Miyaad
kaxuntahay ama ku faraxsan tahay dagaalkii
wakiilashada?
Mukhtar Qoransay
qoransay@gmail.com
Xaaladda hadda
kusoo korodhay Somaliya ayaa ah xaalad u kala
qaybisay dadka 3-qeybood. Qeyb kaxun oo ka
murugaysan waxa dhacay iyo waliba dhakhsaha ay ku
dhaceen, qeyb ku faraxsan oo muujinaysa ama intooda
badan aysan muujin karin farxadaas iyo qayb iska
jahawareersan oo marba qolodii u timaada iskaga
sacab tumaysa!
Intaan qaybahaas u
gudbin, run ahaantii waa wax wanaagsan marba xaalada
soo koradha in ifafaalo laga baxsho, waayo waa
cashar cusub oo ay ku qiyaas qaadan karaan dadka
intooda xaqiiq doonka ah mar walbana baadi goobaya
daawo ka samaysan qalab sax ah. Markii maxaakimtu
soo baxeen sidan oo kale ayay dadku u kala
qaybsameen, waxayna dad badan oo Soomaliyeed ka
qoreen qoraalo badan oo ku saabsanaa arimahaas,
waxaana kamid ahaa qoraal aan cinwaan uga dhigay
’Walaal waan wareeraye yaan taageeraa ma maxaakimta
mise dowladda?’, waxaadna moodaa falanqeyntii aan
qoraalkaas ku xusay qeybo kamida inay run noqdeen
ama xaqiiqdooda hadda la arko. Walow cilmi qaybka
Rabbi kaliya ogyahay hadana Rabbi wuxuu baray
aadanaha taariikhdu inay isa soo cel-celiso sidaa
awgeedna ay haboon tahay in diraaso lagu sameeyo ama
lagu cibro qaato taarikhda, si looga fakaro waxa
dhici kara, isla markaana looga digtoonaado inuusan
khaladku soo noq-noqon.
Xaaladda hadda
dhacday hadaan usoo laabano marka hore waxaa la
gudboon qofka fakaraya inuu qiimeeyo xaalad walba,
intuusan calool xumaan ama murugoon ama uusan iska
farxin isagoo ogeyn waxa uu ku farxayo. Kadibna
markaa qaato talaabada ku haboon qiimeyntaas. Si
aanan arinkaas ugu degdegin oo uusan u farxin qof
calool xumaan doona ama taa caksigeed, waxaa fiican
inaan ogaano dagaalkaan qoloda dajisay qorshihiisa,
kuna jirtay bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa, balse aan
si toosa uga dhex muuqan laakin adeegsatay qaabka
loo yaqaan dagaal-wakiilasho. Marka 2aadna waxaa
wanaagsan qolodaas in CV-gooda la fiiriyo ilayn qof
walba oo shaqo doon ah inuu shaqada fulin karo iyo
in kale waxaa la kala ogaadaa markii la arko CV-giisa
inuu aqoon iyo khibrad u leeyahay shaqadaa iyo siduu
uga soo baxay hadda kahor shaqooyin lamida.
Dagaalkaan wuxuu
ahaa dagaal wakiilasho oo aanan dhex marin
Soomaaliya iyo Ethiopia kaliya, laakin caalamku uu
markhaati ka ahaa inuu ahaa dagaal ay si wayn gacan
uga gaysatay dowladda xooga u sheegata caalamka
iyaduna wayba qiratay, hadaba aan isla fiirino
dowladaas iyo CV-geeda ah dagaal kasoo hurin dalal
kale? Deedna waxaa noo kala cadaan kara cidda mudan
inay faraxdo iyo cidda mudan inay calool xumaato iyo
in waxa dhacay guul yihiin ama bilowgii dhabihii
Jahannamo loo qaadi lahaa.
Taarikhda aduunka
waxay marag ka tahay wadan walba oo USA si toos ah
ama si wakiilasho ah ay faraha ula gasho inuu kasii
xumaado siduu ahaa mooyee inuusan kasoo rayn.
Maraykankuna sidiisa yahay khasaaro u jooge aanan
caqli qaadan, ilayn waa maroodi xoog isbiday oo hal
il kaliya wax ka arkee! Tusaale ahaan qorshe
dajiyayaasha CIA waxay go’aansadeen inay ka tuuraan
ra’iisul wasaarihii Iran 1953 ee la oran jiray
Musadiq ee dadkiisu doorteen, laakin markii uu arkay
batroolkii oo ay iska boobayaan Ingriiska iyo
Maraykanku, wuxuu soo rogay xeerar qaranimo.
Qorshahoodu wuxu ahaa inay Shahan meesha keenaan,
laakin kuma uusan waarin ilaa uu Ayatulaahi Khumeyni
kala wareegay! Cajiib maanta Iran iyo USA sidee isku
yihiin akhristoow? Fara gelintaas ma USA iyo Shahan
ayaa ku faraxsan maanta mise Axmed Najad?
Fiidnaam USA waxay
go’aansatay inay Diem ku badasho Ky, qorshahaasna
wuxuu sabab u noqday in 58.000 oo cidanka
Marakaykanka ah ku dhintaan wadankaas, 2-malyan oo
fiidnaamiyiin ahna ku baab’aan meeshaas,
Maraykankuna jab iyo hoog ba’an kala soo noqday.
Fara gelintaas yaa ku faraxsan maanta? Yayse
taariikhdiisa baalka madow uga qoran tahay ilaa
hadda?
Dalka layiraahdo
Chile, CIA waxay soo qorsheysay in ninka ay dadkiisu
doorteen Salvador Allende dil loo shir qoolo, laguna
badalo Augusto Pinchet, kaas oo ahaa kaligiis taliye
dilay dad kumanaan kun ah, wixii mucaarad ku ahaa oo
dhana lafahooda waxaa laga soo helay xeebta Chile.
Fara gelintaas ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise
dadka reer Chile?
Afqaanistan USA
waxay keentay Xamiid Karzay, boqolaal kun oo
afqaaniyiin ahna way laayeen. Karzay maanta kuwii la
hishiiyayna ma maamulo, dawladiisuna reer Galbeedku
waxay ku ogyihiin oo ku eedeeyaan siyaasad xumo aan
horusocod laheyn iyo laaluush iyo cadaalad xumo,
dadkuna 90% inaysan ku kalsooneyn ayay idaacadaha
reer Galbeedku soo sheegaan, balse Taalibaan ayaa
soo laba kaclaysay oo hadda khalkhal kuriday amnigii
USA iyo wixii la socday 5-sano kadib! Fara gelintaas
ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise Taalibaan?
Ciraaq markhaati
ayaan kawada nahay, maalintii 500-1000 qof ayaa
dhimata sida wararku sheegaan, wadankiina waa sii
burburay, iyadoo la ogaa Ciraaq inay aheyd wadan si
wanaagsan u dhisan nidaamna lahaa, balse 80-kii, ay
kajirtay nolol aanan Galbeedka kajirin markaa! Fara
gelintaas ma USA ayaa ku faraxsan maanta mise dadka
reer Ciraaq?
Hadda caalamka oo
idil wuxuu markhaati kayahay in dagaalkaan uu ahaa
mid USA u wakiilatay Itoobiya lana garab taagnayd
wax walba sida qorshayn, duyuurado casri ah, dhaawac
daawayn, sahan cireed, veto, dhaqaale iwm. Raggii
dadku ka neefsan waayeen iyo qaar ah itoobiyaan
afsomali ku hadla waa naloo soo celiyay. Marka
isweydiiyoo natiijadu maxay kaga duwaanaan doontaa
wadamadaas aan kor kusoo xusnay? Mise caqliga
Somaliyeed wali uma bislaan inuu taariikhda iyo
dhacdooyinka dunida ku cibro qaato?
Teeda kale inta
faraxsaneey maxaad ku faraxsan tihiin? Burburka
cusub oo hadda u dhashay Somaliyaa? Yaase mudan inuu
farxo ama calool xumaado haduu CV-ga ninka Soomaliya
ku damdamleenaya sidaa yahay? Mindhaa ninka dib ka
farxi doona ayaa mudan inuu hadda faraxa sii bilaabo
oo uusan iscalool xumeyn. Inta sacabtumaysa ee aanan
wali kala saari karin timirta iyo dabka oo ay waliba
joornaalada caalamku ka yaaban yihiin, waxba la
waydiin maayee ha iska sacab tumaan ilaa Rabbi usoo
saaro wax dantooda u garta.
Waxaana ku
gabagabayn lahaa inaan mar walba fiirin kaliya
wiilka gaajaysan ee dhagaxa loosoo dhiibay, laakin
aan fiirino wiilka iyo ninka wayn ee wiilka dhagaxa
usoo dhiibay, anagoo isla mar ahaantaana tabarteena
ka talaabsanayn, Rabbina tala saaranayna.
---------------------------------
CIID WANAAGSAN
Mukhtar Qoransay
qoransay@gmail.com