MAXKAMADAHA:
HALYEY TAARIIKH KA TEGEY
Waxaa qoray
Xasan Mire Maxamed
hassanmire@btinternet.com
London, UK
Anigoon
taariikhda Midowga Maxkamaha Islaamka (MMI)
wax sidaa ah dib ugu noqon, waxaa hal-mar ay
u soo shaac bexeen dagaalkii iyaka iyo
qab-qablayaashii dagaalka ku dhexmaray
magaalda Muqdishu dhamaadkii Feebaraayo
sanadka 2006. Wixii ilaa iyo waqtigaa ka
danbeeyey, waxay ahaayeen urur miisaan culus
ku leh siyaasadda Soomaaliya ilaa laga soo
gaaro 27-12-2006.
Ula
jeedadii loo aasaasay MMI, qofba si ayuu u
fasirtaa. Hase ahaatee, markii fasiraadaha
dhamaantood la isku soo wada duubo waxaa la
dhihi karaa, MMI waxay u aasaasmeen soo
celinta sharciga iyo kala danbeynta iyo
weliba xaqsoorkii lumay wixii ka danbeeyey
markii dowladdii milaterigu dhacday.
Qaraalkani
waa faalo kooban oo lagu qaadaadhigi doono
marxaladihii ugu danbeeyey ee wadanku soo
maray guud ahaan, gaar ahaana aan ku taaban
doono guulihii taariikhiga ahaa ee MMI
gaareen, fashilkii MMI ku dhacay iyo
dareenkeyga ku aadan Dowlada Federaalka Ku
Meel Gaarka (DFKMG).
Guulihii
taariikhiga ahaa ee Maxkamaduhu gaareen
Guulaha MMI
gaareen wey badnaayeen waxaase kuwooda ugu
waaweeyn kamid ah:
- Waxay
ka adkaadeen qabqablayaashii dagaalka
Xamar heystay;
- Soo
celintii sharcigii iyo kala danbeyntii
meelihii ay heysteen;
-
Furiddii geggida dayuuraha iyo dekedda
Muqdisho;
-
Nadiifintii qashinkii buuraha ahaa ee
Xamar;
-
Joojintii qaadka;
Wax-qabadkii samafalka ee MMI:
-
Gurmadkii gargaar ee abaaraha saameeyey
koonfurta wadanka;
-
Abaabulkii weynaa ee wax uga qabteen
daadadkii wadanka ku dhuftay;
- Ka
hadlida quursiga aan qiilka laheyn;
Markaad u
kuurgasho taageerada weyn ee MMI ka heleen
Soomaalida iyo dhamaan muslimiinta caalamka
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxaa saldhig
u ah inay awood u yeesheen soo celinta
sansaan dowladnimo iyo jewi degganaansho
geyi aan la islaheyn waaka suurta gal quusna
laga taagnaa. MMI waxaay ummadda u
muujiyeen akhlaaq maamul oon is-qab-qabsi
laheyn waxaana ka muuqday oo ilaa iyo hadda
ku sifeysan yihiin madax heybad hogaamin leh
markeey hadlaana taabta dareenka dadka kana
tarjumayey rabitaankooda. Waa midaa ta
dhaxalsiisay inay hantaan taageerada
muwaadiniinta Soomaaliyeed intooda badan.
Fashilkii MMI Ku Dhacay
Sida ay
aniga ila tahay, guuldaridii MMI ku dhacday
waxaa loo kala qaybin karaa labadan arrimood:
-
Maqnaanshaha ruug caddaa siyaasiyiin
Soomaali ah oo fahansan siyaasadda cusub
ee dunida maanta;
-
La’aanta khuburo milateri oo MMI kala
taliya cawaaqibka ka dhalankara dagaal
lala galo dowlad kaa dad badan oo
taageero dhan walba ah ka heleysa
cadowda diinta Islaamka;
Maqnaanshaha ruug caddaa siyaasiyiin
Soomaali ah oo fahansan siyaasadda cusub ee
dunida maanta
Hadaad
fiirisid madaxda MMI, kuma jirin ruug caddaa
siyaasiyiin Soomaaliyeed ama xitaa meysan
heysan la-taliyayaal dareensiiya Maxkamadaha
inay isaga fogaadaan weerayaasha ay qaarkood
adeegsan jireen sida:
-
Soomaali weynbaan raadinaynaa, sida
Shiikh Xasan Daahir (Xafidahu Laahu)
hadda kahor sheegay;
- Waxaan
weerar ku nahay Baydhabo, Gaalkacyo,
Burco iyo Hargeysa, sida Shiikh Xasan
Turki (Xafidahu Laahu) yiri;
-
Itoobiyada cadowda ah wadanka ha isaga
baxdo, sida inta badan madaxda MMI
isticmaali jirtay;
-
Itoobiya toddoba beri wadanka ha isaga
baxdo, sida Yuusuf indha-cadde yiri;
- Iyo
kuwo kale oo farabadan;
Adeegsiga
weerayaashaasu ummad ahaan waa mid
dareenkeena Soomaaliyeed oo xaqa ah ka
tarjumaya waana qadiyaddeena inaan luuqaddaa
isticmaalno wax xumaana oo leeyihiin haba
yaraatee ma jiraan. Hase yeeshee, hadii ay
jiraan dad sokeeye Soomaali ah oo kaa
daba-shaqeynaya siyaasadna isku heysataan
waxaa la rabey in wixii MMI wax u dhimaya
cadowgoodana siinaya sababo ay ku soo
weeraraan in la isaga dheeraado.
Siyaasadda
cusub ee dunida maanta waa mid halis ah
diinta islaamkana looga soo horjeedo.
Maadaama ay MMI wateen diintaa aan sheegnay
isla markaana aysan dunida ku heysan xulafo
awood-sare leh oo hiil iyo hooba ay ka heli
kareen, waxaa la rabay inay fahmaan inay
maskiin madi ah yihiin talaabadey qadayaana
si weyn uga fiirsadaan cadowgoodana siin
fursad ay ugu soo duulaan. Nasiib-xumo,
iyaku taa ma fahmin siyaasiyiin ruug caddaa
ah oo taa fahamsiiyana ma aysan heysan.
Aaqir-kiina, meeshii cadowgoodu la doonayey
ayay shuluq ku yiraahdeen.
La’aanta
khuburo milateri oo MMI kala taliya
cawaaqibka ka dhalankara dagaal lala galo
dowlad kaa dad badan oo taageero dhan walba
ah ka heleysa cadowda diinta Islaamka
Arrinta ah
la’aanta khubaro milateri oo MMI kala taliya
natiijadda ka dhalan kartay dagaal lala galo
duwlad kaa dad badan, kaa dhaqaalo badan,
kaa cudud badan, kaana taageero badan,
weliba kaa xulafo badan. Waxay aheyd mid ka
mid ah fashilkii ku shacay Maxkamadaha,
waana midii ugu danbeyntii lagu jabiyey.
Waa midoo,
Itoobiya hadeysan xulafada islaam la
dirirkaa taageero hiil iyo hooba ka heleyn,
marnaba Soomaaliya sooma gasheen. Hadey soo
gashana dagaal bareer ah Maxkamadaha
wadankeena kulama gasheen. Waxaan hadda
ogsoonahay in si cad Mareykanku Itoobiya
dhaqaale iyo siyaasadba la garab istaagay si
MMI meesha uga saaraan. Taasna aakhirkii
xulafada diin la dirirka ah waa ku
guuleysteen.
Dowladda
Federaalka Ku Meel Gaarka
Shaqsi
ahaan, waan ictiraafsanahay Dowladda
Federaalka Ku Meel Gaarka (DFKMG) waxaana u
taageersan ahay hal qadiyad. Waa midii
iyada iyo MMI ay ka sinaayeen ee aheyd
mideynta iyo isu raadinta wadankii
Soomaaliya. Waxaan la soconaa in waayadan
danbe caalamku Soomaaliya waxa ka socda u
hanqal-taagayo arrinta gooni isu taaga
Soomaalileyn (Somaliland)na maalinba maalina
ka danbeysa indhaha shisheeyaha ee
taageerida goosashada geyigaa isa soo
tareyso.
Waxaan
xasuusanaa in haweyneyda Mareykanka ee
xooghayaha arrimaha dibedda u qaabilsan
Afrika ee Jendayi Frazer tiri bishii la soo
dhaafay MMI waxay wadaan Soomaaliweyn oo
waxay wadaan inay mideeyaan Soomaaliya iyo
Soomaalileyn. Joorma ayey Soomaaliya u kala
go’day laba? Taasi waxay ku tusineysaa in
haweyneydaasu shaqsi ahaan aqoonsan tahay in
Soomaaliya kala go’day. Taas waxaa la
wadaaga ninkii jagadaan uga horeeyey ee
Helmat Gohin oo horay u sheegay in
Soomaalileyn iyo buntleyn labadaba la
aqoonsado.
Sidaa
awgeed, waxaa la joogaa waqtigii DFKMG ay
codka inta badan ee Soomaalida ama
aqlabiyada Soomaalida intay ku hadasho
fagaarayaasha caalamka ka sheegta
dareenkeena ku aadan in midnimadeenu muqadas
tahay. Soomaaliyana loo kala jarjarin
maxmiyado yar yar oo qaabiilba intiisa
goosta. Waxaan ka filaynaa in DFKMG
midnimada Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha
badan ugu istaakto una marto marka hore
wadiiqo xeeladeysan. Hadii taasi suuroobi
weydana xoog lagu raadiyo ayadoo la
mideynayo xoogagga midnimo iyo Soomaali
doonka ah.
Waxaan
qabaa in DFKMG fursad la siiyo, lana sugo
waxa ay qabtaan, sida ay u qabtaan,lana
fiiriyo waxtarkooda. Waxaa kaloon jeclaan
lahaa in dhaliyarada iyo ragga guud ahaan la
dabaqabto inta ka hartay isla markaana wax
dagaal ah uusan dhexmarin dowladda iyo
xarakadaha diinta.
DFKMG
waxaan u soo jeedin lahaa:
- Inay
beddesho luuqadeeda ku aadan culumada
joojisana ereyada argagixiso, xag-jir,
seef-labood, maro-kudheg iwm oo culimada
loogu gefayo;
- In
culumada aysan bartilmaameed ka dhigan;
- In ay
culumada la heshiiso xukunkana laga
qeyb-gelsho;
- In
Tigreega wadanka sida ugu dhaqsiyaha
badan uga saaraan waqtina u qabato
markey baxayaan;
- In
dhamaan qab-qablayaashii dagaalka
Soomaaliya aan wax xil ama jago ah loo
dhiibin;
Geba-gabo
Ma ahan
markii ugu horeysey oo dagaal lagu kala
adkaado, qaabkastaba haleysu adeegsadee.
MMI dagaal ay filayeen inay ku guuleysan
karaan ayey dowlad ka itaal badan la galeen
aakhirkiina tabartoodii ayaa u run sheegtay
loogana adkaaday. Maxkamaduhu waxay
aasaasmeen waqti aad loogu baahnaa mudadii
aadka u koobneyd oo wadanka maamulayeena
waxaay na ilowsiisey lix iyo tobankii sano
ee qaska lagu jiray.
MMI waxay
hanteen quluubta ummadda ugu danbeyntiina
waxay heleen kalsoonida shacabka waana
xarako diinneed oo niyadeena ku beeran oo
markii talo qasanto la soo bixi doono anakoo
sixi doona waxyaabaha hadda ka qaldamay.
Hadii la isbarbardhigo waxqabadkii MMI
mudadii ay maamulka hayeen iyo DFKMG oo laba
sano iyo dheeraad jirta, lixdii billood
intii ay Maxaakiintu ku qabteen dowladdu
labadii sanooy jirtay wax xitaa ka agdhow ma
aysan qaban. Waxaayba ka bixi waayeen
khilaaf dhexdooda ah iyo xukun ku dagaal
iskadaa waxay ummad u qabtaane. Aniga
malaheyga, lixdii billood oo Maxkamaduhu
maamulka hayeen intii ay qabteen, DFKMG kuma
qaban doonto lixda sanno ee soo socota.
Marka, hadeeyba sidaa u liitaan madiideysaa
in MMI yihiin halyey taariikh ka tegey.
Waxaa qoray
Xasan Mire Maxamed
hassanmire@btinternet.com
London, UK