W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
-
Amaanka Caasimada Muqdisho
Oo Aad Looga Dayriyey Xili
Uu Soo Dhow Yahay Shirka Dib
U Heshiisiinta Qaran.
-
Punt-land Oo Ku Dhawaaqday
Inay Maamul Ahaan Uga Soo
Qayb Gelayaan Shirka Dib U
Heshiisiinta Qaran .
-
Beelaha Harti Waamo Oo Isku
Khilaafsan Qaabka Ay Uga Soo
Qayb Gelayaan shirka Dib U
Heshiisiinta Qaran.
-
Dhiiladii Colaadeed Ee Ka
Taagnayd Tuulada Coomaad Ee
Gobolka Hiiraan Oo Lasoo
Afjaray.
- Jabhada ONLF Oo
Sheegatay Inay Guulo Ka
Gaareen Cadowga Ethiopia .
Amaanka Caasimada Muqdisho Oo
Aad Looga Dayriyey Xili Uu Soo
Dhow Yahay Shirka Dib U
Heshiisiinta Qaran
.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xalay Saqdii dhexe ayaa
israsaasayn aad u culus laga
maqlayey jidka wershedaha ee
magalada muqdisho xili ay
magaladu tahay bandow oo aysan
jirin isu socodka gadiidka iyo
dadweynaha .
Israsaasayntan ayaa lala
beegsaday bar cantarol oo ku
taala isgoyska ifka xalane
halkasoo ay ku suganaayeen
cutubyo ka tirsan ciidanka
dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia
,israsaasayntan ayaa soconaysay
mudo sodon daqiiqo ah iyadoo
laysu adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan .
Goob jooge halkaas ku sugnaa oo
diidey in magaciisa la shaaciyo
ayaa tibaaxay in khasaare baaxad
weyni soo gaaray ciidamada
dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia
,islamrkaana uu goob joogahaasi
xusay inuu arkayey isagoo ku
sugnaa meel aan sidaasi uga
dheerayn ciidamada huwanta ee
dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia
oo dhaawacyadooda laga
daadguraynayo goobtaas.
Maaha markii ugu horaysay ee
sidan oo kale lagu weeraro
fariisimada ciidamada isku
dhafka ah ee Ethiopia iyo kuwa
dowlada KMG ah asbuucan
horaantiisa ayay ahayd markii
xili habeenimo ah la weeraray
barta cantarol oo ay leeyihiin
ciidamada dowlada KMG ah oo ku
yaala isla goobtan xalay la
weeraray.
Si
kastaba ha ahaatee amaanka
caasimada muqdisho ayaan laysku
halayn karin islamrkaana u
muuqda mid faraha kasii baxaya
xili uu fooda inagu soo hayo
shirka dib heshiisiinta qaran ee
lagu balamay inuu dhici doono
15-ka bishan july ee aynu ku
jirno.
Punt-land Oo Ku Dhawaaqday
Inay Maamul Ahaan Uga Soo Qayb
Gelayaan Shirka Dib U
Heshiisiinta Qaran .
Shirka dib u heshiisiinta qaran
ee beelaha soomaaliyeed oo ku
aadan 15-ka bishan july ee aan
ku jirno aya waxaa socxonaya
dadaalo lagau doonayo in lagu
soo ururriyo ergooyinka ka qayb
gelaya shirkaas kaasoo ay qaban
xoogan ugu jiraan gudiga dib u
heshiisiinta islamrkana ay
warqadihii xaflada kasoo qayb
galka ukala direen gobolada
dalka sida uu sdaxafada u
sheegay shir gudoonka shirka
beelaha soomaaliyeed cali mahadi
maxamed .
Hadaba waxaa soo baxaya warar
sheegaya in maamulka punt-land
oo madaxda ka yahay Gen cade
muse xirsi inay shaaciyeen inay
shirkaas uga soo qayb geli
doonaan qaab maamul ahaaneed
,islamarkaana aysan jiri doonin
wax qabaa,il ah sida uu
saxaafada u sheegay cali jaamac
oo u hadlayey maamulka punt-land
.
Cali jaamac ayaa mar uu ka
hadlayey qaar ka tirsan
warbahinta muqdisho ayaa
tibaaxay inaysan haday yihiin
mamulka punt-land ay shirka uga
soo qayb geli doonaan qaab mamul
ahaneed ,islamrkaana aysan jiri
doonin qaab beeleed waa siduu
hadalka u dhigaye ,cali jamac
ayaa mar la weydiiyey su,al
ahayd madama aad shirka uu yahay
qaab beeleed sidee isu
waafajinaysaan arintan ,ayuu
waxuu ku jawabay anagu maamul
ayaa ka jira goboladayada marka
looma baahna qabiil .
mud,cali jaamac ayaa la
weydiiyey su,aal kale oo ahayd
guud ahaan gobolada punt-land ma
isku raacsan yihiin arintaas
,ayuu waxuu ku jawabay haa wayo
punt-land maamul ayaa ka jira
marka looma baahna inay uga soo
qayb galaan qab beeleed .
cali jaamac ayaa sidoo kale
waxaa la weydiiyey waxaa soo
baxaya warar sheegaya inay
gobolada SSC ay ka biyo diidsan
yihiin arintaas maxaa ka jira
,waxuuna ku jawabay adeer
arintani maamulka punt-land ayay
u taalaa loomana baahna dad iska
hadla oo aan wax masuuliyada
hayn.
Hadalkan kasoo baxaya maamulka
punt-land ayaa kusoo beegmaya
xili u khilaaf ba,ani hareeyey
qaar ka tirsan gobolada hoos
taga maamulka punt-land
,islamrkaana ay ismida gobolada
sool ,sanaag iyo buuhoodle
qarkood ku dhawaaqeen inaysan ka
qayb geli doonin shirkaas.
Beelaha Harti Waamo Oo Isku
Khilaafsan Qaabka Ay Uga Soo
Qayb Gelayaan shirka Dib U
Heshiisiinta Qaran.
warar kala duwan ayaa kasoo
baxaya beel-weynta harti waamo
ee ku dhaqan gobolada jubooyinka
sidii ay uga qayb geli lahaayeen
shirka dib u heshiisiinta qaran
ee ka dhacaya magalada caasimada
ee muqdisho bishan aynu jirno
bartamaheeda .
Khilaafkan ayaa ka dhashay
xubnaha ka qayb gelaya shirka
sidii loo qaybsan lahaa sida ay
saxafada u xaqiijiyeen ilo lagu
kalsoon yahay oo magalada
kismanyo ku sugan ayaa sheegay
inay xubnahasi dhamaan
marooqsadeen hal beel oo ah
beesha uu kasoo jeedo madaxweyne
c/lahi yusuf.
Sidoo kale warka ayaa intaas ku
daraya in kulan ay isugu
yimadeen beelaha harti waamo uu
ku dhamaaday faro taag taag ka
dhashay sidii loogu heshiin
lahaa xubnaha loo qoondeeyey
qayb ahaan shirkaas,iyadoo uu
soo wajahay beelahasi is eedayn
iyo buuq fara badan.
Mid kamida aqoon hayaniinta ku
dhaqan magalada kismanyo oo
kasoo jeeda beelahasi oo
magaciisa diideyu in la shaciyo
ayaa saxafada u xaqiijiyey
inaysan jirin wax heshiis ah oo
ilaa iyo hada dhex maray beelaha
harti wamo balse ay ku balameen
inay dib u kulmaan mar labaad si
loo dhameeyo khilaafkan soo
wajahay beelahan
Ugu dambayntii marka ay timaado
wax qaybsiga beelaha
soomaaliyeed dhexdooda ayaa
badanaba waxaa soo wajaha
khilaaf ka dhasha sad bursi
beeleed oo badanaaba keena
khilaaf.
Dhiiladii Colaadeed Ee Ka
Taagnayd Tuulada Coomaad Ee
Gobolka Hiiraan Oo Lasoo
Afjaray.
Tuulada Coomaad oo 180-km
dhinaca bari ka xigta magaalada
beled -weyne ayaa waxaa dagaal
uu dhiig ku daatay ku dhexmaray
labo jufo oo beesha xawadle
kasoo wada jeeda ,iyadoo laysu
adeegsaday hubka kala duwan.
Dagaalka ayaa waxuu ka bilowday
ceel biyo cabeen ah oo laga
qodayey tulada coomaad taasoo
jufada kale u aragtay inay
wadadto hal koox sida u saxafada
u sheegay ugaaska beeshaasi
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo
dfhowanahanba ku sugnaa tuulada
coomaad ,islamrkaana dushiisa ay
ku dagaalameen labada beelood.
Khasaaraha dagalkan ka dhashay
ayaa lagu soo waramayaa inuu
gaarayo 12-dhimasho ah iyo
15-dhaawac ah iyadoo uu dadka ku
dhintay dagaalkan uu ku jiro
oday dhaqameed si weyn looga
yaqanay gobolka hiiiraan.
Daminta colaadan ayaa waxaa u
gurmaday maamulka gobolka
hiiraan iyo kan degmada
beledweyne , culimo-udiinka iyo
bulshada rayidka ah tasoo ay
kusoo afjareen in si nabad gelyo
ah ceelka looga qodo tuuladasi
islamrkana ay si nabad ah ku
wada cabaan beelahaasi halkasi
dirirtu ku dhexmartay.
Jabhada ONLF Oo Sheegatay
Inay Guulo Ka Gaareen Cadowga
Ethiopia .
Warar laga soo xigtay wakaalada
wararka yemen ayaa tibaaxaya
inay jabhada ONLF ay ciidamada
Xukumada Ethiopia ka dileen
todobaadkan aynu ku jirno
43-askari kadib markii ay iska
hor imaadyo hubaysan iskaga ho
yimaadeen meelo kamida gobolada
ismaamulka soomaalida ee kilinka
shanaad.
Warka ayaa intaas ku daraya in
Jabhadda Xoreynta ONLF ayaa
sheegatay in ay khasaare baaxad
leh u gaysteen ciidamada
ethiopia islamrkaana ay guutoka
tirsan ciidamada axmaarada oo
fariisin ku lahaa deegaanka
shilaabo ee ismamulka soomaalida
ee kilinka shanaad ay iskaga hor
yimaadeen kadibna halkaas uu ku
dhex maray dagaal culus oo ay
gacanta kaga dhigeen hub
noocydiisa kala duwan iyo weliba
maxabiis dhowr ah .
Ilo wareedyo laga helayo
masuuliyiinta jabhadda ONLF ayaa
sheegaya in dilka 43daan askari
uu yimid ka dib markii weerar
qorsheysan lagu soo qaaday
fariisinka ciidamada ethiopia ay
ku lahaayeen magaalada shilaabo
islamrkaana ay maxaabiis dhowr
ah ka qabteen.
Sidoo kale wakaalada wararka
dalkaasi yemen ayaa intaasi sii
raacisay in nin u hadlay
ciidamada xukumada melez zanawi
ayaa iska fogeeyey inaysan jirin
guusha ay sheegteen jabhada
xoraynta ONLF
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com