SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Shirkaddii shidaalka la saxeexatay wasaaradda macadanta.

ISHA: Wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa Hargeysa

December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow).

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

Oct 15 2002 Hargeysa - Xukuumadda Somaliland ayaa toddobaadkii hore heshiis ku saabsan baadhista iyo soo saarista saliidda caydhiin (batrool) iyo macdanta ku jirta dalka, waxa ay la saxeexatay laba nin oo sheegtay in ay ka socdaan shirkad la yidhaahdo Seminole Copanhegan Group oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa qodista shidaalka iyo macdanta.

Qabanqaabada iyo ka baaraandegga heshiiska shirkaddaas waxa uu madaxweynuhu u saaray guddi farsamo oo ka kooban saddexda Wasiir ee waasaradaha Macdanta iyo Biyaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga, dhammaystirka daraasada heshiiskaas ka dibna waxa dhinaca xukuumadda Somaliland qalinka ugu duugay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Maxamuud Cabdi Faarax, dhinaca shirkadda Seminole Copanhegan Group-na waxa u saxeexay labada nin ee sheegtay in ay ka socdaan shirkaddaas oo
magacyadooda la kala yidhaahdo; Mr. Stephen James Musker iyo Faysal Qaasim.

Hase yeeshee, markii heshiiskaas la kala saxeexday ka dib waxa soo shaac baxay dareeno shaki leh oo muujinaya in aanay cidna metelin labada nin ee sheegtay in ay yihiin hawlwadeeno sare oo ka tirsanshirkadda Seminole Copanhegan Group, heshiiska ay la galeen xukuumadda Somaliland-na uu yahay mid been abuur ah oo aanay cidna kaga wakiil ahayn.

Mr. Stephen James Musker iyo Mr. Faysal Qaasim ee xukuumadda Somaliland heshiiska qodista batroolka ah kula galay magaca shirkadda Seminole Copanhegan Group, ka hor intii aanay heshiiskan saxeexin waxa ay kulan xafiiskiisa kula yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, markii u horreysay ee labadaas nin dalka yimaadeen.

Warsaxaafaddeed uu kulankaas ka soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu ku sheegay in labadaas nin ay ka socdaan shirkad caalami ah oo ku shuqul leh hawlaha baadhista iyo soo saarista batroolka iyo gaaska dabiiciga ah ee Bad iyo Beriba, shirkaddaas oo lagu magacaabo Spot International Service, oo xarunteedu tahay waddanka Ingiriiska, gaar ahaana ay ka tirsan yihiin xafiis waaxeedka shirkaddaasi ku leedahay gobolka Taxes ee dalka Maraykanka .

kulanka ay labadaas nin la yeesheen Madaxweyne Rayaale waxa ay ku sheegeen in maalgelinta shirkadda ay sheegteen ku samaynayso Somaliland ay oggolaansho uga heleen xafiiska Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka.

Haddaba, dareenka shakiga ah ee ku saabsan arrinta labada nin iyo heshiiska ay la galeen xukuumadda Somaliland waxa uu markii u horreysay muuqday, markii la oggaaday magacyada labada shirkaddood ee kala ah Spot International Service iyo Seminole Copanhegan Group ee ay marba mid sheegteen in ay ka socdaan.

Waxase shakiga raggani sii xooggaystay Khamiistii toddobaadkii hore, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Md. Maxamed Siciid Gees uu saxaafadda u sheegaya in uu meelo kala duwan oo Yurub ah ka helay dhambaalo badan oo Fax-yo ah, kuwaas oo sheegay in mid ka mid ah labada nin ee heshiiska la saxeexday xukuumadda Somaliland oo magaciisu yahay Mr. Stephen James Musker, uu yahay nin khaayin ah oo maxkamadda sare ee dalka Ingiriisku ay mar hore ka mamnuucday in uu ku shaqaysto hawlaha ganacsi ee shirkaddaha qodista saliidda iyo macdanaha ka ganacsada dhammaantood.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay isku mid yihiin magaca saddexan ee ninkaas heshiiska la galay Somaliland iyo magaca saddexan ee lagaga hadlayo dhambaalada dibadaha ka soo gaadhay, kaas oo la sheegay in si buuxda looga joojiyey ruqsaddii shaqo ee uu haystay gebi ahaanteedba, ka dib markii lagu helay dembiyo fara badan oo la xidhiidha musuqmaasuq, been abuur iyo wax is dhaafin.

Waxase uu Md. Gees yidhi; “Balse, saddexda magac ee laba nin isku mid way noqon karaan.” Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Maxamuud Cabdi Faarax, oo isagu magaca xukuumadda Somaliland u metelayey heshiiska uu la saxeexday Mr. Stephen James Musker iyo Faysal Qaasim, oo aanu wax ka weydiinay arrinta heshiiska shakiga laga muujiyey ayaa waxa uu sheegay in shirkadda ay xukuumadda Somaliland heshiiska la saxeexatay tahay shirkadda Seminole Copanhegan Group, oo saldhiggeedu yahay dalka Ingiriiska, qaybo ka mid ah xafiisyadoodana ay ku leeyihiin Tyler, Taxes ee waddanka Maraykanka.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirkaddani ay maamusho 76 ceel iyo 127 ceel oo ceelasha shidaalka ah oo u diyaar ah in dib loo qodo oo ku yaalla dalal kala duwan oo
adduunka ah.

Md. Maxamuud Cabdi Malow, waxa uu xusay in uu sax yahay oo aanu been abuur ahayn heshiiska ay la saxeexdeen labada hawlawadeen ee uu sheegay in ay ka tirsan yihiin shirkadda Seminole Copanhegan Group.

Isaga oo faahfaahinaya heshiiska xukuumaddu la saxeexatay shirkaddaas waxa uu md. Maxamuud yidhi; “Waxaanu ku heshiinay in ay ku yimaadaan Somaliland team farsamo yaqaano ah oo ay ku soo diraan muddo 21 cisho ah, si ay qiimayn ugu sameeyaan bilowga hawsha.

Isla markaana in ay ku soo guuraan [shirkaddu] muddo saddex bilood ah, laba bilood gudahoodna ay ku diyaariyaan qodista.” Md. Maxamuud Cabdi Faarax, waxa uu sheegay oo kale in labada nin Mr. Stephen James Musker iyo Faysal Qaasim aanay ka socon shirkadda Spot International Service, balse shirkaddaasi ay tahay ta idhiidhisay xukuumadda Somaliland iyo shirkadda ay heshiiska la gashay ee Seminole Copanhegan Group.

Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu, wax faallo ah kama uu bixin dareenka shakiga ah ee laga muujiyey masuuliyadda Mr. Stephen James Musker, oo ka mid ah labada nin ee uu heshiiska la saxeexday. Caddeymo iyo dukomantiyo uu helay Wargeyska Jamhuuriya oo naloogu soo gudbiyey khadka Internet-ka ayaa waxa ay war cad ka bixiyeen shaqsiyadda Mr. Stephen James Musker, oo dhalashadiisu tahay Ingiriis iyo falal khaayinimo ee uu galay ee lagaga mamnuucay dhammaan shaqo uu ka qabto dalka Ingiriiska nooc kasta oo ay tahayba.

Caddaymahaas wargeysku helay mid ka mid ah oo ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha guddiga sare ee Hay’adda ganacsiga Yurub, Margaret Beckett, waxa ay sheegtay in hay’addaas ganacsiga Yurub ay Mr. Stephen James Musker ay ka qaaday ruqsadii shaqo ee uu haystay, ka dib markii maxkamadda sare ee Ingiriisku ay ku riday ninkaas xukun ka mamnuucaya in uu wax shaqo ah ka qabto, isaga oo lagu helay dembiyo kala duwan oo la xidhiidha musuqmaasuq iyo been abuur uu ku sameeyey shirkadaha ka ganacsada shidaalka.

Sida ay caddaysaya hay’adda ganacsiga Yurub, 24 April, 1998, ayey maxkamadda sare ee waddanka Ingiriisku ku xukuntay Mr. Stephen in aanu ku shaqaysan ruqsadaas muddo shan iyo toban sannadood ah, waqtigaas oo Mr. Musker uu horjooge ka ahaa shirkadda STRATTON.

Shirkaddani waxay ahayd shirkad soo saarta saliida iyo tegnoolajiyada casriga ah. Sababta keentay in laga qaado ruqsadda shaqo Mr. Musker, waxa ka mid ahaa, ka dib markii uu ku xad-gudbay qodobka 8aad ee u yaalay ee sharciga shirkaddaas, markaas oo uu aflegaadooyin cay ah u geystay guddoomiyeyaashii shirkaddaas, isla markaana shaqadii ka curyaamiyey, waxa kale oo intaas dheer in uu faro-geliyey shirkaddo kale.

Cambaarayntan ku saabsan edeb-darrada uu sameeyey Mr.Musker iyo weliba been abuur uu sameeyey ayaa keliftay in laga qaado ruqsaddii shaqo.

Mr. Musker, intaa wixii ka dambeeyey waxa uu ku kacay in uu si been abuur ah, isaga oo u metelaya shirkaddaas hore ee uu u shaqayn jiray heshiisyo la galo ururo, shaqsiyaad ama waddamo, kuwaas oo uu ugu ballanqaadayo in uu ku samaynayo maalgelin, taas oo uu kaga aar goosanayey in khasaare uu u soo hooyo shirkaddaas uu ka tirsanaa.

Maxkamaddu waxa kale oo ay tixgelisay dhawr fal dambiyeed oo uu hore ugu galay heshiisyo socon waayey sannadahan dambe, waxaana kuwaas ka mid ah isaga oo sheegtay in laga codsaday in uu bixiyo kharashaadka ku baxa xoghaya Arrimaha Dhaqaalaha iyo Wershadaha ee dalka Ingiriiska, iyada oo sharciga Ingiriisku aanu dhigayn in xoghayuhu wax weydiisto mid ka mid ah guddoomiyeyaasha shirkadaha hoos taga maamulkiisa.

Qofka haddaba arrinta noocaas oo kale ah ku kaca, waxa sharci ah in aanu wax shaqo ah ka qaban waddanka gudihiisa, isla markaana fadeexadda uu sameeyey lagu xukumo xadhig laba sannadood ah ama lacag ganaax ah oo u dhiganta.

Shirkadda STRATTON EUROPE Plc, oo ka shaqaysa qodista shidaalka iyo farsamooyinka casriga ah ayaa sheegtay in aan Mr. Musker, la shaqayn iyaga , magacoodana heshiis ku geli karin.

Tobankii sannadood ee u dambeeyey, xukuumadda Somaliland waxa ay heshiisyo ganacsi iyo kuwo maal-gashi ah oo aan si dhab ah loo dersin xaqiiqdooda iyo kalsoonidooda ay la gashay shirkaddo kala duwan oo adduunka ka kala socda, kuwaas oo aan haba yaraatee mid keliya wax ka hirgalayt aanu jirin, ayaa waxa inta dhalliishooda loo xambaariyaa xukuumadda Somaliland, oo inta badan si fudud iskaga gasha heshiisyo aan laga baaraandegin iyo iyada oo aan wax baadhis ah ku samaynin jiritaanka iyo aamminaada shirkadaha ay heshiisyada la gelayaan masuuliyiinta xukuumaddu, oo qaar badan oo ka mid ahi ay ahaayeen dillaaliin aan sharciyad haysan iyo qaar wata magacyo shirkaddo been abuur ah.

Dhawaaqii diblomaasiyiinta Reer Galbeedka yaan loo dayicin sidii kuwii hore. Tan iyo 18 may 1991, oo ahayd markii lagu dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland, waxay dadka Reer Somaliland naawilayeen Ictiraaf buuxa oo bulshada Caalamka uga yimaada Somaliland, hasa yeeshee naawiladaasi ma noqon mid u dhacda sidii la filayay, illaa iyo haddana Somaliland kama helin aqoonsi Caalamka. Waxayna inta badan xukuumadihii kala duwanaa ee talada Somaliland soo qabtay xoogga saareen dhisidda iyo xoojinta siyaasadda arrimaha gudaha ee Somaliland oo laga soo bilaabay dib u heshiisiinta beelaha Somaliland ee dalka wada dega,balse xukuumadihii Somaliland u kala dambeeyay Marnaba ma qaadin olole balaadhan oo iblomaasiyadeed oo lagu baadi goobayo sidii Somaliland loogu heli lahaa Ictiraaf, kaas oo haddii olole la qaadi lahaa la heli lahaa natiijo ha tognaato ama ha tabnaato’e, waxaana inta badan Diblomaasiyiinta Caalamka aan si hufan looga dhaadhicin qadiyadda iyo gooni isu taaga madax bannaanida Somaliland. Waxase xusid muddan talaabooyin wax ku ool ah oo uu qaaday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Md.Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo sannadkii 1997 loo magacaabay Wasiirka
arrimaha dibadda Somaliland, xilligaas oo uu garaacay, isla markaana debciyey albaabo lagu jebiyay qufulo.

Inkasta oo aanu Md.Fagadhe si buuxda ugu guulaysan inuu foodda soo dhigo Ictiraafka Somaliland, haddana waxa uu qaaday tallaabooyin horumar leh, kuwaas oo oo jiitay indho hore uga sii jiiday madax bannaanida iyo goonni isu taagga Somaliland. Laakiin waxa aan la qaadin tallaabooyin lagu sii horumarinayo xirfadahaa diblomaasiyadeed ee uu qaaday Md.Fagadhe, tallaabooyinkaa uu qaaday Md.Fagadhe waxa ka mid ahaa isaga oo xoogga saaray inuu Qaramada Midoobay ka dhaadhiciyo sida ay ku timid iyo siday ahayd taariikhdii Somaliland, laakiin talaabooyinkaasi ma
noqon kuwa sii waara markii uu iscasilay.

Aftidii ay dadka Reer Somaliland 97% ku oggolaadeen madax bannaanida Somaliland oo ay ka soo qayb galeen goob joogayaal Caalami ah, ayaa iyana ahayd fursad diblomaasiyadeed oo dahabi ah, taas oo mudnayd in la raaciyo oo lagu kaabo dedaal lagu qaadayo soo dhoweynta iyo dhiraan-dhirinta ictiraafka Somaliland, laakiin sida muuqata noqotay sheeko halkeedii lagu dhaafay oo aan ka daba tag lagu samayn, taas oo lagu micnayn karo fursad qaali ah oo aan looga faa’iidaysan sidii loogu tala galay ee loo qorsheeyay.

Haddaba, waxa jira fursado kale oo iyada qudhoodu muddan in laga faa’iidaysto, kuwaas oo haddii si qurux badan loo salaxo ay soo baasgarayn karaan diblomaasiyiin badan oo il gaar ah ku eegaya Somaliland,fursadahaas oo ay ka mid yihiin go’aankii
ay horaantii bishan Oktoobar kaga dhawaaqeen diblomaasiyiinta Midawga Yurub iyo Maraykan magaalada Nayroobi, go’aankaas oo ay ku sheegeen in aanay Somaliland ka qayb geli doonin shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee lagu qabanayo dalka Kenya,
ayaa Somaliland u leh miisaan balaadhan oo siyaasadeed, una soo jeedin kara ragtiyo shisheeye ama ba qolooyin aan ka warqabi xaqaa’iqa iyo waaqica yaala Somaliland. Go’aankan diblomaasiyiinta oo ah mid ka soo maaxay aragti fog waxa uu Somaliland u horseedi karaa waxyaabo ay in badan raadinaysay oo aanay ka filayn inuu ka soo baxo dalka Kenya dhexdiisa, balse si lama filaan ah uga soo dhexbooday.

Inkasta oo muddadii koobnayd ee uu xilka hayay Madaxweyne Rayaale uu qaaday dhaqdhaqaaqyo uu ku horumarinayo siyaasadda dibadda ee Somaliland,kuwaas oo ay muuqdaan midho dhalkoodii, oo go’aanka diblomaasiyiinta lagu micnayn karo inuu qayb ka ahaa dhaqdhaqaaqyadaa uu qaaday Madaxweyne Rayaale, haddana taa macnaheedu maaha inuu guushii gaadhay oo dheeraysto barkimada, balse Hoggaanka sare ee Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa martina looga yahay inuu qaado dedaal diblomaasiyadeed oo dheeraad ah oo ay ku raadinayo soo dhawaynta iyo dhiraandhirinta Ictiraaf buuxa oo ay somaliland hesho, isla markaana ay kasbato aragtiyaha diblomaasiyiinta kale ee aan go’aankan la wadaagin kuwa midawga Yurub iyo Maraykan, kuwaas oo haddii xukuumaddu ay sii xoojiso noqon kara fursad ay xukuumaddu ka faa’iidaysato, haddii kalena noqon kara oo ku biiri kara fursadihii hore loo dayacay, isla markaana uu hadalkaasi diblomaasiyiintu noqdo mid halkiisa lagaga hadho.

Go’aankan miisanka leh ee ay diblomaasiyiintu ku dhawaaqeen waxa weeye mid ay u soo bandhigeen shacbiga Somaliland oo si ay wixii qabyo ah u dhamaystirtaan, taas oo cidda keliya ee si hufan oo ay ka muuqato faro dhuudhuubni diblomaasiyadeed ku daba gali karaa ay tahay xukuumadda.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay fiiro gaar ah ku eegto go’aankaas ayna ku samayso daba gal, oo aanay sugin fursad kale oo haddana la soo bandhigo.

Si kastaba ha ahaatee guul laga gaadho muddada uu talada hayo Md.Rayaale Ictiraaf u helidda Somaliland, waxay u noqon doontaa mid u gasha taariikhda sooyaalka ah ee aan duugoobin, kursiga halagaga guulaysto ama ha ku guulaystee, haddana waxa weeye hawl maraynteedu ay u taalo Mudane Rayaale.

ISHA: Jamhuuriya | Oct 2002

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD