SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYAAN

Bayaanka culimada Soomaaliyeed ee ku aaddan duullaanka MACATAB u dirirka ah ee Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya 

Ilaahay waxa uu ku waajibiyay culimada in ay dadka xaqa u caddeeyaan. Allaah wuxuu yiri: (( Kuwa qarinaya aayadaha iyo hanuunka cad cad ee aan soo dajinay, ka dib markaan dadka ugu caddaynay kitaabka, kuwaas Allaah ayaa lacnadaya, kuwa wax lacanadana way lacnadayaan)).         

Cidna kama qarsoona gumaysiga Xabashida ee Maraykanku kaalmaynayo ee Soomaaliya qabsaday iyo khasaarooyinka ka dhashay ee naf, maal iyo kuwa kaleba leh oo aan la soo koobi karin. Duullaankaan wuxuu ka mid yahay ololaha caalamiga ah ee Maraykanku hoggaaminayo ee lagula dagaallamayo ummadda muslinka ah iyada oo loogu soo gabbanayo waxa loogu yeero: la dagaallanka argagixisada. Haddaba waxaan soo jeedinaynaa baaqaan waqti bulshada reer Muqdisho uu ku soo wajahan yahay dagaal ciribtir ah oo cusub kaas oo abbaaraya dadka rayidka ah oo leh carruur iyo haweenba. Duullaanka Xabshidu waxa uu xoog saarayaa xaafadaha dadweynuhu daggan yihiin. Waxaas oo dhani waxay dhacayaan iyada oo caalamku arkayo, uun maqlayo wax tillaabo ahna aan laga qaadayn. 

Bayaankii

  1. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkayaga in uu kaga hortago gumaysiga wax kasta oo uu awoodo ilaa cadawgu dib uga gurto dalkuna xoroobo. Waxaa ka xaaraan ah qof kasta oo ka mid ah shacbiga Soomaaliyeed in uu gaalada uga hiilliyo muslimiinta; si ay u gaaraan ujeedooyinkooda gumaysi. Qofkii la soo safta gaalada waxa uu kala xukun yahay axkaamta oo dhan, wuxuuna noqonayaa taargad muqaawamada u calaamaysan. Waxaan uga digaynaa kuwa u hiillinaya gaalada in ay ku sii socdaan u adeegista gaalada.
  2. Waxaa socda xilligaan diyaargaraynta duullaan weyn oo cusub oo looga jeedo in lagu gumaado dadweynaha reer Muqdisho, laguna burburiyo hantidooda, sidaa aawadeed waxaa ugu baaqaynaa bulshaweynta Soomaaliyeed in ay u kacaan sidii looga hortagi lahaa duullaankaas soo fool leh iayaga oo adeegsanaya wax kasta oo ay heli karaan. Caalamka intiisa kalena waxaan ugu baaqaynaa in uu u hawlgalo sidii looga hortagi lahaa masiibada weyn eel ala damacsan yahay dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.
  3. Waxa xilligaan ka socda Muqdisho ma aha dagaal u dhexeeya laba qoys oo Soomaali ah ee waa dagaal u dhexeeya Xabashida oo ay dabada ka waddo Ameerika, ayna hor socdaan dabadhilifyo Soomaali ah oo qabiilooyinka oo dhan ka dhashay. In dagaalka socda loo badalo dagaal sokeeyena waa waxa ay doonayaan cadawgeennu; sidaa darted waa in aynu ka digtoonaano in aynu ku dhacno shirqoolka cadawgu inoo maleegayo.   
  4. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan Soomaalida kala qaybqaadanaysa Xabashida dagaalka ay ku soo qaadday shacbiga Soomaaliyeed in ay Rabbi u toobad keenaan oo ay ka waantoobaan xasuuqa ay ku hayaan dadkooda, ayna faraha kala baxaan fal dambiyeedka foosha xun ee ay ku dheceen.
  5. Waxaan ugu baaqaynaa shacbiga Soomaaliyeed, qabaa'ilkiisa iyo kooxihiisaba in ay ku dhaqaaqaan heshiis dhab ah, ayna mashaakilkooda iyagu xallistaan iyada oo aanay cid kale soo faragalin.
  6. Ugu dambayntii waxaan uga tacsiyaynaynaa dhammaan dadkayaga, gaar ahaan kuwa dhibaatooyinku ka soo gaareen xasuuqa gaaladu ku hayso dadkeenna, waxaana xasuusinaynaa in ay leeyihiin Rabbi u hiillinaya oo cid kasta ka awood badan, waxaan kale oo ku boorrinaynaa dadkayaga in ay noqdaan kuwa mutaysta hiilka Alle, ayna ku kalsoonaadaan Rabbigood, isla markaana ay badiyaan baryadiisa.

Gabagabadii Waxaan ka baryaynaa Allaha sare ee awoodda leh in uu ka dul qaado ummaddayada dhibaatooyinka iyo shiddada, isaga ayaa sidaas u ahal ah oo kara'e. Alle ha u naxariisto, hana nabadgaliyo Nabigeenna Muxammad ah, aalkiisa iyo asxaabtiisaba. 

 Muqdisho 26/03/1428 - 14/04/2007  

Culimada Saxiixday:  

  1. Sh. Shariif C/nuur Shariif Xasan
  2. Sh. Max'ed Nuur Qawi
  3. Sh. Cali Warsame Xasan
  4. Sh. Cumar Iimaan Abuubakar
  5. Sh. C/laahi Cali Xaashi
  6. Sh. Max'ud Ciise Max'ud
  7. Sh. Nuur Baaruud Gurxan
  8. Sh. Nuur Macallin C/raxmaan
  9. Sh. Jaamac C/salaam Warsame
  10. Sh. C/risaaq Aadan Macallin
  11. Sh. Xasan Xuseen Axmed
  12. Sh. Cilmi Dhuxulow Gacal
  13. Sh. Max'ud Macallin Nuur
  14. Sh. C/laahi Max'ud Ciie
  15. Sh. C/laahi Daahir Jaamac
  16. Sh. Muuse M. Daahir Aweys
  17. Sh. Xasan Max'ud Takar
  18. Sh. Yuusuf Cabdi Cawad
  19. Sh. Cismaan Ibraahin Faarax
  20. Sh. Bashiir Caddow Calasow
  21. Sh. Max'ed Shukri Xasan
  22. Sh. C/laahi Cali Afrax
  23. Sh. Jaamac Cismaan Axmed
  24. Sh. C/laahi Sh. Nuur
  25. Sh. Axmed Bile Xasan
  26. Sh. Max'ed Barow Max'ud
  27. Sh. Basiir Axmed Salaad
  28. Sh. Yuusuf Cali Caynte
  29. Sh. Max'ed Bashaar C/kariim
  30. Sh. Nuur Cali Jaamac
  31. Sh. Max'ud Cabdi Ibraahim
  32. Sh. Xasan Axmed Max'ud (Xasan dheere)
  33. Sh. C/raxmaan Axmed Cilmi ( Abyad )
  34. Sh. Yuusuf Tuurxume Jumcaale
  35. Sh. Max'ed Ibraahim Xayle
  36. Sh. Max'ed C/laahi (Casoowe)
  37. Sh. Axmed Cabdi Dhicisow
  38. Sh. C/laahi Axmed Cali
  39. Sh. Jibriil Ibraahim Cali
  40. Sh. Max'ud Ibraahim Suuley
  41. Sh. C/qani Qorane Max'ed
  42. Sh. Axmed Max'ed Suleymaan
  43. Sh. Axmed C/laahi Carab
  44. Sh. Xasan Max'ed Ibraahim
  45. Sh. C/qaadir Sh. Max'ud Sh. Nuur
  46. Sh. Faarax Cali Xuseen
  47. Sh. Max'ed Aadam Buraale
  48. Sh. Max'ed Muuse Cabdulle
  49. Sh. C/casiis Xasan Faarax
  50. Sh. Xuseen Buulle Axmed
  51. Sh. Axmed Cabdi Aadam
  52. Sh. Cali Max'ed Cumar (Suule)
  53. Sh. Cumar Max'ud Cabdi
  54. Sh. Cali-nuur Axmed Max'ed (xogsade)
  55. Dr. Cali Saalix
  56. Sh. C/raxmaan Max'ud Faarax
  57. Sh. Axmed C/samad
  58. Sh. Max'ud Sh. Axmed Xasan
  59. Sh. Cumar Daahir
  60. Sh. Max'ed Tahliil Warsame
  61. Sh. C/qaadir Xasan Warsame
  62. Sh. C/samad C/laahi Cabdi
  63. Sh. Xuseen C/laahi Barre
  64. Sh. C/fataax Xasan Axmed
  65. Sh. Faysal jaamac
  66. Sh. Muuse Cabdi Caraale
  67. Sh. Xuseen Sh. Cali Fiidow
  68. Sh. Xasan Sh. Max'ud
  69. Sh. Kamaal Xasan Cawl
  70. Sh.C/nuur Xirsi (dhoolweyn)

FG: Waxaa af hayeen u ah culimadaan Soomaaliyeed oo kala joogta dunida daafeheeda waxaa af hayeen u ah Sh. C/nuur Xirsi (dhoolweyn)
Tel:252-1-5572466

Faafin: April 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com