SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - URDUN

Ururka wadaniga dhalinyarada somaliyeed ee sudan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhalinyarada wadamada carbeed 

        shirkaasi oo lagu qabtay dalka urdun gaar ahaan magaalo xeebeedka CAQABA intii u dhaxeesay 07-14/12/2007 ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta deegaanka badaha iyo saameynta ay ku yaalan karto isbadalada cimilada aduunka

 shirkaas oo uu soo qaban qaabiyey ururka boqortooyada jordan ee cayaaraha badda iyo ururka carabta ee dhalinyarada iyo deegaanka oo hoos yimaada jaamacada carabta

 

shirkaasi oo ay kasoo qeyb galeeen badi wadamada carbta sida:-

 JORDAN - MASAR-SUDAN-MORITANIA-PHALESTINE-TUNISIA-SAUDI ARABIA- ARAB IMARATES-QATAR-KUWAIT-BAHRAIN iyo JAMHUURIYADA SOMALIA

ayadoo uu u matalayay dalak somalia URURKA WADANIGA DHALANYARADA SOMAIYED EE SUDAN

oo ay oga qeeb galeen sadex xubnood oo ka socday  ururka kalana ah:-

1.MD cali cabdi caziiz mukhatr (QARIIDI YARE) gudomiyaha ururka

2-MD liban c/rashiid cali              XOG.arimaha dibada

3- MD ibrahim c/raxman sh. bashiir     Xubin

shirkaasi oo ay dawlad waliba soo bandhigtay waxqabadka dalkeeda ee ku aadan ilaalinta xeebaha iyo deegaanka badda

ayadoo wafdiga somalia u matalayey shirkani soo bandhigay dhibaatada heesata xeebaha iyo badda somaliyeed isagoo u gudbiyey wafuudi carbeed ee shirka kala soo qeyb gashay qoraalo ay ku muujinayaan sida murugada leh ee badda somaliyeed looga dhigay qashin qub caalami ah taas oo looga faa'ideesanayo maqnaashaha dawlad adag oo awood u leh ilaalinta badeeda iyo deegaankeedaba tan iyo intii ay dhacday dalwadi dhexe ee somalia sanadkii 1991 .

ayadoo ururka ka codsaday kasoo qeyb galayaasha shirka inay kala qeybqaatan uruka sidii aduunka loogu soo bandhigi lahaa dhibaatada heesata badaha somalia isla markaana loo soo hortaagi lahaa maxkamad caalami ah  cid kastoo ku xad gudubta badda somalia una adeegsata goob qashineed ayagoo u balan qaaday kasoo qeyb galayaashu inay u howl galayaan codsigaasi uga yimid wafdiga dhalanyarada somaliyeed ee shirkaasi ka qeyb galay

   gabagadii shirkasi ayaa wax hadal qiimo leh ka jeediyey xoghayaha guud ee ururka carbeed ee dhalanyarta iyo deegaanka Mr . Rashwan

c/ xakiim isagoo ka codsadey kasoo qeyb galayaasha shirkaasi sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta badaha wadama carbeed gaar ahaan xeebta somalia

isagoo si gaar ahaaneed uga balan qaaday inuu u gudbin doono xoghaya guud ee jaamacada carabta Mr. Camir mussa iyo wasiirada deegaanka ee wadamada carbeed shirkooda soo socda kaas oo ka dhici doona bilowga sanadka cusub 2008 CAIRO  - EGYPT .

      gunti iyo gunaanadkii waxa uu ururka wadaniga dhalanyarada somaliyeed ee sudan  waxuu ka codsanayaa bulsha weynta somaliyeed inay dhawraan isla markaana ilaaliyaan xeebaha dalka hooyo kana qeyb qaataan ka hortaga nabaad guurka deegaanka somalia waayo ilaalinta deeganka waa masu'uuliyad saaran muwaadin kasta ee somaliyeed .        

 waxaa diyaariyey

  xoghaynta warfaafinta iyo dhaqanka ee ururka

Laxiriir:  LIBAN ABDIRASHID CALI
Xog.Arimaha dibada ee ururka
nusyouth@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com