SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

It was all about oil, global warming -  Gwynne Dyer


  • Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cade oo dhaliilay tababarka ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadgelyada
  • Dhimasho iyo dhaawac ka dhacdey Guriga Taliyaha Ciidamada Booliiiska Gobolka Baay

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Nuur Cade oo dhaliilay tababarka ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadgelyada

Munaasabad lagu soo gebagebeynayo Xuska Sanad guuradii 64-aad ee ka soo wareegtey aas aaska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb galeen Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Col. Nuur Cade, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Dhalxa, sii hayaha Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Prof. Saalim, sii hayaha Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Gacmo Dheere, Xildhibaano kale iyo qaar ka mid ah madaxda ciidamada Booliiska ayaa lagu qabtey hoolka shirarka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo 25/12/2007.


bidix qaybdiid, dhinacyada dhalxa iyo gacmadheere, dhexda nuur cade, gadaal kooxda heegan.

Xuska munaasabadaan Booliiska oo ay khudbado ka jeediyeen Prof. Dhalx iyo Col. Nuur Cade oo uu soo gebagebeeyey ayaa wuxuu dhaliiley qaabka tababarka ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabadgelyada oo uu ula jeedey XDS, Ra’iisul Wasaare Nuur Cade waxaa kale oo uu ku dheeraadey amaanta Ciidamada Booliiska iyo waajibaadka laga sugaayo.



Col. Nuur Cade hadii aan soo koobno khudbadisa nuxurka waxaa uu yiri “ Booliiska waa in loo arkaa badbaadiyaha Ummada, laakiin wax badan baa ka dhiman, Dowladuna waa adeegaha Shacabka, madaxda ciidamada Booliiska iyo nabadgelyada waxaa jira dhaliilo yar yar”

Dhimasho iyo dhaawac ka dhacdey Guriga Taliyaha Ciidamada Booliiiska Gobolka Baay

3 Ruux ayaa ku dhimatey oo ay laba caruur yihiin, tiro ka badana waa ay ku dhaawacantey Guriga Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Baay, ahna kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Baay Gen. Ibraahim Xaashi Gaabow 25/12/2007, kadib markii lagu weerarey labo Bam Gacmeed iyo risaas, abaarihii hal saac iyo bar ilaa labadii saac, taasoo ay geysteen kooxo aan la garareyn.

3-da dhimatey ayaa waxaa ku jirey laba caruur ah oo uu dhalay Jananka,halka midka kale uu ahaa ilaaladiisa, ma jiro ilaa iyo hada wax sheegey kooxaha ka dambeeyey falkaan, balse inta badan mas’uuliyiinta dowlada qaybaheeda kala duwan marka ay dhacaan falall noocaan oo kale ah, ayaa waxay sheegaan in lagu raad joogo, mana jirto wax cad uu muuqda oo laga qabtey arimahaan oo kale.

Ma aha markii ugu horeysay arintaan oo kale oo ay ka dhacdo Magaalada Baydhabo, waxayna soo taagneyd ilaa Wasiirkii Arimaha Dastuurka iyo Federaallka C/lla Deeroow.

Sidoo kale waxaa maalmihii ugu dambeysay ciida goor Habeenimo ah lagu dilay agagaarka Masjidka dabaqeynka ee Magaalada Baydhabo Alle ha u naxariistee Marxuum Dr. Sh, Maxamuud Axmed Maxamed oo ahaa Gudoomiyaha Gudiga Adeega Garsoorka ooh ore u ahaan jirey Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee TNG-da markii ay dhacaysay, kuma koobnayn marxuumka Taariikh nololeedkiisa intaas balse intii uu noolaa waxaa uu ii sheegey inuu soo maray xilall kala duwan dhinaca Garsoorka iyo Booliiska.

Sheekhu wuxuu ahaa nin si wanaagsan u yaqaana Diinta Islaamka, islamarkaana waxaa u dheeraa aqoonta arimaha Qaanuunka caalamiga ah iyo kuwa dalka, inta badan kama hadli jirin goobaha shirarka marka laga reebo kuwa gaar ah ee arimaha Garsoorka, marka uu ka hadlaayo wuxuuna hadalkiisa ku soo gebagebeyn jirey wax hala barto ilaahayna halaga cabsado”

Sheekhu noloshiisa bilihii ugu dambeeyey waxaan wada degeneyn isku meel wuxuuna Habeenkii inta badan kusoo jeedi jirey akhrinta Kitaabka Qur’aanka, sababo nabadgelyo awgeed inta badan wuxuu salaada subax iyo cishaha ku tukan jirey Hoygiisa, inkastoo waqtigiisa uusan ka dabamarin,hadana isagoo sidaas u dadaalayey ayaa lagu diley ilinka masaajidka dabaqeynka ee Magaalada Baydhabo.

Lama garanayo sababta iyo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa, balse dilka sheekha ayaa lagu sheegey in uu sameynayo micno badan.

Qaraxyada iyo shaqaaqooyinka dilallka ka dhacaay inta badan Magaalada Baydhabo ayaa waxay u muuqdaan kuwa ku socda si xawli ah mana muuqato qaabkii looga hortagi lahaa, waxaana maalinba maalinta ka dambeysa soo baxaaya wax ka daran wixii hore u dhacay sida Guryaha mas’uulkaan ugu dambeeyey ee la weerarey gurigiisa.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man)Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2007

somAstaantii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Itoobiyaanku u Bedeley Khariidada Itoobiya
Astaan uu lahaan jirey Garoonka weyn ee magaalada baydhabo ee Ciidamada Cirka qaybta 60-aad oo gebi ahaanba la bedelay, kadib markii Ciidamada Ethobia ay halkaasi ka dhigteen fariisin, warkaas.. iyo col. Nuur Cadde oo ka codsadey in ay laba toddobaad loogu daro muddadii uu ku soo magcaabi lahaa golaha wasiirada cusub, taas oo BDFKMG uu ansiyey durbadiiba.... Dhegeyso/Akhri

nur addeNuur Cadde "….markaan arkey fariimo badan oo dhinacyo kala duwan iga soo gaaraya, waxaan ogaadey inaan qaldanahay"  waxana uu markale ku celiyey in uu soo dhisi doono xukuumad tiro yar Laakiin...

:::Baaq ku wajahan in si deg deg ah loo sii daayo Jornaaliste lagu haysto xeebaha Boosaaso

caddeDheegyso: Col. Nuur Cadde oo Shaaca Ka Qaaday in uu Dib u Soo Dhisidoono Xukuumad Cusub oo aad uga tiro yar tii hore... Waxa kale oo uu sheegay in kala-bar xukuumada cusub uu ka keeni doono baarlamaanka bannaankiisa Guji


 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com