SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Dowladda Federalka KMG ee Soomaaliya oo aan Xil Weyn Iska Saarin Jawaab ka helidda Warqaddii ay u Direen Thailand....

Warqaddii ay DFKMG u dirtay Thailand 30/12/2005

Warqadda oo weyn ka eeg halkan

SomaliTalk.com | April 19, 2006

Qoraal SomaliTalk.com soo gaarey ayaa waxaa ku cad in Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay xaaladda wiilasha ku xiran xabsiga Bangkok kala xiriirtay dowladda Thailand dabayaaqadii sannadkii hore ee 2005, laakiin ilaa hadda aysan muuqan wax jawaab ah oo laga helay Thailand iyo wax daba gal ah ama dhaqdhaaqa ah oo ay DFKMG ay arrintaas ka samaysay.

Qoraalka rasmiga ah ee ay DFKMG ah u dirtay Thailand markey taariikhdu ahayd 30/12/2005 oo uu ku saxiixan yahay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibada Soomaaliya, Xasan Axmed Jaamac, waxaa ku cad in DFKMG ee Soomaaliya ay cabasho rasmi ah u gudbisey wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Thailand, cabashadaas oo ah in saddex muwaadin oo Soomaali ah laga qafaashay xeebta Soomaaliya kaddibna lagu xiray xabsiga Bangkok, Thailand. Saddexdaas muwaadin oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliya. Taas oo ay DFKMG rabtey in ay arrintaas wadahadal kala yeelato dowladda Thailand.

Warqaddaas, oo sida ku cad, lasii mariyey safaaradda Boqortooyada Thailand ay ku leedahay magaalada Nairobi, Kenya, waxa ay DFKMG ku muujisay sida loogu xadgudbey caddaalada iyo sida loo majara-habaaiyey akhbarta kusaabsan muwaadiniinta xiran, taas oo ay DFKMG ah aad ugu adkaysay qoraalka in saddexdaas nin ay ka tirsan yihiin Booliska (Puntland, Soomaaliya).

  • Safaaradda Thailand ee Nairobi, Kenya waxaa lagala xiriiri karaa: Email: thainbi@form-net.com , Tel. (254-2) 715243,  Fax. (254-2) 715801

Warqadda ay DFKMG u dirtay Thailand waxaa ku cad in faraq aad u weyni u dhexeeyo sida wax u dheceen iyo waxa laga qoray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xiray, taas oo ay DFKMG cadayn uga dhigtay waraysi laga qaaday 3-da Soomaalida ee xiran, waraysi lala yeeshay shirkadda leh markabka ay saarnaayeen ee laga xiray, iyo warqaddii uu madaxweyne ku xigeenka Puntland ku caddeeyey sida ay ula yaabeen markii muwaadiniintaas la xiray ee aan dowladda Thailand kusoo wargelin.

DFKMG waxa ay si rasmi ah u weydiisatay Thailand in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xiran lagu soo wareejiyo Soomaaliya, si haddiiba ay "dembi" galeen arrintooda loogu eego Soomaaliya oo ah meel ay ka helayaan dad ay is afgaranayaan, is dhaan garanayaan, isla mar ahaantaasna ah meesha arrinta lagu andacoonayo ay ka dhacday.

Xilliga ay DFKMG warqaddaas qortay, sida warqadda ku cad, waxay ahayd Bishii December 30, 2005, waxaana markaas ka soo wareegtey muddo dheer, taas oo aysan ilaa hadda muuqan in dowladda Thailand ka jawaabtey, balse ay maxkamad saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed 15/3/06 waxayna hadda u ballan sanyihiin maxkamad 24/4/06 sida ku cad waraysigii xabsiga lagaga soo qaaday 3-da Soomaaliyeed.

Safiirka Thailand u fadhiya Kenya, oo magaciisa la yiraahdo AKAVUTH CHITAPATIMA, waxaa lagala xiriiri karaa:
Email: thainbi@form-net.com
Tel. (254-2) 715243, 715800, 715796
Fax. (254-2) 715801, 715802

Sida muuqata dowladda FKMG iyo DGPL waxa ay isku dayeen in ay la xiriiraan Boqortooyada Thailand, kaddib markii ciidankii ammaanka ee ilaalinayey xeebaha Soomaaliyeed la qafaashay. Waxaana hadda laga rajaynayaa DFKMG/DGPL in ay isku dayaan sidii loo baajin lahaa maxkamadda la damacsan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed la saaro bishan April 24keeda, maadaama ay tahay maxkamad xaq darro iyo gardarro ah, isla mar ahaantaasna xad-gudub ku ah xorriyada Qaranka Soomaaliyeed maadaama dadkii ay dowladdu u xilsaartay ilaalinta ammaanka la qafaashay iyagoo aan lala socodsiin dowladda Soomaaliyeed.

Warbixin soo gaartey SomaliTalk  ayaa waxaa ku cad in markii xabsiga loogu tegey saddexda 3-da Soomaalida (oo ah askar ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska Puntland)  ay sheegeen qodobadan

  • Waxa ay aad uga caraysan yihiin sida maamuladda Soomaaliyeed aaney u samayn wax ficil ah oo ay ku iyaga kaga caawinayaan xaqdarrada loo geystey ee xabsiga loogu taxaabtay waddan shisheeye iyagoo markaas ku dhex jirey fulinta hawshii qaranka ee loo xilasaaray,
  • Waxa ay ku xirnaayeen meel lagu garaacay, si xunna loola dhaqmay, iyagoo aan iska difaaci karin tabar yaraan awgeed ama loo awood sheegtay, xabsigana loogaga tiro badan yahay. Waana la kala kaxeeyey oo waxaa lagu xiray qolal kala duwan,
  • Waxa ay dhaar ku mareen in aysan samayn burcad-badeednimo ama aysan wax madax furasho ah cidna weydiisan, waxana ay yiraahdeen "ma jiraan cid madax bannaan oo  arrintaas aragtay, aan ka ahayn kuwii markii hore dhibaatada sameeyey, iyaga ayaana maxkamada loo keenay goob joogayaal ahaan.
  • Dhacdadani waxa ay ka dhacday meel dhulka Soomaaliya u jirta boqolaal mitir, ma ahany biyiha caalamig ah.

Warbixintaas waxaa ku cad da'da saddexda Soomaalida ah ee ku xiran Thailand in ay tahay 22-jir, 23-jir, iyo 37-jir (eeg shaxda hoose).

Maxaabiista: Case No. Sor 2548
  Magac Da' # Booliska Thailand
1 Mr. Yusuf Aden Seed 37 48-501-01541
2 Mr. Mohamud Abdullahi Jama 23 48-501-01540
3 Mr. Hussen Abdullahi Aden 22 48-501-01539

Marka loo dhaba galo waraysigii 3-da muwaadin ee Soomaaliyeed laga soo qaaday xabsiga, iyo waraaqaha ay qoreen DFKMG & DGPL, iyo warbixinada ka imanaya Thailand, marka la isku daro waxaa ka soo baxaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed si xad gudub ah looga kaxaystay dhulka Soomaaliyeed, arrintaas oo ka hor imaneysa xornimada Qaranka Soomaaliyeed.

Haddaba, Shacabka Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay cadaadis ku saaran DFKMG & DGPL iyo Thailand sidii xorriyadooda loogu soo celin lahaa 3-da muwaadin ee Soomaaliyeed ee la xiray kaddib markii ay ka dhiidhiyeen xadgudubka ay ku kaceen shaqaalihii markabkii ay saarnaayeen oo isku deyey in ay kalluunka ka xaalufiyo meel aan loo qoondayn oo aad ugu dhow xeebta Soomaaliya.

Markabka ay saarnaayeen waxa uu hoos yimaada Shirkada Somcan, waxana markabkaas leh shirkadda reer Thailand ee maraakiibteedu ka kalluumaystaan Xeebaha Soomaaliya ee magaceeda Sirichai Fisheries (www.sirichaifisheries.com).

Waraysigii xabsiga lagaga soo qaaday 3-da muwaadin ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa: "Waxaa isku dhacay nimankii doonta wadey iyo 3da Askari, sabaabtoo ah Markabka Thailandeska ah wuxuu ku tuntay heshiis ahaa in xeebta aan loo soo dhaafin masaafo cayiman, si loo badbaadiyo shabaagaha ay dhigtaan Danyarta Soomaaliyeed oo kalluumaysatada ah iyo ayagoo ku xadgudbay kallunkii aan loogu talagalin in eey qataan iyo ugxan farabadan."

Arrintaas oo muujinaysa caddaalad darrada ku dhacday muwaadiniin isku deyey in ay difaacaan khayraadka dalkooda, isla mar ahaantaasna ku dhex jirey hawshii uu qarankooda Soomaaliyeed u xil saaray. Waana arrinta muhiimka ka dhigeysa in qof kasta oo Soomaaliyeed uu u gurmado saddexdaad muwaadin sidii xabsiga Thailand ee xaqdarrada ah looga soo deyn lahaa, xorriyadoodana loogu soo celin lahaa.

Talo iyo tusaalayn iyo wax qabad noocuu doono ah ahaadee oo ku wajahan arrinta saddexdaas Soomaalida ah, waxaa toos loogu hagaajin karaa:
Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2006


Meelaha lagala xiriiri karo DFKMG, DGPL, THAILAND:


»Waraysi ku Saabsan 3-da Soomaalida ah ee Ku Xiran Bangkok, Thailand (Idaacada Australia)

Warqaddii ay DGPL u dirtay Dowladda Thailand:

Markii la waayey saddex Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland oo saarnaa markab kalluumaysato oo sita calanka Thailand, ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxay warqad u direen Dowladda Thailand ay ku weydiisanayeen in la sii daayo saddexdaas muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warqadii oo tarjuman ka akhri halkan....


Wasiirka Arrimaha dibada Boqortooyada Thailand, magaciisu waa: Dr. Kantathi Suphamongkhon, waxaana jagadaas loo doortay bishii Maarso 11, 2005, (waa xilli ku beegan markii saddexda Soomaalida la waayey), telefoon kiisuna waa: (662) 643-5333.

Websiteka http://www.mfa.go.th/web/6.php


Xafiiska guud ee arrimaha dibadda ee dawladda Thailand u qaabilsan xiriirka dadweynaha waxaa lagala xiriiri karaa:
Foreign Office, The Government Public Relations Department, Bangkok, Thailand,
Tel: (66-2)618-2323 ext. 1700,
Fax: (66-2)618-2358,
E-mail: prforeign@prd.go.th

Website: http://thailand.prd.go.th/index.php