28 Dec waa maalin somalidu
aysan ilaawi doonin
bullale2001@yahoo.com
Cabdirisaq jama bullale
johannesburg south africa
Rabi baa mahad dhamaanteed iska leh
Naxariis iyo nabad gelyo nabigeena korkiisa ha ahaato
28 Dec waa maalin aysan umada somaliyeed aysan ilaawi diinin
waa malin qofka kasta oo somaliya oo damiirkiisu noolyahay
uu ka murugoon doono waa maalin somalida manta joogta iyo
jiilalka soo socdaba ah boog ku taala waa maalin cadwgeenii
soo jiraanka ahaa uu qabsaday wadan keenii waa malin gaal
farxay muslina ka murugooday waa malin itoobiya aysan ilaawi
doonin waa malin ay uhirgashay itoobiya hamigay in badan
niyada ku hayeen waa malin Males zanawi la sintay Bush iyo
Tony blair, C/laahi iyo geedina la sintay Xamiid karzay iyo
aaxmed jalabi, waa malin taarikhdu xusi doonta.
Akhristaha qaaliga ahaw walalkayga damiirkiisu noolyahaw
soomaliga diintiisa iyo dalkiisa jecelaw waxayna taariikhdu
ilaawi doonin qofkasta halkuu marxaldan ka istago waxaa
maanta rabi mahdii ah in soomaliyi aysan dhiman oo
damiirkoodu noolyahay in yar oo caada qaata ah mooyee.
walaalkayga qaaliga ahaw inkastoo ay maanta tahay maalin
murugo maalin aan aad uga xunahay waxa dhacay, hadana quustu
boos kuma laha qofka muslimka ah qalbigiisa, waxaa hubaal ah
in aynu inagu guusha teeda danbe leenahay hadaynu rabi
kaashano oo aynu diinta sida ay tahay u qadano, walal yuusan
qalbigagu gedgidoomin ahaw qof leh hadaf ahaw qof mabda
taageeera hanoqon qof qabiil ama qof taageera ahaw qaf mabda
iisu yahay kitaabka rabi.
Akhristaha qaaliga ahaw waxad ogaataa in damiir laawayaasha
manta dan mooday dabaabdaha ethiopia in ay guul ku gadhayaan
miyasan arag waxa haysa karzayga afqan iyo jalabiga ciraaq
qofkii damiir leh ayaa eeg eega waxa ka dhacaya dunida oo ku
cibra qaata.
waxaan ku soo gabagebaynyaaa qoraalkayga codsi aan u dirayo
qof kasta oo soomali ah in uusan dhayalsan wax kasta oo
taariikh ah oo umada dhaxal u noqonaya oo aad isku daydid in
aad uruurisid si aynu bari ugula xisaabtano qofkastaa wuxuu
mutaystay
bullale2001@yahoo.com
Cabdirisaq jama bullale
johannesburg south africa
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006