SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

  • Ganacsatada Puntland iyo Sicir Bararka.
  • M/weyne Cadde Muuse "4.5 ayaa ciidamada loo qaybsaday,  diyaarna waxaanu u nahay  qaybtayada.

Ganacsatada Puntland iyo Sicir Bararka.

Boosaaso:

Ganacsatada Boosaaso qaarkood ayaa maanta aan furinba ganacsigooda, sida bakhaarada waaweyn, meelaha laga dukaansado iyo farmashiyaasha.

Muhadhraadkaan ayaa yimid ka dib markii uu sicirka Doolarku cirka isku shareeray, ka dib laago badan oo si sharci-daro ah loogu daabaco magaalooyinka Puntland sida Boosaaso, Gaalkacyo, Garoowe,Carmooyin IWM.

Ganacsatadu waxay sheegeen in uu hoos u dhacay dalabkii macaamiisha ka dib markii ay goyn-wayeen maciishada, Maamulka G/Bari oo arintaas ka jawaabaya ayaa jeelka u taxaabay qaar ka mid ah ganacsatada oo ay ku eedeyeen kuwo ka faa'iidaysanaya waxa ay ka cabanayaan ganacsatadu.

Kadaroo-Dibi-Dhal waxay timid ka dib markii Madaxweynaha DGPL, uu siir u gooyey Doolarka oo maalinba meel taga, iyaoo taas laga duulayana waxaa dhaday in si kas ah loo kordhiyo doolarka oo lagu xumaynayo fara-gelinta M/weynaha Maamul Goboleedka Puntland, MMX.Gen. Cadde Muuse oo digreeto ka soo saaray qiimaha sicirka kaas oo ganacsatadu ugu yeertay "waa ka duwan yahay nin xilka lagaga qaaday digreeto uu mid kale loogu magacaabo oo kale".  

Garoowe:

Ganacsatada Gobolka Nugaal oo beryahaan danbe uu shir uga socday magaalada Garoowe ayaa soo saray dhowr qodob oo uu ka mid yahay.

1. In la diido gebi-ahaanba lacagaha been abuura ah.

2. In la soo celiyo lacagii hore ee soomaaliya sida boqolkii, kontonkii, shantii boqol iwm, lagana takhaluso gebi-ahaanba kunka been abuurka taas oo sahli karta soo celinta xataa kumigii iyo shilimaantii.

3. In la isticmaalo dhamaan lacagaha qalaad sida Doolarka, Birta Itoobiya,lacagta loo yaqaan Land-ta(Somaliland shillings).

4. In siday tahay loo dhaqan-geliyo qodobadaan isla marka la saxiixo,

qodobadaan oo hordhac ah waxaa na soo gaarsiiyey Ganacsade Reer Garoowe ah.

Gaalkacyo:

Waxaa dhowr goor khilaaf soo kala dhexgalay hadda ka hor maamulka G/Mudug iyo Ganacsatada kaas oo sababay in irdaha loo laabo ganacsiga guud ee Gaalkacayo, gaar ahaan ganacsiga daruuriga ah, sida bakhaarada, dukaamada, goobaha daawooyinka(Farmashiya


M/weyne Cadde Muuse "4.5 ayaa ciidamada loo qaybsaday,  diyaarna waxaanu u nahay  qaybtayada.

 
July 2: M/weynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi(oo shalay ka hadlayey 1-da Luulyo ayaa saxaafada u sheegay in ay ahayd arin aan loo dhamayn walina gacanta lagu hayey oo qabyo ahaa, isla markaasna aan la kala saxiixan waxba marka laga reebo soo-jeedimo iyo afkaar lays dhaafsaday  warkii saxaafada laga sii daayey kaas oo sheegayey in Ciidamada DGPL dhamaantood lagu wareejiyey  gacanta DFKMS.
Madaxweynuhu isagoo ka hadlaya ciidamada ayuu sheegay in ciidamadu ay mar kasta yihiin kuwii Puntland balse ay oo kaliya iska kaashanayaan DFKMS dhinaca amniga,tababarada iyo miisaaniyada ciidamada  maadama ay DGPL iyo DFKMS ay leeyihiin  iskaashi dhinac kasta ah, wuxuuna ku daray anagu markasta ciidankayaga anagaa leh ee waxaanu keenaynaa 4.5 ka inta nagaga soo hagaagtay.
Arintaan ah, in ciidamada lagu wareejiyo DFKMS ayaan M/weynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ku qanacsanayn balse, waxaa u olalaynaya rag uu ka mid yahay wasiirkiisa maaliyadda Gaagaab. 
 
Mar uu ka hadlayey nabad-gelyada M/weynaha DGPL wuxuu sheegay in ay Puntland ku soo badanayaan dadka loo soo dirayo sidii ay u gelin lahaayeen khalkhal amniga dalka, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad badan oo la soo diray waa siduu hadalka u dhigaye, balse ma uusan cara-baabin halka laga soo diray iyo cidda ay yihiintoona . Cadde Muuse wuxuu sheegay in Puntland ay xor u tahay maamulka dalkeeda iyo dadkeeda sidii horeba ay u jirtayna aan waxba iska bedelayn. Cadde Muuse oo ka hadlaya muhiimada ay leedahay 1-da Luulyo ayaa sheegay in uu soo taagnaa maalintii la saarayey Calanka 1960 oo iminka ay ka soo wareegatay 47 sanno.
 
M/weyne Cadde Muuse wuxuu ka codsaday muwaadiniinta Reer Puntland in ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida dalka.
 
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Puntland ay maanta leedahay cadow badan oo aad uga xun horumraka ay gaartay dhan kasta, sidii looga hortagi lahaana ay tahay muqadas. Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga DFKMS , Salaad Cali Jeelle oo munaasubadaas ka hadlayey ayaa isna sheegay in ay tahay maalin xasuus mudan, Soomaalina ay ku ciyaartay qaranimadoodi , balse buu yiri nasiib wanaag maanta ayaan daba-qabanaynaa, Jeelle waxaa uu sheegay  dadka  gadaal ka yimid in aysan  garan karin muhiimada ay leedahay Soomaaliya oo xor ah isna raacday, waayo waxay ku garaadsadeen burbur iyo kala qaybsanaan.
 
Munaasubaadaan oo si weyn looga xusay Caasiimada DGPL ee Garoowe ayaa waxaa xataa la arki karay dad meheradahoodii iska soo xiray sidii ay maalin ciid ah u tahay, waxaa magaalada sidoo kale lagu dhex arkayey gawaari la soo saray cod-baahiye ay heeso wadani ah ka qaadayaan fanaaniintii Waaberi ee Soomaaliya oo hal ku dheg u ahaa"26-Juun ku leefnay, 1-da Luulyo Liibanay, 21-ka Oktoobar libkii helnay, waxaa maalmahaas ku jira xoriyadii Jabuuti, Koonfurta Soomaaliya Midowbidii ama Isu-imaatinkii Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysan jirey iyo dalkii horay loo oran jirey British Somaliland ee Gobolada Waqooyi.
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com