aysan helin wax maxkamad cadaalad ah, waxay kaloo sheegtay in aysan helin qareen u dooda si loo ogaado waxyaabihii ay Dowladda ku eedeysay.

Dhawaan ayaa Hay’addu waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka in ay maxkamad soo taagto maxaabiista ku xirxiran xabsiyada Magaalada Muqdisho, isla markaana aysan cadaalad aheyn in xabsiga la isaga hayo.

Dhawaan ayaa ciidam ka tirsan Dowladda Federaalka waxay dhallinyaro fara badan ka soo qabteen Xaafadda Shiirkole kuwaas oo ay ku jireen labada nine e dhawaan la toogtay, sidoo kalana raggii kale ayaa lagu xakumay xabsi daa’in iyo xarig u dhexeeye 7-sano ilaa iyo 15, hogaanka Beesha reer Xaaji Suleymaan Cali Suldaan Axmed Nuur ayaa waxa uu sheegay dilka labadaasi dhallinyaro ay yihiin kuwo ku saleysan aargoosi qabiil.

Toban qof oo ku geeriyootay baabuur ku gadoomay meel ku dhow degmada Guriceel

Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobalka Galguduud waxay sheegayaan in Gaari kuxa Xamulka ah oo ay Soomaalidu u taqaano Candho-Meedle uu ku rogmaday meel ku dhow degmada Guriceel, waxaana halkaasi ku dhintay toban ruux, waxaana ku dhaawacmay 50 ruux.

Gaarigaan oo ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa ku sii jeeday Maamul Gobaleedka Puntland, waxaana dadkii maydka ahaa la filayaa in maanta lagu duugo degmada Guriceel, waxaana xalay ilaa iyo shalay ka socday degmadaasi sidii loo asturi lahaa maydka.

Gaarigaan  oo ku socday xawli ayaa waxaa la sheegay in uu siday Dibi iyo xamuul tiro badnaa taas oo keentay in uu rogmado. Waana shilkii ugu xumaa ka dhaca deegaankaasi tan iyo inta la og yahay, iyadoo sidoo kale maamulka Puntland uu wado sidii uu u taakuleyn lahaa dadkii ku dhaawacmay balse ka badbaaday shilkaasi.   

Xubno ka tirsan xiriirka K/cagta oo maanta u ambabaxay Marooko

Labo xubnood oo ka tirsan xiriirka K/cagta ayaa maanta lagu wadaa in ay ka ambabaxaan Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda wadanka Marooko iyagoo ka qaybgalaya shir looga hadlayo cayaarta loo yaqaano Fustalka oo mudo aan sidaasi u fogeyn ku faaftay caalamka.

Labada xubnood oo kala ah Xaaji Yuusuf Max’ed Sheekh iyo Aamiin Yuusuf Khasaaro ayaa waxa ay wadanka Marooko joogi doonaan mudo shan maalmood ah, waxaana ka soo qaybgali doona wufuud iyana ka kala socota Beesha Caalamka, waxaana si weyn loogu lafaguri doonaa sidii loo sii horumarin lahaa cayaarta Fustalka oo inta badan cayaaraan dadkii ka cuslaatay cayaarta K/cagta.

Xubno ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa inta ay joogaan wadanka Morooko waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyinta kale ee xiriirada ka soo qaybgalay siminaarkaasi oo ay qaban-qaabadiisa leedahay xiriirka K/cagta Adduunka  ee FIFA.

Dhinaca kale labo xubnood oo ka tirsan Garsoorayaasha K/cagta Soomaaliya ayaa iyana soo dhameystay siminaar uga socday dalka K/Afrika, kaas oo lagu baranayey Garsoorka Cayaarta K/cagta iyo waxyaabihii kale ee ku soo kordhay K/cagta, waxaana Soomaaliya uga qaybgalay Garsoore Cali Siciid iyo Garsoore C/qaadir Xasan Xayle (Biritish).   

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Shirka Dib u Heshiisiinta Qaran Oo Ay Ka Biyo Diideen Odayaasha Iyo Waxgadardka Beesha Dhul-bahante Ee Waamo.

Wararka naga soo gaaraya gobolada jubooyinka ayaa sheegaya inuu khilaaf ba,ani soo kala dhex galay beelaha harti waamo sidii ay ergooyin ugu soo diri lahaayeen shirka dib u heshiisiinta lagu iclaamiyey 15-ka bishan magaalada muqdisho.

Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda beesha dhul-bahante ee ku dhaqan gobolada jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday inay qaadaceen shirka ay ku sheegeen gacan ku Rimis ee lagu wado inuu ka dhaco bishan aynu ku jirno magaalada caasimada ee muqdisho .

Mid kamida Aqoonyahanada ku dhaqan gobolada jubooyinka oo kasoo jeeda beeshaasi ayaa saxaafada u xaqiijiey inay haday yihiin waxgardka iyo aqoon yahanada beesha dhul-bahante ee ku dhaqan gobolada jubooyinka ay mar kastaba la hadaf yihiin waxgaradka iyo isimada gobolada SSC ,islamrkaana uu meesha kasaaray in hadii ay isimada beesha ee ku dhaqan sool,sdanaag iyo cayn ay sida nagu maqaala ah kasoo hor jeesteen shirkan anaguna aanu kala mid nahay xaga fekerka waa siduu hadalka u dhigaye.

Prof,c/risaaq ramaale ayaa carabka ku adkeeyey waxaanu kasoo hor jeednaa waxa ay kasoo hor jeestaan isimada ,aqoonyahanada iyo waxgaradka gobolada SSC taasina waxay cadaynaysaa inaanu isku hadaf nahay islamrkaana aanu isku feker ka wada qabno shirka la sheegay inuu u dhexeeyo beelo soomaaliyeed .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay isimada gobolada SSC ay hore u sheegeen inaysan ku qanacsanayn qaabka ergooyinka loo qoondeeyey islamarkaana ay shegeen inaysan diyaar u ahayn inay ka qayb galaan shirkaas .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Puntland oo iska Fogaysay Eedaymo kaga yimid Dowlada KMG ka.

Wasiirka kaluumaysiga iyo takadaha ee maamul goboleedka puntland mudane Siciid Maxamed Raage ayaa iska fogeeyay eedeyn dhawaan oga timid dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya oo sheegeysa in dowlad goboleedka puntland ay ku xadgudbeen dastuurka federaalka oo qeexaya in aysan maamul goboleed jiraa uusan wax hishiish ah la gali karin dowlad

Wasiirka kaluumaysiga iyo takadaha waxa uu sheegey in dowladiisu ay xaq u leedahay inay heshiis kula gasho cid walba oo danahooda ka shaqaynaya,sidaas darteedna uu sax yahay heshiiska xagga kalluumaysiga ah ee ay Puntland la gashay dowlada Yemen.

Wasiirka kaluumaysiga iyo takadaha Siciid Max’ed Raage oo arrintaas ka hadlayana Ayaa sheegey“Anagu waxaanu nahay maamul goboleed ka facweyn tan Federalka isla markaana waxaan aaminsanahay inaan la gaarin xilligii federalku uu danayaga ka shaqayn lahaa waxaana xaq u leenahay in ka shaqeyno wixii danahayaga ah oo khuseeya puntland

Amuurta hadalkan kusaabsan ayaa yimid kadib markii agaasime ka tirsan wasaarada kaluumaysiga ee federaalka uu sheegey in aysan dowlad goboleedka puntland wax hishiish ay aysan la gali karin dowlad kale aysana wax ka ogayn hishiishka ay la galeen dowlada yemen.

Yusuf Guduudow
E-mail yusufguduudow@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com