SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DGPL

Gen. Cadde Muuse oo Dib usoo Magacaabay Wasiiro uu Hore Jagada uga Casiley...

gen. Cadde MuuseXeerar Madaxweyne Lr.207, Lr.209 iyo Lr.210 oo soo baxay December 29, 2007 ayaa Lagu Magacaabay Wasiir ku-Xigeen labaad ee Caafimaadka, wasiirudowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Xiriirka Caalamiga & arrimaha Bulshada iyo la Taliyaha wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Gen. Cadde Muuse oo Caawa (oo Axad soo geleyso) tegey magaalada Boosaaso ayaa dib u soo magacaabay qaar ka mid wasiiradii uu casiley Dec 15, 2007 markii uu isku shaandhaynta ku sameeynayey golihiisa wasiirada.

Wareegtooyinka cusub xubnaha lagu magacaabay kuma jirto in wasiir kuxigeen loo sameeyey wasaaradda Batroolka Puntland ee dhowaanta la sameeyey ee ah wasaaradda keliya ee aan ilaa hadda lahayn wasiir ku xigeen, balse waxaa wasiir kuxigeen labaad loo sameeyey wasaraadda Caafimaadka.

Xeerarkaas oo uu soo saaray Gen. Cadde Muuse aya u qornaa sidan:

Xeer Madaxweyne Lr.207 ee December 29, 2007, waxaa lagu magacaabay wasiir ku xigeen wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL
Markuu tixgeliyey: aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda shaqo
Markuu garaystay : Kaalinta Horumarineed& siyaasadeed ee Haweenku ka qaadan karaan dalka.

Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa Maymuun Cabdi Ducaale loo magacaabay wasiir ku xigeenka 2aad ee wasaaradda Caafimaaadka.
2.xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha dowladda Puntland.

Sidoo kale:

Xeer Madaxweyne Lr.209 ee December 29, 2007, waxaa lagu magacaabay wasiirudowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Xiriirka Caalamiga & arrimaha Bulshada ee DGPL, oo loo magacaabay Cali Cabdi Awaare.

Xeer Madaxweyne Lr.210 ee December 29, 2007, waxaa lagu magacabaay la Taliyaha wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah loona magacaabay Cabdi Salaad Cali.

Xeerarkan waxaa ku saxeexnaa
Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi.

December 15, 2007 ayey ahayd markii Gen. Cadde Muuse uu isku shaandheeyey golihiisa wasiirada, isla markaana uu jagada ka qaaday wasiirada qaarkood...Akhri

Akhri: Gen. Cadde Muuse oo Isku Shaandheeyey Golihiisii Wasiirada
Wasiirada la bedeley waxaa ka mid ah wasiirkii is casiley ee kalluumaysiga, waxaana jagadoodii waayey Cali Cabdi Awaare iyo... Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2007


Magaalada Tukarakh oo ka mida Deaagana ay ku soo Barakaceen Daweynaha kasoo Qaxay dagaalada Laascaanood oo Deeq la gaarsiiyay

SomaliTalk.com | December 18, 2007

Waxaa (December 18, 2007) la gaarsiiyay Magaalada Tukarakh oo ka tirsan Gobolka Sool Deeq raashin iyo Daawo isugu Jirta oo ay Bixiyeen Shirkada Xawaalada Dahabshiil iyo Shirkada Daawada ee Shaafici, waxaa Deeqdaa la gaarsiiyay Magaalada Tukarakh oo ah magaalooyinka ay ku soo Qaxeen Dadka ka soo Barakacay Dagaalada Magaalada Laascaanood oo ay isga soo Horjeedaan Puntland iyo Somaliland, Dadkaa ayaa Deeqdaan kaga mahad Celiyay Shirkadahaa aydoo hay,adaha Caalamigaa ee ka howlgala Soomaaliya ay Indhaha ka laabteen Dadkaa ku tabaalaysan Degaanadaa ay ku soo Qaxeen, Deeqahaan ay gaarsiinayaan Shirkadaha Ganacsiga ayaa ah kuwii ugu badnaa oo soo gaara Dakaan shirkada Dahabshiil ayaa waxa ay gaarsiisay Raashin aad u farabadan Magaalooyinka ku dhowdhow Laascaanood oo ay u soo Qaxeen Dadyowgaas, Shirkada Daawada ee Shaafici ayaa aydo noqotay Shirkadii ugu horaysay ee Daawo soo gaarsiisa Dagaanada ay ku soo Qaxeen dadweynaha Degaanka Laascaanood.

Odayaasha Degaanka oo aan wax ka weydiinay Deeqaha ka soo gaaray Maamulada ku hardamaya Xukunka iyo Hay,adaha Samafalka ayaa sheegay xataa in uu ka jabay Ceelkii Biyaha ayna waxaba ka qaban Maamulka Puntland ayaa waxaa ka jira hay,ad Maamul ahaan hoos tagta Xukuumada Puntland oo lagu magacaabo HATMA sida ay sheegana Odayaasha Degaanka ay mar kaliya timi kana qaadatay sawiro kadibna aysan ku soo Noqon.

Dhibaatada haysata Dadkaa soo barakacay ayaa ah mid kusii adkaanaysa Nolosha iyo Degaanka ay joogaan oo ay sida ay sheegeen uu ka dhacayo Qaboow aad u adag Dadkana ay la il daran yihiin Xanuuno kala duwan aydoo aysan Jirin Xarun Caafimaad oo lagu daaweeyo Dadka oo Dhan oo ka howl gasha Deagaanada ay ku soo Barakaceen Dadweynahaa oo ay ka mid tahay Magaalada Tukarakh laiin waxaa ka jira Xarunta caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com