Muqdisho, Dhadhanka ciidda
& Shiirka Gumaysiga !
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid-Muqdisho
Reer Xamar-ku waxay ku
maahmaahaan “Cimrigaa hadiis dheeraado geel dhalaaya
aas ku tusaa!!” . Waxaan moodayey inaan leeyahay
waaya aragnimo igu filan, maadaamma aan soo arkay
dhacdooyin badan oo iga maajiya, hase yeeshee marna
maankayga kuma sawirmin inaan dhaayaha saaro (iyadoon
riyo ahayn) magaalada Muqdisho oo ay kolonyo Xabashi ahi
dhex mushaaxayso!!.
DHADHANKII CIIDDA OO
DOORSOOMAY!
30 December 2006 Waxay
ahayd ciiddii iigu dhadhanka xumayd intii aan noolaa.
Inkastoo meelaha qaar aan laga ciidin haddana xitaa
meelaha laga ciiday waxaa la dareemayay isbeddel weyn,
caruurtu xitaa farxad ma leh, ma badana dadka lebbisan,
waxaa aad u yar codadkii, muuqaalladadii iyo
damaashaadkii, lagu yaqiinnay ciidda, xitaa Takbiirta
masaajiddadu sidii hore maaha, waxaad moodddaa culumada
takbiirsanaysa in uu codkoodu xabeebtay, carrabkooduna
cuslaaday. Ciiddu mar kastaba waa ciid, hase yeeshee
markaan waxaa dhadhan dooriyey oo dheehay shiirka
xabashida, qarmuuunka khimaamada iyo “sharraaxda”
codadkii la necbaa ee hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho!
Ka bixitaankii ay
hogaamiyeyaasha maxkamadaha Islaamigu ay ka baxeen
Muqdisho 28 Dec 2006, wuxuu albaabada u furey wax badan
oo waxna hadda muuqdaan waxna la arki doono marka uu
Alle Qaddaro. Waxyaabaha la arkay waxaa ka mid in
fowdadii iyo kala dambayn la’aantii, dilkii ay soo
noqdeen, waxaa mar qura la waayay mobaylladii qaaliga
ahaa iyo gawaaridii cusbayd ee mari jirtay
waddooyinka.Waxaa si aan qarsoodi ahayn usoo noqday
qaadkii, iyo daroogadii kala duwanayd ee la waayay ama
lala dhuuman jirey, waxaa laysku soo rogay dad badan oo
hantidoodii loo celiyey, kuwaasoo iyana cararay markii
ay maxkamaduhu baxeen, waxaa soo noqday Isbaarooyinkii
iyo leejooyinkii!! Sidoo kale waxaa dib loo arkay
hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, taasoo dadka ugu
bishaaraysay inay qorraxdii dhacday si ay godadka uga
soo baxaan intii wax qaniinti jirtey ee muqdiga ku
noolka ahayd!
Qofkii rumaysta iyo qofkii
aan rumaysanin-ba waxaa hubaal ah in ujeeddadii loo
dhisay dowladda KMG ee Soomaaliya la gaaray, taasoo
ahayd in laga dhigto middi lugu qoosto talada iyo
tigaadda Soomaaliya!
Markii uu Raisul wasaare
geeddi uu Diyaarad (Helocpter) ku yimid Afgooye, waxaa
halkas uga hor tegay dad badan oo ka mid ah kuwa magaca
leh ee magaaalda, waxayna isugu jireen 2 qaybood, qayb
awalba la shaqeyn jirtay iyo qayb doonaysay inay isku
dayaan inay qabojiyaan carada ay qabaan labada dowladood
ee wada socda in aysan si aan kala sooc lahayn ugu
dhicin dadka! Hase yeeshee waxaa la ii sheegay inaysan
rejo fiican muujin markii ay soo noqdeen! Waxaa is
weydiin leh macnaha ay leedahay in Raisul wasaaraha
diyaarad looga soo qaaday Afgooye oo Xamar u jirta 30
Km!! Nafeey nin ku doona kuwaay!
Wuxuu Prof. Geeddi sheegay
inaysan ka hari doonin firxadkii Maxaakimta balse ay sii
eryan doonaan ilaa ay ka baab’iyaan, taasi waa haddii ay
ka aqbasho dowladda sida dhabta ah taladu uga go’do ee
Adis- ababa. Waxaa
kale ee uu sheegay inuu gacan bir ah ku qaban doono
amniga magaalada, xukun deg-deg ahna uu soo rogi doono.
Waxaa la yaab leh in
ciidamada lugu sheegay inay ka koobanyihiin dowladda KMG
iyo Itoobiya, inay 97% ay yihiin ciidamada Itoobiya,
waxaa shacabka Muqdisho is weydiiyey cidda ka mid ah ee
laga garanayo martidaas aan la casuumin ee usoo hoyotay
ama usoo harsatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xaggay aadeen ciidamadii Soomaalida ee laga kala keenay
Puntland iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee
dalka?
Waxaa la xaqiijiyey in
ciidamadaas oo aad u tira yar marka loo fiiriyo kuwa
Itoobiyaanka lugu dhex firdhiyey kuwa Itoobiyaanka oo
boqolkii gaari oo Itoobiyaan ah ay la socoto ugu badnaan
3 gaari oo kuwa dowladda ah!! Hotelka Ramadaan oo aan
deris la ahay, waxaa ku sugan tiro ciidamo Itoobiyaan ah
oo waardiyeynaya madaxda dowladda qaarkood! Markii ay
hotelka yimaadeen waxaa meesha yimid kumanaan dad ah oo
rumaysan la in meeshii ay fadhin jireen raggii
cimaamadaha lahaa ee lugu sheegi jirey muslimiin asal
raac ah ay manta fadhiyaan niman Kirishtaan oo iyana
lugu sheego inay aad ugu dheganyihiin diinta
Kirishtaanka! Dakii isugu soo baxay halkaas badankoodu
way aamusnaayeen lagama dareemayn wax diidmo ah ama
taageero ah!
Laga billaabo 29 Dec 2006,
waxaa magaalada Muqdisho hareeyey muddaaharaadyo inta
badan lugu dhibsanayo ciidamada Itoobiyaanka ah ee
qabsaday waddanka, qaarna lugu taageerayo! Waxaanse
ogahay inay si fiican ugu kala gar-qaadi doonaan
Itoobiyaanka oo lugu yaqaanno inaysan kala soocin kii u
yeertay iyo kii loogu yeertay iyo kii aan kala jeclaynba!
Maxaa xiga qabashada
MUQDISHO?
Dadka qaar waxay leeyihiin
itoobiyaanku wax dhib ah ma geysan ilaa iyo hadda, waana
ilaahay mahaddii! Laakiin sida lugu yaqaanno
Itoobiyaanku dadka horey kama wareemaan inta ay dadka ka
kala baranayaan, dhulkana ay ka makansanayaan, laakiin
waxay sugaan waqti munaasab ah oo uusan ka fara baxsan
Karin qofka ay qabtaan. Waxaa weli si fiican u socda
wada noolaasha kala dhaxeeya iyaga iyo dadkii keensaday,
weli waxay tijaabinayaan dareenka dadka iyagoo hadba jid
kolonyo ku mara!
XaAladda deg-degga ah:
Waxaa la sheegay inay
waddanka ku soo ragayaan xaalad deg-deg ah, waxaan
aaminsanahay inay tahay qayb ka mid ah qorshaha ay ku
bannaysanayaan dhiigga dadka, ugana takhalusayaan cidii
ay doonaan iyagoo kaashanaya jawaasiistooda faraha badan
ee magaalada ka shaqeynayay wax badan!
Waxaa shaki leh hadalkii
ka soo yeeray Maxamed Dheere oo ahaa inay guryaha dadka
Muqdisho ay mid mid u baari doonaan gacan bir ahna ku
qaban doonaan. Runtii Maxamed Dheere iyo saaxiibbadii
manta waa awoodaan inay xabashida ku diraan oo ka
aar-goostaan dadkii ay u ciil qabeen, laakiin ma
awoodaan inay gacmahooda qabtaan si aysan u dhibaataynin
dadka rayidka ah ee aan qofna cadow u ahayn! Waa maxay
sababta ay dadka guryahooda u gelayaan? Maxkamadihii la
ga saaray magaalada iyagoo ka tiro iyo tayo yar miyaanay
xasilinin magaalada iyagoo aan gelin dadka guryahooda oo
aan u dhicin cawraaadkooda? Miyaan laga yaabin inay
arrintaasi keento natiijo ku lid ah wixii laga
rajaynayay?
Dulmiga soo socda iyo
natiijadiisa!
Waxaa la filayaa in la
galo xaalad kala aar goosi iyo is-tiftid ah, iyadoo
laysu adeegsanayo Itoobiyaanka oo lugu yaqaanno inaysan
hubsan waxa loo sheego, iyadoo naagtii habeen la tumata
ay ku diri karto dadka oo dhan. Waxaa dhici karta in qof
waliba kii maalin shaxaad u diiday uu tif-tifo. Waxaa la
filan karaa in lugu hor maro dadka lugu tuhmayo inay
taageeri jireen ama maal gelin jireen maxkamadaha
Islaamiga, laakiin ugu dambayn ciyaartu waxay dhex mari
doontaa kuwa keensaday Itoobiyaanka. Si kastaba ha
ahaatee qof walba ha ogaado in looga gudi doono hadba
suuskii uu ku beegto!
Goorma ayay baxayaan
Itoobiyaanku?
Taas jawaabteedu waxaan ka
dhigayaa su’aal kale. Goorma ayauu ka tagaa libaaxu
hadii uu meel cidlo ah ka helo neef geela oo aad u
dhaqaalaysan? jawaabtu waa laba arrimood midkood (1)
inuu ku soo baxo wiil geesi ah oo ka celiya ama ka rida
(2) inuu disho oo ka dhergo kana tago si dugaaga yar
yari raqda ay qaybtooda uga qaataan! Qofka aaminsan inay
Itoobiya inta dowlad wanaagsan oo sharaf qaran leh noo
dhisto naga tegayso si aan cagaheenna isu taagno waa
maan gaabanyahay waqtiga ayaana wax bari doona!
Maxay noo qaban kartaa
dowladdeennu?
Madaxda dowladdu waxay mar
kasta ku cel-celiyaan inay iyagu wataan ciidamada
Itoobiyaanka ah oo aysan ku dhaqaaqi Karin wax aysan u
dirin, laakiin taasi waa wax lugu qoslo. C/llaahi iyo
Geeddi waxa lay sheegay marka ay saaxiibbadooda la
sheekaysanayaan inay muujiyaan wel-welka ay ka qabaan
sida ay u dhaqmayaan ciidamada Itoobiyaanka ah iyo
inaysan iyaga ka amar qaadan! Miyaysan tusaale ku
filnayn gumaadkii loogu geystay Gaalkacyo maxaabiistii
maxaakimta iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedka
puntland?
Si kastaba ha ahaatee
wuxuu caqligu diidayaa in waxaasoo dhimasho, dhaawac iyo
kharash ah ay Itoobiyaanku u gelayaan danta
Soomaaliya, wax walbana ay yihiin axsaan uu samaynayo
walaal “raxiim” sidii uu ku dhawaaqay mid ka mid ah
qab-qablayaashii!
Haraadigii Maxkamaduhu
Maxay yeeli doonaan?
Waxaa dad badan ku adag in
rumaystaan in dagaalka ay geysan karaan maxkamaduhu ay
halistiisu billaabanayso hadda iyo wixii ka dambeeya.
Qofkii wax ka yaqaanna ciidamada waa fahmayaa arrintaas
sidaa darted waxaa sii badanaya wel-welka reer galbeedku
ay ka qabaan inay ku dhaqaaqaan
dagaalka loo yaqaano kudhufo-oo ka dhaqaaq ama dagaalka
dhuumaalaysiga ah, kaasoo ah midka argagaxa ku riday
reer galbeedka iyo xulafadooda.
Sida la ogyahay
maxkamadaha waxaa khaldanayd sidii ay dagaalka u galeen,
maxaa yeelay ciidankoodu uma babac dhigi karin ciidan
dowladeed oo noocyada hubku u dhanyihiin lehna khibrad
dagaal oo dheer, sida kaliya ee ay ku wajihi kareenna
waxay ahayd sidaan ay hadda doorteen. Tusaale fiican
waxaa ah dagaallada dabada dheeraaday ee ka soconaya
Jejniya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo kishmiir, kuwaasoo
dowladaha lugula jiro ku keenay jaha wareer iyo dhiig
bax joogto ah. Waxaa aad isu eg hadalka Melles uu
jeediyay markii ay maxkamaduhu ka baxeen Muqdisho, iyo
kii uu jeediyay Bush markii ay Maraykanku galeen Baqdaad
kaasoo ahaa “Mission Accomplished”! hadalkaasoo noqday
mid had iyo jeer lugula jees-jeeso madax weyne Bush!
Khaladaadkii Maxaakimta.
Sida Bani aadamka kale,
maxkamaduhu waxay lahaayeen khaladaad. Khaladaadkoodii
qaar ka mid ah qormooyin horena waan ku caddeeyey, sidoo
kale waxaan soo qori doonaa qormo dhamaystiran oo aan
kaga hadlayo arrinkaas. Laakiin ma doonayo inuu
qoraalkaygu uu ku waqti noqdo kuwa “munaafiqiinta” ee
bilaabay inay “lacnad” daba dhigaan maxaakintii ay
shalay amaanayeen iyagoo ka baqaya in wax laga weydiiyo
dhaqnkoodii shalay! Iskana indha tiraya wanaaggii aan la
soo koobi Karin ee lahaayeen!
Sagootinta amniga iyo soo
dhaweynta Baqdaadda Cusub!
Haddii ay maxkamaduhu ka
dhabeeyaan hadalkooda, waxaa la hubaa inaan waddada
saarnay jidka halis ah, Muqdishana ay ku socoto siday ay
hadda tahay baqdaad. Haddaba hadii ay taasi dhacdo yaa
ciyaari doona dowrka Mareykana, dowrka Dowladda Ciraaq,
dowrka Shiicada, dowrka Sunniyiinta iyo dowrka
Abuu-muscab Al-sarqaawi? Labada dowr ee h ore waa la
yaqaanna cidda ciyaaraysa oo waa Itobiya iyo DFKG,
laakiin saddexda dowr ee dambe cidda matali doonta aan u
dayno waqqtiga iyo inay ka fekeraan akhristayaashu!
Runta qaraar ee ugu
dambeysa!
Soomalida badankeeda,
marka laga reebo kuwa uu sanka xiray curanka (cabburka)
qabyaaladdu, Waxaa laysku raacsanyahay inuu waddanku
galay gummaysi cusub, sida kaliya ee looga bixi karana
ay tahay in lays kaashado, in lala dagaallamo oo dhiig
loo daadiyo, loona huro naf iyo maal.
Sida aad ogtihiin
sharciyada adduunka, diimaha iyo caqliga dadkuba waxay
bannaynayaan in dadkii la qabsado ay is-difaacaan, sidaa
darted waa inuu qof waliba u darbadaaa inuu qaato
kaalinta kaga aaddan howshaas culus ee nasoo food
saartay!
Waxba hala yaabina kuwa u
sacb-tumaya gumaysiga, waligood wey jireen wayna jiri
doonaan, markii la raadinayay gobonnimada soomaaliya,
waxaa jirey xisbiyo soomaali ah oo ku doodi inaan
soomaaliya gobannimo “xammili” Karin!
Hoog iyo ba’a iyo magac
xumo waxay u dambaysaa kuwa Itoobiyaanka gacmaha ka
shuminaya, shalayna maxkamadaha gacmaha ka shuminayay,
kuwaas waxaa la yiraahdaa munaafiqiin, qiimana ma leh
adduun iyo aakhiro, waxaa ku filan in marna xoogaa afka
loogu rido marna qarsinka looga dhufto san-qaroorka!
Hal-abuur soomaaliyeed baa
hore u yiri:
Nin dharbaaxo ceebeed
dugsaday dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa
xaajadaad dhowrsataa Abide!
Haddaba annaga ayay noo
taal in dhasheenna dhaxalsiinno magac xumo iyo inaan
uga tango magac wanaagsan iyo sharaf!
Wixii aan saxo waxaa I
waa fajiyey Allaah, wixii aan khaldana waa naftayda
aqoonta yar iyo shaydaan!!!!
Mohamed
Ahmed Wallays
Yaaqshiid-Muqdisho
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006