ITOOBIYA MA WAXEY U
SOCOTAA MAXAAKIMTA OO KELIYA? HADDII JAWAABTU
“HAA TAHAY”, YAA KA TIRSANAA MAXAAKIMTA?
Yoonis Xassan (Alifow)
Islamabad, Pakistan
E-mail: alifow3@yahoo.com
Midowga Maxaakimta
Islaamiga Soomaaliyeed ma waxaa ka tirsanaa oo keliya
Xarakada Islaamiga ee Al-Itixaad mise qeybaha kala duwan ee
bulshada Soomaaliyeed sida ganacsatada, aqoonyahaanada
cilmiga maadiga bartay, bulshada rayidka, abwaaniinta,
odayaal dhaqameedyada, dhalinyarada, saraakiishii ciidamada
dalka, siyaasiyiinta, xarakaadka Islaamiga ee kale, I.W.M.?
Si aan uga jawaabno
su’aashaan bal aan eegno shaqsiyaadka ka tirsan ama ka
tirsanaa Maxaakimta. Sh. Xasan Daahir Aweys, Sh. Xasan Turki
iyo afraada kale ee Xarakada Islaamiga Al-Itixaad ka sokow,
waxaa ku jira/jiray culumaa’udiin iyo mashaa’iq badan oo ka
tirsan xarakaadka Islaamiga ee dalka ka jira haddii ay ahaan
lahaayeen Al-Islaax, Alaa-Sheekh (Majmaca), Tabliiq,
Salafiya iyo weliba Ahlu Sunna (Suufiyiinta). Gudoomiyaha
golaha fulinta ee Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed
Sh. Shariif Sh. Axmed waa Aala-Sheekh, xogheyaha golaha
shuurada Sh. Maxamuud Sh. Ibraahim Suuleey sidoo kale waxaa
lagu tirshaa inuu ka mid yahay Aala-Sheekh. Gudoomiye
ku-xigeenka labaad ee golaha fulinta Sh. C/Qaadir,
gudoomiyaha maxkamada Al-furqaan Sh. C/Qaadir Maxamed Bare,
gudoomiyaha maxkamada Villa Soomaaliya iyo rag kaloo badan
waa Tabliiq. Prof. Dr. Ibraahim oo ahaa madaxii wafdiga
Maxaakimta ee shirkii koowaad ee Khartuum iyo xubno kale
waxey ka tirsanaayeen Al-Islaax. Sh. Baaruud Gurxan,
afhayeenka gudiga gurmadka fatahaadaha, iyo rag kale ayagana
waa Dalada Culumaa’udiinka Soomaaliyeed. Waxaan ognahay
madaxda Makamada Xariyaale iney yihiin ama aaminsan yihiin
Dariiqada Suufiyada (Ahlu-Sunna). Sidoo kale madaxda
maxaakimta kulan ay la yeesheen qaar ka trisan culimada
Ahlu-Suna waxey ku taageereen si dadban ama toos ahba
siyaasada Maxaakimta. Waxaa kaloo jira culimo aan ka
tirsaneen xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya ka jira oo
xubno ka ah Maxaakimta.
Makraan u soo laabano
qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed, waxaa arkeysaa dad
badan oo xubno muuqda ama kuwa qarsoon ka ahaa Maxaakimta.
Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ah xubin firfircoon bulshada
rayidka ahna siyaasi iyo askari rug cadaa, waxa uu ku jiray
wufuudii maxaakimta saddexdii shirar ee Khartuum ka qeyb
gashay. Gen. Maxamed Nuur Galaal, Gen. Dhooleey, G.Sare
Macow iyo saraakiil sarsare oo ka tirsanaa ciidamada xooga
dalka Soomaaliyeed yaa talooyin iyo wada shaqeyn dhex martay
Midowga Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed. mas’uulka u
qaabilsanaa Maxaakimta dib udhiska Inj. Cumar Maxamed
Maxamuud Aftooje, duqa magaalada Kismaayo Inj. Bashiir
Jarato iyo aqoonyahaaniin badan yaa ka tirsanaa madaxda
Maxaakimta. Abwaaniin ay ka mid yihiin Abshir Bacadle, Guure,
Taakow Macalin ayaguna kama marneen xubnaha Maxaakimta.
Nabdoon ugaas Maxamed Weli, ugaas Daahir iyo odayaal
dhaqameedyo kale ayaa ayaguna laga xusi karaa dadkii la
shaqeeyay ama ka tirsanaa Maxaakimta. Hawlwadeenada daladaha
waxbarsho sida FPENS, SAFE iyo weliba Machadka sare ee SIMAD
ayaguna dowr weyn ayee ka qaateen hawlaha Maxaakimta gaar
ahaan xiliyada banaanbax jiro. Prof Galeydh (Ra’iisal
wasaarihii koowaad oo xukuumadii Dr. C/Qaasim), Prof. Cabdi
Ismaaciil Samatar iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah dalka
iyo dibada yaa amaanay talooyinna siiyay Maxaakimta. Dhanka
xaafadaha magaalada Muqdisho, dhalinyaro badan iyo odayaalba
ayaa ka tirsanaa gudiyada nabadgelyada iyo wacyigelinta ee
Maxaakimta xaafadaha u sameeyeen. Sidoo kale waxaa jira
dumar badan oo abaabulka iyo saadka u qaabilsanaa Maxaakimta.
Guntii iyo gunaanadkii
waxaa dhihi karnaa dhamaan qeybaha kala duwan ee buslhada
iyo inta badan dadweyhana Muqdisho waxey ahaayeen kuwa si
toos iyo si dadbanba ula shaqeeyay Midowga Maxaakimta
Islaamiga Soomaaliyeed haba ugu badnaadaanee Culimada.
Haddii arinka saa yahay, ma waxaan raali ka noqaneynaa in
Dowladda Itoobiya uu majaraha u haayo Melis Sanaawi iyo
shaqsiyaadka danaha gaarka ah wato ee uu adeegsanaayo gaar
ahaan qabqablayaashii dagaalka ee maxaakimta xididada u
siibeen iney dadkaa aan soo sheegnay oo dhan ay ka dhigaan
waxey laayaan iyo waxey xabsi ku ilowbaan?
Yoonis Xassan (Alifow)
Arday dhigta kuliyadda dhaqaalaha
International Islamic University
Islamabad, Pakistan
E-mail: alifow3@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006

