Warbixin Deegaanka hawd
(Hawd Region Info vision)
What is wrong with our
world today?
As everybody knows we
live in a world, which is being faced by wars, draughts and etc. every
year or every decade you can see some people who are emigrating from their
homeland, so that the question is, how can we solve the problems existing
in the globe?
Eryadaas waxay ka mid
yihiin hal-ku-dhigyada lagu ababiyo da’yarta deegaanka. |
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Xaalada dhaqaale, siyaasadeed
iyo joqoraafi ee deegaanka:
Deegaanka Hawd wuxuu dhacaa
koonfurta waqooyi ee xuduudka Soomaaliya iyo Ethiopia, magaalo madaxdiisu waa
Buuhoodle. Sida ay dad badan ku tilmaamaan Deegaanku wuxuu ku yaalaa meel fog oo
aanay gaadhi karin hay’adaha dawliga iyo kuwa aan dawliga ahayn sida UNka oo
iyagu aan dhaafin meelaha siyaasadu ku buuqsan tahay. Waqtigan oo Soomaaliya
aanay ka jirin dawlad, hadana marka la barbar dhigo dadaalka dadka deegaanku waa
mid u baahan in wax lagu kordhiyo iyadoo gacan laga gaysanayo arimaha
caafimaadka, kor u qaadista aqoonta, maamulka, isgaadhsiinta, kobcinta
dhaqaalaha, nabada etc. sidaa awgeed deeganku wuxuu u baahan yahay wax qabad
degdeg oo lagu kabo wax qabadka gaabiska ah ee dadku la daalaa dhacaynayo,
iyadoo looga faa’iidaysan karo horumarka deegaanku gaadho, habka nadaam
soocelinta iyo dib u noolaynta Soomaaliya oo in ka badan 12 sano kala daadsanayd.
Deeganku wuxuu ka mid noqday
meelaha ugu degan dalka, tan iyo intii ka danbaysay burburtkii dawladii dhexe ee
Soomaaliya, ilaa iyo hadana deegaanka kama jiraan wax dagaalo sokeeye ah oo u
dhexeeya qabaailka, balse wuxuuba noqday meel xudun u ah nabada iyo wada
noolaanshaha, sidoo kale xidhiidhka wanaagsan oo dhexeeya deegaanka iyo
deeganada ku xeeran, muhiimada xoolaha nool iyo ganacsi ee deegaanku leeyahay,
waxay ka dhigeen deegaanka xarun ganacsi oo muhiim ah. Dhaqaalaha deegaanku
wuxuu ku xidhan yahay Xoolaha nool, Ganacsiga iyo Adeega Bulshada, dhaqaale
ahaana waxaa deegaanka hoos yimaada in ka badan 70 tuulo xuduuda laba deeda
dhinac, taas oo ka dhigtay deegaanka meel muhiimad gaara u leh ganacsi, waxaa
kale oo iyana qayb wayn ka qaatay horumarka deegaanka oo bidhaansanayey
nabadgelyada iyo deganaanshaha. Dhamaan arimahaas waxay keeneen in inta badan
baaxada magaalooyinka ay kor u kacaan, gaar ahaan magaalo madaxda deeganka.
Deegaanku waxaa ka hirgalay
maamul ay hogaaminayaan waxgaradka iyo aqoon yahanka deeganku, wuxuu na ka
kooban yahay 4 degmo oo la sameeyey kadib bururburkii dawladii dhexe ee
Soomaaliya iyo magaalo madaxda Buuhoodle.
Taariikh gaaban
Laga soo bilaabo 90-meeyadii
markii xaaladu faraha ka baxday dalka Soomaaliya, waxaa si buuxda ula wareegay
talada deegaanka Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoon yahanka, waxayna muhiimada
koowaad saareen nabadgelyada iyo adeega bulshada. Deegaanku wuxuu noqday meel ay
ka shiidaal qaataan deeganada ku xeeran oo la odhan karo guud ahaan waxay
wadaagaan nabada iyo wada noolaanshaha. Taas oo keentay in deegaanku ku
talaabsado horumar la taaban karo, tusaale ahaan waxaa la dhisay dugsiga sare ee
Buuhoodle, waxaa dib u habayn lagu sameeyey dugsiyadii hore ee Buuhoodle oo
shaqaynayey mudadii ay burbursanayd dawladii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dib u
hawl galay shan dugsi oo kuyaal magaalooyinka hoos yimaada deegaanka, waxaa
deegaanka ka hirgalay iskuulo iyo machadyo gaar ah, waxaa markii ugu horaysay
1999 deegaanka laga hirgeliyey nadaamka telefonada, waxaa la balaadhiyey
isbitaalka magaalada, waxaa abuurmay sheybaaro gaar ah, waxaa kale oo hada
gacanta lagu hayaa mashruuca biyo gelinta ee magaalada madaxda Buuhoodle.
Degaanku wuxuu qani ku yahay
xoolaha nool oo laf dhabar u ah dhaqaalaha soomaaliya, hadaba inkastoo deegaanku
dawr muhiim ah kaga jiro dhaqaalaha dalka hadana wuxuu ka mid yahay meelaha
aanay waxba ka qaban dawladihii u kala danbeeyey maamulka Soomaalya. Deegaanku
ma lahayn waxayaalaha asaasiga u ah horumarka iyo jiritaanka aadanaha, marka
laga reebo dhawr dugsi Hoose/dhexe oo la dhisay badidooda xilligii gumaysiga iyo
hal dhakhtar bukaan socod oo la dhisay 60-dameeyadii. Deeganku ma lahayn Biyo,
koronto, isgaadhsiin, nadaam caafimaad oo dhamays tiran iyo waxbarsho sare
midnaba. Intaa waxaa u sii dheeraa deegaanka oo noqday meel ay ku hardamamaan
Jabhadihii mucaaradka iyo dawladu sannadihii 80-tamaadkii, kuwaas oo
dhaxalsiiyey burbur iyo culays dhaqaale oo hor leh.
Dhaqaalaha iyo joqoraafi ahaan
Waxaa mara deeganka qiyaas
ahaan 23% badeecada ka soo degta Berbera ee u jeeda gobolada dhexe ee Soomaaliya
iyo bariga Ethiopia, sidoo kale waxaa mara 70% badeecada ka soo degta Basoso ee
ujeeda bariga Ethiopia. Waxaa kale oo deegaanku gebi ahaanba marin u yahay
xoolaha nool ee ka yimaada Gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Bariga Ethiopia.
Waxaa lagu qiyaasaa dadka ku
nool magaala madaxda Buuhoodle 60.000 oo qof, waxaa kale oo hoos yimaada dhul
daaqsineed aad u ballaadhan (very large rural area). Magaalada Buuhoodle oo ku
taala joqoraafi ahaan meel xudun ah oo isku xidha Soomaaliaya, celcelis ahaan
sannnadkii waxaa lagu qiyaasaa in halkii maalin ay u yimaadaan muraadsi dad
gaadhaya 40.000 oo qof, kuwaas oo ka kala yimaada baadiyaha, magaalooyinka ku
xeeran, socdaalka iyo ganacsatada ka kala yimaada ama ku sii jeeda magaalooyinka
Boosaaso, Berbera, Lascanood, Burco, Galkacayo ilaa Muqdisho iyo bariga
Ethiopia.
Waxaa diyaariyey
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
May 20, 2003
DHAMMAAD
<><><>
BILICDA SOOMAALIYA: 1
| 2 | 3
| 4 | 5
| 6 | 7
| 8 | 9
| 10 | 11
| 12
|