Maxaad
kalasocotaa Marxaladihii uusoomaray midowgii labada gobol
waqooyi iyo koonfur?.
Rashiid Shiikh
max'med (Danjire)
rashaad5@hotmail.com
Qaybtii 2aad
Madaxbanaanidii Somaliland ,
Umad kasta oo
kuhoosnool arxandarida Gumaysiga midabkuudoonaba halahaadee ayaa
waxaa hubaal ah in xilli kamida xiliyada waayaha Dunida
dhagahoodu maqlidoonaan Xoriyad si ay uga madaxbanaanaadaan
gumaysiga ugunaaloodaan Dalkooda Hooyo oo xor ah.
Hadaba Maxmiyadda
Somaliland oo in muddo ah latacalaysay siday mar uga
madaxbanaanaan lahayd Gumaysigii Boqortooyadii aan gabalkeedu
dhicin ee Biritishka ayaa Waxaa lagaga dhawaaqay magaalada
London 3-dii may 1960 in Maxmiyadda Somaliland ay helayso
Xoriyaddeeda 26-ka june1960 ka.
Wuxuu kudhawaaqay
Wasiirkii Mustacmaradaha Engiriisku Maak liyood isagoo
kahadlayey Shirkii looga wada hadlayey Xoriyad gaarsiinta
Maxmiyadda Somaliland.
Wuxuu sheegay in
xukuumada Boqortooyadiisu ay sidhab ah u ogtahay in
Hogaamiyayaasha Maxmiyadda Somaliland iyo Siyaasiyiintooduba ay
markale kusheegeen sida ay ugagoantahy in aydoonayaan Xoriyad
iyo Midow 1-da jully 1960 warsaxaafadeedkoodii ay kasoowada
saareen Muqdisho.
Iyadoo lafulinayo
ayuu yiri siyaasadda Xoriyad gaarsiinta ee uu ku dhawaaqay Seer
leyonokis Biod arinta kusaabsan waxa ay doonayaan Golaha
sharcidajintu,waxay Xukuumadayadu diyaar utahay in ay qaadato
talaabooyinka loobaahanyahay si arimaha Midowgu ay unoqdaan kuwa
mira dhala xilligooda.
Waxaa heshiiskaas
usaxiixay dhinaca Engriiska Wasiirakii uqaabilsanaa arimaha
Mustacmaradaha.
Dhinaca Somaliland
waxaa usaxiixay wafdigii kakoobnaa wakiilkii Engriiska ee
Somaliland Seer Doglas iyo afar wasiira Somaliyeed ah.
Sixiixii
heshiiskaas kadib waxaa halkaas kahadlay Wasiirkiii
Mustacmaradaha oo sheegay in Engriisku uu siinayo kaalmo
Dhaqaale Xoriyadda kadib,Taas oo sandkasta ay u helidoonaan
sijoogta ah.
26-june 1960 kii
waxaa Somaliya oo dhan looga dabaaldagey Xoriyadda Gobolada
waqooyi kuwaas oo ahaa gobolkii ugu horeeyay dalka somaaliya ee
baaxadda wayn oo hela Xoriyadiisa.
Waxaa wasaardii
ugu horaysay madax kanoqday Mudane Maxamed ibraahim Cigaal taas
oo Shan maalmood kadib kubiirtay 1-jully 1960 kii Somaliwayn
ayana wada qaateen magaca Jamhuuriyadda Somaliya.
Xafladdii
Xoriyadda ee Maxmiyadda Somaliland waxaa kasooqayb galay wafdi
Somaliyeed oo uu hogaaminayey Mudane Aaden C/lle Cismaan,
Safiirkii Midowga Carabta u fadhiyay Somaliya Al-sayid muxib
Al-samra iyo Safiirkii Maraykanka ufadhiyey Somaliya oo wakiil
ka ahaa Dowladiisa iyo wariyayaal badan.
Hadaba ma ahan
arin sahlan in ay Dal iyo Dad balaaran ay hal marwada helaan
Xoriyad iyo Midow wada jira,Mana ahan in waqti yar iyo maskaxyar
toona lagu helay.waxaa hubaal ah in ay dibindaabyo badan
loomaray dadbadanina kuwaayeen Naftoodii iyo Maalkoodiiba.
Waxaa hubaal ah in
dadkii maalintaa joogay iyo kuwa manta uu u dhaxeeyo farqi wayn
iyo argtiyo kaladuwan!!.Waayo kuwii hore waxay qabeen in inta
lahayo lamideeyo inta maqana labaadidoono,Sidaana dhidibada
loogutaago Somaliwayn leh Calan iyo Ciidan qura.Halka kuwa manta
ay qabaan in Beelkastahiba noqoto Dowlad Calan iyo Ciidan ugaara
leh.
iskusooduube waxaa
hubaal ah in ay natiijada kadambaysa ay tahay mid aan
lamahdindoonin mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Talyanaigu muxuu kayiri midowgii iyo xoriyaddii
somaliya?:
Dowladda
Talyaaniga oo kamid ahayd Dowladihii lagu jabiyey Dagaalkii
labaad ee Aduunka ayaa dadaal wayn ugashey sidii somalidu
gacnteeda ugu baaqi ahaan lahayd,soona bandhigtay qorshe ah in
Somaliya Maxmiyad lagaliyo .Taas oo ay ulajeeday in somaliya
gacanteeda kusii jirto xilli kale. iyadoo kacabsanaysay in
maadaama ay kamid tahay xulafadii lagujabiyey Dagaalkii labaad
ee aduunka ay suuragaltahay haddii Somaliya ay hesho xoriyad iyo
Midow wada jira ay waynayso dana badan oo ay kulahayd Somaliya.
Sidoo kale haddii
somalidu kuguulaysan lahayd kamidnoqoshada Dowladihii
Barwaaqosooranka ee Engriisku horboodayey,wuxuu Talyaanigu
khsaari lahaa 70% maalgashigii uu kusameystay Somaliya.
Sidaa owgeed ayuu
Talyaanigu kashaqeeyay in aan Engiriisku soogalin arimaha
Somaliya isagoo ay taageerayeen jaaliyadihii Somalida iyo
Dagaalyahanadii somalida oo ahaa 20,000 kuwaas
kabarbardagaalamay Ciidamadiisii xiligii uusocday dagaalkii 2aad
ee aduunku.
Talyaaniga oo
kuguulaystay xiligii Maxmiyadda inuu sii xoojiyo xiriirkii
joogitaankiisa iyo iskuxirka suuqyadii Ganacsi,iibgaynta
badeecadaha kalagadisan iyo arimo kale oo dadajinayey danihiisa
ayaa ku dhawaaqay in arinta kusaabsan dhalashada Dowlad
Somaliyeed oo madax banan oo kakooban Somaliya iyo maxmiyaddii
Somaliland laga bilaabo 1-da jully 1960-ka ay tahay arin aan
Tallyaaniga khuseyn,balse ay tahay mid utaala Somaalida oo
kaliya.Taas oo ahayd diidmo cad oo uu kudiidanaa Midowga iyo
Madaxbananida Somaalida si aanay u dhumin danihiisii Dhaqaale,
Ganacsi iyo Siyaasadeed.
Engiriiska
muxuu kayiri ?:
Engiriisku oo ahaa
Dowladii u istaagaty burburinta iyo qaybqaybinta wadankii
somaliwayn shantiisii qaybood,Gacantana u galisay qaybo kamid ah
Ethiopia iyo Kenya.islamarkaana kufashilmay mashruuciisii ahaa
in Somaliya ku biirto Barwaaqasooranka amaba ay maxmiyadeeda
hoostimaado ayna horyaaleen dalabshadii shacabiga Somaliland ay
kadalbanayeen madaxbananida ayaa ku dhawaaqday mowqifkeeda ku
aadanaa Somalaiya.waxuuna sheegay in aysan aqoonsanayn
mabda,ahaan midowga Konfurta iyo Waqooyiga waxaana waajib ah
ayuu yiri in ay arinkaas kawada hadlaan Talyaaniga iyo
Engiriiksu.
Ethiopia
muuqaalakee ayey kabixisay?:
Afhayeen wasaradda
arimaha dibadda ugahadlay magaalada London ayaa sheegay in ay
xabashidu doonayso Xoriyadda Somaliya,laakin Midowga labda gobol
uu dhibaato kuyahay shucuubta gobolka dagan
nabadgalyadooda,suuragalna maahanbuu yiri in an aqbalno Midowga
Somaliya oo ulajeedadeeda dhabta ahi tahaybuu yiri isticmaar
cusub.
Sidoo kale
Embaraadoorkii xabashida yaa uyeeray safiiradii u fadhiyey
Marykanka,Engriiska,Faransiiska iyo yoguslafiya uuna kulakulmaey
Qasriga madaxtooyada. wuxuuna usheegay safiirada xaaladda
kahtarta ah oo soo waajahday Geeska Afrika,Wuxuu kaloo u shegay
in xabashidu aysan marnaba aqbalayn danaha shihseeyaha taas oo
khatar ku ah Nabadda iyo jiritanka xabashida.isagoo hadalkiisii
siiwatana wuxuu yiri "Naadinta lanaadinayo midaynta Somalaiya
waa arin ku qotonta dano ajnabi kuwaasoo ah wajiga kowaad in
xabashida lagagooyo gobolada buurlayda ee kuyaala bartamaha
xabashida. Wuxuuna kusoo gabagabeeyey in ay xabashidu si xoog
leh udiidantaay shirqoolkaas.
Fransiiska
siduu u arkay midowga iyo madaxbananida somaaliya?:
Faransiiska oo
markasta kasoo horjeeday Xoriyadda iyo Midowga Somaliya toona
ayaa jenaraal Deegool ku dhawaaqay 1959 in Somalida faransiisku
gumaysto (jabuuti) ay tahay mid aan marnaba kago,ayn
faransiiska.
Maraykanka: waa maxay aragtida maraykanku?:
Waxaa jiray dano
Dowladda Marykanku kalahayd somaliya oo sooifbaxay markuu
dhamaday Dagaalkii labaad ee aduunku kuwaas oo uu doonayey in uu
saldhigyo milatari kahelo Geeska Afrika gaar ahaan Ethiopia iyo
Somaliya iyagoo waliba sigaara udanaynayey Somaliya,Waayo Dhulka
somalida oo lahaa Xeebo aad ubalaaran oo Maraakiibta Ciidamdiisu
ay dagikaraan meeshii aydoonaan.Halka Xabashidu aanaylahayn
Bad.Sidoo kale wuxuu kudadaalay Maraykanku inuu xubin kanoqdo
4tii Dowladood oo looxilsaaray Xoriyadgaarsiinta Somalida
inkastoo aanu kuguulaysan.
Markii uu kuwaaqay
Ninkii masuulka uga ahaa Talyaaniga maamulkii Mustacmaradda ee
Somaliya in uusoo dhawaaday waqtigii madaxbanaanida
Somalidu,Ayaa Safiirkii Maraykanka ee Rooma ufadhiyey
warsaxaafadeed kasoosaaray arintas wuxuuna yiri "Madaxbanaanida
Somalidu ee 1960-ku waa arin aan hadda loo fadhin waayo buuyiri
Dowlad sidaan oo kale ah oo aan lahayn ilo waxsoosaar,Dhaqaale
Siyaasad fadhisa oo aan awoodin in ay Nafteeda meel mariso ayna
kaligeed nolaato iyadoo dowlad ah waamid aan suuragal ahayn
xilagaan.Sidaa owgeed waxaa looqaataa oo ukhayrbadan
mustaqbalkeeda in ay kubiirto imbiraadooriyada Xabshida
Akhristow waxaad
halkaas kagarankataa xaaladaha adag ee ay soomareen labadii
marxaladood ee adadkaa Midowgii iyo madaxbanaanidii iyo sida
aanloodoonayn toona.
waxaad halkaa
kafahmikartaa cadaawada fog ee looqabo jiritaanka shcabiga
somaliyeed horumarkiisa,midowgiisa iyo mustaqbalkiisa toona.
Sidoo kale waxaa
xusid muda in dadkeena badankood haddii aanayba ahayn
dhamaantood ay kayihiin arimahaa dushooda iyo dalkooda kadhacaya
oo dhan "Lax dhukani abaar moog".
markase
laiskusooduubon fikradaha iyo argtiyada lagakalabixiyey ayaa
kutusaya waxyaaba badan oo daahan oo ubaahan in dibloo eego
sixog ogal loogunoqdo.
Hadaba ma
mudanyihiin Dalkii iyo Dadkii dhibkaalagasoomaray xoriyad
gaarsiintooda iyo midayntoodaba in manta 45 sano kadib
lookaljarjaro imaarado yaryar iyo qabaailo dagaalamya?
Jawaabta su,aashan
ayaa ah mid lagadoonayo muwaadinkasta ee somaaliyeed ee leh
damiir nool iyo dareen soojeeda.
Dhamaad
Qabtii 1aad ka akhri halkan......
Rashiid Shiikh
max'med (Danjire)
rashaad5@hotmail.com
Hyderabad india