Daabaco Boggan | Print
Qaabka
Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji

Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka
Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
|
:::GEEDDI & TERRA NUOVA ::: |
Geeddi
oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu
Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha
Akhri |
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE::: |
Gabay:
Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku
ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine
Akhri |
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR::: |

Qormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri..... |
:::KOOSHIN MAXAMED::: |
Fadeexad Haysata
Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka...
Akhri |
:::MAQAALKII HALDHAA::: |
SOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A
|
B | C |
E |
:::MAQAALKII CAAQILKA::: |
Sidee
Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in
dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri... |
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH::: |
YAAGABLAMI,YAASE
GOOD DILI

Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi
Spanish |
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA |
Riigga
Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya
Akhri... |
:::Dr. CALI NUUR::: |
Gabha
Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee
Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali
Nuur |
:::GABAYGII DR. C/LAAHI |
Doofaarta
Raacdiyo Amxaar:
Nin qabyaalad
falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii
Dr. C/laahi Spanish |
:::GABAYADII XIIRANE ::: |
Gabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare...
Akhri |
:::GABAYGII: SHIINE::: |
Gabay: GUUBAABO QARAN...
Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey
AKhri |
:::TIFATIRKII LAFOOLE::: |
AW JAAMAC CUMAR CIISE::
Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta-
Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire:
C/Risaq Lafoole
|
:::MURTIDA MAANTA::: |
Meles Zenawi:
Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan
Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka
Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama
VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Akhri...
QAYBTA:
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 | |
:::TAARIIKH::: |
DHACDADII YARMUUK & KHAALID
BIN WALIID |
:::SHIRKII HAYB-SOOCA::: |

Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay
Minneapolis,
oo lagu magacaabay guddi... Akhri
Dr.
Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii
Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka..
Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY
|Xuseen |
:::MFA: WASAARADA A/D::: |
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan
Soomaaliya
Himilada
iyo Siyaasadda Itoobiya...
Akhri.... |
:::JAAMACADDA MUQDISHO::: |

Jaamacada Muqdisho oo La
Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho |
:::MAQAALKII ALLMAN::: |
Baydhabooy
Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo
Qore: Maxamed Allman |
:::MAQAALKII M.BAASHE::: |
Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe |
:::GABAYGII DHAGAAFE::: |
Qaadan
Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri... |
:::GABAY: GOBANIMO::: |
Gobanimo:
Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada,
Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye...
Akhri |
::WARAYSI: FAARAX MACALIN:: |
SomaliTalk
oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad
looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya
Dhegeyo
|
:::MAQAALKII EELAY::: |
WAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf)
Qore: Eelay. Guji...
|
:::GANACSIGA NASAREED ::: |
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya
- ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji |
|
Sawiradan waxaan gaar ugu soo qaatay waa iyaga
oo badidood yihiin kuwa arimaha soomaaliya daneeya oo isugu jira madax
dhaqameed ,culimaau diin .abwaanno ,wariyayaal .qoraa,hogaamiyayaal,iyo
aqoonyahanno , iyo ciidamdii xoogga dalka .badidood waxay raad ku leyihiin
xaaladda siyaasadda maanta ee dalka.
qoraalkuse in kasta oo uu qaarkood si toos ah
u khuseeyo hadana su,aashaydu waxay ku jeedaa umadda soomaaliyeed oo dhan
iyo qof kasta oo ka damqnaaya dhibka umadda soomaaliyeed danaynayanaan in
umadani dhibka ay ka baxado.waxaa
laga yaabaa in qaar badani is weydiiyaan maxaad ugu dari weyday madaxda
somaliland taasna jawaabteedu waa sahal oo qadiyadda somaliland maanta
xiligan la joogo lagum dhex qasi karo xaaladda soomaliya ka taagan.
scw: salaan ka dib waxaan umadda soomaaliyeed
meel kastoo ay joogaan u rajaynayaa khayr iyo barwaaqo iyo nabad waarta oo
ka dhalata dalkeenna iyo inaga oo garana danteenna iyo tan dhalaanka dhalan
doona maalmaha soo socda iyo qarniyada soo socdaba.
Su,aashayda inta aanan ku bilaabin waxaa qof
walbaa ogayahy in aynu ku jirnay rafaad iyo dhib muddo hadda laga joogo 120
sano oo ah laga soo bilaabo xilligii gumaysigu soo galay geeska afrika iyo
gaar ahaan dalkeenna soomaaliya , xilligaas oo ah bilowga is nabcaysiga iyo
is naca soomaalida iyo in la arko soomaali si dhab ah qalbiga isaga neceb.
waxaa laga yaabaa in dad badani ay
aaminsanyihiin si ka duwan aragtidayda in kastoo aan u arko in aragtidaydu
aanay wada sax noqon karin oo ay tahay fikir baniaadam hadana waxaan
kalsooni weyn ku qabaa in aan aad ugu dhowahay xaqiiqada.
Haddii aan wax yar idiin guud maro gumaysiga
ka hor soomaalidu waxay isku dili jirtay biyaha iyo daaqa xoolaha ,
dagaalkaas oo ahaa mid looga gudbo si sahlan loona heshiiyo inta geed la
hoos fariisto iyada oo iska daa shisheeye e labada reer oo dagalaamay aan
reer sadexaad soo dhex geli jirin ilaa marka heshiisku dhaco oo la soo af
jaro coladii iyo dhibkii jiray markaas mooyaane.
Maanta waxaa yaab ah in soomaalidu markii ay
dagaalanto ay colaadu gaarto ilaa 30 sano ama ka badan lana waayo cid so
afjarta colaadaas iyo nacaybka ka dhasha loona gudbiyo kuwa dhashay
colaadaas ka dib aana la socon balse uun lagu beeray nacaybka reer hebel.
Waxaa wax lala yaabo ah in wiil yar oo 15 jir
ah uu maanta ku doodo ama ka faaloodo colaad dhexmartay reerkiisa iyo reer
kale isagoo warka uu haystaa uu yahay kutiri ku teen ay reerkiisa iyo
qoyskiisu u laqimeen ama afka u geliyeen.
Dagaaladii u dambeeyey oo 17 sano ee la soo
dhaafay socday waxaad moodaa in ay umaddu u malayso wax bilowday 17kaas sano
balse anigu waxaan aaminsanahay in ay yihiin wixii ka soo baxay 100 sano ee
tegay iyo dhibaatooyinkii umaddu kala galaysay.
Maanta waxaan gaarnay in aanaan ku heshiin
karin sheekh caalim ah oo reer walba uu sheekhiisa u haysto sheekha wax
yaqaan,sidoo kale aqoonyahankooda iyo siyaasigooda.
Waxaan gaarnay inaanaan ku heshiin oo aynaan
isku raaci karin hogaamiye ama halyeey qaran oo soomaaliyeed oo nin walbaa
uu mid u haysto halyeey.
Waxaa dhacda in nin reer u haysto halyeey ay
reerka kale u haystaan inuu yahay arxanlaawe umadda kal dhameeyey,aana lagu
tilmaami karin wax wanaag ah taariikhna loo ogolaan karin.
Sayid maxamad cabdulle xasan oo halgankii
daraawiishta aabe u ahaa dad badan ayaa u yaqaan dhiig yacab .
Dowladda pakistan waxaa ilaa maanta suran
xafiiska madaxweyne kasta oo soo mara pakistan sawirkii aasaasahii pakistan
Muxammad Cali Jinaax , sidoo kale waxay aad u qiimeeyaan gabayaagii weynaa
ee Claalma Muxamad Iqbal.Caalamaka badidiisuna waa isku raacsan yahiin
halyeygooda iyo halgamayaashooda.
Maanta waxaan arakay in dad badan oo soomali
ah ay shaki gelkiyeen syl ,qaar kale ay xitaa Aaadan cadde iyo
shakhsiyadiisii diideen inuu ahaa aabbe qaran oo soomalinimo ku sifoobay,
halka aan arkay kuwo xaaji aadan afqalloc iyo suldaan tima cadde diidan inay
ahaayeen wadaniyiin soomaaliyeed Waxaa waxaas oo dhan ka sii daran in aan
qarinamadii ku kala tagnay oo maanta in aan noqono jamhuuriyado badan ay
dhici karto oo loo kala baxo ilaa 8 dal oo kal gooni ah yaanba ictiraaf
dowli ah la heline.
Dhibkaas aan sheegay iyo khilaafkaa xoogan
waxaa ka daran dulmiga iyo dhibka haysta umadda soomaaliyeed gaar ahaan
haweenka iyo caruurta loo geysanaayo tacdiyada iyo xasuuqa , iyo joogitaanka
uu dalkeenii maanta ay joogaan ciidamo itoobiyaan ah oo weliba ku sugan
caasimaddii dalkeenna hogaankiisana ay wax ka hayaan iyo taladiisaba.
Allow shacabku daalyaye
Dulmaa lagu dhameeyaye
Dumarkiyo caruuraha
Allow lama daneeyee
Allow lama daweeyee
Allow sida dugaagaa
Xumaan lagu daldalayaa
Allow daayin baad tahay
Allow daymo soo dhugo.
Allow roobka da,ayaba
Adaa noogu deeqaye
Allow dayrta kaa da,ay
Intaan dooggu soo bixin
Allow nagu dabiiboo
Allow daahir naga yeel.
Waxaa wax laga naxo ah in maanta ay dhibaatadu
ku habsatay dhalinyaradii waayeelkii iyo qaybahii bulashada oo dhan,
caalamkuna ka yaabanyahay dhibaka iyo rafaadka haysta dadkeena. waxaa waxa
laga naxo ah in wiil yar oo aan garin 15 sano uu dul fuulo qori kuna
xasuuqaayo dadkiisa isaga oo aan garanayn waxa uu u dagaalamaayo.
Waxaa aad arkaysaa hooyooyin iyo caruur yaryar
ah oo qaxaaya oo rafaadsan gaajo iyo haraadna uu dilay,waxaad kaloo arkaysaa
waayeel dayc iyo dhib oo dhami uu ka muuqdo.
sawirka hoose waa magaalada muqdisho oo ku
sugnayd markaas nabad iyo barwaaqo.
sawirkan waxaa laga yaabaa in aan caruur
badani arag weligood waa shirkadii somalita oo dhoofin jirta mooska ahaydna
shirkad caalami ah.
somali air lines waa shirkaddii diyaaradaha
soomaaliyeed.
waa aaabahii ciidanka xoogga dalka
soomaaliyeed jenaraal daaud cabulle xirsi alle ha u naxariisto.
waa masjidkii isbahaysiga islaamka ,maanta
sidee yahay subxaanalaah.
Hadaba haddii aan u soo laabto su,aashaydii
ahayd maxaa soomaali u dan ah idinka ayaan diin dhiibay gaar ahaan
aqoonyahaynka iyo culimada iyo dhalinyarada soomaaliyeedba ma waxaa xal ku
jiraa inaan dagaal iyo colaad ku jirno mise inaan u soo jeensano danta dalka
iyo dadka soomaaliyeed ee masuulidiisu ina saarantahay allena inagula
xisabtami doono.
waxaan idn leeyahayn miyaan la gaarin waqtigii
aan ka bixin lahayn qabiil iyo nin jeclaysi iyo in aan u xisaabtanno sidii
cadowgii oo aan meel u wada jeensanno hogaankana u dhiibano kuwa ku sifoobay
daacadnimo iyo wanaag iyo jacaylka nabadda soomaaliyeed.
waxaan idiin rajaynayaa nabad iyo khayr iyo
dalkeenna oo nabad ku waara iyo horumar.waxaan ku soo gunaanadaaya erayo
kamid ah gabay aan hore u qoray.
Allow diiftii waayaha
Dadku ay illoobaan
Allow dunidu aragtaa
Soomaaloo dalweynoo
Bixinaaya deeqoo
Moos laga dalbanayoo
Dunidana dhamaanteed
Looga soo dalxiisaa
Allow dunidu aragtaa
Iyadoo damaashaad
Dacalada garoowiyo
Dekeddii kismaayiyo
Diin soor ilaa xamar
Daaraha hargeysiyo
Ilaa degelka laasqoray
Durduriyo hadaaftimo
Ilaa webiga dananee
Ilaa webiga dananee
Daafaha buraan mara
Dhahar damaladeediyo
Xingalool dikriyayaan
Baatroolna dirayaan
Dibadaha u dhooofshaan.
Allow derisku naga baqo
Allow damaca xabashigu
Dib intuu u sii laqo
Cabsi lagu dulleeyaa
Allow degelka naga maqan
Duullaan intaan diro
Dadkaygoo walaala ah
Dib u soo xoraynaa
Shantii dabar ku xidhanaa.
Allow daacad baan ahay
Allow daahir baan ahay
Allow dawga nebigii
Ruux daayimaan ahay
Allow duqa bashiiree
Dikirayaa idhalayee
Allow duqii caduurbaa
Awoow iigu soodega
Allow dacal la eegaba
Diir saalixaan ahay
Alloow ducada iga qabo
Aamiin dadow dhaha
Marbuu dalabku furnyahay
Aaaaaaaaaaaaaaaaamiin
Dhamaad
Maxamad bashiir jaamac
Gumburi1885@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2007


|