SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Qarax Miino Oo Uu Ku Geeriyooday Afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir

Dec 29, 2007: Qarax weyn oo gil giley deegaanka degmada kaaraan iyo nawaaxigeeda ayaa saaka waxaa ku geeriyooday afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxuyadiin Cali oo gaarigii uu saarnaa lala beegsaday miinada nooca rimuudka laga hago xilli uu ka soo baxay hoygiisa oo ku yaala degmadda Kaaraan ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxan oo ahaa mid si weyn looga wada maqlay deegaanada degmada kaaraan iyo inta ku dhow dhowba ayaa dhaawac ka soo gaaray afhayeenka iyo labo ka mid ah ilaaladiisa islamrkaana afhayeenku uu daqiiqado kadib ku geeriyooday isabitaalka keydsaney ee waqooyiga magaalada muqdisho.

Maxamed Muxuyadiin cali oo hore u ahaan jiray tifaf tiraha wargeyska Panaroma oo todobaadkiiba mar kasoo bixi jiray magaalada muqdisho inta aan loo magacaabin Xilka afhayeenka Gobolka Banaadir .

Meydka marxuumka ayaa lagu wadaa in beri lagu aasi doono qabuuraha duleedka magaalada caasimada ah ee muqdisho isagoo meydkiisuna laga qaadi doono isbitaalka keydsaney ee waqooyiga muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Gen. Cadde Muuse oo Dib usoo Magacaabay Wasiiro uu Hore Jagada uga Casiley...
Wareegto uu soo saaray madaxweynaha DGPL ayaa shaaca ka qaaday in... Akhri... Dec 28

KENYA: WAR KU SAABSAN DOORASHADA KA SOCOTA DALKA KENYA
Raila Odinga ayaa ka horeeya madaxweynaah hadda ee Kibaki.. Warbixin

Boosaaso: Waa sidee Xaalka Labada Dumarka ah ee la Afduubay....

Dad ciidammada gumaysigu laayeen.
iyo Dagaallo lagu wiiqay gumaysiga Itoobiya.



Baaq ay Soo Saareen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxamed Harti (Majeerteen) Ee Jubooyinka Ku Dhaqan.

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha dhaqanka Beesha Maxamed Harti (Majeerteen) ee ku dhaqan gobolada jubooyinka gaar ahaan gobolka jubada hoose xaruntiisa kismaanyo ayay ku sheegeen in shirka dibu heshiisiinta ee lagu wado inuu sanadka cusub horaantiisa ka dhaco magaalada kismaanyo aysan ka hadli Karin cid aysan u magacaabin ama aysan ogayn waa siday hadalka u dhigeene .

Shirka dibu heshiisiineed ee la sheegay inuu dhacayo horaanta sanadka cusub ayaa lagu wadaa in laysugu keeno beelaha wada dega gobolada jubooyinka ee xurgufta siyaasadeed ka dhaxayso taasoo mudo ka badan 11-sano soo jiitamaysay waxagardkan iyo odayaasha dhaqanka beesha maxamed harti ayaa baaqaooda ku xusay inay cid aysan magacaabin kasoo qayb geli karin islamrkaana aysan xataa ka hadli karin .

Warsaxaafdeedkan ayaa sidoo kale lagu tibaaxay inay odayaasha dhaqanka beesha maxamed harti (majeerteen) ka dhawaajiyeen inaysan jirin wax Isim ah oo ay u aqoonsan yihiin gobolada jubooyinka marka laga reebo kuwa beelaha hoos ku qoran ee kala ah .

1-beesha sadde
2-beesha absame
3-beesha gaal-jecel
4-beesha sheekhaal
5-beesha leelkase
6-beesha direed
7-beesha awr-table

Dhinaca bayaankan ayaa sidoo kale waxay odayaashu ku xuseen in Beesha Harti arrimeheeda ay Jaangoyn karaan oo Kaliya Beesha Maxamed Harti (Majeerteen) cidii kale ee isku dayda in ay ka hadashona shirkaasna ay sheegeen inay bada ka cabi doonto waa siday hadalka u sheegeene .

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa caraysiisay waxgaradka iyo odayaal dhaqameedka beelaha dhul-bahante iyo warsangeli ee ku dhaqan gobolada jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaanyo ee xarun goboleedka jubada hoose taasoo weheliyaan xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda labadaasi beelood oo dhowaan gaaray magaaldaasi islamrkaana ka tegey magaalada baydhabo si ay ugu ololeeyaan shirweynahaasi .


yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com