Daabaco Boggan | Print

Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
-
Qarax Xoogan Oo
Khamiistii Ka Dhacay
Isgoyska Nasiib Buundo Ee
Degmada Shibis.
-
Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye
Oo Qaadacay Shirkii Hotel
Shaamoow.
-
Ciidamo Gedoodsan Oo Inqilaabay
Maamulka Gobolka Hiiraan.
Qarax Xoogan Oo Khamiistii Ka Dhacay
Isgoyska Nasiib Buundo Ee
Degmada Shibis.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
July 5, 2007
Aabaarihii sideedii iyo barkii
subaxnimo ee Khamiistii ayaa laga
maqley qarax aad u weyn
agagaarka isgoyska nasiib buundo
ee degmada shibis ee magaalada
muqdisho .
Qaraxan ayaa lala beegsaday
gaari nooca loo yaqaano
land-curuser (cabdi bile) oo ay
saarnaayeen ciidamada dowlada
KMG ah kuna sii jeeday xarunta
gobolka banaadir ,islamarkaana
aan gaysan wax khasaare ah
iyadoo uu qaraxu kasoo dib
dhacay xiligii ay ugu tala
galeen kuwa qaraxa soo abaabuley
.
Goob jooge magaciisa ku sheegay
xasan cabdi cali ayaa saxaafada
u xaqiiiyey inuu qaraxu aad u
xooganaa ,islamrkaana uu dhaafay
gaarigaasi ay saarnaayeen
ciidamada dowlada KMG ahi ,balse
uusan arkayn wax khasaare ah oo
ka dhashay goobtaas .
goobta qaraxu ka dhacay ayaa
isku gadaameen ciidamada
xukuumada Ethiopia iyo kuwa
dowlada KMG ah ,islamrkaana
xiray agagaarka wadada una
diidey inay isticmaalaan
gaadiidka iyo
dadweynuhuba,iyadoo ay xaafadaha
ka ag dhowna ka bilaabeen
baaritaano hubeed iyo waxyaalo
kaleba .
Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili
uu gudoomiyaha gobolka banaadir
habeenkii xalay ahaa saxaafada u
sheegay inuu talaabo ka qaadi
doono kuwa soo abaabula
qaraxyada waa siduu hadalka u
dhigaye ,islamrkaana sheegay in
maamulka gobolka banaadir lagu
wareejiyey sadex kun oo ciidan
ah oo ay ku wareejiyeen gudiga
amniga qaranka ,taliyaha nabad
sugida gen.darwiish iyo taliyaha
booliska gen.qaybdiid.
Ciidamo Gedoodsan Oo Inqilaabay
Maamulka Gobolka Hiiraan.
Xarunta maamulka gobolka hiiraan
iyo taliska ciidanka booliska
ayaa waxaa la wareegay ciidamo
ka amar qaata col,xubeero
islamrkaana si xoog ah ula
wareegay.
Ciidankan la wareegay xarumaha
maamulka iyo ciidamada ayaa
xiray dhamaan xarumaha ay
dowlada KMG ahi ku lahayd
gobolka hiiraan gaar ahaan
magaalada beled-weyne .
Xiritaankan xarumaha dowlada KMG
ah ayaa ka dambeeyey gedood ay
sameeyeen guutada ciidamada ka
amar qaata col,xubeero kadib
markii ay wayeen wax mushahar ah
oo ay dowlada KMG ahi ka qaataan
islamrkaana ku eedeeyey dowlada
iyo maamulkaba inay ku takri
falaan canshuurta laga qaado
gobolka hiiraan guud ahaantiiba
.
Gedoodyadan ka dhaca gobolka
hiiraan ayaa iskasoo daba noqday
tiro ka dhowr jeer iyadoo ay
dowlada KMG ahina waxba ka qaban
islamrkaana aysan jirin wax
masuul ah oo ka tirsan dowlada
oo ka hadlay arintan .
Dhinaca kale Col,xubeero oo
saxaafada la hadlayey habeenkii
xalay ayaa ugu baaqay
masuuliyiinta sar-sare ee
dowlada inay arintan soo dhex
galaan hadii kale ay noqon
doonto mid meel dheer laga
raadiyo xalintan khiaafkan waa
siduu hadalka u dhigaye .
Xubeero ayaa intaas ku daray
inaysan jirin wax dhibaato ah oo
ay ciidankiisu u gaysteen
xarumaha ay la wareegeen
,islamrkaana gacanta ku haya
inta ay helayaan waxyaalaha ay
tabanaayaan .
Si
kastaba ha ahaatee arintan ayaa
kusoo beegantay xili maamulka
gobolka hiiraan lagu eedeeyey
inay ku takri falaan dhaqaalaha
kasoo xerooda gobolka ,iyadoo uu
hore ugu eedeeyey gudoomiye ku
xigeenka gobolka hiiraan oo lagu
magacaabo gacamey.
Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye
Oo Qaadacay Shirkii Hotel
Shaamoow.
Golaha Guurtida dhaqanka beesha
hawiye ayaa qaadacday inay ka
qayb qaataan kulan lagu
balansanaa maanta inuu ka dhaco
hotel shaamoow ee magaalada
muqdisho.
Khilaafkan ayaa ka dhashay
isqab-qabsi u dhexeeya odayaasha
dhaqanka iyo kuwa dowlada
taabacsan ,islamrkaana keenay
bur bur ku yimaada shir beeleed
loo balansanaa maanta oo ka dib
dhacay labo maalin ka hor.
Sidoo kale kulankan ayaa waxaa
qaadacay odayaasha dhaqanka
beesha hawiye ,iyadoo uu
shirkani loogu gogol xaarayey
shirka dib u heshiisiinta sidii
ay beeshu uga qayb qaadan lahayd
iyadoo ka midaysan dhinaca
fekerka lana xaliyo khilaafka
soo jiitamayey mudad dheer.
Afhayeenka odyaasha dhaqanka
beesha hawiye ayaa ugu baaqay
dowlada inay soo kala gaaraan
arintan murugsan ,islamrkaana
sheegay inay dowlada kula
talinayaan inay siyaasada isugu
keenta shirka laakiin aysan
jirin wax qabiilooyin ah oo
iminka dagaalsan .
Axmed diiriye afhayenka dhaqanka
beesha hawiye ayaa intaas ku
daray inay dowladu ka fiirsato
arimahan shirka ay ku qabanayso
oo ay dalka isku hayaan siyaasad
islamrkaana ay iyagu haday
yihiin beesha hawiye aysan kasoo
hor jeedin dowlada laakiin ay
doonayaan in dhibaatada
soomaaliya gaar ahaan muqdisho
lagu dhameeyo qaab siyaasadeed
waa siduu hadalka u dhigaye taas
ayaana lagu guulaysan karaa .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 5, 2007


|