DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND
Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto
xeebaha Boosaas
Xafiiska Lataliyaha Warfaafinta Dawladda Puntland
Waxaa Taariikhdu markay aheyd 16/12/2007 abaarihii 11 barqanimo ee shalay
lagu afduubtay Magaalada Boosaaso meel 30 kilomitir u jirta oo lagu
magacaabo Mareero Nin Jornaaliste ah oo u dhashay Dalka Faransiiska kana
shaqeynayey Tv Chanal 4 la yiraahdo oo Dalkaas faransa ku yaala.
NinkanSida aanu Xogta ku helnay wuxuu u socday inuu wax ka duubo arrimaha
Tahriibta Xeebaha Puntland, taasina waxay sababtay inuu gacanta u galo Kooxo
hubeysan oo Xeebaha si tahriib ah uga shaqeysta
Wariyahan ayaan Dawladda qeybaha qaabilsan Warfaafinta la socod siin
socdaalkiisa iyo hawlaha uu u socdo midna,wuxuuna Dalka ku yimi si aan
sharciga waafaqsaneyn,iyadoo ay Dalka soo gelisay Hay'ad Samafal ah oo lagu
magacaabo DRC oo ka hawlgasha Magaalada Bosaaso.
Haddaba, waxaan aad uga xunahay afduubka loo geystay Ninkaas weriyaha ah
waxaana ugu Baaqaynaa Kooxaha afduubka u haysta Jarnalistaha u dhashay
Dalka Faransiiska inay si deg deg ah u sidaayaan, iyagoo tixgelinaya
Sharciyada Caalamiga ee Aduunka u degsan Suxufiyiinta, taasoo xoriyad iyo
madaxbanaani u siinaya hawlahooda shaqo maalmeed.
Waxaan sidoo kale ka codsanayaa Qeybaha Amaanka ee Dawladda iyo Maamulka
Gobolka inuu Xooga saaro sidii loo soo deyn lahaa Ninkaas oo lagu haysto
meel wax yar u jirta Magaaladda Boosaaso
Ugu dambeyntii waxaan Hay'adaha Caalamiga ee samafalka ka codsanaynaa inay
Weriyayaasha Dalka imanaya ee hawlaha shaqo u socda la soo xiriiraan Qeybaha
qaabilsan Warfaafinta Dawladda ee inta soo galaan Jornalisteyasha Ajanabiga
ah Magaalooyinka Puntland dhanka ay doonaan iska aada.
Waxaan xoogeyna shacab iyo Dawladba isugu geyn doonaa inaan sidii loo sii
deyn lahaa kawada qeyb qaadano,anagoo rajeynayna inuu heli doono Xoriyadiisa
Inasha Allaah.
Mahadsanidin
Lataliyaha Warfaafinta DGPL
Bile Maxamd Qaboowsade
qaboowsade11@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2007


|