FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan
DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka
Soomaaliya
- Waxaa soo diyaariyey
S.E.C.G. [Somalia Energy Concern Group]
Waxaa billihii la soo dhaafay soo baxayey haddalo iyo qorraalo badan
oo is barbar socda kuwaaso inta badan ka hadlayey arrimo la xirriira
baarista shidaalka Soomaaliya la sheegay in uu ku jiro. Qorraaladaaso
inta badan shirkado ama mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS ka soo kala baxay
taas oo ay ugu dambeysay maanta oo ay taariikhdu tahay bisha 8aad,
maalinteeda 9aad ee 2007 uu qorraal ka soo baxay magaalada Nairobi
xafiiska ninka sheegta in uu yahah Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Nairobi
Mr. Maxamed Cali America wareysi uu siiyey
Reuters uu sheegayay in " sharcigii Batroolka Maanta ama Berri uu ka
doodi doono Baarlamaanka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada
Baydhabo, taas oo uu ku daray in uu rumeysan yahay dooda ka dib in la
gudbin doona sharicga Maareynta Shidaalka si aanan shaki ku jirin".
Ayadoo aad moodid Mr. Maxamed Cali America howlihii sugayey safaarada
Soomaaliyeed ee Nairobi ku taal in uu ka door bidey in uu ka hadlo arrimaha
Shidaalka Soomaaliyee ee tartanka ba'ani shirkado badani ka dhaxeeyaan ee
daneynaya howshaan, ayaad waxaad moodaa in uu Ergeygu shirkadan Kuwait
Energy iyo lamaanaheeda shirkada Indonesia laga leeyahay ee la yiraahdo PT
Medco Energy in ay ka door bideen in ay baalka geliyaan isaga iyo
mas'uuliyiin ka sarreysa ee howshan u xil saarey in uu ka hadlo, ayaa waxay
nasiib darada noqotey in marka koowaad Mudanahu uusan ka midka aheyn Gollaha
Wasiirada ee arrintan quseyn karta, Marka xigta uusan ka tirsaneyn Wasaarada
Batrooka ee Arrintan hoos timaado, Marka Seddexaad uusan ka mid aheyn
xubnaha Gollaha Baarlamaanka DFKGS ee arrintan u fadhida in ay ka doodaan si
loo arko waxa ugu haboon ee ummada Soomaaliyeed dhaxalkooda noqon kara in ay
go'aan ku gaaraan, iyadoo ay seddexdaas arrimood ay jiraan ayaad haddana
waxaad moodaa in Mr. Maxamed Cali America amar lagu siiyey in arrimahan aan
quseyn uu dhex dabaasho,isagoo kalsooni badan ka heysta Mas'uul sarre.
KUWAIT ENERGY IYO MEDCO ENERGY MAXAY KALA YIHIIN ?
Waa su'aal u baahan in ay ummada Soomaaliyeed odorosaan si ay u ogaadaan
shirkadahani halka ay ka yimideen iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta
tahay labada shirkadoodba in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar,
dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baaritaaneed aysan laheyn ama heli
karin. Balse ay jirto xirriir dhow oo ay wada yeesheen mas'uuliyiin sare
DFKGS ka tirsan dartood ay u suurtowday in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta
ku dhigaan shirkada u qaabilsan Maareysta shidaalka Soomaaliyeed (Somalia
Petroleum Authority ). Shirkada Kuwait Energy oo ay horboodo ama saamiga
ugu badani ay leedahay Inanta la yiraahdo Sahra
Akbar oo reer Kuwaiti ah, Diinteeduna tahay Shiico, kana shaqeyn jirtey
Shirkada Dowliga ah ee Shidaalka u qaabilsan dalka kuwait ayaa sannadkii
2005 dabayaaqadeedii waxay aas-aastey shirkadan Kuwait Energy oo ka mid ah
shirkado yar-yar oo tira badan waddamadan Khaliijka sannadaha dambe ka soo
baxay iyagoo ka faa'ideysanaya qiimaha sicir barar ee Saliida ceyriin soo
food saartey, ayaa waxay la midowdey shirkadan la yiraahdo PT Medco Energy,
oo ah shirkada xarrunteedu tahay Indonesia oo iyadu ah shirkad aad u yar
wax soo saarkeeduno liito, sida ku soo baxay Joornaalka caanka ah ee JAKARTA
POST Qeybtiisa Businesska ayaa waxa uu sannadkii hore bartamihiisa ka qoray
shirkadan Medco Energy in ay Deyn badan ku jirto lana liic-liiceyso buuq
dhaqaalle, ayey waxa ay soo bandhigtay dhaqaalo xumida soo food saartey
awgeed in shirkadan ay shacabka reer Indonesia u soo bandhigto in ay maal
gashtaan oo ay Saamiga (shares ) shirkada wax ka gataan, taasoo deymo badan
oo ay ku lahaayeen Bangiyada Credit Suisse Group iyo Deutsche Bank AG
ay noqdeen kuwa u maareeya iibka saamiyada si ay deymo gaaraya $
177.000.000 ( Boqqol iyo Todobaatan iyo Toddoba Malyuun ) ay ku lahaayeen ay
dib ooga soo ceshtaan shirkada.
MUXUU YAHAY HESHIISKA QARSOON KUWAIT ENERGY (SARA GROUP) IYO MEDCO ENERGY.
Sida ay sheegtay wareysi ay siisey Reuters Sara Akbar, gabadha madaxda
"CEO" ka
ah Kuwait Energy bishan Augost 9keeda, saamigana inta badana iyadu iska leh,
ayey waxay suxufigii Reuters u soo bandhigtey in sidan loo kala leeyahay :
Kuwait Energy : 40% waxaa iska leh shirkada la yidhaahdo Kuwait Global
Investment Group, 37% waxaa iska leh Aref Investment Group, 15% waxaa leh
Chicago Based Company, inta soo hartey ganacsato reer Khaleej ah iyo
Mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS oo dhowaantan ku biirey shirkadan howshan
sharci gudbinta Baydhabana wax ka wada.
Heshiiska Qarsoon ee meesha ku jira
ayaa waxa uu yahay in marka la dhiso Somali Petroleum Authority ( SPA ) ay
iyadu ahaan doonto mid ka madax banaan Wasaarada Tamarta Iyo Batrooka,
taasoo ay SPA iyo Kuwait Energy ay iyagu ka mas'uul ahaan doonaan waxyaabaha
soo socda : Cabirka Dhulka, Qeybinta Dhulka ama Block-yada, Bixinta
Qandaraasyada, Bixinta Ruqsooyinka ama Licence, Qiimeynta Shidaalka, Suuq
Geynta Batrooka iyo Waxa Ka Soo Hara , La Xisaabtanka Shirkadaha Cida Soo
Galeysa Iyo Cida Ka Baxeysa, iwm. Taaso ay sida ay Reuters u sheegtay Sara
Akbar The CEO of Kuwait Energy in shirkadeedu lahaan doonta dhaqaalaha ka
soo gala maamulka iyo maareynta iyo iib geynta shidaalka ummada Soomaaliyeed
ay u oomanaayeen in ka badan kontomeeyo sannadood 49% wax u dhow ay Kuwait
Energy iyo Medco ay lahaan doonaan, taasoo ku ah ihaano iyo xaq daro aad u
weyn Ummada Soomaaliyeed ee u ooman horumar iyo nabad gelyo, tasoo runtii ah
Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkad shisheeya ku lahaato Maamulka
Shirkada Maareynta Batroolka Soomaaliyeed, marka loo eego shirkadahan Kuwait
iyo Medco Energy oo haba yaraatee wax qarash ah ee la taaban karo aysan ka
gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan arrimaha, ama haddey
noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada Soomaliyeed ku saabsan
oo aysan waxba ka geysan.
SHARCIGA MAAREYNTA SHIDAALKA IN LA HELO MA MUHIIM BAA ?
Jawaabtu waa Haa. Runtii caqliga saliimka ahi wax uu inoo sheegayaa,
in haddii aanan la helin wax sharci ah oo kala haga ummada ama hey'adaha
dowliga ah iyo kuwa aanan dowliga aheyn, shirkadaha caalimaga ah iyo kuwa
aanan aheyn, eysan marnaba suurto galeyn in uu waddanku horumar gaaro,
taasoo helida sharcigu uu muhiim yahay markii uusan ku xirneyn dano gaar ah
oo shaqsiyaad wataan ama sida hadda u muuqata in ay shirkado dano gaar ah
wata ay hor boodayaan sida Kuwait Energy iyo Medco Indonesia.
Muxuu yahay
danaha u qarsoon ee ay shirkadaha wataan oo eynaan shacbi weynaha
Soomaaliyeed ogeyn ? Waxa uu yahay in shirkadahan lacag gaareys dhowr
boqqol oo kun oo dollor ku bixiyeen diyaarinta sharcigan caalamiga ahi
taasoo dhowr waji soo kala marey shirar lagu kala qabtey ; Jakarta
Indonesia, Malindi Kenya, Paris France, Abu Dhabi UAE, iyo Kuwait oo saldhig
u ah hagida howshaan, ayaa lagu go'aansadey in shirkadan loogu badalo 4
Blocks oo waa weyn oo shidaal laga baarayo in la siiyo iyo in 49% ay xaq u
leeyihiin in ay qaataan maareynta Somalia Petro. Authority, taasoo markii
wax soo saar yimaado isu roggi doontaa in ay Boqqolaal Malyuun oo Dollar ay
si fudud ku helaan shirkadaha shisheeyey iyagoon waddan waxba maal gelin.
Labadan shirkadood haddii ay ahaan lahaayeen labo shirkadood oo heysta
dhaqaalle badan oo ay kaga qeyb qaadan karaan raadinta shidaalka la sheegay
in uu Soomaaliyo dhex ceegaago waxba kuma jabnaateen. Balse markey door
bideen ay ogaadeen in aysan u aheyn dhaqaalle badan ay kula tartami karaan
shirkadahii waa weynaa ee horey dhaqaalaha badan ku bixiyey baadi goobka
shidaalka sida : Conoco, Chevron, Shell, Agip, Elf, iwm iyo kuwa cusub ee
hadda raba in ay baadi goobaan oo ay leedahay dowlada China oo ka midka ah
shirkadaha adduunka oogu waa weyn sida : CNOOC, CNPC, iwm. Ayaa shirkadahan
yar-yar ee Kuwait Energy iyo Medco Energy waxay door bideen in ay meel soke
ka soo laabtaan oo yiraahdaan, haddii aanan marnaba dhaqaalle ahaan la
tartami karin shirkadahan waa weyn, kolka waa in aan kaga hormarnaa
maareynta maamulka shidaalka iyo walxaha la xirriira. Sidaa darteed ayaa
misana haboon in la is weydiiyo muxuu yahay waxa ku hoos qorsoon gudbinta
sharciga shidaalka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed la hor dhigey maanta in ay
aqriyaan, muxuuse noqon doonaa ma mid maskax iyo caqli taam ah loogu
fakarey lagu falanqeeyey looguna aayi doono mustaqbalka fog ee ummada
Soomaaliyeed ayuu ahaan, mise mid lacagta dollarka ee Kuwait laga keenay mid
lagu kala tuuro ayuu ahaan, sida uu Mudane Maxamed Cali America sheegay in
si fudud loo gudbin doono kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo u
hadlayey in uu ka war hayo codeynta mustaqbalku sida ay u dhaci doonto.
SHAQSIYAADKA FARANSIISKA AH EE HOWLAHAN KU MASHQUULSAN " FRENCH CONNECTION"
MAXAA LA GUDBOON BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA SOOMAALIYEED.
Soomaalidu waxay yidhaahdaan : Waarimeysaan e' War Ha Idin Ka Haro. Ha isku
dayina marnaba in aad gudbisaan sharci aan dan iyo maslaxad u heyn ummada
Soomaaliyeed, taasoo haddii aad ku dhacdaan dabinkaa eydaan u maara heyn
doonin sidii aad oogu bixi laheydeen 25ka-35ta sanno ee soo socda.
Sharcigu Maareynta Batroolka haddii uu noqdo mid aanan sharuudo iyo dano
gaar ah ku lamaaneyn wey haboon tahay in la gudbiyo, balse sida ay
durbadiiba madaxda shirkadaha Kuwait Enery iyo Medco sheegteen in ay 49% (
Afarta iyo Sagaal Boqqolkiiba ) ay iyagu leeyihiin dhisida Maamulka
Maareynta Shidaalka Soomaaliyeed, cidii gudbisaa ama u codeysaa gudbinta
barnaamijkan, wuxuu ahaan doonaa dambiile Qaran oo dollar walba ay
shirkadahaas qaateen mas'uuliyadeed qaadi doono.
1997
/ 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo
Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax
ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya
oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair
Partners (Swiss), Progresso (Italian). Baaritaankaas
jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay
warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka
Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen
labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali
Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic
waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga
beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka
dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in
kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu
ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay
December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay
"Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in
sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay
500,000 tons.
Guji... |
Qoraalkeygaan aan oogu
tallo galey in aan ku dareen geliyo ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa
in ay wacaan lana xirriiraan wakiilada xildhibaanada beelahooda ama
degaanada ay ka soo jeedaan una sheegan in aysan sidan macquul aheyn in
sharci lagu gudbiyo, hana weydiistaan xildhibaanadu in ay arkaan heshiisyada
qarsoon ee aan miiska ummada Soomaaliyeed loo soo bandhigin.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh S.E.C.G. Faafin: SomaliTalk.com | Aug
10, 2007
- Medco to Expand Oil Business to Somalia
- Somalia debates law to open oil exploration up to foreign firms
- Several foreign oil companies are seeking permission to resume the
search for oil.
- Somali parliament debates oil law this week - envoy
- Ethiopia rebels warn oil companies to stay away
- Read here..........
Puntland oo aan Sharraaxaad
ka bixin $20 million oo lagula kala wareegey Consort
.Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo
Gaagaab?
.Range oo la wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri Faallada Maanta.....
Baydhabo:
Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul
weydiiyo Xukuumada


|