DFKMS oo wakhtigii
kaga dhamaaday
maamul soo jireen
ahaa oo xor ah,
halkii ay Soomaaliya
gacanta ku dhigi
lahaayeen.
Ka dib hadalk ka soo
yeeray Agaasimaha
Guud ee Wasaarada
Kalluumaysiga iyo
Khayraadka Badda ee
DFKMS oo uu ku
sheegay in aysan
DGPL la geli karin
heshiis wadanka
Yemen amaba cid kale
iyadoo aysan waxba
kala socon Dowladda
Dhexe ee Soomaaliya,
ayaa arintaas waxaa
si weyn uga carooday
masuuliyiin ka
tirsan maamulka iyo
waliba shacabka
Puntland oo ku
sheegay xoriyad ka
qaad.
Dhinaca Maamulka
masuuliyiin ka tirsan
Golaha Xukuumada ayaa u
sheegay Saxaafada in ay
tahay arintaas wax laga
xumaado , ayna Puntland
xaq u leedahay in ay
heshiis, la geli karto
cidday rabto, balse
Dowladda Federaalka
Soomaaliya, aysan u
xanibayn heshiisyada ay
gelayso, masuuliyiintaan
oo aad ay caro uga
muuqatay ayaa hadalka ka
soo yeeray masuulka
DFKMS ku tilmaamay mid
aan laga fiirsan oo
layska yiri.
Sida lala socdo,
Puntland waxay qayb ka
tahay habka Federaaliga
ah., ee ay ku dhisan
tahay DFKMS waana
maamulka Goboleedka
kaliya ee oo si buuxda
ula shaqeeya DFKMS
dhinac kasta, balse
waxaa beryahaan danbe
soo baxaya
saluugsanaanta ay
saluugsan yihiin Reer
Puntland qaabka ay u
dhaqmayaan qaar ka mid
ah, masuuliyiinta DFKMS.
Puntland waxay leedahay
Golayaasha sida Golaha
Xukuumada, Golaha
Wakiilada iyo waliba
Garsoorka waana maamul
dhisan oo
dhamaystiran.DFKMS oo
isticmaalaysa axdiga ku
meelgaarka ah oo wali
qabyo ah ayaan wali si
buuxda loo waafajin kan
DGPL ee Soomaaliya.
Hadda ka hor ayeey ahayd
markii uu soo kala
dhexgalay muran maamulka
Puntland iyo
Reysul-wasaaraha DFKMS,
Cali Maxamed Geedi kaas
oo ku wajahnaa macdanta
iyo shidaalka Puntland
oo uu amray Rey-sul
wasaaruhu in aysan
Puntland siday doonto
ula geli karin heshiis
shirkadaha ajninbiga
iyadooo aysan soo marin
DFKMS, walow arintaas
xal laga gaaray ka dib
markii ay masuuliyiinta
ugu sareeya DFKMS iyo
kuwa DGPL ka wada
hadleen.
Dhinaca Shacabka
Puntland. Shacabka ayaa
waxay is-weydiinayaan
waxa keenay in 'Agaasime
uu amar siiyo madaxda
DGPL oo xor u ah
maamulkooda.
DFKMS maxay ugu
laalaabanaysaa Puntland
ma geel baa ugu dhalay,
waxaa laga rabaa wixii
lagu soo heshiiyey ee
ahaa in ay soo dhisto
Maamul Goboleedyadii
kale sida uu dhigayo
Nidaamka federaaliga ah
waxaa sidaas qaba
shacabka Puntland.
Waxaa nasiib daro ah ,
in ninkasta oo xil ka
haya DFKMS uu afarta
jeeb ku buuxsado xaqii
shacabka masaakiinta ah
ee Puntland oo gaajo iyo
cuduro u dhimanaya,
aysana ku baaqan
canshuurta aysan
awoodin oo dusha looga
tuuray sidii loogu biili
lahaa madaxda DFKSM oo
aan maanta wax kale
gacanta ku hayn marka
laga reebo DGPLS oo ah
maamul nidaam leh oo
dhisan.
Amoore-Garoowe-Puntland