SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sheekh Shariif Axmed..waxaad xaq u leedahay xaqdhowr iyo xusuus wanaagsan 

Zahra Abdi Hersi
umubakar@hotmail.com
Holland

 

Somaaliya waxaa sannadkan sii dhammaanaya ee 2006 ka dhacay labo is beddel oo aad u weyn,taariikhda Soomaaliyeedna boos aad u weyn ku yeelan doona, isbeddelka kowaad oo ahaa, mid aad loogu diirsaday oo rajo iyo is kaashi Soomaali dhex mara loo hanqal taagay, kaas oo ahaa, la wareegiddii ay maxkamadaha islaamiga ah kala wareegeen dagaal oogayaashii qabiilka been beenta ah watay caasimaddii waddankeenana kala qayb qaybsaday iyo kii ay dawladda federaaliga oo ay Itoobiya lammaanayso kala wareegeen dhammaan meelihii ay hore u qabsadeen maxkamaha islaamiga ah.

 

Maxkamaduhu fursad dahabi oo luntay,mise?

 

Dabcan fursad luntay weeyaan, waayo waxay lahaayeen awood ay Soomaali isugu keento kuna heshiiyaan, nasiib xumase taasi ma´ay dhicin, haddii is oggolaansho Soomaaliyeed ay jiri lahayd, maanta carruur badan oo Soomaaliyeed lama xasuuqeen, reer galbeedkuna kuma celceliyeen Itoobiya oo Christian ah ayaa  dawladdii daciifka ahayd ee Soomaaliyeed garab siisay, si loo saaro  wadaaddaii mayalka adkaa ee Al-Qaacidda garabka siinaysay.

 

Mid ayaanu  dafiri karin haddii aanu Soomaali nahay, in maanta Soomaaliya ay gacanteedu isku baabi’yeen , aysane cidna eersan karin,Soomaaliya weligeed saameyn kuma lahayn Al- Qaacida ,sida dad badan ay xaqiijiyeen, maxkamadaha islaamiguna ma´aysan ahayn kuwa mayal adag, hasyeeshe waxay dhibbane ama victims u noqdeen, dhaqankeena ku dhisan qabiilka iyo qabiil kasta oo tuhun iyo shaki ka qaba qabiilka kale.

 

Maxkamadaha islaamiga ah labo arrimood ayay is barbar wadeen, mid u qarsanayd iyo mid muuqatay, midda muuqatay waxay ahayd waxaan nabad iyo kala dambayntii luntay 16 sano ka hor ku soo celinay ama ka dhalinay dhammaan meelihii gacanteena ku jiray, waxaan soo celinay kala dambayntii, waxaan yareynay fawdadii, waxaan joojinay fuxshigii iyo wax kasta oo anshaxa bulshada wax u dhimaayay, sida Qaadka iyo dhammaan maandooriyaasha, waxaana run ah in dhammaan waxyaalahaas ay yihiin waxyaalo lagu ammaanayo abaalna looga hayo 7dii bilood ee ay qayb ka mid ah waddankeena maamulaayeen.

 

Waxaaase maxkamada islaamiga ah u qarsanaa,waxay isku wadeen qabiil iyo xukun jaceyl, kulankii ugu horreeyay ee ay maxkamuduhu ay kula kulmeen waddanka Suudaan dawladda ku meel gaarka ah ayaa waxyaalihii lagu heshiiyay uu ahaa in aysan dagaal kale ku qaadin magaalooyin kale oo aysan damcin in ay qabsadaan, waxaa kaloo lagu heshiiay in aan la is dafirin ama mid kasta uu midka kale aaminsanaado, nasiib xumo qaar ka mid ah madaxdii maxkamadaha ayaa ballan qaadkaas jebiyay, taasna waxay keentay iyadoo awalba loo raadinayay marmarsiiyo lagu eryo ama baab´iyo maxkamadaha  waxaana la bilaabay wadatashi ah sidii looga taqalusi lahaa ama loo soo weerari lahaa maxkamadaha, iyadoo markaas dawladda ku meel gaarka ah ay codsadeen in Soomaaliya la geeyo ciidan militari ah oo wax ka ilaaliya nabadda waddanka Soomaaliya, haseyeeshe markasta waxaa taas gaashaanka ku dhufanaayay maxkamadaha islaamiga halka ay isla markaana xukunkoodu sii ballaarinaayay. 

 

Sheekh Shariif Axmad wuxuu ka mid ahaa madaxda maxkamada islaamiga ah ee markasta ka soo horjeeday in dagaal lagu qaado baydhabo ama meel kasta oo waddanka ka mid ah, waxaa kaloo la sheegay in uu ahaa Sheekh Shariif Axmad ragga ugu horreeyay ee markasta aaminsanaa in dawladda ku meel gaarka ah wadahadallo lala yeesho si uu heshiis u dhaco, nasiib xumo Sheekha waa laga soo horbaxaayay markasta, ugu dambayntii toddobaadkii la soo dhaafay isaga oo jira waddanka Yemen madaxda halkaasina kala hadlaayay si wadahadal nabadgelyo ah loo bilaabo ayuu dagaalku bilowday.

 

Waxyaalaha kale ee uu Sheekhu kaga duwanaa qaar ka mid ah madaxda maxkamadaha islaamiga ayaa hayd, in uusan dhaqan u lahayn in uu goodiyo ama uu u hanjabo dad kale, sida  qaar ka mid ah meelaha dagaanshaha ka jiro waddankeena, sida gobollada Waqooyi galbeed iyo gobolka Bari, iyo waddamo kale sida kuwa aan deriska nahay iyo dawladda ku meel gaarka ah, waxa uu ahaa hadafkiisu in la helo Soomaali weyn iyo sidii ay Soomaali oo dhana ku heshiin lahayd diinta islaamkuna manhaj looga dhigo mana lahayn xoolo ama dhaqaalo aan dhaafsiisnayn noloshiisa ama waxa uu ku noolaado, qaar ka mid ah kuwa kula jira maxkamaduhuna iska daa in ay hanti ku leeyihiin dalkee waxaaba xaqiiqo ah in dalka dibeddiisana ay hanti ku leeyihiin.

 

Waxaa ah wax laga xumaado ah oo laga murugoodo in dad danaystayaal ah ay  Sheekh Shariif Axmad ku yiraahdaan hadallo uusan galabsanin isla markaana laga dhigo dambiile, sheekha Ilaahay kheyr badan ha siiye wanaaggii uu u galay bulshadiisa waa mid aan la ilaabi doonin, xusuus wanaagsana nagu reebtay. Waxaan Alla ka rajaynayaa in uu ka qeyb qaato dib u dhiska waddankiisa wanaagii uu ku caanbaxayna halkaas ka sii socdo.

 

Zahra Abdi Hersi
umubakar@hotmail.com
Holland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH