BAAQ DIGNIIN KUWAJAHAN
DOWLADDA KUMEEKGAARKA SOMALIYA 27/12/06.
Anigoo ka mida culimaa’udiinka somaliyed eek u nool magalada
Minneapolis USA waxan uga digayaa dawladda kumeelgaarka
somaliyed in ay u asticmaasho guulaha aygaareen si khaldan
ayna kafaaiideystaan fursadda ay heleen.
Waxn uga digayaa mar labaad ineysan guushu indha tirin ilaa
ay darbiga soo hardiyaan kadibna saljugle udhacaan sidii
kudhacday maxaakiimtii.
Waxan kula talinayaa dawladda iney udhaqanto si ay
kudheehantahay mas’uuliyad,naxariis, turid iyo cafis
badan.Sidaasuna waa sida kaliya oo usuura galinesa iney
nabad ku xukumaan somaliya.
Waxan kacodsanayaa dawladda;
1-Ineysan ku aarsan guusha ay heleen
2-Iney si geesinimo leh ucafiyaan dhammaan dadkii ka
qebqaatay hawgalkii maxaakiimta
3-Iney si geesinimo leh u cafiyaan dhammaan xubnihii golaha
shurada,ayagoo umagacaabaya mid mid.
4-Iney sideeqsinimo leh uga qaybgaliyaan xukunka dalka
xubnihii mamulkii hore ee maxaakiimta maadaama aad tihiin
dawlad di uheshiisiineed.
5-Iney si buuxda u iloobaan khilaafaadkii xubnaha
baarlamaanka
Somaliya waxay ubaahantahay dawlad aan kaligi talis ahayn,
oo dimoqraadi ah,shacabka udhaga nugul,nabadda jecel,
shacabka jecel,xishoota naxariis badan, turta,cudurdaarka
aqbasha,dhaqaalaha kobcisa,dalka dhista,dhaqaalaha kushubta
jeebka shacabka,iskuna kalsoon. Kana fakarta muataqbalka
fog.
ABUTURAB MINNEAPOLIS,USA.
Abuturab100@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006

