SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 16, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (106), Muqdisho (110), Beledweyne (113), Baydhabo (121),  Galkacyo (142),
Sarbeebtii Diinaari

 Wararkii: April 16, 2007

  • Cali Mahdi "Shirkii dib u heshiisiinta dib ayaa loo dhigey Muddo ..."
  • Ciidamada Itoobiya oo Xamar-Bile ku kufsaday Gabar kale oo Soomaaliyeed...
  • Dagaalo goos goos ah oo shalay ka jiray Magaalada Muqdisho..
  • Ereteriya oo dalkeeda ku qabaneysa shir Dib u Heshiisiin ah...
  • Maanta oo lagu wado in dib loo bilaabo Howlihii Dekedda Muqdisho..

Cali Mahdi "Shirkii dib u heshiisiinta dib ayaa loo dhigey Muddo ..."

Cali Mahdi Max’ed oo ah guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay ama uu daboolka ka qaaday in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta oo lagu waday in uu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi waxa uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta la qaban doono 14-ka Bisha Juun oo ah labo bilood kadib, isagoo sheegay in arrimo jira aawadeed dib loogu dhigay shirkaasi.

Cali Mahdi waxa uu sheegay in ilaa iyo haatan wax qarash ah uusan u soo xaroonin guddiga dib u heshiisiinta isagoo meesha ka saaray in guddigaani uu hoos tago Dowladda Federaalka, waxa uuna sheegay in guddigaani uu yahay guddi ka madaxbanaan Dowladda Federaalka.

Cali Mahdi waxa uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan u soo sheegi doonaan goobta lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu heshiisiinayo kooxaha isaga soo horjeeda dalka.

Ciidamada Itoobiya oo Xamar-Bile ku kufsaday Gabar kale oo Soomaaliyeed...

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya deegaanka Xamar Bile ku kufsadeen gabar da’deedu lagu qiyaasay 15 sano (ilaa 18 sano) oo lagu magacaabo Fardowso Cabdi Xaashi.

Afhayeenku waxa uu sheegay in gabadhaasi la kufsaday 12-kii Bishan mar ay damacday in ay gurigeeda u doonato alaabo, waxa uuna sheegay in ay kufsadeen ciidamo fara badan.

Fardowsa oo haatan taala Isbitaalka Xaawo Cabdi ee Deegaanka Lafoole ayaa waxa uu afhayeenku sheegay in ciddii dooneysa inay gabadhaasi soo eegto ay halkaasi ugu tagi karto.

Axmed Diiriye waxa uu sheegay in kufsigaani uu qayb ka yahay dhibaatooyinka ay Ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in haatan ciidamadaasi ay haystaan guryo ay lahayaeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo uu ku jiro Isbitaalka Xayaat.

Dhawaan ayey ahayd markii Haweenay 30-jir ah ay kufsadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku suganaa xerada Darmooley, Haweeneydaas oo haatan u xanuunsaneysa kufsigii loo gaystay.

Dagaalo goos goos ah oo shalay ka jiray Magaalada Muqdisho..

Waxaa mararka qaar shalay la maqlayey daryanka rasaasta culus iyo midka fudud oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Dagaalada goos gooska ah waxay ka dhaceen agagaarka fagax, Ceel Tuba Weyne iyo Towfiiq lamana garanayo sababaha keenay dagaaladaasi, sidoo kale dagaalo goos goos ah ayaa iyana waxay ka jireen agagaarkii wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Kuliyadda Jaale Siyaad, waxaana mararka qaar la isweydaarsanayey rasaas waxaa la sheegay in hal qof ay ku dhaawacday agagaarka Black Sea halkaas oo ay xabaddu iyada habow ah ugu tagtay.

Ciidamada Itoolbiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa la sheegay in ay u dhexeyso heshiis xabad joojin ah oo bilowday 2-dii bishan aan ku jiro.

Dagaaladii Dhahar iyo xaalka hadda:

  • Ciidamada Puntland oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada Dhahar
  • Wasiirada iyo ciidamada Somaliland ee ka soo noqday Dhahar oo soo gaadhey Ceerigaabo iyo agagaarkeeda
  • Wasiirka Gaashaandhigga ee SL oo xilka laga qaaday...
  • Wararkas halkan ka akhri....

Ereteriya oo dalkeeda ku qabaneysa shir Dib u Heshiisiin ah...

Dowladda Ereteriya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dalkeeda ugu qabab lahayd shir dib u heshiisiiin ah oo ay isugu yimaadaan dhamaan kooxaha isku haya dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Ereteriya ayaa mar uu la kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan dalka Ereteriya waxay ka codsadeen in uu gacanka gaysto sidii loo qaban laha shir dib u heshiisiin soomaa-liyeed.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Ereteriya ay damacsan tahay in la dhiso dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, hase yeeshee Su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay in dowlad kale la magacaaho, maadaama ay dalka ka jirto Dowladda Federaalka. Waxaana la filayaa in dhawaan dalka Ereteriya gaaraan siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed oo ku sugan dalka dibaddiisa kuwaas oo la tashiyo u tagi doona dalkaasi, isku soo wada duuboo xaaladda Soomaaliya haatan waxay u muuqataa mid ay isku hirdinayaan qowado Shisheeye oo iyagu wata dano gaar ah.

Maanta oo lagu wado in dib loo bilaabo Howlihii Dekedda Muqdisho..

Kulamo isdaba joog ah oo ay maalmahan lahaayeen ganacsatada iyo Dowladda Federaalka ayaa aaqiritaankii waxaa lagu heshiiyey qidmo aan wax dhibaato ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, waxaana maanta lagu wadaa in Dekedda Muqdisho bilowdo hawlaheeda la xiriiray Dejinta iyo dhoofinta.

Ilaa iyo 15 markab ayaa ku xiran Dekedda kuwaas oo wada badeecooyin kala duwan waxaana hawlaha maanta dib u bilaabanaya soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed oo waayadan dambe ka walwalsanaa sicirka badeecadaha oo cirka isku sii shareerayey.

Xiritaankii dekedda waxa uu dhibaato weyn u gaystay shacabka Soomaaliyeed oo iyagu ka qaxay dagaaladii dhawaan ka qaxay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo haatan ku dandareysan deegaano ku dhow Magaalada Muqdisho iyo waliba gobalo kale. Dekedda ayaa sidoo waxaa u shaqo tagi jiray dhowr kun oo Soomaali ah kuwaas oo halkaasi kala soo bixi jiray nolol maalmeedkooda, sidoo kale dib u hawlgelinta ayaa la filayaa in ay wax weyn ka bedesho Sicirka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

April 16, 2007

Bayaanka culimada Soomaaliyeed ee ku aaddan duullaanka MACATAB u dirirka ah ee Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya.... Akhri...


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com