SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 10, 2007

  • Faahfaahinta dagaalo xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.
  • Cali Mahdi “Kooxaha rabshadaha ka wada Muqdisho ha u turaan naftooda”. 
  • Prof. Geedi “Gudaha dalka waxaa lasoo galiyay Sigaar dhacay”.

Waxaa isku soo dubaridey:
Abdifitahaam Ahmed | Hargeysa

Faahfaahinta dagaalo xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Xalay oo Jimce soo geleysey qiyaastii 11:30 PM ayaa ilaa 4 goobood oo kala duwan laga maqlay dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ka dhacda qoryaha fudud iyo kuwa daran dooriga u dhaca, oo kooxo aan la garaneyn ay ku weerareen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia iyo kuwa Ethiopia. 

Saldhiga Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa xalay laga maqlayay israaseyn iyo qaraxyo halkaasi ka dhacay, iyadoo lagu soo waramayo inay dhex martay ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia iyo kooxaha wax iska caabinta. 

Israaseyntaan ka dhacday saldhiga Howl-wadaag ayaa socotay muddo lagu qiyaasay saacad iyo bar sida uu kusoo waramayo Wariye Cabdicasiis Duceysan oo ka tirsan Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho.

Duceysane waxa uu sheegay in xalay dadka ku dhow dhow agagaarka suuqa Bakaaraha ay xabad dhulka wada dhigeen kadib markii ay hal mar kusoo baraarugeen qaraxyo iyo israaseyn xoogan oo ka dhaceysay agagaarka saldhiga Howl-wadaag oo daris la ah suuqa Bakaaraha.

”Aniga xiliga ay israaseynta bilaabaneysay oo ku beegneyd 11:30 PM waxaan joogay Idaacada, markaasoo aan isku diyaarinayay inaan aqriyo warka saacad laha ah ee idaacada ka baxa, ayaan hal mar ku naxay israaseyn hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayay, taasoo qalqal galisay dhamaan shaqaalihii idaacada joogay” ayuu qadka telefoonka iigu sheegay Duceysane.

Kadib, tacsiiradaasi iyo qaraxyada ka dhacay Howl-wadaag ayaa sidoo kale weeraro kale lagu qaaday dhismaha warshadii hore ee Tolmada, warshadii hore ee Caanaha iyo agagaarka Shirkole, halkaasi oo ay ka dhaceen iska horimaadyo culus oo dhex maray ciidamada Ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda iyo kooxo aan la garaneyn.

Dagaaladaasi oo ahaa kuwo aad u culus ayaa waxa ay walwal iyo baqdin ay galiyeen dadka ku dhaqan xaafadahaasi, iyadoo xaafadaha qaar lagu arkay dad meyd ah oo ay haleeshay rasaastii ay ridayeen kooxaha hubeysan iyo jawaabtii ay bixinayeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda, waxaana iska horimaadyadaasi ku geeriyooday 5 ruux oo labo askar ay yihiin halka 3-a kalena ay ahaayeen dad rayid ah sida ay ku warameen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyeen in cidamada Dowladda KMG ay  saakay baaritaano ka bilaabeen goobihii lagu dagaalamay xalay sida xaafadaha Shirkole, warshadii hore ee caanaha iyo Xeradii Tolmada, iyadoo dadka degan deegaanadaasi ay ku soo tooseen ciidamo ku gadaaman.

Cali Warsame oo kamid ah dadka degan xaafada Shiirkole ayaa qadka telefoonka iigu sheegay saakay in rag gaaraya 21 qof ay saakay guryahooda kala baxeen ciidamada Dowlada, isla markaana aan la ogeyn ilaa iminka halka ay geysteen iyo waxa loo qabtay.

Weerarada lagu qaadayo ciidamaa Dowlada Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caado ka noqotay magaalada Muqdisho, taasoo inta badan ay qasaaro kasoo gaarto shacab aan waxba galabsan.

Cali Mahdi “Kooxaha rabshadaha ka wada Muqdisho ha u turaan naftooda”. 

Cali Mahdi Max’ed oo ah Guddoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa u digay kooxaha uu ku tilmaamay inay rabshadaha ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

Cali Mahdi ayaa yiri “Kooxaha qarxinta iyo rabshadaha ka wadaan gudaha Muqdisho u turaan marka hore naftooda inta aysan u turin nafta shacabka, hakan ka daayaan shacabka qaraxyada iyo dhibaatada ay ku wadaan”.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Cali Mahdi Max'ed Shir ay shalay ku yeesheen Hotel Ramadaan odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye, isagoo kula taliyay kooxo uu ku tilmaamay in qaraxyo ay ka wadaan Muqdisho in ay uga turaan weeraradooda dilka iyo magac xumida ay ku hayaan dadkooda iyo dalkooda.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay kooxaha qaraxyada ka geysta Muqdisho inay waxii ay tabanayaan miiska korkiisa laso fadhiistaan si loo xaliyo isla markaana ay wada hadal la furan Dowlada KMG ah ee Somalia. 

“Dagaal iyo qaraxyo marnaba sooma celin karaan nabada Muqdisho, waana la ogyahay Muqdisho marxaladaha ay soo martay, sidaas darted waa in la wada xaajoodaa waxii qof dhibanaya waa inuu ka hadlaa balse ma ahan inuu qarxin iyo rabshada shacabka korkiisa ku bilaabaa” ayuu yiri Cali Mahdi. 

Si kastaba, hadalkaan kasoo yeeray Mas’uulkaan Dowlada KMG ah ee Somalia u xirsaartay dhexdhexaadinta shirka Muqdisho ayaa kusoo aadayaa xili ay kasii darayaan qaraxyada iyo rabshadaha Muqdisho ka socda. 

Prof. Geedi “Gudaha dalka waxaa lasoo galiyay Sigaar dhacay”

Ra’iisul-wasaaradah Dowlada Federaalka Somalia Prof. Cali Max’ed Geedi ayaa shaaca ka qaaday in gudaha dalka Somalia dhawaan lasoo galiyay Sigaar uu ku sheegay inuu dhacay. 

Geedi waxuu sheegay in sigaarkaan dhacay uu qatar ku yahay caafimaadka dadka Soomaaliyeed, waxuuna sheegay inay dalka soo galiyeen ganacsato ka fakiraya oo kaliya sidii ay lacag u heli lahaayeen balse aysan ka fakir caafimaadka dadkooda sida uu yiri.

Hadalkaan ayuu Ra'isulwasaare Geedi ka sheegay kulan shalay ay yeesheen golaha wasiirada dowladda KMG ah, isagoo tilmaamay in dalka la keeno sigaar dhacay oo halis ku ah caafimaadka dad badan oo Somali ah oo aan garaneyn waxyeelada sigaarka dhacay.

Geedi ayaa waxa uu sheegay in dib loo soo celinayo wakaaladii hore ee Sigaarka, iyadoo maareeye looga dhigay C/qaadir Muuse Cadde, waxaana marka wakaaladdaasi ay dhismaheeda ay dhamaato ay sheer ku yeelan karaan ganacsato Somali ah.

Afhayeenka Dowlada Federaalka Mudane Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa Saxaafada u xaqiijiyay in Ra’iisul-wasaaraha uu sheegay inay diyaarin doonaan rag ka tirsan sirdoonka dowlada iyo dhaqaatiir baarta goobaha lagu hayo sigaarkaasi dhacay iyo cida dalka keentay. 

Goobdoon waxa uu sheegay cidii lagu helaa inay dalka soo galisay sigaarkaan dhacay in la ciqaabi doono oo lagu fulin doono sharciga dalka u yaala iyo tan diinta Islaamka. 

Goobdoon ayaa sidoo kale sheegay in Prof. Geedi kulankii shalay ugu hadlay sidii dowlada ay u sameyn laheyn lacago Shillin Soomaali ah maadaaam lacagaha Soomaaliga ay intooda badan halaabeen. 

“Lacagahaan la sameyn doono waxa ay ka duwanaan doontaa lacagaha kale ee faalsooyinka ee dadka caadiga ah sameytaan, tanina waa lacag dowladadeed oo la aqoonsan yahay” ayuu yiri Goobdoon. 

Si kastaba, hadalka Geedi ayaa kusoo beegmaya xili muddooyinkii ugu dambeeyay tan iyo markii dowlada ay qabsatay Muqdisho ay soo baxeen warar sheegaya in dalka lasoo galiyay daawooyin iyo waxyaabo kale oo dhacay taasoo aysan dowlada hore ugu hadlin. 

Abdifitahaam Ahmed
Hargeysa – Somaliland
Email: abdifitahaam@gmail.com 


FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya.. Akhri...


Gancasaada Puntlanad oo Khamiistii  oo  soo  bandhigay  dhisme  cusbtaal  xoolo [maxjar] oo ay ku  baxyso malaayiin doolar

 

Boosaaso: Waxaa Khamiistii Aug 9, 2007 xaflad  aad u ballan lagu  qabtay  xarunta  Maxjarka  wadaniga  oo ku yaal  dhanka  bari ee magaalada Boosaso, waxaa xafladdaas lagu soo bandhigay Cusbtaal ay  maalgashadeen  gancasato   Soomaaliyeed  oo ka soo  hor jeeda  nin sucudiyaan ah oo  maamulka puntland  heshiis la galay.

 

Maxjarkaan la soo   bandhigay ayaa  waxaa   ku baxaya  sida  ay sheegen  raga     maalgashaday   in ka badan    5milyan oo doolar  oo ay iska  ururiyeen.

 

Waxaayna   shegeen in uu u  furanyahay   qof walba   oo  soomaali ah  oo  xoola  iib  gayan raba.

 

Mudo bil ka hor ah ayeey   ahayad markii  ay  dhagax dhigeen  xaruntaan  gancasatadu.

 

Maamulka puntlnad oo isagu  gacansiin jiray  maxjarka  kale ayaan wax  war  ah ka soo  saarin  abaabulka   ganacasatada,  waxaana khamiistii goobtaasi joogay dad aad u farabadan oo isgu jira  ganacastada ugu waaweeyn puntland, waxgarada  aqoonyahno  iyo dhalinyaro.

 

Cali  xaaji  siciid  oo   ka mid ahaa   ragii  gobtaasi   joogay  ayaa  diirka  ka  qaaday in soo  dhoweynayaan   hindisayaasha dawalda   fedraalka iyo  kuwa  Puntlanad   balse  ay  xaq  u leeyihiin in ay   dhistaan  maxjarkaan.

 

Gancasatdii isugu timi  gobtaas aaya  dhammaanatood   ka muuqtay    shucuur  xoogan oo ah in ay  diyaar u yihiin  in  ay  dhidibada u tagaan  mashruucan  waxii  doona ha ku  baxeen.

Baydhabo: Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com