SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhanbaal: GABAY 

Mahamed Elmi
somcarers@hotmail.com

Waa farriin tilmaamaysa maanta muuqaalka ay aduunyadu leedahay iyo sida ay bogga uga rarantahay iyo xadka uu dulmigu gaadhay waxaanad moodaa waqtiyadii la rogi jirey inay qarka u saarantahay markaad eegto halka wax marayaan 

waxa tiriyey Maxamed Cabdi Cilmi

wuxuu soo baxay 20.12.06 

  1. Cabdalow dhawaaq gabay murtida dhaqanka suugaanta
  2. Dhegtu maanso ay haybisiyo dhumucda hawraarta
  3. Ka dhaqaaqay maahmaah dhugliyo tix iyo dhaad-dhaade
  4. Naftii aanse dhiman baan gafayn dhaabad iyo doode
  5. Aduunyadatan dheeliday mar qudha ee dhinac usoo ciirtay
  6. Dhanka qudha aduunyadan ka raran ee maanta dhitinaysa
  7. Aduunyadan dhanxiir iyo ibliis xaqa ka dheereeyey
  8. Aduunyadan dhafoor taabadkiyo dhudhunka xoog joogta
  9. Aduunyadan dulmigu uu dhantacay ee shiigi ku dhowaatay
  10. Dhadhamada aduunyadan hunguri dhuuni dabajoogta
  11. Aduunyadan dhurwaa iyo gugume talada loo dhiibay
  12. Aduunyadan dhankii loo dayaba dhagartu naafaysay
  13. Dhaca iyo aduunyadan dilkiyo kibirku dheereeyey  
  14. Aduunyadan lafaa dhuuxday iyo dhiigga bani aadmi
  15. Aduunyadan magligu dhiidhiyee dhaawac xarad belay
  16. Aduunyadatan dhaqankiyo milgii maanta ka dhaqaaqday
  17. Dhalanteed aduunydan nafluu beenta ku dhabriiray
  18. Aduunyadan jidkii loo dhigiyo dhaaftay marinkeeda
  19. Aduunyadan la dhalan dooriyee seegtay dhabadeeda
  20. Dhaaxuu nin darandooriyaa dhacay gadaashiiye
  21. Dhaaxay namruud iyo fircoon uunka dhibayeene
  22. Dhaaxay ayaamuhu direen wiilal magac dheere
  23. Nin dhegaa furaystiyo nimaan dhaadin wax jooga
  24. Dhaaxay nimaan waana dhugan runi dhacsiisaaye
  25. Boqor duuble dhaaxaa waqtigu dhigay gabaahiire
  26. Dheg mugged ma buuxsado nin jecel inuu dhamaystaaye
  27. Dadkuun baa dhamaadee iyada looma dhaadhaca e
  28. Dhaaxuu ninkii dhereg hirqaday dhibay masaakiine
  29. Ninkii dhiilka buuxiyo nimcada eebe u dhameeyey
  30. Nabsi waa habeen dhexe hadduu dhawri garan waayo
  31. Dhakhso waw jabtaa uun lugtii dhaafta jeeniga e
  32. Nin ku ayni dhaafiyo maxaa dhiig cab ka huleelay
  33. Maxaa dhidar gaboobiyo orgobi iilka lagu dhaabay
  34. Dhoylaawi liitiyo muxuu jaahil ka dhuyaalay
  35. Nin dhirbaaxo qaayibay muxuu dhawray godobtiisa
  36. Muxuu dhiilo yaabliyo ufada uunba ku dhameeyey
  37. Dharaaraha gedmiyo waayaha dhiga duruusaaye
  38. Muxuu dacar ka dhabaqsaday nin  xumi gaaxda dhitadiisa
  39. Afartaa dhanbaalkiyo tusmada dhaqanka hawraarta
  40. Waa dhibic daroortiyo gudgude waqal dhigiisiiye
  41. Waa dhool hilaaciyo sidii dhayda caanahe
  42. Waa dirir dhamaysiyo xareed jeexday dhudhubaaye
  43. Waa sidigta dhaameel iyo casuur gaawe loo dhigaye
  44. Dhaan nageeye weeyoo wax badan waanigii dhaxaye
  45. Bal dhegaysta caawaan murtida dhuri sidii ceele
  46. Wuxuu dhigay maraykane ciraaq maanta dhaxalsiiyey
  47. Dhaawaca faluujiyo baqdaad dhimashadaa baahday
  48. Dhallaankoo le’diyo maatadii dhamac la leefsiiye
  49. Dhaca uu jidaystiyo hadduu dhuray batroolkiiye
  50. Falastiin dhulkeediyo markaad eegto dhinaceeda
  51. Ama aad dhankaa iyo lubnaan dhawrta waxa jooga
  52. Dhirbaaxada yuhuudiyo hubkaa qudus la soo dhoobay
  53. Dhafandhaafka sulubkiyo ridada laysu dhinacyeeye
  54. Dhimbiilaha Qasiyo Raamalay dhibi ka joogtaaye
  55. Inagana la soo dhidhi amxaar dhoobay iyo hawed
  56. Dhacadiidsi waa kaa dalkii dhooban xasanawe
  57. Dhisma qaran haddaan loo dhammaan dhaaxba wuu dumiye
  58. Midnimadu hadday dheelidoo hayb la dhaxalsiiyo
  59. Oo uu qabiil soo dhexgalo dhimatay maantaase
  60. Israacaa dhantaalmiyo shacbiga kala dhaqaaqiisa
  61. Markii dhawrba meel joogsatee wadajir ay dhaaftay
  62. Nacab inuu ku dhiiraday la arag loona soo dhigaye
  63. Dhilistiyo cabdow raawis xumi dhacan ma gooyaane
  64. Dhegxumaanta ceebtiyo naxliga dhooban agaheena
  65. Dhiidhiibsi beeshoo majiro magac la dhawraaye
  66. Waxa dhaba dhawaaqii salaan dhaabaduu yidhiye
  67. Dhimashadu xaq weeyoo mar bay nolosha dhaantaaye
  68. Muslin inuu dhufaanoo kufrigu maanta dhalan doorsho
  69. Uu dhaqanka diintiyo tiro tiro dhaadashada muuqa
  70. Dhalinyariyo waayeel dirkaba dhuunta ka wareenye
  71. Dhadig iyo laboodkuba ka siman dhabar garaacaase
  72. Dhaameelka laac iyo sabniin dhawrta dabinkiisa
  73. Dhinbiishaa hulaaqdiyo fusuqa dhabatadaa faaftay
  74. Dhugatiyo xanuun buu sidaa aafo dhumuc wayne
  75. Dhunkaal iyo sun buu qaybiyaa lagu dhamaadaaye
  76. Dhaqaalaha gargaarkiyo hantida dheefta iyo hooda
  77. Masaakiin la dhawriyo dadnimo waa ka dheertahay
  78. Islaamkaba dhamaantii ku noqoy dhiilo iyo hooge
  79. Dhadhamada badhkeen buu ku hoday dhuuni iyo soore
  80. Daba dhilif gaboobiyo fulaa looga soo dhacaye
  81. Nin dareenku dhibayiyo nimaan dhawran sharafkiisa
  82. Nin dhursugay nimaan dheesha garan dhaantadiyo heesta
  83. Ninkii waranka dhaabtiyo ninkii dhicin lahaa maanta
  84. Allihii dhidbee kawnka dhigay looba gacan dhaafye
  85. Ka dhabee islaamaw jahaad laysu soo dhiga 

Mahamed Elmi
somcarers@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH