SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Habeenka 25ka Desember2007, maxaan ka dareemi karnaa?

Waa fiid isniini sii baxayso talaadona soo galayso, waxaa dalka aan joogo oo ah dal laga haysto diinta kiristanka aanse aad loogaga dhaqmin looga dabaaldegaayaa, sanadguuradii 2007 ee ka soo wareegtay dhalashadii nebi ciise caleyhi salaam.

Waa 24 kii Desamber oo ay wada sugaayaan malaayiin masiixiyiin ah oo dunida daafaheeda ku noolo inay u dabaaldegaan maalintaas aan kor ku xusnay oo badidood ay u xusayaan dhaqan ahaan balse aanay macne dineed oo weyn sii hayn. Waxaan fadhiyaa gurigayga waxaana hadba dhinac u rogayaa bogagga internetka , oo aan ka raadinaayo maqaal cusub oo aan akhriyo , sanqadhu aad bay u yartahay oo caruurtiina waa ay seexdeen , waxaan la soo baxay bog ka sheekaynaaya taariikhda nebi ciise calayhi salaam , oo uu qoray walaal muslim ah , si wanaagsana uu u habeeyey qoraalka taariikhdaas. Markii aan dhameeyey aaan waxaan bal fiiriyey waxa ay ka qoreen kuwa haysta diinta masiixiga , badi sheekadoodii waxay ahayd mid ka duwan tan ay dinta islaamku ay ka qabto gaar ahaan suurada maryam oo aan in badan akhriyey si fiicanna u aaminsanahay in ciise yahay addoon ilaahay iyo ruuxiisii laguna abuuray tii dhowrsanayd Maryama .

Mar dambe ayaan waxaan keligay is weydiiyey maxaan ka akhrisan karaa oo sanadka cusub iyo dhalashada ciise caleyhi slaaam ay inagu soo kordhin karaan waxaana ii soo baxday hal jawaab oo keli ah taasoo ah in maanta caalamku maraayo sanadka 2007 siina gelaayo 2008 , mudadaas dheerna uu aadamuhu ku talaabsaday horumar weyn , oo aan la qiyaasi karin oo ah dhinac kasta oo nolosha ka mid ah , laga bilaabo dharka la xirto ilaa guryaha lagu noolyahay ilaa tiknoolajiga iyo is gaarsiinta casriga ah waxaana dareemay horumarkaas iyo qiimahiisa uu u leeyahay bulshada caalamka , waxaana is weydiiyey horumarka intaas le,ag maxaad nasiib uga hesheen haddii aad soomaali tahiin waxaana runtii dareemay inaan isla yaabo waayo waa aan ka duwanahay caalmka oo dhan , waayo colaad ,gaajo,dil,dhac iyo is qabqabsi ayaan joognaa xilligaas caalamku uu diyaarado gaar ah iyo dayaxa oo looguuro haweysanaayo.

Waxaan markiiba xusuustay inaan haysano nimco weyn oo ah mid ka mid ah horumarka ilaahay aadamaha ku manaystay mudadaas dhexdeeda taasoo ah nimcada islaamka, waxaana xusuustay wanaagga iyo sharafta islaamku inay ka weyntahay wax walba, waxaanse sii xusuustay inay jiraan shucuub ila haysta nimcadaas islaamka , kuna darsaday inay nasiibkooda ka helaan horumarkaas caalamku gaaray , waxaan xusustay wadamo badan oo ay ka midyihiin malaysiya, sacuudiga ,indooniisiya,burunai iyo gaboon oo dhamaantoon ku nool nabad iyo barwaaqo. Waxaana is weydiiyey maxaa inoo diiday inaan ku dhaqano diinteena qaaliga ah oo inoo jidaynaysa waddo kasta oo khayr ku jiro danna u ah bulsha weynta caalamka.

Waxaan is weydiiyey maxaa weli inagu saladay inaan is dilaayno is dhacayno is xasdayno iyadoo dalkeeniina uu ku jiro gacanta gumaysi naxariis daran, maxaa inoo diiday inaan dareenno walaanimada iyo nimcada ilaahay inagu manaystay ee islaamnimada inoo raaciyey inaan isku af nahay isku midab isku dhaqan, is dhalnay nahayna xidid iyo qaraabo iyo sokeeye.Waxaan is weydiiyey maxaa inoo diiday inaan la jaan qaadno caalmka kale ee maanta u dabaaldegaaya dhalshadii nebi ciise caleyhi salaam , miyeynaan xaq u lahayn inaan u dabaal degno ciidul udxiga inaga oo dabaaldegeenna ku magcaabayna ciidda barakaysana kuna xusayna taariikh ahaan in ciiddan aldxaa ay tahay ciid soo jireen ah oo ah mid ka mid ah horumarka aan gaarnay laga soo bilaabo sandkii 571 CD oo ku beegan sandguuradii 1436 ee ka soo wareegatay dhalshadii sayidka aduunka nebigeenii Muxamad caleyhi salaatu wasalaam. Miyaanay ahayn inaan isugu hambalyeyno wanaagaas iyo nimcadaas ilaahay ina siiyey iyo sharafta islaamka ee ilaahay inshalaahu uu naarta inaga xoreeyey.

Ugu dambeyn maxaad u malaynaysaan in xaaladeenu ku sugnaaneyso kun sano oo dambe ka dib , waa xaaladda dalkeena iyo dadka inaga dhaxli doona dhulka , jawaabtu waxa weeyey haddii sida aan maanta nahay aynaan wax ka bedlin waxay xilligaasna dadka joogaa ahaan doonaan kuwo inaga sii liita halka caalamka kale dadka nooli ay noqon doonaan kuwo nin kasta oo ka mid ahi uu haysto gaadhi ama baabuur u gaar ah oo duula oo meeshii uu rabo ugu kaco , waayo tiknoolajigu kun sano ka dib waxaa hubaal ah inuu herkaas iyo ka sareeya gaari doono. GUnaandka hadalkayga waxaan alle ka baryayaa in sandka dambe ciidka udxiyada aan ku ciidi doono soomaaliya oo nabad ah , gumaysigu ka kacay aynu midownay walaalownay illownay safxadahii hore aynuna furanay safxado cusub oo caalamkuna inagala qayb galo farxadaas , aynunu soo celino rajada umadeenna joojinona illinta ka da,aysa aabayaasha iyo hooyooyinka soomaaliyeed ee maalin walba waayaya ubadkooda qaaliga ah. Waa walaalkiin oo idin leh ciid wanaagsan iyo 2008 oo aan ku wada ciidno farax iyo nabad iyo walaaltinimada midnimada iyo qaranimada inagoo hoos joogna dallada islaamka .

Maxamad Bashiir Jaamac
Norwey
gumburi1885@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2007

somAstaantii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku u Bedeley Khariidada Itoobiya
Astaan uu lahaan jirey Garoonka weyn ee magaalada baydhabo ee Ciidamada Cirka qaybta 60-aad oo gebi ahaanba la bedelay, kadib markii Ciidamada Ethobia ay halkaasi ka dhigteen fariisin, warkaas.. iyo col. Nuur Cadde oo ka codsadey in ay laba toddobaad loogu daro muddadii uu ku soo magcaabi lahaa golaha wasiirada cusub, taas oo BDFKMG uu ansiyey durbadiiba.... Dhegeyso/Akhri

nur addeNuur Cadde "….markaan arkey fariimo badan oo dhinacyo kala duwan iga soo gaaraya, waxaan ogaadey inaan qaldanahay"  waxana uu markale ku celiyey in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar Laakiin...

:::Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto xeebaha Boosaaso

caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji


 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com