MAALMO MURUGO & TAARIIKH
MADOW U AH DALKA IYO DADKA SOOMALIYEED
Yusuf
Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Waxaa marag ma doonta ah in
maanta lagu jiro marxaalad ka duwan xiliyadii la soo
maray,tasoo soo joogtey waqtiyo kala duwan,oo aan is
leeyahay qof kii ay ku jirto damiir soomalinimo inuu san
qadan Karin ama liqi Karin in cadawgii dalkeena u qabsado
guud ahaan dhulwaynihi Soomaliyeed ee xorta ahaa,waxaan
oran karnaa waa tariiq madow oo soomalida intey jirtey soo
marta taariiqii ugu xumeyd .
Waxaa marag ma doonta in
Ethopia inaysan naga adkaan ,balse ay heshay fursad ay
waligeed ku taami jirtey oo aheyd in aysan jirin wax la
yiraahdo dhul Soomaliyeed oo xor ka ah Ethopia,Soomaliyana
ay ka tirsan tahay Ethopia,waa musiibo wayn oo aan la qaadan
Karin in ciidankii Tigreeyga oo dababado wato iyo
askartooda lagu soo dhaweeyo caleemo qoyan casimadii
Muqdisho ee xorta aheyd mudo laga joogo 46 sano ka
badan,taas oo aan is leeyahay waa mid aan haba yaratee laga
raali ahaan Karin,lana liqi Karin in qabkii Soomalinimo ee
ahaa ka sareyn wadamada cadawga ku ah dalkeena si sahlan
gacanta loogu galiyo Ethopia.
Waxaa taas u sahlay
damiirlayaal qaainul wadaniyin ah oo u adeegay gumeysiga
kuna soo hogaamiyay dalka iyo dadka Soomaliyeed,maanta in
xamar ETHOPIAN qori caradiis ku yimaado waxaa u sahlay 2
dabadhilif oo aan wax qiimo ugu fadhiyin dalka iyo dadka
Soomaliyeed ,kuwaas oo baal madow ka gali donaan tariiqda
dalkeena,horey ayay Soomalidu ugu maahmaahday sidatan:
godinyahay ima aadan gooysayn hadii aan gabalkeyga kugu
daabnayn.waxaan cad in qabqable Abdulaahi Yusuf & afhayeenka
Ethopia ee Soomaliya GEEDI & kuwa ay tigreega ku shaqaysato
ee xaruuntoodu tahay baydhabo inay yihin dadki u sahlay in
cadaw gacanta lo galiyo jamhuuriyadi xorta aheyd ee
Soomaliyeed.
MAXKAMADAHA ISLAMKA
SOOMALIYEED
Waxaa idin xusi doonta
tariiqda insha Allah waxaana hubaa ama qirayaa 7 bilood ee
aad inta badan dalka ka talineysayn in aan la dafari Karin
waxaad u qabateen dadka iyo dalka Soomaliyeed,waxaana idin
ku dhirigalinayaa inaydan ka niyad jabin u shaqaynta dadka
iyo dalka Soomaliyeed aydana hubka dhigin ,shacabka
Soomaliyeedna dhax gashaan halgankana sii wadaan ilaa
gumeysiga Ethopia & dabadhilifkiisa dalka laga saraayo ,waxaan
is leeyahay mudo yar gudaheed guusha way soo noqon doontaa
insha Allah, la tashta shacabka Soomaliyeed oo dhan si loo
dhameeyo qaladki yaraa ee dhacay loona saxo,waxaan is
leeyahay in Yusuf indhocade iyo kuwo kale oo idin ku dhax
jirey inaysan daacad ka aheyn halgankii iyo u istaagii aad
u istaagten in aad dalka ka qabataan damiirlawayashi xooga
ku heystey dalkeena,tusaale in dagaal la iclaamiyo dalka
laga dhoofo ma ahan mid is qabata tusaale waxaa idin
fashiliyay oo ubaahan inaa idin cadeeyo waa indho cade iyo
kuwo la mid ah o aad mooden inay idinla jireen balse ahaa (
double agent)kuwaas la shaqaynayay sirdoonka Ethopia &
mareykanka si loo fashiliyo guulaha aad gaarten kuwaas qatar
ku ahaa danaha cadawgeena ka leeyahay dadkeena iyo dalkeena
ee qaniga ah.
DOWLAD KU SHEEG AWAAMIIRTA KA QAADATO DABLE TIGREE AH
Waxaa
ceeb ku ah nin sheganaya darajo madaxtinimo Soomaliyeed
inuu u adeego dal ku ah dalkiisa cadaw soo jireena ah ,waxaa
hubaa in shacabka Soomaliyeed waligiin idin cafin doonin
aaqiro iyo aduun waayo waxaa layseen dadkii Soomaliyeed
dalkiina gumeyste madow oo wasaq badan oo cuduro qabo ayaa
ku soo hogaamisay saa u gaarto dano idinka idin gaar ah ku
gaartan,balse waxaan idin shegayaa in Tigree waardiye idin
ka heyn doonin ,mardhawna in idinka &wuxuushta wadatan
dalka laga saari doono ,Soomaliya Soomali baa leh mana sii
socon doonto waxaad wadan oo ah u dhaqleyn shisheeye,marka
waa in aad is casishaan si ummada Soomaliyeed aayaheeda uga
tashtaan.
TIGREEGA & HIMILOOYKA U KA LEEYAHAY DALKA & DADKA
SOOMALIYEED
Tigreega
waxay doonayaan in Soomaliya kala qoqobnaato oo iyaga kor ka
maamulaan ,tusaale 7 bilood neecawdii qaboobeyd ay heleen
shacabwaynaha Soomaliyeed ayaa keentay inay soo qadaan
dulaan wayn iyagoo taageero ka helaya qaainul wadaniyin aan
damiir laheyn iyo dowlado shisheeye sida USA oo aan arki
Karin wax diin iyo dad jecel dalkooda oo xor ka ah danahooda.
Tigreega
waxay wadataa qorshe iyada u gaar ah tusaale waxay soo
celisay kuwii mooryanta ahaa ee laga xoreeyay koonfurta
Soomaliya oo ay u dhiibtay goobihii ay dalka isbarada u oli
jirtey,kuwaas qayb ka aheyn dowlada dabadhilifka ee Kenya
lagu soo dhoodhoobay,waxaan is waydiyaa hadii Tigreega ay
dan ka leeyhihin qolyaha dabadhilifka maxay u soo celisay
qabqablayashi laga eryay dalka oo ay usoo celisay ?
Jawaabtu
waxay tahay in dalka la kala jarjaro ,qayb walbana u ka
taliyo mooryaan arxan daran oo aan qiimo wayn u laheyn
maamul iyo dowlad la soo celiyo.
Tigreega
waxan u shegaynaa inaysan ku taamin sii heysasho dhul iyo
dad Soomaliyeed,balse ay muhiim tahay in dib uga laabato
goobihii ay ka soo duushay.
SHACABKA SOOMALIYEED
Shacabka
Soomaliyeed waxaan uga baqayaa inay u istagaan inay dalkooda
ka xoreyaan gumeysiga xun eek u soo duulay iyo kuwa u
adeegaayo,waana in xoog looga saaro oo dhiig loo daadiyo
xornimadeena sidii loo soo celin lahaa,waxaan u digayaa kuwa
Soomali ku sheega ah ee u niikinaya qabsashada dalkeena inay
joojiyan inta ay goori goor tahay ,waqtigi hore way jireen
kuwo caado qatayaal ah oo gumeysiga mar walbo u nacam leyn
jirey ,balse mar walbo waa laga adkaan jirey ,ee ha loo
diyaar garoobo halgan dhiig loo daadiyo oo looga xoreeyo
cadawgeena.
QABQABLE
C/LAAHI YUSUF MAXAA KA FAAIDAY QABSASHADA ETHOPIA EE XAMAR?
Waxaa
hubaal ah in aad fashilantay mar 2aad oo aadan waligaa ka
xishoonin ceeb iyo guuldaro waayo waxaa la dirirtey dad ku
aqoonsan ,kuwaas marar badan kugu baaqay inaad timaado
casimada Soomaliya oo aad noqoto madaxwayne Soomaliyeed oo
ku kalsoon dadkisa iyo dalkiisa ,kaas oo ilaalinaayo
xornimada iyo qaranimada dalkiisa,balse waxaa noqotey nin
doortay guuldaro iyo tariiq madoow,waligiina waa aheyd oday
u adeega cadaw dadkiisa,waxaan ku waydinayaa ma waxaa
doneysaa in isbaradii dib aad usoo celisid oo waliba
hogaamiye koxooedyo damiir laheyn oo aan ku heynin ciso iyo
sharaf ama aqoonsi inaa hoos tagto dowladada danadhilifka
ahna aysan sii shaqeynin,waayo waxaa cad in talo faro kugu
jirin dhulka dhana ay gacanta ku hayaan kuwii hor istaagay
dowladii aad ka asheyd darawalka ee Kenya lagu soo
dhoodhoobay ee ay u badnaayeen jawasiista cadawga.
Waxaa
naxdin leh in shacabka Soomaliyeed si fudud ku aqbalaan in
Tigree dalkii qabsado soona dhaweyaan? Waxaa kaloo naxdin
leh in qabqablayashi dib logu soo celiyo dhulki laga
xoreeyay ?
Waxaan
maqaalkeyga ku soo gunanadayaa in dib loo fekaro oo inta
goori goor tahay laga hortago shirqolada cadawga iyo
damiirlawayasha ay wataan si looga xoreeyo dalka oo dhan.
Tigreega
oo guleystey kunaguleystey inu soo celiyo mooreyantii,ragii
u yeertayna usan wax u dhiibin si ay u bilaabato jahwareerki
mudo dalka u ku jirey u ku sii jiro si danahooda ay u garaan.
Waa in
dhiig loo dadaaiyaa sidi sharafkeni loo soo celin lahaa
waxaa ah wax aan laga sexan Karin dalkeeni Ethopian qabsaday
,ceebtaas ayaa ka taagan calamka waa in meydadkooda
darooqyada Soomaliya lagu arkaa dag dag usana qof ka
laabanin si tariiqda u qorto in wadankeeni gumeyi dad ku
soo hogamiyeen mudo yar kadibnagumeysigui iyo
dabadhilifkoodi lagu xasuuqay dalka Soomaliya ,waa in
tariiqdan madow ku badalna tariiq aan ku faano si qabkii
Soomaliyeed u soo noqdaan,kuwa oranaya Ethopia wa walalahena
edeb loo yelaa oo afka laga jabiyaa si aysan u dhicin damiir
laawe jaajuus ah haweenka iyo caruurta warar xun ugu
dhadhicinin si gumeystaha dalkena u sii jooga waayo kala
qayb sananteena waa u guul cadawga iyo qaaimiinta ee waa in
aynu midoowna insha allah guul iyo xornimo
Mahadsanidin
Yusuf
Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxa aleh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006


|