Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji

Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Wararkii: 7.7.07
Max’ed Xasan Xaad
“C/llaahi Yuusuf kama taliyo Dalka ee waxaa ka taliya Gen. Gabre”
Max’ed Xasan Xaad oo ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa waxa
uu ku celceliyey in aysan dagaalsaneyn Beelaha Hawiye balse la isku haysto
dhinaca Siyaasadda, waxaa kale oo uu sheegay Max’ed Xasan Xaad in Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf ay horey ugu qoreen waraaqo oo ay ugu faahfaahiyeen qaabka
loo qaban karo dib u heshiisiinta Soomaliyeed, waxa uuna sheegay in
waraaqahaasi ilaa iyo haatan aan wax jawaab ah laga helin.
“C/llaahi mar hore ayuu nooga soo jawaabi lahaa waraaqahaasi, laakiin waxaan
ogaanay in C/llaahi uusan wadanka ka talin, ee uu ka taliyo Gen. Gabre” ayuu
yiri Max’ed Xasan Xaad oo sheegay in ay si weyn uga soo horjeedaan
joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay
inay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo isugu jirta dil, dhac
iyo xarig.
“Kalsoonida shacabka laguma kasban karo dil, dhac iyo xarig, ee waa in ay
Dowladdu arrintaasi ka fiirsataa” ayuu yiri Max’ed Xasan Xaad oo sheegay in
aysan marnaba ka qaybgali doonin shirka dib u heshiisiinta Soomaliyeed ee
lagu wado in 15-ka bishan ka furmo Magaalada Muqdisho.
Go’aan ay dhawaan soo saareen Beelaha Hawiye ayaa waxay ku sheegeen in dalka
uu ku jiro gumeysi wax shir ahna aan lagu qaban Karin, iyagoo sheegay in
haddii la doonayo in shir lagu qabta loo baahan yahay in la helo goob dhex
dhexaad ah.
Weerar xalay lagu
qaaday Saldhiga Booliiska Hawl-wadaag
Xalay fiidnimadii ayaa waxaa la maqlay rasaas la iswey-daarsanayo, waxaan
weerarkaasi lala beegsaday degmada saldhiga Degmada Hawl-wadaag.
Rasaastaan oo socotay dhowr daqiiqo ayaan la ogeyn khasaarihii ka dhashay
iyadoo ahayd xili habeen ah, isla markaana Magaalada Muqdisho saran tahay
bandow.
Saldhiga ayaa waxaa u soo gurmaday ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG kuwaas oo
bilaabay inay ilaalo xoog leh ka qabtaan wadooyinka soo gala saldhigaasi.
Ma
ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado shaldhig booliis, habeen hore
ayay ahayd markii weerar lagu qaaday saldhiga Waabari oo ay ku dhaawacmeen
afar askari, waxayna weeraradani ku soo beegmayaan xili ay ciidamada
Dowladda Muqdisho ka wadaan baaritaan xoog leh, waxayna shalay la soo
bandhigay hub fara badan oo noco badan leh oo ay sheegeen guddiga
nabadgelyada Muqdisho in ay ka soo qabteen suuqa Bakaaraha.
Qaraxyo ka
dhacay Magaalada Muqdisho
Saddex qarax ayaa shalay ka dhacay
Magaalada Muqdisho, waxa uuna kii koowaad ka dhacay Suuqa Xoolaha,
waxaana ku geeriyooday oo labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ku
dhaawacmay toban kale oo shan ka mid ah ahaayeen carruuur.
Qaraxaan oo ahaa miino la dhigay biyo
dageenka Suuqa Xoolaha ayaa inta uusan qarxin waxaa arkay carruur ku
cayaareysay wadada mid ka mid ayaan laadahay miinadaas oo ku jirtay
baakad, halkiina ayuu qaraxu ka dhacay.
Miinadaasi oo lala damacsanaa in lagu
qarxiyo ciidamada Dowaldda iyo kuwo Itoobiya ayaana aheyn markii ugu
horeysay oo miinoo noocaas ah la dhigo jidadka. Dhawaan ayay ahayd
markii miino la dhigay goob qarashinka laga nadiifinayey oo ay ku
geeriyoodeen haween dhowr ah.
Qarixii labaad ayaa shalay ka dhacay suuqa
Bakaaraha waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo afar qofood, siodoo kale Isgoyska
Wadada Aadan Cadde ayaa waxaa ka dhacay qarax, waxaana la sheegay in
qaraxaasi uu a haa banbaano, waxaana ku dhaawacmay hal qof.
Baarlamaanka
Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan soo food saartay
Mudo dhowr bilood ah ayaa Xubnaha Baarlamaanka oo ay tiradodu gaareyso 275
aysan wax mushaar ah helin, waxaana mushaar ugu dambeysay sida la sheegay
xiligii uu madaxda Baarlamaanka ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xubnaha Baarlamaanka ayaa waxaa mushaar siin jiray hay’ado caalami ah, ilaa
iyo haatanna lama garanayo sababaha mushaar loogu la’ yahay xubnaha
Baarlamaanka Soomaliyeed.
Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa waxay ku eedeyeen mas’uuliyinta
sarsare ee Dowladda in ay ka gaabiyeen sidii ay mushaar ku heli lahaayeen
xubnaha Baarlamaanka.
Sheikh Aadan
Max’ed Nuur oo ah guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa isagu dhowr jeer dadaal u
galay sidii ay mushaar ku heli lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka balse taas
kuma uusan guuleysan
Sarkaal ka tirsan
nabad sugida Puntland oo la dilay
Wararka naga soo gaaraya Maamul Gobaleedka Puntland waxay sheegayaan in
Magaalada Boosaaso lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsnaa ciidamada nabad
sugida Puntland gaar ahaan kuwa la dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.
Dilkaas oo uu gaystay nin ku hubeysnaa bistoolad ayaa markii dambe baxsaday,
waxaana lagu waramay in Booliisku ay baadigoob ugu jiraan ninkaasi, sidoo
kale waxay wararka ka imaanay Guriceel waxay sheegayaan in halkaasi lagu
dilay nin lagu waramay in uu la shaqeynayey dowladda Federaalka.
Habeen hore ayay ahayd markii magaalada Muqdisho lagu dilay nin caan ka ahaa
degmada Shibis una shaqeynayey Hay’adda SOYDAN, kaas oo lagu magacaabi jiray
Cabdi Wardoon.
Waxaa maalmahan
deegaanada Gobalada dalka gaar ahaan Muqdisho ku soo kordhayey dilalka loo
gaysanayo shaqsiyaadka la shaqeeye Dowladda Federaalka.
Xubno ka
tirsan Xiriirka Soomaaliyeed iyo Olombikada safar ku tagay Puntland
Tan iyo markii xiriirka loo doortay Siciid
Max’ed Nuur in uu hogaamiyo xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta ayaa waxaa
xiriirka ku yimid is bedel weyn oo dhinaca dibadda iyo gudaha, waxaana
dhawaan xubno ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta u ambabaxeen
gobolo ka tirsan dalka, kuwaas oo soo indha-indheeyey baahida Isboorti
ee gobaladaasi.
Gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed Siciid
Mugaanbe oo uu la socdo xoghayaha Xiriirka C/qaani Siciid Carab ayaa
waxa booqasho ku tageen gobalada hoos taga Puntland, waxayna kulamo kula
yeesheen mas’uuliyiinta xiiirada kala duwan ee Puntland.
Siciid Mugaanbe ayaa waxa uu sheegay in
xiriirka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in gobalada Soomaaliyeed uu
gaarsiiyo K/cagta, isla markaana uu ka qayb-qaato horumarinta k/cagta.
Siciid Mugaanbe waxa uu sheegay in ay
fulinayaan talooyin u soo jeediyeen Xiriirka K/cagta adduunkae e FIFA
oo ah in xoogga la saaro Gobalada si ay horumar u gaarto cayaaraha
K/cagta Soomaaliya.
Wafdiga Xiriirka K/cagta ee Punlland tagay
waxaa safarka ku weliyey mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Olombikada
Soomaaliyeed oo uu hogaaminayey Aadan Xaaji Yabarow Wiish, waxayna
labada dhinac qalab isboorti guddoonsiiyeen Gobalada Puntlanad, waxayna
booqashadu ku dhamaatay sidii loogu talagalay.
Ciidamada
Dowladda oo si xun ula dhaqmay shaqaalaha Idaacadda Shabeele
Iyadoo ay baaritaano ka socdaan qaybo ka
mid ah Suuqa Bakaaraha oo ay wadaan ciidamada Dowladda iyo Itoobiya ayaa
maalintii shalay ahayd waxaa ciidamo ka tirsan Dowladda oo isugu jira
Milatari iyo Booliis ay Galeen Idaacadda Shabeele.
Ciidan gaaraya ilaa iyo sideed askari kuna
hubeysan qoryaha fudud ayaa galay Idaacadda Shabeele, waxayna
weriyaashii iyo Shaqaalihii Idaacadda ku amreen in ay keenaan wixii hub
ah oo ay haystaan iyagoo markaasi meel isugu geeyey.
C/rashiid Cabdi Rashka oo ka mid ah raggii
sida xun loola dhaqmay ayaa isagoo ka hadlaya arrintaasi waxa uu yiri:
“Qori ammaankiisu furan ayay igu qabteen,
gacmahana kor u tag ayay I yiraahdeen, waxayna yiraahdeen haddii
Idaacadda laga helo hub waan idin dileynaa”.
Sidoo kale Fartuun Axmed Xasan oo ka mid
ah maamulka Idaacadda ayaa iyana iyadoo arrintaasi ka hadleysa waxay
tiri “Askar qoryo wadata ayaa albaabka ii soo galay, qoryihii ayay igu
foorariyeen, markaas ayay waxay igu yiraahdeen haddii hal bistoolad laga
helo waan ku dileynaa, mid kale ayaa yiri isla goobta ayaan ku
dileynaa”.
Jamaac Axmed Cismaan oo ka mid ahaa
weriyaashii xiligaasiIdaacadda gaar ahaan Studio-ga ayaa qoryo lagu
qabtay, waxa uuna ku wargeliyey in Idaacadda hawada ku jirto, balse dheg
jalaq uma siin oo baaritaankoodii ayay iska wateen, waxayna u tageen
C/Nuur Max’ed Kediye oo isagu markaasi fadhiyey gursiga Stuudiyaha
markaas oo ay Idaacadda toos ugu jiray hawada, waxa uuna askartii ku
wargeliyey in Idaacaddu toos hawada ugu jirto, sidaa darteed ay
wanaagsan lahayd in askartu qaybaha kale baaraan, balse waa ay ka madax
adeegeen.
Waa markii labaad oo Idaacadda Shabeele
Baaritaan ku sameeyaan Ciidamada dowladda Federaalka iyagoo ka waayey
wax hub ah, sidoo kale baaritaankii shalay ayaa maamulka Idaacadda lagu
wargelin, isla markaana ay ciidamadu ahaayeen kuwo iska soo galay
Idaacadda, isla markaana si anshaxa ka baxsan ula dhaqmay Shaqaalihii
Idaacadda.
Jabhada Midawga
Xoraynta S/Galbeed (JMXS)
Xafiiska
Warbaahinta
Date:
07/07/2007
Ujeedo: Canbaarayn Xasuuqa ay Ciidamada Tigreegu ka
wadaan S/Galbeed
Waxay
Ciidamada Tigreegu ka wadaan Gobalka Soomaali
Galbeed 20 bari ee u dambaysay Xasuuq naxariis
la,aana ah kaasoo isugu jira: (Dil, Dhaawac,
Kufsasho, Dhac, Xidh xidhid, Gaajayn, IWM).
Hadaba
anagoo ah : Jabhada Midawga Xoraynta Soomaali
Galbeed:
1- waxaan
Cambaaraynaynaa Xasuuqaas ay Ciidamada Tigreegu ka
wadaan gobalka waxaana u sheegaynaa inay si dag dag
ah u joojiyaan.
2- Waxaan u balan
qaadaynaa shacabka inaan uga soo aarayno cadawga
uuna in badan ka shalaayi doono waxa uu Shacabka ku
samaynayo.
3- Waxaan caalamka
ka codsanaynaa inuu soo fara galiyo qadiyada
S/Galbeed lana saaro madaxda Tigreega maxkamad
caalamiya oo ah (Xasuuq Shacab).
4- Waxaan ka
codsanaynaa umada Islaamka in gurmad dag dag lala
gaadho shacabkaas la xasuuqayo.
5- Jaaliyadaha
S/Galbeed ee dibada ku nool waxaan ka codsanaynaa
inay ka qayb qaataan halganka xoraynta wadanka (Naf
& Maalba).
Alaahu
Akbar ……Alaahu Akbar…….Allaahu Akbar.
Jabhada Midawga
Xoraynta S/Galbeed
(MJXS)
Xafiiska Warbaahinta
uwslf2007@yahoo.com
Xaflad lagu qabtay
Safaaradda Somalida ee sanca
6/7/2007:-(Sana’a):-
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay
lagu qabtay Gudaha Safaaradda Somaaliyeed ee Sanca.
Xafladdan oo ay ka soo qayb galeen Diplomasiyiinta
iyo Hawlwadeennada Safaaradda, Odayaasha Bulshada
Soomaaliyeed ee Sanca, Haween, Dhallinyaro,
Fannaaniin, Arday iyo Marti-sharaf kale oo lagu
casuumay ayaa waxaa ay ahayd :-Xaflad lagu soo
gunaanadayay Xaflado xiriir ahaa oo ay Soomaalida
Yemen ee Gobollada iyo degmooyinka Yemen ku
sugan ay ku maamuusayeen Maalmihii Gobannimada
iyo Midnimada Soomaaliyeed ee 26-ka Jun iyo 1-da
Luulyo.
Xafladdan oo
dhowr qaybood ka koobnayd, ayaa waxaa gaba-gabadii
Khudbad dheer ka jeediyay Danjiraha Jamhuuriyadda
Somalia ee Sanca-Yemen:-Cabdisalaam Macallim Aadan.
Wuxuu Danjiruhu Khudbaddiisa ku xusay Halgankii
dheeraa ee ay dadka Soomaaliyeed u soo galeen
Gobannimadooda iyo Midnimadoodaba. Wuxuu ka
shanqariyay inay Geesiyaal badan oo taariikhda baal
dahab ah ka galay oo Dalka u dhintay ay jiraan,
ujeeddaooduna ahayd kor u qaadidda madaxa dadka
Soomaaliyeed iyo in uusan asaaggood gumaysan.
Danjire/Cabdisalaam oo ka codsaday inay dadka
Soomaaliyeed midoobaan, gacmahana is-qabsadaan,
nabadaynta iyo dib u dhiska dalkana u soo jeestaan,
ayaa Hambalyo u diray Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,
DFKMG ah iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed,
wuxuuna u rajeeyay guul, horumar, nabadgalyo iyo
degganaan..
Waxaa Xafladda
kaalin muuqata kaga jiray Haweenka Soomaaliyeed ee
Sanca, kuwaas oo soo diraayiyay Qurxintii Goobta
Xafladda, Maaweelo, Suugaan iyo weliba Cunitaan iyo
Cabitaan fudud oo aad loogu riyaaqay.
M.M.Kaalmoy, Sana’a
kalmoi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2007


|