SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Astaantii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku u Bedeley Khariidada Itoobiya oo la dhex geliyey Soomaaliya

Ma caawinbaa mise Gumeysi?, sidaas waxaa yiri Xildhibaan magaciisa qariyey iyo  Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ka codsadey Baarlamaanka in laba toddobaad loogu daro soo magcaabista golaha wasiirada iyo Xubnaha Baarlamaanka oo loo qaybiyey Qoraal ay soo diyaariyeen Gudiga garsoorka arimaha Baarlamaanka

Astaan uu lahaan jirey Garoonka weyn ee magaalada Baydhabo ee Ciidamada Cirka qaybta 60-aad ayaa gebi ahaanba la bedelay, kadib markii Ciidamada Ethobia ay halkaasi ka dhigteen fariisin, waxaana loo bedeley Maabkii Ethobia, taasoo loo muujiyey wax u eg in Soomaaliya ay ka mid tahay Ethobia, waxaana dhexda la geliyey Maabka Soomaaliya oo Caloosha Ethobia.



Midka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo codsadey inaan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu yiti " Garoonku wuxuu lahaan jirey, Astaamihii Ciidamada Cirka ee XDS, waxaa la tirey Xidigtii iyo Gaashaankii lagu yiqiiney Ciidamada Xooga iyo labadii Shabeel, waxaana hada muuqata in maabka Soomaaliya uu ku dhex jiro caloosha Ethobia, mar kasta waxaa soo mara Mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha , Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ee isaga goosha daafaha Dunida, xildhibaanku wuxuu is waydiiyey tani Macaawin baa mise Gumeysi?!, tani waxay mujinaysaa in Wadaniyadii, dadnimadii iyo tii Islaamnimada Soomaaliya ay dhimatey, hadii ay jiraan kuwo fahmeyna way ka gaabsanayaan, in Indhahoda ay furan ayuu ku cel celiyey Xildhibaankan oo ay ka muuqatey caro aad u weyn.

Xildhibaanku wuxuu keloo intaa ku darey "Anaga iyo Ethobia waxaa naga dhexeysa derisnimo, mana jiro nacaeyb gaar ah oo aan u hayo balse ma ahan in sida ay rabto noola dhaqanto, iyadoo fushaneysa danaheeda gaarka ah" ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Xildhibaanku.


Dhagax Astaan u ahaan jirey Ciidamdii Cirka ee Garoonka Baydhabo oo loo Bedelay sidan

Garoonka weyn ee magaalada baydhabo ayaa waxaa la dhisey xiligii Dowladii Kacaanka sida ay ii sheegeen xubno ka mid ah dadka faro ku tiriska ah ee ku harey magaalada baydhabo oo hore u degenaan jirey, balse ilaa iyo hada ma hayno taariikh dhab oo laysku haleyn karo, hadii Allaha idmo dib ayaan u soo baaridoonaa, Garoonka iyo taariikhdiisa iyo waxyaabihii uu qaban jirey iyo shirkadii dhistey, inkastoo la sheegey in Ruushku uu dhisey.

Col. Nuur Cadde: Waxaan codsanayaa in laba toddobaad la iigu daro...

Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa xubnaha Baarlamaanka DFKMG ka codsaday in laba toddobaad loogu daro waqtigii uu ku soo magcaabi lahaa golaha wasiirada maadama waqtiga u harsan oo ah lix beri uusan ku filayn. isla markiiba baarlamaanka DFKMG ayaa arrintaas cod bixin u qaaday uu markiiba ansixiyey...

Baydhabo: Dooda Awood Qaybisga...

Dood  dhex martay xubnaha Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ayaa looga dooday qodobka Awood Qaybsiga...

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com


Soomaalida Minnesota Oo Gargaar Dhaqaale Fidinaysa
Gurmad Dhaqaale oo loo fidinaayo Shacabka Soomaaliyeed ee ka barakay Dagaalada Muqdisho
Waxaana Soo Qaban qaabiyey masaajidda Magaalooyinka Minneapolis/St.Paul
Goorma.. Xaggee...

Halkan ka eeg Flayer-ka oo weyn...


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2007
 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com