SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Waraysi Shiikh Xasan Daahir Aweys '' maxaakinta islaamiga ah dagaalyanadoodu way joogaan muqdisho dagaal ayaana la galaynaa AU-da ciidamadooda 

Gudoomiyaha Golaha Shuurada  ee Maxaakimta islaamiga ah ee soomaaliyeed Shiikh Xasan Daahir Aweys oo u waramayay maalintii shalay ee Sabtida ahayd wargayska Asharqalawsat ee ka soo baxa magaalada London  ayaa waxaa uu sheegay in Maxaakiimta islaamiga ah  dagaalyanadooda ay joogaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho,waxaana oo sheegay in ay ciidamada maxaakinta islaamiga ah aysan u ugalaan doonin ciidamada midowga afrika in ay soomaaliya ku sugnaadan, waxaana uu sheegay oo kale in oo la hishiin doono madax waynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed waa hadii uu ka tanaazulu arinta ciidamada dalka soomaaliya jooga ee AFricanka ah sidaa waxaa uu u sheegay wargayska isagoo ku sugan Xaruntiisa qarsoon ee dalka soomaaliya koonfurteeda ku taal  

Mar uu ka hadlayay,Shirka dib u hishiisiinta qaran ee ay Dawlada FKMG ah ay ku baaqday ayaa waxaa uu sheegay in maxaakinta islaamiga ah aysanba ahayn siyaasadooda in ay diidaan wada hadal iyo isasaamintaan si loo gaaro nabad iyo kala danbayn.   

Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ku eedeeyay  Ciidamada DFKMG ah iyo kuwa garabka siiya ee dalka xooga ku soo galay ee Ethoipianka ah in ay gaysteen xasuuq ka dhan ah shacabka soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho,waxaana uu sheegay isagoo hadalkiisa sii wata in ciidamada maxaakimta islaamiga ah ee ku sugan magaalada muqdisho ay shacabka ka badbaadiyeen in badan xasuuqaasi Cadowga umada soomaaliyeed  wado,mana u ogalaan doonaan in ay soomaaliya sii joogaan ciidamada xooga ku soo galay.  

Soo noqoshada Maxaakimta islaamiga ah ma ahan oo kaliya in ay ka muuqdaan magaalada muqdisho balse waxaa weeye hadafkoodu in ay dalka ka xoreeyaan gumaystaha dalka qabsaday ayaa uu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaana oo dhanka kale ugu baaqay muslimiinta caalamka in ay ka qayb qaataan jihaadka ka soconayo dalka soomaaliya ee looga hor jeedo ciidamada xooga ku soo galay,waxaana ay isku filan tahay maxaakinta islaamiga ah ayaa uu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay.  

 Waraysigan Shiikh xassan bixiyey ayaa ka dhigaya markii ugu horaysay ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga ah ay cadaysteen in ay si buuxda ugu lug leeyihiin dagaalka loogaga soo horjeedo cadowga tikreega,taasoo farax gelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee dadaalka ugu jira in ay dalkooda dib uga xoreeyaan cadowga qabsaday.  

Shiikh Xasan daahir Aweys ayaa hadalkiisu waxaa uu yahay midkii ugu cadaa ee ka soo baxa in dhawaale maxaakinta islaamiga ah madaxdooda isagoo si cad u qeexay in maxaakinta islaamiga ah ay ciidamadoodu joogaan magaalada Muqdisho walina ay ka dagaalamayaan sidiii dadka soomaaliyeed loo xorayn lahaa,  

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nairobi,Kenya, bootaan1@gmail.com

Turjumaada SomaliTalk

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com