Muxuu
yahay farqiga u dhexeeya Dawladda iyo Maxkamadaha?
Dawladda federaalku
waxay ka dhalatay shir loo fadhiyey labo sano iyo bar
wadanka Kenya, shirkaas oo ahaa shirkii adduunku ugu
dheeraa. Shirkaas waxaa laga bilaabay magaalada Eldoret
ee waddanka Kenya ee la isugu keenay hogaamiye
kooxeedyadii ama qabqablayaashii dagaalka ee Soomaaliya
ka socday muddo ka badan 14 sano waqtigaas uu shirku ka
bilowday Eldoret ee keenay la isugu keeno nimankii
Soomaaliya meesha ay hadda taallo dhigay waxaana laga
saxiixay inay sameeyaan xabad joojin taasoo dhigaysay
qofkii markaa ka dib jabiya xabad joojintaas in laga
qaadayo tallaabo sharci ah, inkastoo taas aan waxba ka
socon oo aysan noqon xabad joojin hirgasha taasoo
waqtigaas ka dib ay dhowr dagaal oo ay isaga hor
yimaadeen qabqablayaashii dagaalka ee saxiixay xabad
joojinta.
Maxkamadaha Islaamku
waxay ka dhasheen maxkamado beeloodyo ay sameysteen
beelo isla markaana ku ilaashanayey danohooda beeleed ay
maxkamad walba ka soo jeeddo beel beeshaas oo iclaamisay
inay ku dhaqsamayo shareecada Islaamka isla markaana uu
u noqdo ciidankeeda mid markasta u diyaar ah inuu ka
hortago wixii danaha beesha ay maxkamadaas ka soo jeeddo
ka hor imaanaya, kadibna waxaa dhacday inay
qabqablayaashii Muqdisho iyo hareereheeda dadka baadda
kaga qaadi jiray inay ka cabsadaan quwadda maxkamadaha
ee sii siyaadaysa ayna la garabsadeen Tigreega iyo
Ameerikaanka oo u soo marinayey wixii taakulo ah dhanka
Kenya iyo Itoobiya ayey waxay ku dhawaaqeen bishii Feb
2006 isbahaysigii la magac baxay ( Isbahaysiga soo
celinta nabadda iyo la dagaalanka argagaxisada) kaasoo
Ilaahay ku jabiyey isla meeshii ay uga dhawaaqeen eel
ahayd Magalia Muqdisho gaar ahaan xaafadda Dayniile too
uu markaas xukumayey Maxamed Qanyare. [1]
Haddaba aan dib ugu
noqono inaan ka jawaabno su’aasha qoraalka saldhiga u ah
eel ah muxuu yahay farqiga u dhexeeya maxkamadaha iyo
dawladda. Haddaan ku horreynno waxa ka imaan kara haddii
ay ku adkaadaan dalka qabsashadiisa ayadoo kaashanaysa
ciidamo Tigree ah ayaa waxier la filan karaa.
· Inay la
dagaalamaan diinta iyo ahalkeeda
· Inay fasaxaan
fasahaadka iyo mukhaadaraadka
· Inay faafaan
laaluushka, eexda, iyo dulmiga
Markaa haddaan mid mid
uga hadallo saddexdaas qodob eel aan kor ku sheegnay kan
hore eel ah: Inay la dagaalamaan diinta Islaamka iyo
ahalkeeda too ah inay xakameeyaan dadka diinta dadka u
sheegaya ayna marmarsiinyo ka dhigtaan waa argagixiso
iyo waa haraagii qoladii aan ka adkaanay markaas aysan
ogolaan nin dhalinyaro ah too gar leh isla markaana
tukanaya ama aan sigaar cabbayn ama qaad cunayn ama aan
turub iyo dubnad ciyaarayn isla markaana ah qof dhowrsan
too afkiisa iyo adinkiisa alga nabad galayo waayo waxay
rabaan qof waxay sameynayaan la sameyeeya.
Midda kale
eel ah inay fasaxaan fasahaadka iyo mukhaadaraadka sida:
qaawanaanta dumarka, kalaabyada, inay dumarku guryo
sameystaan lagula tunto iyo mukhaadaraadka siiba qamriga,
qaadka, qiiqa sunta ah iyo waliba xashiishka, waayo
waxaas too dhan waxay dawladaha cilmaaniga ahi
xoriyaadka shakhsiga, waxa meesha looga saarayo
maxkamadahana wax kale maahan eel waa inay waxaas too
dhan ay faafaan ayey rabaan waayo ma doonayaan dad
qaaradda afrika ku yaalla too aan Aidska 50% qabin too
aan ahayn Somaliya too haddana 100% muslim ah haddana
isku mad-hab ah haddana aysan ku oollin kalaabyo lagu
caweeyo, baarar qamrida alga gato iyo hoteello lagu
tunto toona too haddana kaaga sii darane aanba
isticmaalayn wax balwad ah.
Midda ugu
dambaysa waa inay faraha ka baxaan ama faafaan
laaluushka, eexda iyo dulmiga la dulminayo qofka taagta
daran ama aan ka dhalan qabiil hubaysan ama aan lahayn
hogaamiye kooxeed dawladda u matala inuusan waxa uu xaq
u leeyahay ama laga qaado wax aan xaq loogu lahayn
Dawladdu waxay ku
dhisan tahay qabiil ah 4.5 kaas oo ah afar oo waaweyn
iyo qabiilooyin yar yar ama “Others” ama Minority ama
dadka laga tirada badan yahay kaas oo ah awood qaybsiga
dawladda oo ah in loo kala badsado sida loo kala awood
iyo dad badan yahay waxaana sidaas ku salaysan waax
kasta oo ka mid waaxa dawladda in lagu kala qaybsadaa
4.5 taas oo aan ahayn wax xal ah siday aniga ila tahay
waayo weli waxaa ka muuqda meesha in la isugu awood
sheegto qabiil badnaan iyo anigaa kaa “laandheeraysan”
taas oo aan waqtigaan xaadirka ah shaqeynayn, maxaa
yeelay waxaa dhici karta inay qabiilooyinka waaweyn
waligood xukunka iyo awooddu ka bixin aysanna arkin
dadka laga tirada badan yahay.
Maxkamadaha
Islaamku waxay ka dhasheen dad is xilqaamay qabiilkasta
goonidiisa ayey intiisa wax garadka ahayd hadday ahaan
lahaayeen ganacsatadii, madaxdhaqameedyadii iyo
culimadiisii ay isu abaabuleen inay sameystaan ciidan ka
ilaaliya beelaha kale una ilaaliya danahooda ayey
sameysteen isla markaana ay fuliyaan xuduudda shareecada
Islaamka waxaana u horreysay maxkamaddii Sheekh Cali
Dheere[2] ka furi jiray dhanka waqooyi ama Degmada
Kaaraan ee ay u badan yihiin dagaankeeda qabiilka Abgaal
waxaana ka marag kacay wanaagga ay sameysay
maxkamaddaasi qaybta ay ka talinaysay dadweynihii reer
muqdisho iyo hay’adaha caalamiga ee UN hoos yimaada.
Tusaale
waxaa dhacday sida la weriyo in suuqa magaalada la
dhigay kiish bur ah iyadoo la eegaayo bal inay jirto cid
u bareerta oo qaadato laakiin lagu dhici kari waayey
ayadoo qofkastaa ka cabsaday in gacanta la gooyo hadduu
xado sidaana uu kiishkii burka ahaa ku yaallay halkaas
shan cisho markii dambana ay ciidamadii maxkamadda ay ka
qaadeen.
Maxkamaduhu
waxay shacabka soomaaliyeed u horseedeen nabadgelyo.
Caddaalad iyo kala dambayn dhammaan goobihii ay tageen
inay kala dambeyn ka jirtay waxaa ka marag kacay
cadowgii iska daa sokeeyee,dadkuna waxay dareemeen
wanaagga ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo siday u
ilaalinayso nafta, maalka, caqliga, taranka iyo sharafta.
Waxyaalihii ay maxkamaduhu qabteen waxaa ka mid ahaa:
· Inay ka
saareen koofurta soomaaliya qabqablayaashii
dhiigmiiratada ahaa ee shacabka muqdisho ama koofurta
soomaaliya dhibka ugu badan ku hayey.
· Waxay xireen
Shaneemooyinkii lagu daawan jiray filimaanta jinsiga ah
iyo shaneemo oo dhan iyagoo sabab uga dhigay
1) Inay faafiyaan
anshax xumada
2) Inay qayb ka
yihiin waxyaalaha ay ka dhashaan ciyaal Faay Caliga
3) Inay dadka ka
dhigaan ma shaqaystayaal aan waxba qabsan Karin.
Walaal la soco qaybta
dambe insha’aallah.
Waxaa qoray
Xuseen Cabdi
hussein_abdi@hotmail.com
__________________________________
[1] Maxamad Qanyare waa hogaamiya kooxeedka ugu
caansanaa muqdisho marka laga reebo Xuseen Caydiid
iyo Aabihiis, wuxuuna ka taliyaa Aagga dayniile.
[2]Sheekh Cali Dheere
wuxuu ahaa wadaad deganaa Waqooyiga Muqdisho ahaana
nin diinta Islaamka aad u yaqaanay