SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada.(qaybtii 2-aad)

Xildhibaan Cali Jeyte “ Xukuumada nin bay dusha u saran tahaye ee ma ka dhignaa mise waan iska deynaa”.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele “waxaan Dowladda Ugandha iyo Ethobia ka codsanay in ciidamada Dishebiliinkooda ay noo dhisaan”.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow “dowladu yeysan naga dumin, aniga Baasaboor Ajnabi ah ma haysto, waana ugu cabsi badanahay, waana idiinkugu walwal badanahay” 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxoow oo  halkaasi ka hadlay hadii aan soo koobno fikirkiisa ayaa wuxuu ahaa sidan “Anagu xil uma rooreyno, laakiin waxaan ka baqayaa in lagu noqdo wixii hore ee Qabiil Qabiilka laysu laynayey, waxaana ku soconaa hada hab dowlo, Wasiirka Dastuurka wax badan oo dhibaato ah ayuu sheegey, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii dhibaatada hore u waday, arintaas darteedna la ii rukh’seeyey, heer dalka aan ka baxo oo aan tago dalall kale ee marka hada ayaan wanaagii cagaha saareynaa walina ma dhameystirna” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Suudi isagoo hadalka siiwata ayaa intaa ku darey 

“dowladu 6-bilood ayey joogtaa Muqdisho shaqo fiican wey qabatey, qofka markii uu nadiif yahay waxa kale nadiif ayey noqdaan, aniga shaqo layma siinin, waana idiin kugu shaqo badnaan doonaa, taas ayaan idiin ka balanqaadayaa ee dowladu yeysan naga dumin, aniga Baasaboor Ajnabi ah ma haysto, waana ugu cabsi badanahay, waana idiinkugu walwal badanahay ayuu yiri Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi”.

Xildhibaan Cali Jeyte  ayaa isna wuxuu yiri “Mudane Gudoomiye Wasiirka hadley wuxuu galay wax nabadoon nimo ah ee wax qodob ah oo sharciga waafaqsan kama hadalin, Axdiga KMG qodobkiisa 11-aad farqadiisa 5-aad sidaan maleynayo, sharci Baarlamaank iyo UNDP ma dhigaayo ee wuxuu dhigayaa gudiga dastuurka marka magacyadooda loo gudbiyo Madaxweynaha ayuu ansax noqonayaa, Markaan dalka u soo guureyney ma ciidamaa inooga horeeyey, inagoo og baanu nimid ee Xukuumadu waxay u xilsaaran tahay inay dalka ka hirgeliso mudo 2-Sano iyo bar gudahooda Dastuur. 

Mar uu ka hadlaayey ayaa Xildhibaanku aarinta xukuumada ayaa wuxuu yiri “ mudane gudoomiye aniga Xukuumada ayaan ka mid ahaan jirey ee wasiir baan wax laga weydiineyn isku mid baanu ka nahay wasiirka isaga iyo aniga ee Xukuumada nin bay dusha u saran tahaye ee ma ka dhignaa mise waan iska deynaa!? Ayuu hadalkiisa ku soo koobey Xildhibaan Cali Jeyte”. 

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo isna Wasaarada u hadlayey ayaa wuxuu ka warbixiyey waxyaabihii ay soo qabteen iyo halka ay marayaan wuxuuna yiri “mudane gudoomiye waxaa la ii soo xilsaarey inaan ka warbixiye Wasaarada Gaashaandhiga ma aha Wasaarad dhaqaale ee waa wasaarad difaac, waxaa nooga horeeyey wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Gen. C/raxmaan Max’uud Cali {Bayr} iyo Cumar Aadan Xasan  {Cumar dheere} oo isna ku xigeen u ahaa waxaana xiligaas jirey wax la yiraahdo looma dhama, waxaana ciidamada maleeshiyooyinka ku uruurinay Manaas iyo Daynuunaay,  Wasaarada waxay isu diyaarisay sidii looga bixi lahaa arintaas, waxay diyaarisay ciidan dhisan oo gaaraya 12000, laakiin inta shuruudu ahayd waxay ahayd 25000 oo Askari, waxaan ka soo uruurinay Gobolada dalka ciidan shanta beelood ay u dhan yihiin. 

Mar uu ka hadlaayey Wasiir ku xigeenku qorshaha ayaa wuxuu yiri “Qorshaha Wasaaradu waxay ahayd uruurinta iyo xareynta ciidamda maleeshiyooyinka, maadaama Wasaaradii maleeshiyooyinka ay meesha ka baxday waana u diyaargarownay, hase ahaatee dhibaatooyinkii iyo dagaaladii la soo maray awgeed ayey dib inooga dhacday, hadana faraha ayaan kula jirnaa, waxaa kale oo inoo xiga tayeynta, isku duwida maamulka ciidanka iyo qalabkooda, caalamka iskuma taageero arimaha difaaca, laakiin arimaha gudaha sida Booliiska  ayuu iska taakuleeyaa, dowladaha Ethobia, Kiiniya, Ugandha iyo kuwa kale ee Afrikaanka waxay naga ogolaadeen inay naga kaalmeeyaan tababarka ciidamada iyo dhisidooda.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayey sababta keentey inuu warbixinta dhiibo ayaa wuxuu yiri “wasiirku wuxuu ku maqan yahay dalka Ugandha sidii saraakiil ay inoogu soo tababari lahaayeen, xiriirinta iyo taakuleynta ciidamada shisheeye Wasaarada ayey saran tahay, Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ethobia aan saaxiibka nahay waxay u yimaadeen taageerida Xukuumada iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku hawl jirnaa sidii dowladaha aan saaxiibka nahay ay nooga kaalmeyn lahaayeen arimaha difaaca,  waxaan soo gabagabeynay qaab dhismeedkii Wasaarada waaxyaheeda kala duwan, waxaana hore loo go’aamiyey in Wasaarad kasta 7-xubnood oo shaqaale ay yeelan karto, anaga taasi waa naga soo dhamaatey, waxaana u gudbinay ururka shaqada iyo shaqaalaha, waxaadna og’tihiin wadankaan mudadii dowlad la’aan ay jirtey wax aan la kala lahayn inuu ahaa, hada taasi ma jirto oo waan burburinay, Wasaaradu waxay tagtey Puntland waxayna ka codsatey in lagu soo wareejiyo ciidamada Daraawiishta meel fiicana waan isla joognaa, Wasaaradu waxaan ka ahayn Gobolada Woqooyi ee hada la baxay Somaliland way tagtey  Wasaarada Gaashaadhiga oo hawsheeda ay ka qabatey, Wasaaradu waxay ahayd sidii dalka xuduudihiisa iyo midnimadiisa ay u ilaalin lahayd, oo wayna ku hawlan tahay taasi, waxyna ka qayb qaadanaysaa dibu-heshiisiinta, maadaama hada nabad la heley waxaan Dowladda Ugandha iyo Ethobia ka codsanay in ciidamada Dishebiliinkooda ay noo dhisaan, arintaasina hada waxaan ka bilowney daynuunaay waxaana tababarka bixinaya ciidamada Ethobia, Dowladda Ungadha iyaduna waxay tababar uga bilowadey ciidamda xooga Garoonka balidoogle, anaga waxaa nalaga rabaa dadd dhisan Wasiirka dastuurkana waxaa laga rabaa qoraal sidii dadka loo wajihi lahaa, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa kaagaga marag hadaan lagu dhaheynin waa kaa madoobaatey, hadaba Baarlamaanka sharfta leh waxaan ka codsaneynaa inay nagu dhiirigeliyaan, ciidamada Bil kasta mushaar ayaan siinaa cid kasta waa soo ogaan kartaa, laakiin bishaan dib ayey inooga dhacdey, waxaana inoo qorsheysan inaan Askariga bilkasta siino $100 oo dollar, iyadoo mid kasta darajadiisa loo tixgelinaayo”ayuu Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga warbixintiisa ku soo koobay. 

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo

Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada. (Q.1aad)

Xidhibaan Max’uud Axmed Kulalihi oo ah xidhibaanka ugu  Afkaar kulul Xidhibaanada oo  mudo 3-sanno  ahna aan lagu arag masraxa doodaha ee Baarlamaanka  ayaa qaba fakir  ah:-

”Xildhibaanada sharafta leh  laga soo bilaabo 2004-ta ilaa 2007-da  waxaan  laga joogaa xili 3-sano  ayay xukuumada jirtaa, waxaana na soo galay mucaawinooyin badan, lacago, qalab, Raashiin iyo Gaadiid waxaana ka kala helnay dowladaha kala ah yamen 3-malyan oo dolar iyo Gaadiid, Suudaan 2-malyan oo dolar Aljeeriya 2-malyan oo dolar, Kuweyt 1-malyan oo dolar & deeqo kala duwan, Liibiya 11-malyan dolar, Imaaraad 3-malyan oo dolar, Cumaan 5-malyan oo dolar iyo 50-Baabuur, Jabuuti 1-malyan oo dolar, Saudi Arbia 197-malyan oo dolar, Kenya 2-malyan oo dolar, Ugaandha 1-malyan oo dolar, Nayjeeriya 2-malyan oo dolar, South Afrika 1-malyan oo dolar, Itoobiya 1-Malyan oo dolar, China 2-malyan oo dolar Sweden  1-malyan oo kaash ah, mushaaraadka  Xildhibaanada iyo mucaawanooyin kale, Norway 1-malyan iyo Mushaarka Xildhibaanada, UK 4-malyan oo dolar, USA 60- malyan oo dolar Italy 11-malyan oo dolar oo isugu jira , deeqo kale qalab iyo Gaadiid, Kuuriyada koonfureed 100,000 oo dolar iyo qalab lagu gaday dekeda Berbera oo looga yaboohay mucaawanooyinka sunaamiga,

hadaba Xukuumadu xidhibaanada lacagta ay siisay waa kun mar ah iyo 4,000 ee ugu dambaysay, yaan kula xisaabtanaa su’aasha maanta ama weydiinaa?!!  xukuumada shaqadeeda ma hayso waana la xisaabtamaynaa waxaana laga rabay inay sharci soo saarto xilligan, Mudane Wasiir dastuur sharciga adiga kaligaa ma lihid Barlamaanka ayaa soo saaraya oo ka doodaaya, maalin dhawayd fursad  baan haysanay oo su’aalo ku weydiino wasiirka 1-aad waxaana naga lumayay fursadaas Gudoomiyaha, sababatoo ah Ra’iisul wasaaraha wasiirkiisa hore ee Iskaashiga Caalamiga ee Jurrile ayaa iska maamulanayay iyagaana ka mas’uul ah inay na maamushaan hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee Caalamka  maxaan kula xisaabtanaa 300,000000 malyan iyo dheeraad ma jiro meel aan kula xisaabtano, hanti dhowrka guud, Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirka 1-aad waa iney meelsaaraan, waxa la keeney oo baabuur ah yaa la siiyey, ma maxkamadahaa la siiyey, ma Mucaaradka la siiyey, mise Muxaafidiinta?, Wasiirka Deegaanka kama maqalno wax hadal ah dadkeenu way baaba’ayaan, arintu waxay u muuqataa in Ruux kasta uu hoosta ka fariistey Wasiirka 1-aad, waxaan soo jeedinayaa oo aan Baarlamaanka sharafta leh ka codsanayaa in Gudi madax banaann loo saaro  Xukuumada oo  la xisaabtama, kuwa lagu hayo Xabsiyada , ma haystaan Caafimaad fiican, waxaa nahaya jahwareer Soomaalidu waxay tiraahdaa (Dawaco ayaa tiri maanta Reer aan Ogahay ma guuraayo) Ra’iisul Wasaaraha oo aan ogahay shaqadiisa iyo Jurriile ayaa inoo dhiibay UNDP iyo Hay’adaha kale, Caalamka inay na maamushaan waana sixiixooda, uma jeedno Wasiir maanta wax qabtey, laakiin Walaallkey C/llaahi Sh. Ismaaciilow sidaad u soo tafsiirisay waad ku mahadsan tahay, laakiin aniga kula ma qabo”.

 

 Xidhibaan Ismaaciil Xasan Max’uud (Timir) oo ah xubin ka tirsan Gudiga Dastuurka & Arrimha Federalka ahna Gudiga Sharciga iyo Xuquuqul insaanka ee Baarlamaanka Carabta  ayaa  hadalkiisa ku bilaabay “AL QAANUUN LAA YARXAMUL QAAFILUUN” qaanuunku uma naxariisto kuwa hilmaansan,  Aninigu hada kama hadlayo waqtiga loo yeerayo,  waqtiga la magacaabay iyo mudada Federalka waayo gudigeena  ayaa howshaa baarlamaanka u xilsaaran kana hordhici mayo, balse wasiirka oo firfircooni mujiyay inta uu joogay wsasaarada waxaan weydiinayaa su’aalaha kala ah:-

 1-Mudane wasiir in Axdiga qorayo  in labo gobol iyo wixii ka badan ay noqon karaan dowlad goboleed, waxaa kaloo  lagu soo heshiiyay, inay mudada KMG ah gobolada soomaalida loo aqoonsaday 18-gobol ee horey u jirey  hadaba waxaad ka warantaa sharciyada  gobolo aan lahayn xuduud  mucayan ah oo horey loo aqoonsanaa ama la sameeyay mudada dowlad la’aanta gobolo iyo degmooyin ka farcamay?

 2-  Ma lahaan karaan adigoo eegaya habka federalka awoodaha soo socda heshiisyo taabanaya dhaqaalaha, siyaasada iyo Amniga qowmiga sida:-

A- In heshiis  ay la galaan dowlad goboleedyadu dowlado kale iyadoon aysan ogeyn dowlada dhexe?

B- Daabacaada lacagta dalka  oo aan saarin Bankiga dhexe?

Mudane wasiir adigoo ah wasiirka federalka ah sided u maamuli lahayd dal federal ah oo leh dekedo, Garoono iyo Kastamo si sinaan ah xuquuqdooda iyo waajibaadkooda?

Waxaan fadhinay 2-sano magaalada Nairobi  iyadoo aynu isku haynay UNIT iyo FEDERAL ugu dambayna waxaa la qaatay FEDERAL,  hadaba federalka aynu u baahannay waa noocee maadaama aad  dastuurka  qoreysaan”.

    akh'ristaha sharafta leh la soco qaybaha kale.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com