SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Al-shabaab yaa la dirirsan? Yeyse dan u yihiin? - Q.1aad

QAYBTA: 1aad | 2aad

Beryahan dambe waxa ku soo badanayey warbaahinta Soomaalida warbixino iyo faallooyin ku saabsan dhadhaqaaqa al-shabaab ee Sooomaaliya gudaheeda kula dirira ciidamada Itoobiyaanka iyo ciidamada Yugaandhayska iyo jaalleyaashooda Soomaaliyeed. Faallooyinkaas waxay u qaybsamaan qaar tiro badan oo la safan go´aamada adadag ee al-shabaab iyo qaar tiro yar oo la dirirsan gebi ahaanba dhaqdhaqaaqan isaga ah. Tusaale waxa ah qoraal ku jira www.goobjoog.net oo aan la sheegin qof qoray. 

Haddaba waxa aan maqaalkan yar ku eegayaa:

  • dhaqdhaqaaqa Al-shabaab  kaalintooda iyo mawaaqiftooda
  • Cidaha la dirirsan iyo waxa ay ku diidanyihiin
  • Cidda ay dani ugu jirto dhaqdhaqaaqan iyo dhaqankiisa
  • Talo ku socota dhaqdhaqaaqa Al-shabaab
  • Gebogebo iyo talo guud oo ku socota bulsho weynta Soomaaliyeed

Al-shabaab, kaalintooda iyo mawaaqiftooda 

Magacan Al-shabaab wuxuu soo shaac baxay sanadkii 2006 oo ku beegnayd, wakhtigii ay maxkamadaha islaamku  ka curteen magaalada Muqdisho, kuna fideen gobollada koonfurta Soomaaliya isla markaana ay dabayshoodu gilgishay dhulkii la isku odhan jiray  ”Jamhuuriyadda Soomaaliya” oo dhan. Balse jiritaankooda waxa loo maleeyaa inuu soo abyanmay xilli dhowr sanadood ka horreeyey 2006da. Aniguse waxan ka mid ahaa malaayiinta Soomaalida ah ee dhaqdhaqaaqan ka warhelay xilligii uu socday kacdoonkii lagula dirirayey kooxdii Ashahaado-la dirirka ee ka koobnayd qabqablayaashii reer Muqdisho ee dagaalka. Kacdoonkaas waxa lafdhabar u ahaa dagaalyahanka Alshabaab oo si weyn loola dhacay xarfaddooda dagaal iyo geesinimadooda. Taas oo dhiirigelisay kacdoonkii bulshada reer Muqdisho, isla markaana baqdin-gelisay dagaal-oogayaashii.  

War-doon iyo xuuraan aan dhammaystirnayn oo aan sameeyey waxa ii soo ifbaxday, in dhaqdhaqaaqani ka dhashay iska caabinta weeraro halis ah oo umadda soomaaliyeed uga imanayey dhinaca sirdoonka Maraykanka iyo sirdoonka Itoobiya. Labadaas Sirdoon waxa ay faro-baas ku hayeen dadka indheer-garadka ah ee Soomaaliyeed hadday yihiin aqoonyahanno, saraakiil ciidan ama culimada diinta islaamka. Weerarku wuxu si gaar ah ugu socday culimada Soomaaliyeed ee xambaarsan afkaarta ”isku xukunka shareecada islaamka” una  ololeeya in ay geyiga Soomaaliyeed ka hanaqaado dawlad islaami ah. Waxa jirtay in dad badan oo indheer-garad ah lagu khaarajiyey goobo kala duwan oo dalka ka mid ah, iyadoo qaar badanna la qafaashay oo loo taxaabay jeelal sir ah oo ilaa hadda aan la ogayn meel ”ay jaan iyo cidhib dhigeen”.  

Waxa dhacday in marka culimada soomaaliyeed laga qafaasho guryahooda, laga dhoofin jiray garoomada macmalka ah ee Muqdisho, sidii xoolo beec ah. Hawsha qaarajinta waxa fulin jiray sirdoonka shisheeyaha ama u adeegayaal Soomaaliyeed. Laakiin hawsha qafaalashada waxaa fulin jiray adeegayaal Soomaaliyeed. Adeegayaashaasi waxa ay soo ugaadhsan jireen dad la soo siiyey magacyadooda iyo tilmaantooda. Waxa la soo wariyey in marar badan la qafaalay dad aan ahayn kuwii loo tilmaamay adeegayaasha Soomaalid ah, dabadeedna ay dib u soo celiyeen shisheeyihii loo adeegayey. Markii la soo celiyeyna ay ku qaarajiyeen adeegayaashii Soomaaliyeed ee qafaalay isla garoonkii dayaaradaha ee laga soo dejiyey.

Weerarada noocaas ah ee halista badan waxa ay ku abuureen culimada Soomaaliyeed ee ay ku jirtay hanka dawladnimo, cabsi joogto ah iyo argagax u diiday in ay ku hoydaan guryahooda. Waxa la soo wariyey in ay rag badani ka caageen seexashada guryahooda iyo xiitaa salaadda jameecada ah ee masaajiddada. Duruufta noocaas ahi waxa ay ku dhalisay culimada diinta qaarkood in ay fadhiga ka kacaan oo ay abuuraan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab si ay u difaacaan nafahooda iyo nolosha bulshda muslinka ah ee duulaanka qarsooni ku socday. Waxa kale oo dhaqdhaqaaqu u abuurmay in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyigeliyo awoodooda iyo kartida ay u leeyihiin iska dhicinta shirqoollada cadowga, si aakhirka loo gaadho Soomaali nabad hesha oo dawlad samaysata, iskuna xukunta shareecada Islaamka. 

 Sidaas ayuu ku abaabulmay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab (waa haddii la soo xaqiijiyo wararka aan xuuraanka ku helay), waxayna heleen dhega-nuglaanta bulsho la´ayd cid u jidbixisa. Boqolaal dhalinyaro ah ayaa isu diyaariyey badbaadinta diintooda, dalkooda iyo umaddooda. Dhinaca kale cadowgii waday dagaalka qarsoon, wuxu laban-laabay dagaalkiisii soo taxnaa sannadada badan. Wuxu adeegsaday sirdoon shisheeye iyo dad soomaaliyeed oo isugu jira ururo bulsho, ururo samofal, qabqableyaal dagaal iyo kooxaha wax qaarajinta. Mar keli ah ayey Magaaladii Xamar noqotay dhamac hoosta ka huraysa balse aanay dadka caadiga ahi dareensanayn meesha dabku ka imanayo.  

Aakhirkii waxa mar qudha warbaahinta caalamka ku faaftay oo af walba lagu qoray qaylo dhaan ku saabsan in Soomaaliya ay joogaan kooxo argagixiso ah. Taas waxa laga fahmi karaa in dagaalkii qarsoonaa ay ku gacan sarreeyeen kooxihii Al-shabaab, sirdoonkii shisheeyuhuna ay ku qanceen  in taladu farahooda kas ii baxayso. Isla wakhtigaas waxa ku soo badanayey magaalada muqdisho maxkamado islaami ah oo beelaysan. Maxkamadahaas malleeshiyaadkooda waxaa laf dhabar u ahaa dagaalyahanka Al-shabaab. Iyagu way is ogaayeen, sirdoonka shisheeyuhuna waa la socday, laakiin dadka caadiga ahi ma fahansanayn. Xiitaa madaxda ay beeluhu u dhiibteen maxkamadaha ayaan qaarkood ku baraarugsanayn halista ay dhextaaganyihiin.  

Markaas ayey sirdoonkii shisheeyuhu go´aansadeen in ay dagaalka ka dhigaan mid aan la qarsan ee toos loogu dhawaaqo. Waxa ay hawshan u xilsaarteen wakiilladoodii hore kuwoodii ugu xoogga badnaa,waa dagaal-oogayaashiiye. Markii ay taariikhdu ahayd 18 februari 2006 ayey qabqablayaashii dagaalka ee Muqdisho ku dhawaaqeen ururkii ku caanbaxay ”isbahaysiga la dagaallanka argagixisada” oo isku dhaarsaday in ay guluf ku qaadaan culimada diinta ee awooddoodu ku sii xoogaysanaysay magaalada Muqdisho. Arintaasi waxa ay mar qudha soo jeedisay dareenkii bulshada oo u arkay in duulaan lagu yahay wixii keli ahaa ee uga hadhay qarankii burburay, oo ahaa diinta. Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo iyagu si fiican u fahansanaa qaddiyadda ayaa dhiirrigeliyey bulshadan kacsan isla markaana ku dhiirrigeliyey hoggaankii maxkamad-beeleedyada in ay u jilib dhigaan. Dagaalkii tooska ahaana waxa lagu jabiyey qabqablayaashii dagaalka oo markaa wakiil ka ahaa sirdoonkii shisheeye ee sannadada badan dagaalka qarsoon ka waday Soomaaliya. 

Bulshada Soomaaliyeed farxad ayey la dabbaaldegeen, waxaanay u maleeyeen in halkaas ay ku dhammaatay taariikhdii dagaal-oogayaasha Muqdisho. Laakiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab way ogaayeen, kuna baraarugsanaayeen, in aanay  ahayn dagaalkan cidda ay kaga adkaadeen qabqableyaal Soomaaliyeed ee ay ahaayeen askar Maraykan iyo Itoobiyaan ah oo ay horena ugaga soo adkaadeen dagaalkii qarsoonaa. Waa ay fahansanaayeen in rogaal-celintu aanay raagi doonin ee ay soo dhakhsan doonto. Waxana taas markhaati uga furayey ururkii ay dhisteen umadihii shisheeye ee looga adkaaday dagaalkii Muqdisho ee lagu dhawaaqay loona bixiyey “Somalicontact group”. Dawladda Itoobiyana waxay isla bishii juun 2006 ku dhawaaqday inay ku qasbantay in ay ku duusho magaalada Muqdisho. Taasi waxa ay u baahnayd ku talogalkeeda iyo tabaabusheheeda. Haddaba yaa fahansiin kara bulshada Soomaaliyeed, debed iyo gudaba arintaas? 

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab marka aad u dhabbagasho, waxa kuu qayax maya in ay si fiican u fahansanaayeen:

  1. Khatarta colaadeed ee ku hareeraysnayd iyo duullaanka soo maqan ee USA, Itoobiya iyo inta la afkaar ahi ay la maaganaayeen umadda Soomaaliyeed.
  2. Ujeedadooda dhaw iyo tooda fog oo ahaa nabad Soomaaliya ka hana-qaadda iyo dawlad islaami ah oo ku xigta.
  3. In aanu  sahaalo ahayn jidka lagu gaadhayo Soomaali isku tashata oo ka tashata quruumaha gumaysdoonka ah ee isku darsaday madaxbannaani la dirirka iyo islaam la dirirka
  4. In dadka gadhwadeenka ka ah beesha caalamka, hadday yihiin xukuumado, ururo caalami ah, urur goboleedyo iyo ururo bulshaba ay isku raacsanyihiin heshiisna ku yihiin; in umadda Soomaaliyeed aanay tashan ee loo taliyo, looguna taliyo si aanay ku jirin dantooda umadeed iyo dantooda islaamnimo, balse loogu taliyo si ay dani ugu jirto dawladaha deriskooda ah iyo nadaamka cusub ee caalamka ee islaam la dirirka ah.

MAWAAQIFTA AL-SHABAAB 

Markii uu dhacay duulaankii la filayey ee lagu qabsaday dhulkii Soomaalida ee maxkamadaha islaamku nabadda ka islaaxiyeen, waxa umadda Soomaaliyeed la soo dersay murugo weyn iyo shoog dad badani la jiifsaday. Dhinaca kale damaashaad iyo farxad ayaa ka soo yeedhay wakiiladii iyo waddamadii duulaanka ahaa iyo kuwii ku bahoobay ururka “Somalicontact group”. Waxay yidhaahdeen: “ Hadda ayuu wanaagsanaaday xaalkii Soomaaliya”. Isla markaa waxa ay Al-shabaab noqdeen kuwii ugu horreeyey ee is abaabulay. Waxay mar kale soo celiyeen rajadii umadda ee ahayd in ay wax iska caabin karaan, waxaanay dhakhso u hakiyeen farxaddii iyo dhamaashaadkii shisheeyuhu ku soo dhaweeyey qabsashada Soomaaliya. Waxa intaas u dheeraa wacdarihii dagaal ee ay ugu jilib dhigeen duulaanka. 

Wixii intaa ka dambeeyey waxa ay al-shabaab qaateen siyaasadda laga arkayo ama laga dhadhansanayo hab dhaqankooda oo ah:

  1. In aan arrimaha Soomaalida lagala tashan cid aan soomaali ahayn,  cadowgana aan lagala gorgortamin.
  2. In beesha caalamku ay faraha kala baxaan arrimaha Soomaalida, faragelintoodana loo arkayo dagaal cad oo mudan in lagala hortago jihad “SABIIL YAA MUUMINIIN AH”.
  3. Iyo in Soomaalidu kelidood ka tashadaan aayahooda iyo madaxbannaanidooda iyaga oo ku tashanaya in kitaabka Alle madaxa la saarto. Cidda Soomaalida ah ee ku hawlgasha sidaa si aan ahaynna ay yihiin qaar dagaal ku qaaday diinta Alle iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana la safan duullaanka quruumaha gumaysi doonka ah.

Intaasi waa garooc yar oo ka mid ah sawirka aan ka fahmay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, kaalintooda iyo mawaaqiftooda. Waxanay kuu salaysantahay xuuraamid iyo indho-indhaynta waaqica. 

Yaa la a dirirsan Al-shabaab maxayse ku diidanyihiin? 

Haddii aan isla fahannay dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, waxa mudan in aan is weydiino cidaha la dirirsan iyo waxyaalaha ay ku diidanyihiin. Ma qolo keli ah oo adeegayaal badan leh ayaa la dirirsan mise qolyo badan oo kala ujeedooyin ah?. Jawaabtu ma sahlana, laakiin markii aan u sii dhabbogalay, waxa ii muuqday laba qolo oo adeegeyaal badan leh in ay la dirirsanyihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab. Waxase dhici karta in ay jiraan qolyo badan amaba qolo keli ah oo adeegayaal badan leh. Balse labada qolo ee aan u malaynayo in ay dhibsanayaan jiritaanka Al-shabaab aan idiin tibaaxo, aniga oo rajaynaya in aqoonyahanka Soomaaliyeed ay cilmi-baadhis dheeraad ah ku samayn doonaan mawduucan. Waxa ay kala yihiin labada qolo aragtidayda:

  1. Quruumaha islaam la dirirka ah iyo adeegayaashooda faraha badan
  2. Urur-diimeedyada islaamiga ah ee kale ee soomaaliyeed!!

Labadan qolo oo kala fogaanshohoodu yahay sida mashriq iyo maqrib, waa yaab isku mowqif ahaanshohoodu. Laakiin isku mawqif ahaanshohoodu ma aha mid ay ka dhaxayso is-ogaansho iyo isku ujeedo. Qolada hore uma kala duwana cadaawadda ay u qabaan Al-shabaab iyo urur-diimeedyada kale. Laakiin waxa ay leeyihiin taaktiko aan ka fogayn tii saddexda dibi iyo libaaxa.  

Quruumaha islaam la dirirka ah iyo adeegayaashooda faraha badan 

Marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, quwadaha reer galbeedka ayaa horkacaya quruumaha islaam la dirirka ah, waxana ku hoos jira; ururada caalamiga ah, urur-goboleedyada, ururada samafalka ku magacaaban ee laga maalgeliyo galbeedka, ururada xuquuqul-iinsaanka ku magaacan, ururada ku xidhan kiniisadaha reer galbeedka, sirdoonka waddamada waaweyn,  wakaaladaha warbaahinta, waddamada deriska la ah Soomaaliya iyo dad Soomaaliyeed oo tixgelinta beesha caalamku kala miisaan wayntahay ku dheganaanta shareecada islaamka. Ujeedooyinka ay ku shaqaynayaanna waxa ka mid ah:

1.      In lala diriro dadka ku baaqaya ku dhaqanka shareecada Islaamka

2.      In loo hogaansamo qawaaniinta caalamiga ah ee u adeegaya sarraynta dhaqanka reer galbeedka.

3.      In dhaxalkii gumaystaha la ixtiraamo loona arko muqaddasaad aan la taaban Karin, sida xuduudaha oo kale. 

Arrimahaas waxa lagu gaadhi karaa; in dalka Soomaaliya taladiisa laga ilaaliyo dad xambaarsan afkaar ku lid ah ujeedooyinkaas. Dadkaasina waxa ay noqon karaan oo keliya qolyaha xambaarsan afkaarta ah “ku dhaqanka shareecada islaamka”.  Horeba reer galbeedku way ula dirirayeen dadka afkaarta islaamiga ah xambaarsan oo xiita waxa aan la ogolayn in uu hal qof ku soo dhawaado maamulka dalalka islaamka. Haddaba maadaama oo aynu ka soo sheekaynay Al-shabaab iyo mawaaqiftooda, way kuu sahlantahay in aad fahanto waxa lagu diidanyahay. Tusaale ahaan, Al-shabaab waxa ay rabaan:

·        in aanay beesha caalamku wax talo ah ku yeelan arrimaha Soomaalida.

·        In si buuxda loo dhaqangeliyo shareecada islaamka

·        In aanay aqoonsan qawaaniinta caalamiga ah oo ay u arkaan gaalnimo magaca laga beddelay

·        In aanay sinaba u ixtiraamin dhaxalkii gumaysiga oo ay ugu horrayso xuduudaha aan dabiiciga ahayn. 

Kala duwanaanshahaasi kama fursanaayo iska hor imaad, Sababtoo ah quruumaha islaam la dirirka ahi ma ogola meel dhexe oo la isugu yimaaddo maadaama oo ay haystaan awood maaddi ah oo aad u weyn. Waxa ay rabaan in al-shabaab la dabargooyo, dabadeed lagu xigsiiyo cid kasta oo aaminsan afkaarta ku dhaqanka shareecada islaamka, dabadeed xididada loo saaro rugaha ay ka abuurmi karaan dad afkaar noocaas ah aaminsan, sida duruusta masaajidada, madaarista islaamiga ah, faafinta dacwadda islaamka iyo hantiileyda maalgelin karta fufka diinta islaamka. Waxa ay ku talogelayaan haddii ay taas ku guulaystaan in la dabargooyo dadka aan islaamiyiinta ahayn laakiin aaminsan madaxbannaani maadi ah in ay Soomaalidu hesho. 

Dagaalka noocaas ah ee khatarta badan, waxa ka mid ah adeegayaasha quruumaha islaam la dirirka ah, dad soomaaliyeed. Dadkaa Soomaaliyeed waxa ka mid ah qaar caddaystay mabda´ooda oo si toos ah saf ula soo galay quruumaha islaam la dirirka ah. Kuwaas waxa tusaale u ah kooxda Imbigaati iyo dadka taageersan. Waxa kaloo ka mid ah qaar lagu tiriyo in ay ka tirsanyihiin gobanimo doonka ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya iyo kooxda Imbigaati. Dadkaasi waxa ay weeraraan xoogga al-shabaab, waxa ay afka ka dhowraan isku xukunka shareecada, waxa ay aaminsanyihiin in ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidamo kale oo ay aakhirka kala wareegaan ciidamo ka socda UN-ta oo transsheep geliya Soomaaliya. Waxay si weyn uga soo horjeedaan in la gargaarsado dadka muslimiinta ah ee diintoodu amrayso in ay isu gargaaraan. Qodobkan dambe waxad mooddaa in ay qareen ugu yihiin quruumaha duullaanka ah ee iyagu cid walba u kaalmaysanaya hirgelinta yoolkooda. Waxa ay ku diidanyihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab, ayaga oo u arka niman aan aqoonsanayn qawaaniinta UNta, kumana ammaanaan in ay aad ugu dhegenyihiin qawaaniinta shareecada.  

Hadal iyo dhammantii, waxad mooddaa in aanay qolyahani si fiican u fahmin dagaalka socda noociisa. Waxa kaloo dhici karta in aanay qudhoodu ka baaraandegin waxa ay aaminsanyihiin. Waxa kaloo dhici karta in ay ciirada isku qarinayaan ee ay dhinaca kale la jiraan. Haddii arrinku sida hore yahay, waxan kula talinayaa in ay maqaalkaygan dhuuxaan, haddiise arrinku sida dambe yahay, waxaan kula talinayaa in ay dib isugu noqdaan oo ay mugdiga ka baxaan. Haddiise arrinku ka saddexaad yahay, waxa iga talo ah in aanay ku soo gabban wax ka sheegga Al-shabaab ee ay iska caddaystaan ujeedadooda fog. Ha ku biiraan safka cidda ay mabaadidooda aaminsanyihiin. Wax kasta oo laga sheego Al-shabaab, waxa beeninaya kaalinta ay ugu jiraan umadda Soomaaliyeed. Waxa meesha taal, maahmaahdii odhan jirtay ”libaax nin ganayna og, nin galladayna og”. Haddiiba khilaaf jiro iyaga ayey tahay in loo tanaasulo, culimada soomaaliyeedna sidaas ayey yeeli doonaan Insha Allaah. 

FG: Maqaalka qaybihiisa AKHRI...

QAYBTA: 1aad | 2aad

2007-12-07

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 09, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com