Al-shabaab yaa la dirirsan? Yeyse dan u yihiin? - Q.2aad
QAYBTA: 1aad |
2aad
Maqaalkan qaybtiisii hore waxan ku soo
xusay tilmaamo kooban oo ku saabsan Al-shabaab, kaalintooda iyo
mawaaqiftooda oo dhinac ah iyo cidaha la dirirsan oo dhinac ah. Cidaha
la dirirsan waxan ku soo koobay A) quruumaha islaam la dirirka ah iyo
adeegayaashooda faraha badan oo ay xiitaa ka mid yihiin soomaali noocyo
badan. B) Urur-diimeedyada islaamiga ah ee Soomaaliyeed ee kale.
Qolada koowaad waan ka soo tilaamay wax habayaraatee. Qolada
labaaadna waxan ka leeyahay:
Urur-diimeedyada islaamiga ah ee kale
Urur-diimeedyada kale ee diidan Al-shabaab waxay ku diidanyihiin ee
ugu wayn ee la sheegi karaa waa tartan xagga awoodda iyo hoggaanka ah.
Ma jiro wax faraq-diineed ah oo u dhexeeya oo la sheegi karo. Khilaafka
keli ah ee jiri karaa waa; Yaa lagu daba-faylayaa? Marka la eego sida
cadowgoodu isu bahaysanayo, uguna midboobayo la dirirkooda, waad la
fajacaysaa isu tanaasul la´aantooda. Waa murugo eh, waxa meeshan loo
baahanyey cilmi-baadhis, lafa gur iyo faallayn xooggan oo ay u soo
banbaxaan kaadiriin ku baraarugsan marxaladda la marayo. Waxaase ka sii
muhiimsan in ay u soo banbaxaan guurti xallisa is maandhaafka yaal ”inta
aan talo faro-ka-haadin”. Miyaan taariikhda waxba laga baranahaynin?
Miyaan mujaahidiintii reer Afgaanistaan meesha tacabkoodi ku dambeeyey
inoo sii muuqan? Haddii fagaaraha dagaalka Soomaaliya ay ka jireen
Al-shabaab oo lahaa hoggaan habaysan, maxaa looga baahanyey in jabhad
kale laga garab furo? Waxa la doonayaa ma ”i arkaay i maqlaay” baa iyo
in taariikh gaar ah la samaysto? Ma magac kooxeed ayaa mudan in
walaalnimo iyo hiilba la isku siiyo mise alle dartii? Allaahu akbar,
wallee waxa cagta la saaray waddadii madoobayd (akhri buugga: dumar talo
ma laga deyey?)
Yey dan u yihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab?
Su´aashan jawaabteeda waa mid aan ku boorrinayo qof kasta oo
akhriyaaba in uu gaar uga fekero. Kow-kow iyo koox-kooxba uga fekera
jawaabta. Anigu waan ka fekeray, fikiri badan iyo faallona way ii
laabantahay. Waxaanse hadda leeyahay; dhaqdhaqaani wuxu dan u yahay
umadda soomaaliyeed, umadda islaamka iyo guud ahaanba shucuubta la
daciifsaday ee adduunka. Waayo dheh?
Dee dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya wuxu ahaa mid ay soo
qorsheeyeen oo maalgasheen qowadaha reer galbeedka, kuwaas oo raba in ay
umadaha adduunku sii ahaadaan qaar aan iyaga ka xor ahayn oo taag daran.
Ujeedada fogina waa in boqolaalka sano ee soo socda ay carruurtoodu
nabadgelyo ku helaan dhulalkooda, dhulalka kalena looga aqoonsanaado
boqorro oo looga soo hadyadeeyo khayraadka adduunka oo dhan, iyaga oo ka
qatan kuwa soo hadyadeeyey.
Ujeedadoodaas fog waxa ay ku gaadhi karaan, in ay isla imikaba ka
helaan meel kasta dad u sujuudsan, dhaqankooda iyo sarrayntoodana
cabsan. Haddii ay waayaan qaar u sujuudsan waa in ay helaan qaar u
rukuucsan. Haddii ay kuwaas waayaanna waxa ay adeegsanayaan ”xoog iyo
xadiid” si ay shacbiga dhan u ogolaysiiyaan u rukuucsanaantooda. Shaki
kuma jiro in ay jiraan dad badan oo u rukuucsan iyo xiitaa qaar u
sujuudsan quruumhaas gumaysidoonka ah. Tusaaleyaal badan in aan soo
qaato kama gaadho hadda. Laakiin Al-shabaab waa ay diideen in ay u
rukuucaan cid aan Ilaahay ahayn. Iskaba daah quruumaha gumaysi-doonka ah
warkooda eh. Taas waxa aad ka garan kartaa sida cadowga soo duulay iyo
xulafadoodu ay u necebyihiin. Haddii cadowgii umaddu u arko khatar
Al-shabaab, maxaa lagu macnayn karaa?, haaa, taas waxa lagu macnayn
karaa in jiritaanka Al-shabaab aanay dan u ahayn quruumaha duullaanka
ah, taas oo la macno ah in ay dan u yihiin umadda lagu soo duulay.
Taas waxa markhaati u ah meesha ay ka soo qaadeen karaamadii umadda
markii dalka la qabsaday. Markii cabsi lala wada dhuuntay sow al-shabaab
ma ahayn kuwa laabtooda xabbadda u furay ee inagu siman in aan dib isu
abaabuli karno? Taas yaan loo qaadan in aan duudsiyayo dadkii ee culimo
iyo caamaba lahaa. Xaasha. Waxaanse leeyahay; illeen umaddu hogaan ayey
u baahantay sow hoggaanka Al-shabaab ma aha kuwa umadda geesinimo
geliyey?
Sidaas oo kale ayey dan ugu yihiin umadaha islaamka ee uu dhulalkooda
ku dhabanaaniyey duulaanka caalamiga ahi. Isla sidaas oo kale ayey dan
ugu yihiin shucuubta caalamka ee ay saarantahay heeryada gumaysiga,
iyaga oo cashar ahaan u qaadanaya in naf hurnimo iyo haladayg loogu
babac dhigi karo awoodo kaa tiro iyo hub badan.
Talo guud oo ku socota bulsho weynta Soomaaliyeed
Umadda Soomaaliyeed waxa aan u oo jeedinayaa in ay si fiican u
fahmaan dhinaca wax u socdaan. Waa in la fahmo waxa la isku haysto. Waa
in taariikhda dib loo eego. Iyada oo ay tahay in ciddii qalad leh aan
lagala gabban, waxanan taladaas u faahfaahinayaa sidatan soo socota:
- Waa in la xasuusnaado dagaalka Soomaaliya ka socdaa inuu yahay
mid ku dhisan mabaadi oo la isku haysto; hirgelinta shareecada
islaamka iyo hakinteeda ama aan idhaahdo hirgelinta mabaadiida
beesha caalamka iyo hakintooda. Qofkii aaminsan mabaadiida beesha
caalamka, yaanu isku mushquulin gobanimo doon, maxaa yeelay beesha
caalamku iyaga ayaa u tashaday Soomaaliya, waxaanay u wakiisheen
Itoobiya. Qofkii beesha caalamka aaminsani waa in uu ka mid noqdo
adeegayaasha ciidamada Itoobiya iyo kooxda Imbigaati. Qofkiise
aaminsan in shareecada islaamku hana-qaaddo waa in uu muruqiisa iyo
maalkiisa iyo maankiisaba ku biiriyo dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee
afkaartaas xambaarsan. Dagaalka socdaa qabiil maaha, mid
qoomiyadeedna maaha ee waa mid mabda´ ah.
- Waa in si wanaagsan loo fahmo in xalka soomaaliya uu hadda ka
fogaaday dhinaca diblomaasiyadda. Natiijo kasta oo ka soo baxda
dadaal dublamaasiyadeedna wuxu noqonayaa guul u soo hoyatay beesha
caalamka ee islaamka la dirirsan iyo guuldarro u soo hayatay umadda
soomaaliyeed ee rabta in shareecada islaamka lagu dhaqmo.? Taas
ugama jeedo in aan qaddiyaddeen loo soo bandhigin adduunka. Waa xaq
in faddeexadda ka socota dhulka Soomaalida daaha laga qaado. Xasuuqa
iyo shirqoollada is dabayaal, waa in goob walba lagala oogsado, si
xujo loogu oogo shucuubta caalamka. Laakiin dadka hawshaas u kacayaa
waa in ay ahaadaan uun qaar wacyiga shucuubta caalamka wax ka bedela
oo ”opinion makers” ah ee ayna noqon ”dicission makers”. Meesha la
isku haystaa waa dhulkaagii dadka la xasuuqayaana waa dadkaagii.
- Dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya wuxu ahaa mid ay soo
qorsheeyeen oo maalgasheen qowadaha reer galbeedka, kuwaas oo raba
in ay umadaha adduunku sii ahaadaan qaar aan iyaga ka xor ahayn oo
taag daran. Ujeedada fogina waa in boqolaalka sano ee soo socda ay
carruurtoodu nabadgelyo ku helaan dhulalkooda, dhulalka kalena looga
aqoonsanaado boqorro oo looga soo hadyadeeyo khayraadka adduunka oo
dhan, iyaga oo ka qatan kuwa soo hadyadeeyey.
- Waa in la xasuusnaado dadkii iyo kooxihii u babac dhigay
duulaankan ee nafahoodii qaaliga ahaa u hibeeyey si ay u hakiyaan
damaca quruumaha gumaysidoonka ah ee islaam la dirirka ah. Waa in la
xasuusnaado ragga inagu simayn in dib la isu abaabuli karo, oo aan
laga abaal dhicin. Yeynaan noqon sidii Ehelu-naarkii qoloba qoladii
ka horraysay nacdali jirtay.
- Waa in la xasuusnaado quruumaha gumaysi-doonka ah iyo kuwa
islaam la dirirka ahiba in ay ahaatan, ka quusteen guushii ay
bilowgii ku faanayeen. Sida keli ah ee ay ku fashilin karaan
halganka dib u xorayntana waa in la iska horkeeno xooggaga wax iska
caabinta ee culimadu hoggaaminayso. Arrintaasna way galeen
tacabkeedii, waanay ku dhawyihiin in ay ku guulaystaan kol haddii ay
maantaba jiraan ilaa saddex ciidan oo si kala gooni ah u hawl gala.
Arintani waa mid murugo lehe, waa in dhakhso loogu kaco ”inta aanay
talo faro ka haadin”. Shaxda cadowgu way iska caddahay, waxayna
tahay: ”ninka ba´an ee walaalkaa ah dil si aan kuu amaan siiyo”.
- Waa in la xasuusto in labadii qarni ee u dambaysay ay Itoobiya u
soo siqaysay dhinaca xeebaha Soomaalida, guushuna u dambaynaysay
Itoobiyaanka. Taas waxa sababayey iyaga oo ku dagaallamayey ”mabda´
adag” isla markaana haystay hiilka walaalahooda Kiristaanka, halka
umaddeenu aanay lahayn qorshe lagu talo galay iyo hiil walaal toona.
- Waa in maanka lagu hayo, haddii ay Itoobiya u suurogashay in ay
100 sano ka hor qabsatay magaalada Harar, maantana ay is le´egyihiin
Masaajidada iyo kiniisadaha Harar, in Xamarna ay sii haysan karaan,
masaajidada Xamar iyo kiniisadaha mustaqbalkuna is le´egaan karaan
100 sano ka dib. Waa in aan fekerno wixii u suurageliyey guusha ay
Harar ku xalaashadeen, si aanay Xamarna ugu xalaashan.
Talo ku socota dhaqdhaqaaqa Al-shabaab
Dhaqdhaqaaq Al-shabaab waxan iyagana ku leeyahay:
- Horta waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdeen shirkii Asmara,
maxaa yeelay waxaa qayb ka ahaa, kuwii dalbaday ciidamada dalka lagu
qabsaday oo aan welina ka toobad keenin xeerkii ay cadowga ugu
jideeyeen xurmo-tiridda umadda islaamka ah ee soomaaliyeed.
- Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdeen shirka Asmara maxaa
yeelay; waxa ka qayb ahaa kuwii yidhi; dayaaradaha Maraykanku
qasaaraha ay gaysanayaan waa yaryahay ee waa in ciidamada dhulka ee
Maraykanku noo yimaaddaan, si ay u ugaadhsadaan islaamiyiinta.
Welina maynu maqal toobad keen arinkaas ku saabsan.
- Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdaan shirkii Asmara, maxaa
yeelay wuxu kulminayey dad afkaarta ku kala tagsan oo qaarkood aanay
duwanayn kooxda Imbigaati.
- Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdeen maxaa yeelay wuxu u
eegaa meel ay ku soo dhuuman karaan beesha caalamku si ay dagaalka
ugu beddelaan mid u dhexeeya xaq u dirirka islaamiyiinta ah ee
soomaaliyeed.
- Waad ku saxsanaydeen in aad qaaddacdaan shirka Asmara, maxaa
yeelay waxad ka baqdeen in uu aakhirka sababo; ciidamada dalka
qabsaday oo qaarna ka baxaan qaarna iyaga oo sharci ah hadhaan,
kooxda Imibigaatina ay dalka u hadho, muqaawamaduna noqoto mucaarad
aan hubaysnayn, oo aakhirka mabaadidooda xididada loo siibo.
- Waxaadse ku qaldantihiin in aad beri ka noqotaan walaaladiina
shirkaas ka qaybgalay ee aad qaarkood wax walba ka simantihiin.
Qaarkoodna ayba noqden astaamo umaddu ku xisaabtanto.
- Waxad ku qaldantihiin in aad far waaweyn ku qortaan faahfaahinta
mabaadidiina mustaqbalka fog. Uma baahnidin in aad shacabka
Soomaaliyeed far waaweyn wax ugu qortaan waayo? Waxa ku filan; ku
dhaqanka Shareecada islaamka ayaanu rabnaa, cadowga soo duulayna waa
la jihaadahaynaa. Faahfaahinta intaas ka badani caamada uma
wanaagsana, dadkana waxa lagula hadlaa inta uu leegyahay wacyigoodu.
Waxa ka faa´iidaysanaya adeegayaasha cadowga ee iska dhigaya qaar
kula safan.
- Waxad ku qaldantihiin in aad reer galbeedka far waaweyn wax ugu
qortaan. Maxaa yeelay waxa ku filan ku dhaqanka shareecada islaamka
ayanu rabnaa. Halkaas ayey ka garanayaan faahfaahinta mabaadidiina
mustaqbalka fog, iyo in aad odhan doontaan: Ma ogolin mabaadiida
qaramada midoowbay, ma ictiraafsanin xuduudaha lagu kala qoqobay
umadda islaamka ah iyo in alla inta qof islaam ah la gumaysanayo
hawshu way soconaysaa. Qof kasta oo sheegta in uu shareecada
islaamka dhaqan gelin doono-na isku doon ayaad saarantihiin, xiitaa
haddii uu sheegto in uu qunyar socodyahay.
- Waa in aad ka shaqaysaan midaynta safka halganka, iskuna daydaan
in aad u tanaasushaan cid kasta oo aad diintooda ku kalsoontihiin,
xiitaa haddii ay iyagu idiin tanaasuli waayaan.
GEBOGEBO
Walaalayaal waxa aan ku qoray maqaalkan, ugama jeedo wax hagaajin
mooyaane. Waxaanan qoray wax wadnahayga ka soo baxay oo aan ku saleeyey
aqoontayda iyo aragtidayda. Haddii la i tuso qaldanaanta wax ka mid ah
waxa aan qoray oo aan ku qanco qaldanaantiisa, waxan uga laabanayaa
ilaahay dartii.
Dhammaan walaalaha akhriya maqaalkanna waxan ka codsanayaa in aanay
ku akhriyin indho-colaadeed ama kaljeclaan. Ha ku akhriyaan indho
xaqiiqo raadis ah. Iska fura okiyaalaha iyo xarka suurta-galka ah:
- ee jacaylka xarako ama nacaybka mid kale
- qabyaaladda
- aaminsanaanta nadaam caalami ah
- iyo xogaha aad ku hesheen si ”qiila wa qaala ah”
QAYBTA: 1aad |
2aad
Qore: Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan