SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xadhiga Suldaanku Waa Xaq Daro.

xadhigii 01/12/06 ay dawladu kula kacday suldaan cismaan suldaan cali iyo maxamed farax aden oo ka mid ahaa shirgudoonkii burco oo hadda ku jira muddo 10 cisho ah xabsiga madheera wuxu ahaa mid xaqdar iyo cadaalad daro ah.waana xadhig ka baxsan xuduudaha,xeerarka iyo axdiyada kala haga dawlada iyo dadkaba. xagga shareecada islaamka ee aynu haysano dastuurkana lagu saleyey haddaan ka daalacano xadhigani wuxu noqonaya mid xaq daro ah maxaa yeelay inama farayso in aan xidhno dad u heegan ah iyada,haddaan xagga dimuquradiyada eegno sidoo kale iyaduna inooma qeexayso in dadka sidaasi loo cabudhiyo oo waa ognahay macnaha ay xambaarsan tahay dimuquraadiyad.dhinaca kale dawladanimada oo caleemaheedu yihiin,kala dambeyn ixtiraam,nidaam,dulqaad,ka fiirsasho iyo u hogaansanaan qanuuneed boos uma heyso xadhigaa lagula kacay suldaanka.ugu danbeyntiina xadhigan waxa burinaya oo xaq daro badheedh ah ku tilmamaya iyada oo ayna habooneyn in sida loogu tunto karamadii suldanimo iyo madax dhaqameed ee dhaqan ahaan la ogyahay halbeegeedu halka u gaadhsiisan yahay.

habka wax xalinta ee taliska daahir riyaale waa mid dhicis ah, meelo badana ka fashilan.taasina waxa inoo daah furay sidii ay u guda galeen dhacdadan suldaanka la xidhiidha.qofka wanaagiisa waxa aad ka dareemi kartaa ifafalaaha ka soo fulaa iyo hab dhaqanka shaqadiisa,sidoo kale inta xumaantiisu gaadhsiisan tahay waxa aad ku ogaan kartaa muraayad aad ka dawatana ku noqon kara habka u u fulinayo hawlaha uu bulshada u xilsaran yahay.labadii hab ee dawlada riyaale u guda gashay arinta suldaankuba waa xaalad sii abuur uun,waa ta kowaade dawladu iyada oo awooda habkii xurmada lahaa in ay ugu tagto suldaanka ayey ka door biday in ay habkaa qalafsan ee aan wada arkayno ugu tagto,mida labaadna waxa weeyaan weftigii loo diray iyaguna carada burco si ay arinta wax uga soo qabtaan wuxu arinkoodi noqday ka dar oo dibi dhal,waana taa madaxdii ugu sareysay taliska riyaale ay la shir yimadeen ereyada ah "waxa arintan ka danbeeya beesha bariga burco".madaxdeena ma waxaan u dooraney in ay noqdaan kuwo dadkooda kala dhex dhiga colaad.  

wasiir cawil dadkii walaalaha ahaa ee islaanimada,dadnimada iyo dawladnimadu ka dhexeysay ee ul iyo diirkeed isku ahaa ayuu rabaa in uu isku diro oo shaqaaqo ka dhex huriyo,laakiin booran hadimo ninka qoda ayuunba ku dhici doona.waxan lee yahay labada beelood ee dega burco walalayaal weydun ka culus tihiin kana sharaf badan tihiin cid la isku diro,ee yaan tuug kal,kaal idinka faa ideysan oo isku duubnaada dhinacna uga soo wada jeesta ruuxii midiyaha qarsoon kula dhex wareegaya bulshada.  

dimuquraadiyada s/land qaadatay waa awr dhinac ka raran waxeyna u adeegtaa dawlada oo qudha oo ku fushata danaheeda maaha nidaam lagu sheegi karo dimuquraadiyad waayo ma dhama astaamihiisi,dimuquraadiyadu waa in ay ahaata mid sinta xor ahaan iyo mab,da ahaanba muwaadinka iyo ka xukumaya.maaha in masuulku ku meel marsado arintiisa kuna kacsado awrkiisa dimuqraadiyada ha la dhawro, ama xeerkeena ayaa sidaa qeexaya.shacabkana in lagu adoonsado.wax kasta oo dawladu fulineyso waxa laga rabaa in ay u fuliso sida shacabkeedu rabaan.waxa si cad u  muuqata in dimuquraadiyada ka jirta s/land ayna aheyn mid aan loogu yeedhi karin  dimuquraadiyad dhameystiran.

waxa fool xumo halkeeda taala ah dawlad leh waxaanu isku xukunaa waa shareecada islaamka,haddana diidaysa in shacabkii ay u talineysay qaataan shareecadii,haddii dawladu ka raali tahay qorshaha ay sheegeysa oo uu luqunta ay u dhaaftay iyaga maxay ugu diidayaan haddiiba ay aragto shacabkeedii uu hirgalinaya iyaguna.  
 
waxaan xasuustay wixi waayo waayo dhici jiray ee ummadan kala irdheyey gaar ahaan reer s/land ka soo dagalameen,waxan xasuustay dadkii iyaga oo aan waxba galabsan guryahooda lagala bixi jiray ee lagu hubsan jiray gododka,iyo jeelasha aan laga soo waaqsan.waxaad mooda in weli maantana ay taagan tahay taasi, ri gees lagama ridin ayaad is oran kartaa maxaa yeelay dulmigii maalintaa taagnaa maanta wuu jooga.

wixii hore looga qeyliyey horena looga gilgishay wuxu ahaa dulmi ooda soo jebiyey oo loo adkeysan kari wayey maantana kii oo kale waa dihin yahay haddii cidi rabto in ay wax ka qabato oo iska dulqaado,iyada oo xabashi laga karameysanayo lagana baqayo ayaa dadkii hanuuninta wadey la xidhaya oo la cabudhinayaa,afduub iyo qafaalashana lagula kacayaa

falkan suldaan cismaan suldaan cali lagula kacay waxay iridaha u furi kartaa laba arimood oo hubaal ah in ay inala soo dersi karaan waa ta hore,waxay abuureysaa xaalad abuur hor leh iyo guluf coladeed oo waa tii tacshiiradu ka bilaabantay burco imikana wixi kale ee iman kara ilahay uunba og,ta labaadna waxa weeyaan waxa inagu iman karta cadho ilahay oo ka ratibanta dunuubtaasi dawladu gashay,maxaa yeelay waxa la xidhay shakhsi yidhi waar diinta ha la isku xukumo.  

tariikhduna waxay hoosta ka xaqiirii doonta arimo door ah oo inyar  uun arkeyso,sanadaha soo socda waxa hadal heynta dadka geli doona in s/land aheyd meeshii lagu jidh dili jiray laguna ciqaabi jiray dadka raba in ay diinta meel mariyaan.

arintani baal kalena wey furtay taasi oo ah in la wayey kaalintii beelaha kale ee s/land iyo waliba suldaanadii kale kaalintoodii iyada oo ay muuqato badheedhkaa dawladu kula kacday suldaanka xidhan.marka laga reebo beesha bariga burco oo iyadu cambareysay falkaasi waxashnimada leh ee lagula kacay suldaan cismaan,intoodii kale wey wada shuurinayaan. waxa la wayey beelaha kale afkaartoodii iyo suldaanadoodi oo xitaa aan ka hadal oo aan dhaleeceyn xitaa bal sida ay muhiim u tahay uun in aan la cabudhin dad raba in ay shareecada islaamka kaalin geliyaan.  

danta laga lee yahay waa maxay in xadhiga loo fuliyo sidan  waxashnimada leh. 

danta ugu weyn ee laga damacsan yahay in xadhiga suldaanka laga dhigo mid dadka ka argagixiya waxey tahay in la tuso shacabka sida wax loo geli doono,waxa cabsi lagu beerayaa cid kasta oo rabta in ay iska dulqaado tacadigan,waxana la rabaa in ay iska huursadaan nolosho sidaasi ah,haddii kale jawaabtoodu waa jeelkii madheera.  

waxan ku soo afjaray waa in suldaanka iyo ninka la xidhan ee kale  loo soo celiyaa xornimadoodi sidii taasi loo fulin lahaana waa in gunta dhiisha la isaga dhiga oo abaabul iyo olole loo galaa.

abdifataah mahamed ahmed
ceelaabe_10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2006

hooyoSoomaaliya:
Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo

Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD