Soomaaliya iyo Dagaalka Ujeeddooyinka Badan: Iska
Diid Dulmiga
Afyare Cabdi
Cilmi (December 31, 2006)
qormooyinka@hotmail.com
________________
_________
____
Dagaalka Soomaaliya ka socda waxa shirko ku ah dhowr
qolo oo ay koox waliba ujeeddo gaar ah ka leedahay.
Waxa kulmay siyaasadda Mareykanka ee ah inaan
kooxaha Islaamdoonka dunida loo ogolaan awood
siyaasadeed iyo siyaasadda Itoobiya ee ah inay
Soomaaliya sii qasnaato. Ujeeddooyin mansab-doon ah
oo ay qaar ka mid ah madaxda dowladda KMG ah ay
leeyihiin iyo qabqablayaasha dagaalka oo raba inay
isbaarooyinkoodii soo ceshadaan ayaa iyaguna jira.
Haddii aan si kale u dhigo, ciidanka Itoobiya
kooxaha Soomaalida ah ayuu Mareykanku u adeegsanayaa
hirgelinta siyaasaddiisa ku salaysan la dagaallanka
kooxaha iyo aragtiyada ka soo horjeeda.
Markii dagaalkii qaboobaa uu dhamaaday sanadkii
1990, waxa is baddalay siyaasadda dunida. Xilligaas
oo uu George Bush-kii hore madax ka ahaa, waxa
Maraykanku qaatay in aan loo oggolaan awood
siyaasadeed kooxaha Islaamdoonka (noocay doonaan ha
ahaadeen, xoog iyo doorasho middii ay doonaanna ha
ku yimaadeene). Aljeeriya (FIS), Falastiin (Xamaas)
iyo dowladaha Suudaan, Iiraan iyo Afgaanistaan waxa
loola diriray siyaabo kala duwan.
Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa kale
oo muhiim u ah waxa loogu yeero ‘la dagaallanka
argagixisada.” Dokumentiga (National Security
Strategy) ay siyaasadda Mareykanku ka shidaal
qaadato waxa uu ku qeexayaa argagixiso
“gacan-ka-ka hadal qorsheysan oo siyaasad ku qotoma
oo lagu laayo dad aan denbi gelin.” Sidoo kale,
waxaa dokumentigan ku qoran in qodobka ugu muhiimsan
ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanku uu ku
salaysan yahay in dimoqraadiyadda la fidiyo.
Haseyeeshee, ficil ahaan, marka ay timaaddo dalalka
Islaamka ee Islaamdoonku xoogga ku leeyihiin,
Mareykanku wuxuu si cad u taageeraa keli-talisyada
ka jira dalalkaas (bal Masar iyo Sacuudiga fiiri).
Dhanka kale, waxa iyaduna si weyn ugu jirta dagaalka
dowladda Itoobiya. Siyaasadda Itoobiya waxa ay ku
salaysan sidii ay cadow soo-jireen ah (Soomaaliya)
ay u baabi’in lahayd ama dhaawac weyn ay u gaarsiin
lahayd. Sidoo kale, Itoobiya waxa ay la dirirsan
tahay aragtida Soomaaliweyn oo ay u aragto in dhulka
iyo dadka Soomaaliyeed ee ay heysato ay saamayn ku
yeelan karto.
Haddaba, si ay u gaaraan ujeeddooyinkooda Mareykanka
iyo Itoobiya waxa ay samaysteen shaqsiyaad u badan
qabqablayaal dagaal oo iyaga u shaqeeya, waxayna
doonayaan inay kuwaas awood weyn u yeelaan. Illaa
iyo hadda, dagaal-oogayaashu waxa ay aalad u
ahaayeen labadan siyaasadood.
Markii dhibkii batay, waxa dhacay kacdoon shacab oo
ay hoggaamiyeen Islaamdoonka Soomaalida (iyadoo ay
ka qeybqaateen inta badan dhaqdhaqaayada kala duwan
ee Islaamku). Waxayna ku hawl-galeen magaca
Maxkamadaha Islaamka. Maxkamaduhu waxay waqti gaaban
ku gaareen guulo waaweyn, waxayna jabiyeen derbiyo
badan oo siyaasadeed iyo kuwo militari. Siyaasadda
Soomaalida horey looguma arag xoog ka duwan kuwii
hore oo wata mabaadi’ iyo masaalix Soomaalidu
leedahay. Mareykanka iyo Itoobiya waxay u arkeen
halis weyn xooggan cusub ee ka madaxa banaan
siyaasadahooda. Waxayna iska kaashadeen sidii looga
hortagi lahaa. Waxa markii hore loo adeegsaday
qabqablayaasha dagaalka. Markii kuwaas laga
adkaadayna waxa loo baahday awoodda militari ee
Itoobiya oo kaashanaysa farsamada iyo qalabka
Mareykanka.
Sidaas darteed, Meles Zenawi waxa u diray kumannaan
askartiisa gudaha Soomaaliya, wuxuuna dagaal bareer
ah ku qaaday dalka. Markii dagaalku adkaaday waxaa
qasab ku noqotay Meles inuu isticmaalo diyaarado
dagaal iyo taangiyo. Waxay ciidamadaasi laayeen dad
badan oo aan waxna galabsan, waxayna qabsadeen
gobollo badan oo ay Muqdsiho ku jirto.
Ujeeddada uu dagaalka u qaaday Zenawi waxa uu ku
macneeyey inuu difaacayo madax-bannaanida dalkiisa.
Runtii, ma jirin maxkamado duullaan ku ah
madax-bannaanida Itoobiya. Maxkamaduhu waxa ay ka
soo horjeedeen, ayna caddeeyeen inay la dirirayaan
ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku jira.
Taasina denbi ma ahan.
Tan
kale, Itoobiya waxa ay ahayd isha ay ka soo
burqanayaan colaadaha iyo midnimo la’aanta Soomaaliy
muddo dheer. Dowladdii Soomaalida iyada ayaa dumisay.
Markii dagaalka sokeeye dhacayna waxay xasillooni
iyo midnimo u diidday dalka. Markii kooxi
xoogeysataba waxay ka daba-abuureysay koox kale,
waxayna mar walba isku-dheelli-tiraysay
qabqablayaasha dagaalka si ay u sii jirto nidaam
darridu. Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya
waxa lagu soo koobi karaa ‘yaan la kala adkaan,
yaana la heshiin.’ Tusaale, Itoobiya markii Cali
Mahdi la magacaabay waxay taageertay Caydiid, markii
Caydiid xoogestayna waxay u wareegtay kooxihii Cali
Mahdi madaxda u ahaa ee la isku dhihi jiray SSA.
Markii shirkii Qaahira ay qabqablayaashu heshiiska
ku saxiixeen waxay ku burburisay Cabdullaahi Yuusuf.
Sidoo kale, natiijadii shirkii Carta waxa ay u
adeegsatay kooxaha SSRC iyo Cabdullaahi Yuusuf.
Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay maxaa u hirgeli
kara Mareykan, Itoobiya iyo qabqablayaasha? Inta
badan, khuburada siyaasadda arrimaha dibadda ee
Mareykanku waxa ay u arkaan in istiraatijiyadda
maamulka Bush ee ku aaddan qaabka uu u wado la
dagaallanka kooxaha xagjirka ah inuusan guul ku
gaareyn ee ay shucuubta Muslimiinta uun sii
fogeynayso.
Dhanka kale, suurtagal ma ahan in ciidamada
Itoobiyaanku ay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan
gobollada ay hadda timid ay sii joogto waqti dheer.
Dagaalkan gardarada qaawan ahi waxa uu sii
kordhinayaa colaaddii soo jireenka ahayd ee u
dhaxaysay dowladda Itoobiya iyo shacabka
Soomaaliyeed. Shacabka Soomaalidu, inkasta oo ay
qeybsan yihiin, haddana waa neceb yihiin gumeysi,
gaar ahaan ciidamada Itoobiya. Waxaa hadba sii
badandoona jugta ay gaarsiinayaan xoogagga ka soo
horjeeda ee iska-caabinaya.
Qabqablayaasha dagaalka, gaar ahaan kuwa Xamar,
ayagu wax bay ka faa’iideen dagaalkan oo waxay soo
ceshadeen isbaarooyinkoodii. Inta badan kooxdani ma
laha ujeeddooyin siyaasadeed. Waxa ay doonayaan waxa
ugu weyn hanti. Cabdullaahi Yuusuf iyo Geedi oo
ayagu marna isla-socda, marna kala socda way jeclaan
lahaayeen inay awood siyaasadeed ka dhex helaan
herdanka meesha ka socda. Laakiin, ififaalaha muuqda
waxa uu tusinayaa inaysan wax macno leh u hirgeli
karin. Waxa ay sii jiri karaan inta ciidamada
Itoobiya ay joogaan dalka, Mareykankuna uu ku
taageerayo joogista. Warar xog-ogaal ah baa sheegaya
in Mareykanku uu si ka duwan sida labadan nin wax u
rabaan uu u rabo.
Maxaa la gudboon Soomaalida?
Waxa ay ila tahay in arrimaha la kala qaado.
Aragtideyda, qodobka ah ciidamada Itoobiya ee dalka
qabsaday waa mid saameyn weyn ku leh jiritaanka
ummadeed, waana in si kasta oo la isaga caabbin karo
la isaga caabbiyo. Guushu waxay ku xiran tahay sida
midnimo, xoog, xeelad, xikmad iyo Allah ku
tiirsanaan leysugu daro. Ismaaciil Cumar Geelle,
Madaxweynaha Jabuuti, ayaa hadda ka hor Soomaalida
ku yiri, “Allaha idin dhowro ee dhulkiinna ilaashada.”
In dhulka, diinta iyo sharfta la ilaashado oo laga
ilaashado Itoobiya waxa laga rabaa dhammaan
Soomaalida meeshii ay doonaanba ha joogaane. Kii wax
qori kara, kii mudaaharaadi kara iyo kii si kale uga
qeyb-gali kara iska xoreynta ciidamada Itoobiya waa
inuu uga qeyb-gali karaba waa in dhammaan loo
istaago arrinkan.
Arrinta la xiriirta Soomaalida dhexdeeda waa in aad
looga taxadaro. Itoobiya hadda waxay isku dayeysaa
in qabaa’ilka Soomaalida ay aad u sii kala fogeyso
iyada oo adeegsanayso qabqablayaal dagaal. Waa inaan
arrinkan loo suurtagelin, islamarkaasna
jariimooyinka lagu koobo shaqsiyaadka qabqablayaasha
ah. Carada iyo xamaasadda is-wata iyo dhaqankeennii
ahaa in qabaa’il dhan godob ama gallad la huwiyo
waxay keeni karaan inay arrinta sii fogeeyaan.
Haddaba, wixii Soomaalida dhexdeeda ah, waxaa
habboon in wadahadal lagu xalliyo. Maadaama
Soomaalidu ay Muslimiin yihiin waa in diinta
Islaamka (oo uusan urur ama shakhsi goonni u laheyn),
dhaqanka Soomaalida iyo caqliga wanaagsan arrimaha
Soomaalida lagu xalliyaa.
Tan
la xiriirta siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan
kooxaha uu la dirirsan yahay ama Islaamiyiinta oo
dhan waa arrin caalami ah. Waxyaalaha ka dhacaya
Ciraaq, Falastiin iyo Afgaanistaan waxay muujinayaan
inay qasab tahay in is-baddel siyaasadeed uu yimaado.
Khubarada ku xeeldheer siyaasadda arrimaha dibadda
ee Mareykanku, intooda badan, waxay rumeysan yihiin
inuu dhamaaday xilligii Islaamiyiinta laga ilaalin
lahaa awood siyaasadeed ama xukunka lagu heyn-lahaa
keli-talisyada wadaniga ah, iska daa qabqable
dagaale.
Dhacdooyinkii ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2006
waxa ay muujinayaan inaan Islaamka iyo Islaamdoonka
looga maarmin xallinta mushkiladda Soomaalida. Xitaa
haddii quwadahan is-bahaystay ay militari-ahaan uga
tag-roonaadaan, waxa xaqiiqo ah inuusan jirin xoog
kale oo Islaamiyiinta kula tartami kara taageerada
shacabka. Mar haddii ay sidaas tahayna waxa qasab ah
in ay door rasmi ah la siiyo mabaadi’da ay wataan oo
xidido ku leh bulshada dhexdeeda iyo talada
wadankaba.
Ugu
danbeyntii, waxa muuqda in hadda lala dirirsan yahay
Maxkamadaha Islaamka. Laakiin, waa in la fahmo in
dagaalkani uusan ahayn mid ay koox Soomaali ah ay
wadato magaca ay doonto ha yeelatee. Waxa wata
Mareykanka. Itoobiya iyo qabqablayaasha dagaalkuna
walow ay ujeeddooyinkeeda wataan, haddana waxa ay ka
mid yihiin aaladaha la adeegsanayo. Aragtida waa
lagu kala duwanaan karaa, laakiin anigu shaqsi ahaan
waxaan qabaa inay waajib diini ah iyo mid wadani ah
tahay ka qeyb-qaadashada sidii ciidamada Itoobiya
looga saari lahaa dalka.
Afyare Cabdi Cilmi waa saxafi wax ka barta
University of Alberta. Wuxuu taqasuskiisu la xiriira
maaddada xiriirka caalamiga ah (International
Relations).
qormooyinka@hotmail.com