Miyeysan ahayn damiir xumo dhibaatada
gaartay dadkeenna inaan dusha kala soco uun. Maanta kuweena sida qabow u
akhrisnaya maqaalkan ooy dhici karto una badan tahay inaad haysato
xoriyada aad ku akhrisato maqaalkan, nalal aad ku aragto, biyo aad
cabto, cuno aad cunto, sharaab nooc aad doonto aad cabto iyo kaftan
haasaawe fartana aad jeelkaa ugu fiiqdo waxa dhacay ood indhaha kaga
birigbirigsiiso ayna kuula ekaado waxaan dhici Karin, marmarsiino
darteed kolba gidaar u xagato. Waxaan ku lee yahay waa dhab waa xasuuq
waa baro kaicin waa bah dil waa naxariis daro, Waxaan kaloo ku lee yahay
waa lama qaataan waxa ka dhacay dhulkeenna ku hoos jira Itoobiyaanka.
Xudunta dhibaatada;
Hal eray baan ku lee yahay WAA
GUMAYSI;
Dadkan degan gobolkan waxaad ku garan
inuu gumaysigu dillooday waxay hadba ku sal kacaan war suuqeedka dhiilo,
colaad, farxad. Sheekadoodana waxaa xiiso u yeela hadba inta ay
maqalaan. U fiirso ma dhici karto in qofku uu isagu go’aan lee yahay,
saas darteedna fakir ma jiro ee wuxuu ku xiran yahay qof kale wuxuu
yiraadho inay tahay tallada iyo qo’aanka la qaadanayo, ayadoon la
dhirindhirin hadalka iyo dilka meeshuu ka soo baxay. Waxaan idhi
xudunta dhibaatada waa gumaysi; hadaba ma is weydiinaa waa maxay GUMAYSI
maanta?
Jawaabta addaan kuu daayey laakin
hadaan si fudud u bidhaamiyo waa xoogga kaa hor istaaga inaad fushato
danhaaga gaarka ah iyo mid guud, kol kastana ku mashquulsan inuu xoog
iyo xeeladba kugu muquuniyo.
Dabcan, Gimaysiga Itoobiya waa inuu
ciyaaraa xeeladaas saas darteed ayuu dowladiisa ugu yeedhaa FEDERAL
STATE oo dastuuri ah. Taa macneheedu waxa weeye wadanku wuxuu lee yahay
dowlad, dowlado kale ayaa ku sii hoos jira, ooy dowlada walbaana u madax
banana tahay daneheeda gaarka, waxaana kuligood ka wada dhexeeysa danta
guud. Itoobiya intaa kuma ekaan ee waxay hoosta ka xariiqday oo
dastuurkeeda ku jira kuna qoran in dowladii doonta ay codsan karto
haddii baarlamankeedu isku raaco in dadkeeda afti laga qaado si ay gooni
ugu istaagto (Xornimo).
Doonistii Aftidda
Ayadoo Dastuurka laga ambo qaadayo ayaa
baarlamaankii Soomaaliyeed ee ku yimid si demuqraadiga uu ku taliyey in
shacabka Soomaaliyeed loo ogolaado in Afti laga qaado.
Hadalkan Dowldadii kuma qancin kumana
qanci karto dabcan sida ayada ay la tahay in la soo hadal qaadaa maysan
rabin. Deedna waxay bilowday iska hor keenid aydoo markii hore ugu
golgol xaartay in qabiil walbaa uu urur samaysto, si fowdada meel sare u
gaarto oo cid cid aamintaaba aysan dhicin. Wey guulaysatay, ma ah kaliya
inay falsafadaan ku jabiso shacabka Soomaaliyeed ee degan Itobiya ee
waxay tanina xal fiican u noqotay in lagu burburiyo midnimadadii
Soomaalidii xorta ahayd.
Dad badan ayaa is lahaa markii Itoobiya
ay ka dhabaysay wixii ku qoraan dastuurkeed oo ay Eratariya siiya
xoriyadeed inay adkaan doonto in gobolkan Soomaliyeed la siiyo
xoriyadiisa. Iyakoo sal uga dhigaya in Itoobiya ay noqotay dhul ka xiran
Bad.
Riyaddii Zinaawi;
- Inuu Xeebta Liido ka soo jeesado.
Mar haddii uu lumiyey ama ay ka faro
baxday Eritariya welwelka wuxuu noqday xaggee dekad laga helaa reer
Soomali Land ayaa qoorta hoos dhigtay, deedna waxaa iyana ku dabo
safatay Puntland, waxaa hadyada isu bixisay Muqdisho ugu danbeeyntii
waxaa hadda Itoobiya Hoteeladeeda fadhiya Cabdirahmaan J. Bare iyo
Ayaanle Maxamed Siyaad Barre oo leh anagaa idin kaga fiicnaan doona kuwa
aan ka saarnay magaalada na aamin oo na xujeeya.
Ballantii Zinaawi;
- Xoog ayaan idinku muquurin.
Tashi badan ka dib, odayaal
deeqaameedka killilka Shanaad (Ogaadeenya/ Soomligalbeed) waxay cod
gaaban iyo mid dheer ku yiraahdeen walaal ku dhaqan dastuurka oo yeel
fariinta Baarlamaanka uu ku taliyey. Laakin waxaa la yir Nin ay hali u
muuqato ayaan tu kale arag, Zinaawi wuxuu ku taliyey dagaal.
Dagaalo badan oo ku doonay inuu ku
jabiyo ONLF ayuu qaaday wey suurto gali weyday. Wuxuu bilaabay wado
hadal iyo duqooshin inuu dibada u soo diro. Guul daro.
Mar qudha ayuu Zinaawi liqay
Soomaaliya. Ka dib, waxaa dhacay dagaalkii Cobolla iyo Sandhoore ee
degmada Dhagaxbuur, kaasoo ONLF ay weerar ku qaaday shiinihii
doonayey inuu soo bixiyo shidaalka dhulka ku jira halkaas waxaa ku naf
waayey dad badan oo u badan Soomaali iyo shiinanba.
- Dagaalkii Cobolla iyo Sandhoore ka
dib muxuu sameeyey Zinaawi
Genraalada Ciidanku shirar badan ayey
shacabka la galeen waxayna u sheegeen in shacabku noqon doono mid
dowlada raac iyo mid nabada diid ah. Dagaalna ay la gali doonaan. Ciidan
xoog badan ayey ku dul xireen magaalooyinkii Dahagax buur, Qabdir
darha, Wardheer, Jigjiga iyo meelo kaleba. Weerar cir iyo dhul isugu
jira ayey qaadeen.
Dhibaatada shacabka gaartay.
Howlgalkoodii wuxuu noqday in shacabka
lagu sameeyo;
- In biyihii laga xiro.
- In korantadii laga xiro.
- In telephonkii laga xiro.
- In baayacmushtarkii laga xiro.
- In isu socodkii la xanibo.
- In ciiddan lagu xeendaabiyo
magaalooyinka.
- In reer baadiyihiii lagu khasbo
inay soo galaan magaalooyinka .
- In askari uu ku toogan karo il ku
arag.
- In ciidanku uu gubo reeraha lagu
tuhunsan inay taageeraan Jabhada ONLF.
Howlgalka Tigraayga uu ku shaqeeyo.
Falsafada ah;
- Qaybi oo xukun.
- Qaybi oo isku dil.
- Qayba xukunka u dhiib.
Mudo dheer ayey u shaqaysnaysay
falsafadaan, ilaa hadda dowladaha wax gumaysta wey isticmaalaan. Eeg
waxyaabaha ka dhacay Falastiin, Afgaanistaan, Iraaq iyo meelo badan oo
lagu xad gudbo. Tii ugu danbaysay ee Itoobiyaanku u isticmaalaay
Soomaaliya qaybi qaybi, qayb kalana ku qabso qaybtii harsanayd. Qayb
kastaan meel u dhiib. Qaybna qaybta kale ayeyna u gudbin.
Fillan waaggii ka soo baxay.
>>> Guul Guul Guul
Dhibaataddii ayaa cirka isku
shareertay, isku socodkii markii uu yaraaday qofkii la arkaa isagoo
socod toogasho lagu xukumay, raashin soo gala magaalooyinkii la waayey
oo macayshadii la gooyn kari waayey. Weeraro cir iyo dhul lagu qaaday
reerihii oo dilka shacabka loo xaleeleeyey askari Tigraayga. Ardaydii
macalimiintii, shaqaalhii lagu khasbay inay qoriga qaataan. Ganacsatadii
la wada xirxir iyadoo loogu aaneenayo Qabiilkood.
Intaas oo ciriir ka dib,
- Shacabku waxay muujiyeen markii u
horaysay inay fahmeen gumaysiga.
- Shacabku waxay goosteen inay
qaybsadaan dhibaatada oo gurmad isu geeyaan.
- Shacabku waxay muujiyeen in xaalad
kasta oo xun lagaga bixi karo midnimo iyo adkaysi.
- Shacabku waxay ku dhaqaaqeen in ay
magaalooyinka faaruqiyaa.
- Shacabku oo ay hoggaminayaan
siyaasiyiin iyo salaadiin waxay fool-ka-fool uga hor yimaadeen
cadowga, taasoo dhaxalsiisay dil iyo xiriga.
- Shacabka ku nool dibadaha waxay
hiil iyo hoob la garab istaageen dadkooda dhibaataysan.
- Shacabka ku nool dibadaha waxay ku
muujiyeen khusayntooda baanaanbaxyo iyo kullamo laga hadlayo
culayska iyo arxan darada ay gaysteen ciidamada.
Ballantii Zinaawi way fashilantay waxaa
khasab noqotay in la furo quutul yoomigii, biyihii, telefoonad,
korontadii iyo isu socodkii. Taasna waxay hoosta ka xariiqday guul ay
gaartay Jabhada ONLF iyo shacabka Soomaaliyeed.
Caalamku wuxuu garowsaday in tacdi
xuquuqul insaanika ka dhan ah ay gaysteen ciidamada Itoobiyaanka ee ka
dagaal galay Ogaadeenya.
Waxaa qoray Saaxiibkaa walaalkaa;
Maxamed Jaamaca
Mohjama1@yahoo.com