SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

(ZANAWI).AP)    HAMIGAYGII WAA II SUURA GALAY. 

Qore=axmed sadiiq
sadiiq120@hotmail.com

Ilaahay baa mahadda iskaleh oo baneeyay in la iska dhiciyaa gaalada kugu soo xadgudubtay

Waxaa laga yaabaa dad badan oo ah soomali in ay layaabanyihiin hadalkan ka soo yeeray zanwi oo laga yaabo in ay dad badan oola muuqato guul xataa hadii ay hada kabaxaan soomaaliya inkastoo uusanba kabaxi doonin, taariikhda wax yar dib aan ugu laabano hana dheeraan ka soo bilaw 1964-1987.dagaaladii dhacay maxaad kala socotaa ama aan kuu muujiyo waxa loo yaqaan luqada arqaamta ama numbarada fiiri jadwalkan.

Wadanka galay dagalka bilawday dhamaaday ciidanka Tiradda dadka khasaaraha
ethiopia 1964 1987 217000 42000000 15000
somalia 1964 1987 50,000 5000000 15000
Cuma 1975 1987 150,000 8700000 2000
           
           

Waxaan leeyahay ha sheegan guul markay ahayd tiradaada intaas oo aan kaa dilay intaa oo hadii aan noqonay isku qasaaro xagga ciidankana ciidankeena uu gaaray adis meel u muuqatay markaasna aanay ila socon waxa loo yaqaan camiilo ii shaqeeya ama ii sahla in aan gaaro meeshaas,  camiiladaas ha,ahaadaan

Camiilada manta jira kan ba kamid ah  

kuwii waagaas jiray  oo ay kamid ahayd kuuba oo kuu soo gurmatay iyo wali ruska in aad manta guul sheegato maaha guul waxay ku haraysaa soomaliya zanaawi rag jawaasiis ah oo kuu soo hogaamiyay badweynta India ama kaluunkeeda in aad markale cuntid mudo gaarayso 15 sano kadib taqriiban waxaa kuu sahlay raga aad ku keentay airkabtarka dusheeda ee maaha awood sheegasho cad .

Maxaa noo haboon hadda soomaaliyeey.

Waxay aniga ila tahay oo aan fariintaan u gudbinayaa dadka ah soomaalida amaba ah wadaniga oo ka naxayo ninka tikreega ah ee jiifa caawa dekkeda hoosteeda ama ka naxayo sida loogu cayaaray nabadii ka jirtay 15 sano kadib koonfurta soomaaliya ee ka xumaaday ee u dulqaadanwaayay oo seexanwaayay soona xasuustay waayo waayo iyo waliba jaaniska u banana hada oo uu haysto dad u ah jawaasiis ama cumala laga yaabee zanawi in uu ka faa,idasanayay jaanis sheegayay in uusan heli doonin qof u dhigma labadan nine e uu haysto maanta waxaanba filayaa in ay khubaro kula taliyeen maanta in uu ka,faa,daysto labadan nin waa hadii ay wax u qabanayaan sayid maxamed c/dille xasan waagii uu jahaadka bilaabayay dad baa layaabanaa oo waxaa lagu lahaa ma waxaad is hortaagtay quwada dunida ugu xooga roon xaga gumeesiga iyo xag kaleba sidoo kale axmed gureey dad baa layaabanaa oo lahaa maxuu qaban karaa laakiin waxay qabteen hadaan ku jiifnaa waagaas hadii ay seexanlahayeen yaa ku arki lahaa marka waxaan kawadaa soomaali maanta waa loo tashatay waxaa jiray laba marxalad ama qorsho oo soomaali loo degay labadiiba waa fashilmeen mid waa in la qixiyaa oo aan loo ogalaan waxaan ahay soomali waa in lawayaa waa lawaayay oo manta kan wata baasaboorka usa kuma dhahayo waxaan ahay ameerican ee waxaa uu ku leeyahay waxaan ahay soomaali mida kale waxay ahayd in bal lahelaa dad ah gaalo ama diinta kabaxo oo badan tiina waa lawaayay hal qarni kadib waxaa la go,aansaday in soomaaliya la qabsado oo ay kamid noqoto ethopia, hadalkan waxaa laga yaaba in dadka qaar uu gali waayo laakiin tusaale ayaan ku siin bal xoogaa in aad ila garatid sida ka muuqata eray uu yiri 1906 mililiq banaadir waxay kamid tahay ethoipia waxaa warkaas ku cel celiya hoogaamiyaasha etoipia oo dhan waxaa intaas kuu sii dheer calanka etoipia waa labadalay 1996 waxaana lagu daray xidig buluug ah oo muujinaysa astaanta calanka soomaliya waxaan ku leeyahay rumeeso ama ha rumeesan soomaliya sida hada uu yahay qorshaha waxaa laga xukumayaa adis ababa .

Calankii labadalay 
 

Saan baa loo badalay   kan waa kii hore

Shaqsiyan maxaad qabankartaa.

Waxaa loo baahanyahay waa in loo midoobaa cadawga qabsaday wadanka lalana dagaalamaa inta aan haysano qoryaha oo waxaa imaan doona mar nalaga dhigo hubka oo aan dhagxaan ku tuurno tikreega kacabayo shaaha gabadha fadhida bakaaraha oo waa ay dhici doontaa hadii tikreega horay gabar joogta buuloxaawo shaah oga cabay tan bakaarahana ay u jirto hal mitir iska sug wax yar intaan lagaarin arintaas waa in la dagaalamaa oo aan loo ogolaan in ay ku nastaan gudaha dalka hadii aad awoodid hal tikree ah in aad disho dil hadii in la dilo aad lacag ku bixin kartid ku bixi hadii aad wax ka sheegi kartid ka sheeg waxaan leeyahay dad baa waxay layaabaan markay maqlaan nin baa is qarxiyay gabar baa is qarxisay falastiin ah dadka qaar baa waxay dhahaan iimaan badanaa maxaase loo sheegay laakiin madareemi karo qof aysan qabsan waxa ay isku qarxisay ama uu isku qarxiyay mana fahmi karo laakiin inta aanan gaarin sidaas wayba ku socotaaye sameeya sida tan dadka waa in labaraarujiyaa laguna baraarujiyaa dagaal lala galo tikreega soo duulay marna haku qancin in loo socdo qof gooni ah ama loo wado qof kale waxaan hadalka ku soo gaba gabeenayaa qofkii nool waxaa laga yaabaa in uu arko muqdisho oo laga xukumayo adis ababa ama adis ababa oo muqdisho laga xukumayo marka adiga is weydiiyoo kee jeceshay in aad aragto hadiiba cimrigaaga ku gaarsiiyo hadii aad jeceshahay adis in lagaa xukumo seexo soona toos waaga hakuu baryo zanawi oo jooga xamar weyne

Qore=axmed sadiiq

e-mail – sadiiq120@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH