Maxaad kalasocotaa Marxaladihii uu soo
maray midowgii Somaliya?. (Faalo)
Rashiid Sh. Max'ed (Danjire)
Rashaad5@hotmail.com
Hyderabad india
Oraahda midow waa: Isutag,Umad, Gobolo,
Qowmiyado, Qaarado, Shirkado,iwm.Si ay u midoobaan unayeeshaan
magac iyo hogan qura halkii ka lahaayeen magacyo kaladuwan. Waxaa lagala
kulmaa inta badan dhibaatooyin farabadan.Dadka howshaas qabanayana waxaa
aalaaba kahoryimaada caqabado ay mararka qaar ay kumutaystaan dil iwm.
Hadaba Qormadaan aan kaga hadlayo
midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa igu dhaliyay in aan
dadbadanoo Somali ahi ogayn dhibkii loomary midayntii labada gobol iyo
marxaladihii uu soomaray toona. Laakiin ay maqleen oo kaliya waxaa
midoobay Konfur iyo Waqooyi. Waxaa kaloojira kuwa Aanba ogayn in
lamidoobay.Sidaa owgeed su'aasha ubaahan in la iswaydiiyo ayaa ah.Goorma
ayay midoobeen ?. Sidey umidoobeen?. Yaa mideeyey? Maxaa loolajeeday
midnimada? Siduu ahaa dareenka dadku xiligaas?.
Si aan diirka uga qaado mas,aladaan
duugowday dulucda nuxurkeedana ugu qeexno bulshada Somaaliyeed oo
Qabiilka,Gobolaysiga,iyo Burburku aafeeyay ayaan qormadaydan diiwaankan
ugu dhigay.
17 February 1960 kii waxay
kuguulaysteen Xisbiyadii u oloolaynayay midowga labada gobol Xisbiyadii
kajiray maxmiyaddii Somaliland Dooarshadiii barlamaankii cusbaa,Kuwaas
oo kala ahaa.
Xisbigii isutagga Wadaniga oo helay 20
kursi ayna kaheleen 33 dii kursi ee balmaanka.
Xisbigii midowga Soomaliya oo helay 12
kursi.
Xisbigii jabhadda wadaniga oo helay 1
kursi
Sidaas ayuu golihii sharci dajinta ee
maxmiyaddii Somaliland ay aqlabiaydiisii gacanta ugu gashay
dhaqdhaqaaqyadii u oloolaynayey midowga labada gobol ee Koonfur iyo
Waqooyi Somaliya,Ayna ula waregeen dhamaan kuraastii Barlamaanka oo
dhan.
Waxay is dhaafsadeen G/Baarlmaanka
Somaliland iyo Ra’iisul wasaarihii Somaaliya dhambaalo hambalyo iyo
taageero ah ee midowga labada gobol.
Waxaa kamida waxyaabaha lataaban karo
soo ifbaxay kuwa ugu muhiimsanaa:
In ay horumar lixada leh sameeyeen wada
hadaldii googol xaarka ahaa ee kusaabsanaa midowga labada gobol.
Waxaa dhacay 5 tii April 1960 kii
dabaaldagyo damaashaadkii ay sameeyeen golihii sharci dajinta ee
soomaliland halakas oo ay isugu soobaxeen dadwayne aad ufarabadan
magaalooyinka Hargaysa,Burco,iyo magaalooyin kale oo badan.
Waxaa kor looqaaday calanka Somaliya
Buluuga ah oo dhexda kuleh xidigta shan geeska ah ee astaanta u ah
shantii Gobol ee Somaaliya,
oo dhismayaasha oo dhan dushooda laga
taagay,Taas oo tusaale iyo halku dhag u ahayd rabitaanka shacabka iyo
mas uuliyiintiisuba ay u hayeen midowga.
6 dii april wuxuu ansixiyey Golihii
sharci dajinta ee Maxmiyaddii Somaliland Mooshinkii lagudalbanayey
xoriyadda inta lagu jiro juulay dhexdeeda 1960 kii iyo inay midoobaan
Maxmiaydda Somaliland (gobolada Waqooyi) iyo Somaliya (gobolada
konfureed).
15 kii april 1960 kii waxaa magaalada
Muqdisho soogaaray wafdi kasoocda Maxmiyadda somaaliland (goblolada
waqooyi) oo isugu jiray Wasiiro xubno Baarlamaan si ay Heshiis
ulagaaraan xubnaha Dowladda iyo Barlamaankii Somaaliyeed unasoowda
saaraan Go’aan Midowga labada Gobol Waqooyi iyo Koonfur.
Waxaa loo soo dhaweeyay si aan kal
harlahayn. Kulankan ayaa ahaa mid aad ukulul markii ay isgacan qaadeen
shumisna layskulawareegay labadii daraf oo muddo dheer kala maqnaa .
Waxaa kaqayb qaatatay soo dhawaynta
wafdigaas Dadwayne aad ufarabadan oo aanu horay loo arag isusoobaxaan oo
kale.
waxay lamid ahayd maalintii calanka
1956. iyo markii lasameeyay Barlamaankii ugu horeeyay ee Somaliya 1954
tii .
Kulaankaani wuxuu kamid ahaa
dhacdooyinka waawayn ee Taariikhiga ah.
Wuxuuna kubilowday Jawi dagan
walaaltinimo,isfaham,isjacayl dhab ah ayay uwada hadleen labadii gole ee
sharci Djinta Koonfurta iyo Waqooyi waxayna cod buuxa ku ansixiyeen
Go’aankii Taariikhiga ahaa ee midowga labada Gobol.
16 April 1960 waxay soowda saareen
Baaqaan:
Jawi ay ku dheehantahay aqoonsi iyo
xurmad dhamaystiran kuwaasoo uu kudoonayo shacbiga Somalaiyeed
madaxbanannida iyo midaynta labada gobol oo hadda loo yaqaano Somaaliya
iyo maxmiyadda Somaaliland waxay idin ogaysiinayaan labada Gole in ay
ugu dhawaaqayaan sibuuxda oo sharafi kujirto 1 da july 1960 ka Dowlad
hal calan leh hal madaxwayne iyo hal Baarlamaan.
Go aan kaas midowga kadib 16 abriil
1960 ki waxaa lasameeyay Guddi labada daraf kakooban oo sii wada wada
hadalada qaab kii loodhamaystiri lahaa qaybta kaharsan howlaha midowga.
Gudigaas wuxuu kakoobnaa xubnahaan:
Aaden C/lla Cismaa madxwaynihii
koonfurta Somaliya.
Mudane Maxamed ibraahim Cigaal
Gudoomiyaha arimaha Maxmiyaddii Somaliland in ay noqdaan labada
Godoomiye oo kalamatalaya labada Guddi si ay u shirgudoomiyaan kal
fadhiyadda gudiyada.
waxaa xoga hayn loo doortay in ay
unoqdaan labada gudoomiye.
1-Mudane C/qaadir maxamed
(soope).
2-Mudane Maxamed cali faarax.
Sidoo kale waxaa kamid haa xubanaha
gudiyada labada dhinac.
1-C/laahi ciise maaxmuud R/iisul
wasaarihii xukuumaddii Somaliya.
2-Maxamed shiikh gabiyow Gudoomiyaha
arimaha Dastuurka Somaliya.
3-Axmed xaaji ducaale. Wasiirka
khayraad dabiiciga M/Somaliland.
4-Cali garaad jaamac Wasiirka Howlaha
guud M/Somaliland.
5-Maxamuud cabdi nuur Wasiirka Howlaha
guud ee Somaliya.
6-Ibraahim nuur Wasiirka arimaha
Bulshada ee M/ Somaliland.
7-Maxamuud yuusuf aden (morrow)
Wasiirka waxbarashad ee Somaaliya.
8-Shiikh maxmuud maxame faarax.
Wasiirka garsoorka ee Somaliya.
9-Yuusuf iimaan. Maxmiyadda Somaliland.
(xubin)
10-Maxamed cali faarax Maxmiyadda
Somaliland . (xubin)
11-C/laahi maxmuud Maxmiyadda
Somaliland. (xubin)
12-Muuse rooble. Maxmiyadda Somliland.
(xubin)
13-Xaaji bashii ismaaciil G/xigeenkii
barlamanka Somaliya.
14-C/qaadir maxmed Aaden G/xigeenkii
barlamanka Somaliya.
15-C/laahi xaaji mursal G/gudiga ergada
barlamaanka ee Somaliya.
16-Shiikh maxmed isxaaq salad
G/xigeenkii xisbigii SYL ee Somaliya.
Gudigani wada hadalo dheeraada kadib
waxay si wadajira u soowada saareen war murtiteedkan:
Shirkii gaarka aha aee looga wada
hadlayay midaynta Gobolada Waqooyi iyo Koonfur kaas oo lagu qabtay
magaalada Muqdisho Taariikhdu markii ay ahayd 16-22 April 1960 kii ayna
kawada qayb galeen labada Guddi Barlaaman ee kal matalayey labada
jaanib, wuxuu Howlihii kusoo gabagabeeyey in Talaabada kowaad oo
laqaadayaa aynoqoto aas aasidda Somaliwayn,iyo in shacabkla Somaaliyeed
loo xaqiijiyo nabad kuwada noolaansho.
Wuxuuna gabagabadii ku heshiiyay
Qodobada soosocda:
1-iyadoo lagaduulayo cud uqaadidii
labada Gole ee Somaliya iyo Somaliland,waxaaa waajib ah midaynta labada
Gobol 1da July 1960 ka. Arinta kusaabsan nuuca ay Dowladda Somaliyeed ee
cusubi noqonaysaana uu yahay mid Diimoqraadi ah.
2-Somaliya dhamaan iyo golaha
maxmiyadda Somaliland waxay noqonayaan midow qaran 1da July 1960 ka.
3-Xisbiyada hadda xukuma maamulada
kajira labada Gobol waxay soowada dhisayaan Xukuumad midnimo Qaran.
4- Muqdisho waxay noqonaysaa Caasimadda
jamhuuriyadda somaliya,fadhiga Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadaba.
5-labada Gobol ee hoosyimaada Maamulka
Maxmiyada Somaliland iyo lixda Gobol ee Hoosyimaada Maamulka Somaliya
waxy noqonayaan sideeda gobol oo ay kakoobanyihiin gobolada Dalka
Somaliya maamul ahaan.
6-Waxaa socda Baaritaan iyo Daraasad
lagu hayo in labaa bi’iyo ama lamideeyo hay’adaha qaarkood maamul ahaan
ama lays hoosgeeyo sida qaybo kamid ah maamulka,Maaliyadda,iyo Garsoorka
kuwaas oo hadda kakala shaqeeya labada Gobol.
7-jamhuuriyadda Somaliya waxay
cadaynaysaa baahidda ay u qabto khubaro
iyo farsamo yaqaano shisheeye ,Sidaa
owged waxay Dowladda somaliyeed kadalbandoontaa Qaramada Midoobay in ay
usoo diraan khubaro kacaawisa sidi loodadajin lahaa socodsiinta ama mel
marinta midowga labada Gobol.
8-waxaa lasamayndoonaa ciidan wadani ah
oo uu kamid noqondoon Urur katirsan Ciidamada Maxmiyadda somaliland kaas
oo ujeedada lag leeyahay ay tahay in ay aas aas unoqodaan samaynta
milatari Somaliyeed.
9- waxaa kaloo lagu heshiiyay in koox
goob joogayaal ahi ay u raacaan London wafdiga Somaliland si ay ugala
qayqaataaan wadahadalada ay lagalayaan wasaaradda mustacmaradaha ee
Engriiska.
Ku dhawaaqidda si wadajira baaqaan
Tilmaamaya midowga labada Gobol waqti aan sidaa usiidheerayn, ayaa wuxuu
saamayn wayn ku yeeshay Shacabka Somaliyee meelkasta oo ay joogaanba oo
muddo dheer sugayay midow iyo xoriyad dhulkooda hooyo oo sanado badan
latacaalayey sidii ay mar uun heeryada gumaysiga isaga
rogilahaayeen,Waxaa kamuuqanayay Dadka Somaliyeed
farxad,rayrayn,Damaashaad wxay sameynayeen xaflado ay ugudabaal dagayeen
guushaanTaariikhiga ah ee midowga somaliya.waxay kudhawaaqayeen Dadka ka
khudbdaynayaa fagaarayaasha laysugusoobaxay sida:siyaasiyiinta
Fanaaniinta iyo gabyaaguba,in ay gaareen guul balse loobaahan yahay kuwa
dheeraad ah,Kuwaas ah in lasoo celiyo Gobolada kale ee maqan sida:
Gobolada uu farnsiisku jabuuti ,Xabashida Somaligalbeed,iyo gobolka NFD
oo Engriisku siiyey Kenya si laysugu agaaguma oo laysugusooceliyo
xidigta Calanka shanteeda geesood oo uu kal qaybiyay isticmaarku.Wxaa
bilowday howlgaladii bilowgii kacaankii shacabiga gudaha oo ay
kutaageerayeen midowga iyo madaxbananida Somaaliya.
Iskusoo duube sida kamuuqata qormadaan
wxaa loosoo maray xoriyadda iyo midowgaba dhib fara badan waxaa kudaatay
dhiig,waxaa naftoodii kuwaayay naftood hurayaal u geriyooday xoriyadda
.Sidaa owgeed Somaliya manata ma mudna kala go iyo ina ay kula jajabto
Qabaailo iyo Qowmiyada is haysta
Qaybta labaad:
Akhri waasocotaaye.
- Madaxbanaanidii gobolada waqooyi
- Midowgii kadib aragtiyaddii caalamku
kabixiyay xoriyadda iyo midowga soomaliya.kuwaas oo kalahaa dano
siyaasadeed dhaqaale IWM. Sida:
- Talyanaigu muxuu kayiri?
- Engiriiska muxuu kayiri?
- Ethiopia ?
- Fransiiska ?
- Maraykanka ?
AKHRI QAYBTA
2aad.... GUJI
Rashiid Sh. Max'ed (Danjire)
Rashaad5@hotmail.com
Hyderabad india