Qore: Ibrahim Salah Aden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Odense| Denmark
CABDULLAAHI BINU JAXSHI
"QOF LOOGU YEERO AMIIRAL-MU'MINIIN KII UGU HOREEYAY"
(19)
Saxaabiga aynu hadda qaadanayno sheekadiisa waa saxaabiga ay xiriir
qaraabo wadaagaan Rasuulka (scw), wuxuu ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee
soo gala diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Jaxsh waxaa dhashay Umaymata Binta
Cabdil-mudhalib oo ahayd Rasuulka (scw) eeddadiis. Dhinaca kale wuxuu
Cabdullaahi ahaa Rasuulka (scw) seedigiis, maxaa yeelay wuxuu Rasuulka (scw)
qabay Zeynaba Bintu Jaxsh oo ay walaalo ahaayeen Cabdullaahi, marna ahayd
hooyadii mu'miniinta. Cabdullaahi Binu Jaxsh wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay
ee loo dhiibo calanka Islaamka, sidoo kale wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee
loogu yeero Amiiral-mu'miniin.
Inkastoo aan la soo koobi karin guud ahaan taariikhda la xiriira
habnololeedkii Cabdullaahi Binu Jaxsh, haddana waxaynu ka soo qaadanaynaa
laga soo billaabo markuu soo islaamay. Wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh soo
islaamay, kahor intuusan Rasuulka (scw) gelin daartii ama gurigii Arqam Binu
Arqam, oo ku beegnayd xilligii ay dacwada islaamka ku jirtay qarsoodi, sidaa
darteed ayaa wuxuu Cabdullaahi ka mid noqday saxaabadii ugu horeeyay ee qaata
hanuunka Rasuulka (scw), sidaasna ku soo islaama.
Hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh
Markii uu Rasuulka (scw) u fasaxay asxaabtiisa inay u hijroodaan ama u
guuraan magaallada Madiina, iyagoo la cararaya diintooda iyo hagardaamada iyo
dhibaatooyinka kaga imaanaysa gaaladii Qureysh, wuxuu Cabdullaahi Binu Jaxsh
galay lambarkii labaad saxaabadii hijrootay, oo waxaa fadliga hijrada kaga
hormaray oo keliya saxaabiga la yiraahdo Abuu Salama. In si Alle dartii loogu
hijroodo, loogana tago qoyska iyo dalka ayaanan ahayn wax ku cusub
Cabdullaahi Binu Jaxsh, maxaa yeelay isaga iyo qaar ka mid ah qaraabadiis
ayaa waxay hadda kahor u guureen meesha hadda loo yaqaano geeska Afrika ama
Xabasha. Hase ahaatee, hijrada markan waxay ahayd mid ka xeel-dheer kana
ballaaran tii hore. Waxaa Madiina u hijrooday dhammaan waalidka Cabdullaahi
wuxuu dhalay oo ka koobnaa rag iyo dumar, waayeel iyo dhalinyaro, wiilal iyo
gabdho yaryar., maxaa yeelay guriga Cabdullaahi wuxuu ahaa guri Islaam. Maba
aynan ka sii bixin magaallada Makka jeer ay guryahoodii ka muuqdaan murugo
iyo tiiraanyo, guryihii camirnaa waxay noqdeen oo guryo cidlo ah oo la moodo
inaan la deggin ama lagu caweyn weligeed.
Guryihii iyo hantidii Cabdullaahi oo la bililiqaystay
Kama soo wareegin waqtigaas wax yar hijradii Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
intii la socotayba ilaa maalintii danbe ay soo baxaan madaxdii Qureysh oo ku
gaaf-wareeganaya xaafadaha magaallada Makka, bal si ay u aqoonsadaan ciddii
ka qaxday magaallada ee ka mid ah muslimiinta, iyo intii ku hartayba. Waxaana
madaxdaas ku jiray Abuu Jahal iyo Cutbata Binu Rabiica. Cutbata ayaa eegay
guryihii ay lahaayeen qoyskii reer Jaxsh oo dabeeshii boorka badneyd ay
garaacayso albaabadii guryaha, dabadeedna wuxuu yiri: “guryihii reer Binii
Jaxsh waxay noqdeen guryo cidlo ah oo u oonaysa dadkeedii”. Abuu Jahal ayaa
ku yiri “yey ahaayeen kuwaas jeer ay guryahoodii u ooyaan?!”. Intaa kadib
wuxuu Abuu Jahal taabsaday gurigii Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxayna guryahaas
ahaayeen guryaha magaallada Makka ku yiilay kuwooda ugu quruxda badan, uguna
hodontinimo badan, oo waxaa yaalay alaabo fara badan. Abuu Jahal wuxuu
gurigii Cabdullaahi ugu isticmaalay sida qofka hantida leh ugu isticmaalo
hantidiisa.
Raalli ma ka tahay in gurigaaga laguugu beddelo guri Jannada ku yaala
Cabdullaahi Binu Jaxsh markii loo sheegay wuxuu Abuu Jahal ku sameeyay
gurigiisa, wuxuu u sheegay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulkka (scw) ku yiri
isagoo bishaaro ugu beddelaya bililiqada gurigiisa: “miyaadan raalli ku
noqonaynin Cabdullaahiyow inuu Eebbe kuugu beddelo gurigaaga guri ku yaala
Jannada”. Cabdullaahi ayaa yiri “haa” Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw) ayaa
haddaba ku yiri “gurigaas ayaad leedahay”. Hadalkii Rasuulka (scw) waxay
dejisay naftii Cabdullaahi, wuuna il-qabowsaday.
Imtixaankii ugu darnaa ee la mariyay Cabdullahi Binu Jaxsh
Cabdullaahi Binu Jaxsh ma uusan sigin inuu ku nasto magaallada Madiina,
kadib wixii ka soo gaaray labadiisii hijradood oo dhibaato iyo hagardaamooyin
ah. Ma uusan Cabdullaahi sigin inuu dha-dhamiyo raaxada dha-dhankeeda markii
uu dhex joogay ansaartii Madiina, kadib wixii qureysh ka soo gaaray oo
dhibaatooyin ah ilaa uu Eebbe (sw) doono inuu Cabdullaahi la kulmo imtixaan
kii ugu darnaa ee uu noloshiisa arko laga soo billaabo markuu soo islaamay.
Haddaba, akhristow kaalay aynu si wadajir leh u ogaano waxay tahay
imtixaankaas qallafsan ama daran ee la mariyay saxaabiga jaliilka ah ee
Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Howl-gal milateri
Wuxuu Rasuulka (scw) magacaabay ama xushay siddeed (8) ka mid ah asxaabta,
si ay u fuliyaan howlgal milateri kii ugu horeeyay ee la fuliyo islaamka.
Siddeedaas qof waxaa ku jiray Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo Sacad Binu Abii
Waqaas, wuxuuna Rasuulka (scw) yiri: “ waxaan amiir idinkaga dhigayaa kan
idinkugu adkeysiga badan gaajada iyo oonka”, intaa dabadeedna wuxuu
calankoodii u guntay ama u dhiibay Cabdullaahi Binu Jaxsh, waxaana la
yiraahdaa wuxuu Cabdullaahi ahaa kii ugu horeeyay ee madax looga dhigo ilaalo
ka mid ah muslimiinta. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ahaa ninkii ugu horeeyay
ee loo dhiibo calanka islaamka Xamsata Binu Cabdul-Mudhalib, waxaa kaloo la
sheegaa kuwo kale.
Dhambaal sireed
Rasuulka (scw) wuxuu Cabdullaahi u xaddiday ama u tilmaamay meeshii uu
aadi lahaa, wuxuuna u dhiibay dhambaal ama qoraal, isagoo faray inuusan eegin
waxa ku qoran ilaa uu ka socdo labo maalmood socdaalkood. Ilaaladii uu
hoggaaminayay Cabdullaahi Binu Jaxsh markay socdeen labo maalmood, ayaa wuxuu
Cabdullaahi furay waraaqdii, waxaaba ku qoran sidatan: “haddaad eegtid
qoraalkaygan soco ilaa aad kaga furatid Nakhla oo u dhaxeysa Dhaa’if iyo
Makka, waxaadna is dul-taagtaa wararka qureysh, noolana imow wararkooda..”.
Maba dhammeystirin Cabdullaahi aqriska dhambaalka jeer uu durbadiiba ka
yiraahdo “maqlid iyo aqbalid waxaa iska leh Nebigii Alle”, dabadeedna wuxuu
asxaabtiisa ku yiri: “ wuxuu Rasuulka (scw) i faray inaan socdo jeer aan ka
gaaro Nakhla, si aan u daba galo oo aan ugu keeno Rasuulka (scw) wararka
Qureysh, wuxuuna iga reebay inaan qasbo mid ka mid ah idinka si uu ii raaco,
qofkii doonaya oo jecel shahaado iyo inuu jidka Alle ku dhinto ha i soo raaco,
qofkaan doonaynin ha iska noqdo isagoo aan la canaanan”. Asxaabtii ayaa waxay
hal mar yiraahdeen “maqalnay oo aqbalnay Rasuulkii Alle, waan kuu raacaynaa
meeshii uu ku faray Nebigii Alle”.
Intaa dabadeed waxay asxaabtii socdaan, waxay maalintii danbe gaareen
Nakhla, waxayna guda galeen inay wareegaan waddooyinka dhexdooda, si ay u soo
ogaadaan wararka qureysh. Iyagoo ku sugan xaaladdaas, ayaa waxay meel fog ka
arkeen afar nin oo kala ah Camr Binu Al-Xadrami, Al-Xakam Binu Kaysaan,
Cuthmaan Binu Cabdillahi iyo walaalkiis oo la oran jiray Al-Muqiira. Nimankan
waxay wadeen ganacsi ay lahaayeen qureysh oo isugu jiray hargo iyo sabiib iyo
waxyaabaha ay qureysh ka ganacsadaan.
Wadatashi ku saabsan xaalad degdeg ah
Markay arrinku halkaas mareyso, ayaa asxaabtii waxay bilaabeen inay
tashadaan, maalintaasna waxay ku beegnayd maalinta ugu danbeysa billaha
xurmada leh, waxayna billahaas xurmada leh kala yihiin Dul-qicdah, Dulxijjah
iyo Muxarram oo wada xiriira, iyo bisha Rajab. Waa billooyin ay carabta
weligood xurmeyn jireen, oo waa xaaraan in dhiig la daadiyo ama in dagaal la
qaado billahaas dhexdooda. Waxay yiraahdeen, haddii aan la dagaalano waxaan
la dagaalanay billihii xurmada lahaa, waxaana ka dhalanaya taas in lagu tagri
falo bishan iyo in lagu talo galo guud ahaan carada carabta. Haddii aan u
kaadino ilaa ay ka tagto maalinta waxay galayaan dhulkii Xaramka, oo markaas
way naga badbaadayaan.
Go’aanku waa in la laayo
Natiijadii ka soo baxday wada tashigooda waxay noqotay in lala dagaallamo
nimankaas, waxay haystaan oo hanti ahna la qaniimaysto, sidiina ayeey ku
dhaqaaqeen. Durbadiiba waxay laayeen mid ka mid ahaa afartii nin, labo kalena
way qafaasheen, halka kii afaraadna uu carar ku badbaaday. Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtiisiiba waxay soo kaxeysteen labadii nin ee la qafaashay,
iyo hantidoodii, waxayna yimaadeen magaalladii Madiina. ‘
Si daran ayeey u qoomameeyeen
Markay u soo galeen Rasuulka (scw), uuna ogaaday falkii ay sameeyeen aad
iyo aad ayuu uga xumaaday, wuxuuna si ba’an u dhaliilay falkii ay sameeyeen,
isagoo la hadlayana wuxuu ku yiri: “wallaahi ayaan ku dhaartaye idinma farin
dagaal, waxaan idin faray oo keliya inaad is-dul-taagtaan wararka qureysh,
iyo inaad la socotaan dhaqdhaqaaqooda..”. Labadii nin ee la soo qafaashay
arrinkooda dib ayuu u dhigay Rasuulka (scw), sidoo kalena ma eegin hantidii
la soo qafaashay oo waxna kama uusan qaadan. Dhinaca kale, Cabdullaahi Binu
Jaxsh iyo asxaabtii kale ayaa si daran uga qoomameeyay falkoodii ay geysteen,
waxayna si dhab ahaan u yaqiinsadeen inay halaagsameen, khilaafka ay
khilaafeen amarkii Rasuulka (scw) awgeed.
Waxaa dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadiyay inay walaalahoodii
muslimiinta ay ku badiyaan canaan fara badan, iyo iyagoo markasta ay xaggooda
ka weji dadbaan., iyagoo ku oronaya: “waxay khilaafeen amarkii Rasuulka (scw)”.
Waxaa sidoo kale dhibaatadoodii dhibaato kale ugu siyaadisay markay ogaadeen
inay qureysh ka heshay dhacdadan mar-marsiiyo ay ku ceebeeyaan Rasuulka (scw)
iyagoo qabiilooyinka kale ku oronaya “Muxammad wuxuu banneystay bishii
Xurmada badnayd, wuxuu bishii xurmada badneyd daadiyay dhiig, hantidiina wuu
qaatay, raggiina wuu qafaashay”.
Cidna ha weydiinin halka uu gaaray tiiraanyada iyo walbahaarka Cabdullaahi
iyo asxaabtiisa ka soo gaaray wixii ka dhacay. Markii ay ku badatay
walbahaarka, imtixaankiina uu ku cuslaaday, ayaa waxaa u yimid kii
bishaareenayay, isagoo ku bishaareenaya inuu Eebbe (sw) ka raalli noqday
falkii ay geysteen, arrintaasna wuxuu Alle ku soo dejiyay aayad qur’aan ah.
Bishaaro ka farxisay dhammaantood
Cidna ha weydiinin siday maalintaas u farxeen, iyagoo dadkiina ay
billaabeen inay u tahniyadaynayaan oo ay u bishaaraynayaan, waxayna markaas
aqrinayaan aayaddii qur’aanka ahayd ee ku soo degtay falkii ay sameeyeen
awgeed.
Waxaa Nebiga (scw) lagu soo dejiyay oraahdii Eebbe (sw) ku lahaa:
“Waxay ku weydiinayaan dagaalka bisha xurmaysan, waxaad tiraahdaa dagaalka
dhexdiisa waa weyn yahay, xannibid iyo is hortaag jidka Alle ah iyo in Alle
lagu kufriyo iyo masjidka xurmeysan iyo ka bixinta ehelkiisa yaase kaga weyn
Eebbe agtiis, gaaleynta dadka ayaa ka weyn dilka..”. Markay soo degeen
aayadahan sharafta badan waxaa faraxday oo il-qabowsatay naftii Rasuulka (scw),
wuxuu qaatay safarkii oo u qaybiyay muslimiinta, wuxuuna furasho ka qaatay
labadii maxbuus, wuxuuna ka raalli noqday falkii ay sameeyeen Cabdullaahi
Binu Jaxsh iyo asxaabtiis, maxaa yeelay waxay ahayd duulimaadkooda mid dhacdo
weyn ku ah nolosha muslimiinta, qaniimada laga qabsaday dhacdadaas waxay
ahayd qaniimadii ugu horeysay ee la qabsado islaamka, leyntii duulimaadkaasna
wuxuu ahaa gaalkii ugu horeeyay ee lagu daadiyo dhiigiisa islaamka,
maxaabiistii la qabsadayna waxay ahaayeen maxaabiistii ugu horeeyay ee
muslimiinta u soo gacan gala, calankii duulimaadkaas lagu guntayna wuxuu ahaa
calankii ugu horeeyay ee uu Rasuulka (scw) u dhiibo koox ka mid ah
muslimiinta, amiirkeedana wuxuu ahaa amiirkii ugu horeeyay ee loogu yeero
amiiril-mu’miniin, wuxuuna ahaa Cabdullaahi Binu Jaxsh.
Wixii intaa kadib, waxaa la soo gaaray duulimaadkii Badar, wuxuuna
Cabdullaahi Binu Jaxsh ka muujiyay goobtii dagaalka wacdarro daran.
Dabadeedna waxaa timid duulimaadkii Uxud, waxaana Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
Sacad Binu Abii Waqaas kala soo gudboonaatay dagaalkaas sheeko aanan la
hilmaami karin, ee aynu sheekada u dhaafno Sacad Binu Abii Waqaas, wuxuuna
Sacad yiri:-
Tusaale ku saabsan geesinimadii Cabdullaahi
Maalintii dagaalka Uxud waxaan la kulmay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuu
yiri: “maad Alle baridid?”. Waxaan ku iri haa, waxaana labadeenii isula
baxnay dhinac, waxaana baryay Eebbe (sw) annigoo leh: “Rabbiyow haddaan la
kulmo cadowga waxaad igu soo aaddisaa nin dagaalyahan ah, caradiisa ay aad u
daran tahay, aan la dagaalamo, isna ila dagaalamo, dabadeedna waxaad igu
arsuqdaa inaan ka guuleysto jeer aan ka dilo, hubkiisana aan ka qaato.
Cabdullaahi Binu Jaxsh ducadeyda ayuu aamiin u yiri, dabadeedna waxaa
duceystay Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna yiri “Ilaahayow waxaad igu soo
aaddisaa nin caradiisu ay daran tahay, ahna dagaalyahan, adiga dartaa aan ula
dagaalamo, isna ila dagaalama, dabadeedna i qabta oo iga adkaada, sanka iyo
labada dhegoodna iga gooya, oo markaan berito (maalinta qiyaamo) kula kulmo
aad tiraahdo maxaa loo gooyay sankaaga iyo labadaada dhegood, oo aan iraahdo
adiga iyo Rasuulkaaga dartii ayaa la iiga jaray, oo aad tiraahdo run baad
sheegtay.
Cabdullaahi oo ku shahiiday dagaalkii Uxud
Sacad Binu Abi Waqaas wuxuu yiri: “ducada Cabdullaahi Binu Jaxsh waxay
ahayd mid ka kheyr badan ducadeyda, waxaan arkay maalinta gelinkeeda danbe,
isagoo Cabdullaahi la dilay, jirkiisana la googooyay. Waxaan arkay sankiisa
iyo labadii dhegood oo laga soo laa-laadiyay geed. Eebbe (sw) wuxuu aqbalay
ducadii Cabdullaahi Binu Jaxsh, wuxuuna ku maamuusay shahaado, sidii uu ugu
maamuusayba shuhaddada sayidkooda oo ah Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib.
Rasuulka (scw) wuxuu hal qabri ku wada aasay Cabdullaahi Binu Jaxsh iyo
Xamsata Binu Cabdil-Mudhalib, Ilaahay dhammaantood ha u naxariisto, innagana
ha ina qaadsiiyo wadiiqadoodii toosneyd, aamiin.
SU'AALO: TIJAABI AQOONTA AAD U LEEDAHAY C/LAHI BINU JAXSHI
###
Qore: Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk |
Odense | Denmark
Daabacaad:
March 15, 2002 | MUXARRAM 1, 1423
CASHARKA
HORE |
CASHARKA
XIGA |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|