SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - THAILAND


Warbixin ku Saabsan 3-da Soomaalida ah ee Sida Xaqdarrada ah ugu Xiran Dalka Thailand


Qore: Xasan Cubeed Aadan (Seed)
Nabbadon@hotmail.com

Tel. 45-20456217
Denmark

Waraysi laga Soo Qaaday 3-da Soomaalida ah ee ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland ee iyagoo wata hawshii Dowladdu u Xilasaartay la qafaashay....

ACWW. Salaantaas islaamka kadib, waxaan ilaahay oogabaryayaa inuu ragaan aan kasheekeynayo ee hoos kuqoran kasoo daayo gacanta cadawga eey kujiraan (amiin).

Walaalayaal waxaan idiinsoo gudbinayaa wareysigii sadexda darwish ee ku afduuban Thailand:

Nimanka xirnaa waxay ku xiran yihiin Bangkok caasimadda Thailand, waxaa nimankaas la soo afduubay 17 Maarso, 05kii, nimankaas waxaa laga soo qabtay xeebaha Boosaaso ayaga oo la socda doon kaluumaysi ah oo laga leeyahay dalka Thailand oo heshiis la gashay niman ilmo cali taar layirahdo, nimankaas waxaa doonta awal saaray oo waardiye uga dhigay ilmo cali taar, nimanku waa saddex nin oo kala ah:

Xaggee kala xiriiri kartaa safaarada Boqortooyada Thailand ee dalka aad joogtid...
Linkigan: www.thaiembassy.org


Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Boqortooyada Thailand
www.thaiembassy.org


Xafiiska guud ee arrimaha dibada ee dawladda Thailand u qaabilsan xiriirka dadweynaha waxaalagala xiriiri karaa:
Foreign Office, The Government Public Relations Department, Bangkok, Thailand,
Tel: (66-2)618-2323 ext. 1700,
Fax: (66-2)618-2358,
E-mail: prforeign@prd.go.th

Website: http://thailand.prd.go.th/index.php


Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Thailand
THAKSIN SHINAWATRA
EMail:
webmaster@thaigov.go.th

tower.jpgXafiiska Wasaarada Caddaalada Thailand:
Email:
ojawebmaster@moj.go.th


Xabsiga ugu weyn Thailand waxaa la yiraahdaa Bangkwang http://www.bangkwang.net/

  • 1-Yuusuf Aaden-seed samatar-cadde
  • 2-Maxamuud Cabdullaahi Jaamac
  • 3-Xuseen Cabdullaahi Aaden

Waxaa isku dhacay nimankii doonta wadey iyo 3da Askari, sabaabto ah Markabka Thailandeska ah wuxuu ku tuntay heshiis ahaa in xeebta aan loo soo dhaafin masaafo cayiman, si loo badbaadiyo shabaagaha ay dhigtaan Danyarta Soomaaliyeed oo kaluumaysatada ah iyo ayagoo ku xadgudbay kallunkii aan loogu talagalin in eey qataan iyo ugxan farabadan.

Markii aan niri ka durka meeshaanna waa ay diideen kaddib waxaanu la hadalay ninka la yiraahdo xiif cali taar oo ah ninkii na saaray doonta oo na xukumay fadhigiisuna ahaa Bosaaso, markii aanu usheegnay sida wax usocdaana waxaa uu yiri edeb ku saaraada meesha haddii kale waan idinka dajin waxaa khaldanaa wixii idin saaray markii horaba, dabadeed waxaan ka codsanay in nalageeyo dakadda Bosaaso kadibana nalasiiyo mushhaarkeeni oo naga maqnaa 7 bilood.

Intaa kaddib waxaa dhacday in nalala aaday meesh ala yiraahdo Suqadara, waa jasiirad ay leedahay Yamantu. Haddii waagu baryey ayaanu aragnay anagoo ag taagan Suqadara meshaan sugeeynay in Bosaaso nalageeyo, waxaan oganay markaas in nala afdubay, kadib waxaan lahadalnay kabtankii markabka oo an kacodsanay inuu doonta dib u celiyo ama noo waco maamulka Puntland si naloo soo doono.

Intaa kaddib waxaa bilaawday wadahadal dhexmarayay kabtankii iyo shaqaalihi markabka ee Thailandeska ahaa oo aan dareenay in wax nalaladamacsan yahay, wadahaadlkoodi kaddib waxaa biloowday weerar nalagusoo qaday oo gacanta lagudhigay ninka layirahdo Xuseen Cabdullahi Adan, oo la iskudayeey in Markabka lagatuuro ayagoo qorshahooda ahaa in ninba mar laga tuuro markabka, maadama mushaarka aan kuleenahay uu badnaa iyo hoowsha badda kasocota oo aan oganay.

Intaa kabacidi waxaan maqalnay qeylada Xuseen waan kusoo oradnay kaddibna waxaa nadhexmaray dagaal, dagaalki kaddib anagii baa kala wareegnay majarihii markaan aragnay in nala maaggan yahay, oo Boosaaso soo qabad siinay. Haddii aanu in doora soo soconay waxaa na soo weeraray Maraykan oo wata hellikobtarro oo yiri isdhiiba, waanu isdhiibnay kaddibna sidaas ayay nagu soo kaxaysteen, isla markiiba waxaa noo yimid Xiif Cali Taar oo wata doon, waanu la hadalay oo waxaanu ku niri sidaas ayay wax udhaceen ee la hadal nimankaan oo naga reeb, asna waa naga diiday wuxuuna noogu cagajugleeyaay inuu naciqaabidoono ciqaab anaan waligeen arag, markuu nagatagay kaddib waxaa noo yimid sarkaal Mareykan ah oo noosheegey inuu kaxunyahay inuu xoriyadeena naga qaado balse eey tahay amar ugayimid madaxdiisa iyo madaxa shirkada Samcon oo ah Xiif Calitar sidaas daraadeed unoo kaxeendono saldhig eey kuleyihiin Cumaan.

Haddii muddo Maraykanku nahayay oo nabaarayeey waxaa usoo baxday in aan nahay niman iska caadi ah, kanatirsanaa cidamada Puntland markaa Mareykenka waxeey noo shegeen in Xiif calitar kuyiri waa burcad oo u uyeeray ayaga, sidaas daradeed ineey asaga gacanta naga galinayaan maadama u asagu shirkadii aan u shaqeyneenay madax uyahay. Kaddib waxeey kacodsadeen xaggee kugu keena nimankaan wuxuuna dalbaday Cumaan oo Soomaaliya ay baddu udhaxayso, markii Cumaan meel kamid ah nalageeyaay waxaa nagu sugayaay Cabdiwali Calitar oo soo kaxeeyay safaarada Thailand dad kasocda kulano soo heshiiyay inuu noo gacan galiyo nimankaas, kaddibna wuxuu nagu wareejiyaay safaaraddii Thailandiisku ku lahaa halkaas, kaddibna waxaa nalooqaday Bangkok.

Si naloo duudsiiyo xaqii aan kulaheen iyo inaanan dadka usheegin waxa kasocda badaha Somaaliyeed, waxaa kaloo jirta in nimankaas afdubnaa la'la'aa mudo dhan 3 bilood oo ilmo calitarna eey ogayeen una sheegin eheladooda iyo caruurtada iyo maamulka Puntland intaba ayagoo ugu talagalay inaan raq iyo rux midna laheliin, nimankaas sidaas ayaa xaalkoodii ahaa.

Isku soo duubo nimanka waxaa xaqiiqo noqotay in xiif cali taar udhiibay Maraykanka warqaddii uu ugu dhiibayna waa la hayaa, waxaa kaloo xaqiiqo ah oo aan laisku inkirsaneen in Xiif Caliyar uu ugu yeeray cidamada Marekanka. Waxaa cadeen kufilan in uu ugu yeeray cidamada marekaanka rag uu isagu xukumo shaqalahiisna ah kuna cinqaabikaro inuu kaceeyriyo shaqada hadaan macnuhu aheen, sirbeey ogadeen iyo yeeysan helin musharkooda intababa. Calaakulixaal nimankaas waxay mareen maxkamadii saddexaad oo la saaray waxaana ugu danbeeyay 15/3/06 waxayna hadda uballan sanyihiin maxkamad 24/4/06, waxaanu uqabanay looyar, waxaa markhaati loo keenay nimankii markabka saarnaa oo ineey tuuraan damcay qaar ka mid ah, iyo qoraal la leeyahay waa qirteen mar ay uturjuntay sida eey sheegen qof dumar ah oo Samcon ushaqaysa oo ugu tagtay markii la geeyey meesha, arintaas waa ay diideen oo waxay dheheen waxba kama jiraan oo qoftii nagaturjuntay ayaa wax aanaan dhihin u shegaty boliska Thailand, looyarkiina waxaa uu yiri mar haddii aysan looyarba haysan markii wax laga qorayaay waxaas looma qaban karo, waxaa kaloo layaab ah in Samcon oo xiray nimankaan hadana ukeneen turjubaan ayaga ushaqeeya si eey isu raaciyaan howshooda intii kadhineed, waxaa kaloo kasii daran in doowlad goboleedka Puntland usan kawarqabin ciidankiisii u shaqada udiray oo afduubka lagu kaxeestay, iyo eheladii nimankaas intba.

Ugudanbeen waxaan cidkasta oo kaalmo kageeysan karta siideynta raggaas geerida loogu talagalay kacodsanayaa ineey gurmad ufidiyaan maal iyo muruqba ah, Ilahayna waxaan ooga baryayaa inuu kasoodaayo xabsiga lagu afduubtay amiin.

Hassan Cubed
Nabbadon@hotmail.com
Tel. 45-20456217
Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2006

»Waraysi ku Saabsan 3-da Soomaalida ah ee Ku Xiran Bangkok, Thailand (Idaacada Australia)

Warqaddii ay DGPL u dirtay Dowladda Thailand:

Markii la waayey saddex Soomaali ah oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Daraawiishta Puntland oo saarnaa markab kalluumaysato oo sita calanka Thailand, ayaa Dowlad Goboleedka Puntland waxay warqad u direen Dowladda Thailand ay ku weydiisanayeen in la sii daayo saddexdaas muwaadiniinta Soomaaliyeed. Warqadii oo tarjuman ka akhri halkan....