Haddii Muqdisho loo
dhacay
Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Delft, The Netherlands
Mohamed_ebar@hotmail.com
" Haddii Muqdisho loo
dhacay
Miyaan weli dhug li' idiyo
dhadhan raadiskii iyo
dhoohnaanta yaabka leh
dhubuq-dhubuqdii laga
korin?"
*Ciidamadii cadowga
Tigreega ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Caasimaddii
Soomaali weyn ee Muqdisho, kuna sii jeeda Kismaanyo
iyadoo lagu sheegayo ciidamadii dowladda !!
* Waxaa billowday gumaad
naxariisdarro ah oo lagula kacayo cid kasta oo ka soo
horjeedda joogitaanka Tigreega. Culimadii diinta ayaana
si gaar ah loo ugaarsanayaa !! Waxaa la soo celiyay
qabqableyaashii ashahaado la dirirka oo badankoodu ku
labisanyihiin direyska ciidamada Tigreega !!
* Bulshadii caalamka ee
la sheegsheegi jiray cid Tigreega ku taageerta
tacaddiyadooda ma ahee, lama hayo cid ka soo horjeesata
oo tillaabo cad ka qaadda, waxaana lagu tilmaamay
duullaanka mid sharci ah oo difaac ah !!
Haddaba miyuusan shacabka
Soomaaliyeed weli ka korin ruwaayad iyo dhalanteedkii?
Goorma ayaan kala baraneynaa dowlad Soomaaliyeed iyo
dabadhilif Tigree oo taangi cadow hoy u yahay?
Aan mar kale soo bandhigo
maansadii Dhalanteed oo soo baxday bishii Maarso
sanadkii 2004-tii, xilligaas oo uu cadawgeennu ku
mashquulsanaa maleegidda dabinka halista ah ee maanta ay
ummaddeennu dalaq tiri.
Maqaalada kale ee
maanta:: AKHRI
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006