Itixaad ma tijaabo iyo
kadar oo dibi dhal u joogbaa?
Qore: F. Maestro
javamaestro1@gmail.com
Bismillah, salaan kaddib
waxaa muuqata jahawareer iyo dayow ku dhacay gebi ahaanba
somalida qof kastaaba aragtisaba ha qabee, waxaana sida soo
jireenka ahba billowda eedeynta qolada jabta, oo ay muuqato
halka ay wax kaga khaldameen.
Quraanku in badan ayuu dadka faraa bal inay socdaan,
tacabiraan, oo baaraan bal ummadihii ka horreeyey waxay ku
dambeeyeen iyo natiijadii falalkoodii, taasoo micnaheedu
yahay sooyaalka taariikhdu waa macallinka ugu weyn ee qof
wax bara, waa qofkii caqli leh e.
Sunnada Naabiga salla-llah calayhi, waxa ku cad in nabigu
yiri,hadal micnihiisu yahay Muminka god laba jeer lagama
wada qaniino, oo micnaheedu yahay waxaad mar ku khaldantay
kuna dhibaatootay ha ku laaban. waxaa somalida murtideeda
iyana ka mid ah mar i dage allaha dago, mar labaadse anaa is
dagay.
waxaa muuqata in dhibaatada dhallinta wadaadada ahi-aan
iraahdo magaca loo wada yaqaan e ITIXAAD- ay soo noqnoqotay
dhowr jeer kaddib burburkii dowladdii somaliyeed.
Tariikhda haddan u milcsanno gobol iyo deegaan ahaan:
Puntland-Xagaagii 1992
waxay isku dayeen inay hoggaanka kala wareegaan SSDF oo ay
wada qabteen badanaa masuuliyiinteedii.
Ka hor dhacdadan: waxaa socday dagaaladii qabiiliga ahaa,
daafaha gaalkacyo, iyo gebi ahaanba gobollada koofureed oo
ololayay, siyaasad ahaan SSDF way kala qaybsaneed oo waxaa
had iyo jeerna marka la isu yimaado ku taagerayaal badnaa
garabkii manafesto ee Maxamad Abshir.
Kaddib dhacdadan:
dhimasho,dhaawac iyo burbur badan, waxaana markiiba talada
iyo hoggaankiiba u liicay dhinicii uu hoggaaminayay C/llahi
yusuf.
Smali galbeed- Burburkii xukunkii mingiste 1991 kaddib ayna
wehelisay tabardarro qoladii tigraha ee qabsaday taladii
addis ababa, waxaa la soo dhoweeyey dhammaanba somalidii
urur kasta iyo dareen kastaba ha wataane; Itixaad waxay
sameeysteen xafiisyo badanaa magaalooyinkii somali galbeed
ku yaallay, iyo dhowr xero oo ciidan lagu tababaro, xooggii
la gelin lahaa in dadka wax la baro waxuu u jiheystay is
ciidamin iyo colaad, dhacdadii ka dhacday Puntland ayaa soo
dedejisay inay is fara saaran Tigreegii iyo itixaad, waxayna
arrintu socotay mudoo sannado ah.
Kaddib dhacdadan: in
Itixaad jabo, dad badan loo laayo waa itixaad, iyo itixaad
oo dad u laaya waa gaalo la jir, qofkii salaadda badshana la
xiro, qofaan qaad iyo sigaar cabbinna uusan ku noolaan
somali galbeed, halka gobollada oromada iyo amxaaradaba ay
ka furan yihiin machadyo diini ah oo ay xor u yihiin
diintooda barashadeeda.
Gedo: isla waqtiyaa ay
dagaaladu ka socdaan somali galbeed ayaa xarun laga aasaasay
Luuq, laguna dhaqay qaabkay ula muuqatay culimada, nasiib
darro se waxay la mid ahayd jasiirad badweyn ku taal.
Sannadkii 1996 ayaa
tigreegu weeraray isagoo u arkay in dagaalada somali galbeed
halkan laga maamulo oo laga taakuleeyo.
Kaddib dhacdadan: Dhimasho iyo daawac badan, magaaladii oo
gasha dagaal qabiileed, oo dadka dagaanku illaa hadda is
laayaan, taasoo ku timid hal mar oo ay ka baxday awoodii
meesha ka talinaysay.
Tan xamar iyo haatan ka
sheekeyn dhaaftay!!!
Haddaba, waxaa la yaab leh maxaa keenay ina had iyo jeer
tijaabo kasta oo itixaad qaado lagu hoogo oo lagu jabo,
waliba eelka ay reebto uu ka sii xumaado dhibka dhacay?
Waxaan hubaa in dadka qaar si sahal ah ugu turjuman doonaan
diin iyo caqiido ahaan, oo qof la dilo ama koox laga adkaado
aanay tusayn liidasho diineed, waayo Rasul Eebbe soo diray,
Asxaab iyo Awliyaba waa la layn jiray.
Waxaanse shaki ku jirin ragga dhimanaya ama dhaawacmaya inay
niyad hayaan, ragga ay talada u dhiibteense qabkay wax ku
wadaan su'aal baa ka taagan.
Haddaba, waxaan jeclaan
lahaa in la is weydiiyo, Itixaad ma tijaabo iyo kadar oo
dibi dhal u joogbaa?
Qore: F. Maestro
javamaestro1@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006

