Dhalxata Binu Cubeydillaahi Al-taymiyi wuxuu la socday dad socoto ahaa oo
ka mid ah qureysh ganacsatadeeda, waxay ku socdeen gobolka Shaam. Markay soo
gaareen magaalada Busraa ee hadda ah gobolka Xawran ee dalka Suuriya, waxay
odoyaashii reer qureesheed ee ganacsatada ahaa hal-mar ku qamaameen goobihii
gacansiga, si ay u iibsadaan bicsharadii ay wadeen, isla markaasna ay u
gataan kuwo kale. Inkastoo Dhalxata uu xilligaas ahaa wiil dhalinyaro ah oo
aan lahayn khibradda ay leeyihiin odayaashaas qureesheed, haddana wuxuu lahaa
caqli badni, fahmo, xeelad iyo karti uu kula tartami karay ganacsatadaas.
Goor uu Dhalxata marna uu subixii ku soo kallahayo, galabtiina uu ka soo
laabanayo suuqii weynaa Busraa ee ay ku soo qulqulayeen ganacsatadii ka kala
yimid meel kasta ayaa waxaa qabsatay dhacdo wax weyn ka beddeshay nolol
maalmeedkiisa idilkeed. Bal aynu Dhalxata u dhaafno si uu noogu dhammeystiro
sheekadiisa xiisaha badan, wuxuuna yiri Dhalxata:-
Mar aynu joogno suuqa Busraa ayaa waxaa nagu soo baxay wadaad kirishtaan
ah oo dadka ka dhex dhawaaqaya, isagoo leh “ganacsatooy, waxaa dadka
weydiisaan in dadkani ay ku jiraan qof reer Makka ah”. Markaas uu sidaas
leeyahay, kama aanan fogeyn wadaadka, durbadiiba isaga ayaan u degdegay
waxaana ku iri: “haa, oo annigaa ka imid Makka”. Wuxuu i weydiiyay in la soo
saaray Axmad, markaasaan ku iri: “waa kuma Axmad?!”. Wuxuu igu yiri waa
inankii Cabdillaahi Binu Cabdilmudhalib, wuxuuna intaa ii raaciyay “bishan
waa bishii la soo saarayay, waa nebigii ugu danbeeyay nebiyada, waxaa laga
soo saari doonaa dhulkiina Xaramka (makka), wuxuuna u hijroon/guuri doonaa
dhul leh dhagxaan mad-madow, geed-timireed iyo caro-seel ay ku badan tahay
cusbada.., yaanan lagaaga hormarin ninkaas wiilyahow”. Wuxuu yiri Dhalxata,
hadalkii ninka waxay ku dhacday laabtayda, waxaana ku degdegay awrkaygii,
gaadiidkayga ayaan xirxirtay sidiina ay ugu kicitimay magaallada Makka.
Raadka uu islaamka ku leeyahay akhlaaqda suubban
Markaan imid magaaladii, waxaan reerkayga weydiiyay su’aashan: “ma wax
dhacdo ah ayaa ka dhacay Makka gadaashayda?”. Waxay yiraahdeen haa, oo waxaa
istaagay Muxammad Binu Cabdillaahi oo sheeganaya nebinnimo, waxaana raacay oo
rumeeyay ina Abii Qaxaafa (waxay ka wadaan Abuubakar). Dhalxata wuxuu yiri,
horey ayaan u garanayay Abuubakar, wuxuu ahaa nin dabacsan oo dulqaad badan
ayna dadka jecel yihiin, wuxuu ahaa ganacsato leh toosnaan iyo dabci
wanaagsan. Waxaynu ahayn kuwii weheshada fadhiyadiisa, aad ayaan u jeclaan
jirnay, waayo wuxuu aad ugu xeel dheeraa wararka ku saabsan Qureysh iyo
abtirsigeeda. Waxaan markiiba aaday Abuubakar, waxaana ku iri, ma run baa
waxa la leeyahay ee ah inuu Muxammad Binu Cabdillaahi sheegtay nebinnimo,
adigana aad raacday?!. Wuxuu yiri haa, kadibna wuxuu billaabay inuu iiga
sheekeeyo nebiga sheekadiisa, dhinaca kalena i jeclaysiiyo inaan soo islaamo,
annigana xaggeyga waxaan uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ahaa. Aad
ayuu Abuubakar ula yaabay sheekadii markuu maqlay, wuuna jeclaystay, wuxuuna
igu yiri: “bal inoo-kaxeey Muxammad si aad uga sheekaysid warkan, adigana aad
ka maqashid wuxuu ku leeyahay, si aad markaas u soo gashid diintii Alle.
Dhalxata wuxuu yiri, waxaan anniga iyo Abuubakar aadnay Muxammad, wuxuu ii
soo bandhigay diinta Islaamka, isagoo igu dul-aqriyay qaar ka mid ah
suuradaha qur’aanka, wuxuu kaloo iigu bishaareeyay labada kheyrood ee
adduunyada iyo aakhirada. Laabtayda wuxuu Alle u waasiciyay diinta Islaamka,
waxaana uga sheekeeyay sheekadii ninkii wadaadka ii sheegay, farxad aad u
weyn oo wejigiisa ka muuqday ayuu nebiga farxay kadib markii uu maqlay,
dabadeedna waxaan hortiisa ka qiray inuusan jirin Alle xaq lagu caabudo aan
ka ahayn Allaha xaqa ah, Muxammadna inuu yahay Rasuulkii Alle. Waxaan galay
lambarka afaraad ee ku soo islaama gacanta Abuubakar. Saddaxda kale ee
gacanta Abuubakar ku soo islaamay waxay kala ahaayeen Sacad Binu Abii Waqaas,
Cusmaan Binu Abii Caffaan iyo Zubeyr Binu Al-cawwaam.
Dhibaatooyinkii uu islaamkiisa kala kulmay
Islaamiddii Dhalxata waxay naxdin iyo walbahaar weyn ku reebtay reerkiisii
uu ka dhashay, haba ugu darnaatee hooyadiis. Maxaa yeelay, waxay ku rajo
weynayd inuu Dhalxata hoggaamin doono tolkiisa, astaamaha wanaagga badan ee
uu leeyahay awgeed. Waxay tolkiisa in badan isku dayeen inay ka weeciyaan
diinta Islaamka, hase ahaatee waxay si dhab ah u ogaadeen inuu iimaankiisa
sugan yahay aadna u xeel dheer yahay, ayna marnaba dhici karin inuu ka laabto
diinta Islaamka. Markay tolkiisa kala quusteen inay si hadal leh ugu
qanciyaan inuu diinta islaamka uga laabto, waxay billaabeen inay cuskadaan
jirdil iyo ciqaab.
Waxaa sheekeeyay Mascuud Binu Kharaash wuxuuna yiri: Mar aan socdo Safa
iyo Marwa dhexdooda, ayaa waxaan la kulmay dad fara badan oo eryanaya wiil
labadiisa gacmood lagu xir-xiray qoortiisa, dadku waxay daba socdeen wiilkaas,
iyagoo turaan-turinaya kana garaacaya wiilka madaxiisa. Waxaa iyadana xagga
danbe socotay islaan waayeel ah, iyadu ma gaarto wiilka inay garaacdo, hase
ahaatee waxay caayaysay, kuna qaylinaysay wiilka. Waxaan dadkii weydiiyay
arrinka wiilka haysta, waxayna igu yiraahdeen waa Dhalxata Binu Cubeydillaah
oo ka laabtay diintiisa, wuxuuna raacay diintii Muxammad Binu Cabdillaahi.
Waxaan kaloo dadkii weydiiyay waxa ay tahay islaantii waayeelka ahayd ee
wiilka daba socotay ee iyadu caayaysay wiilka, waxayna igu yiraahdeen waa
Sacba’ Bintu Al-xadrami, waana wiilka hooyadiis.
Labadii la isku xiriiriyay
Intaa kadib Nawfal Binu Khuweylid ee lagu naanaysi jiray libaaxii
qureesheed ayaa wuxuu aaday xaggii Dhalxata Binu Cubeydillaahi, wuxuu ku
xirxiray xarig, xarigii ayuu haddana kula xiray Abuubakar, dabadeedna wuxuu u
dhiibay dadkii wax ma garatada ahaa ee degganaa magaallada Makka, si ay u
xanuujiyaan, una ciqaabaan ciqaab daran.
Sidaa darteed waxaa Dhalxata iyo Abuubakar As-siddiiq loogu yeeri jiray
labadii-la-sku-xiriiriyay. Waxay maalmuhu socdaan, dhacdooyinkana ay is
daba-raacayaan, Dhalxata Binu Cubeydillaahina uu maalmahaas ka siyaadsanayo
dhammeystiran, wacdarihiisa waddada Alle iyo waddada Rasuulka (scw) uu sii
weynaanayo, dhinaca kalena samafalkiisa islaamka iyo muslimiintana ay sii
kobcayso siina fidayso jeer maalintii danbe ay muslimiinta ugu naaneysaan
shahiidkii haddana noolaa, taasoo loola jeedo saxaabigii Jidka Alle ku
dhintay, haddana dunida guudkeeda saaran oo nool. Rasuulkana (scw) wuxuu
Dhalxata ugu yeeray magacyadan Dhalxihii kheyrka badnaa, Dhalxihii deeqsiga
badnaa, Dhalxihii kheyrka la burqanayay, dhammaantoodna mid kasta waxay
leedahay sheeko aan tan kale ka xiiso yareyn.
Maxaa loogu bixiyay shahiidkii haddana noolaa?
Aynu ku hor marnee sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii
haddana noolaa, waxay ahayd maalintii daggaalka Uxud, markii ay muslimiinta
ka carareen Rasuulka (scw), ayna markaasna Rasuulka (scw) ku harin oo keliya
waxaan ka ahayn 11 qof oo ansaar ah, iyo Dhalxata Binu cubeydillaahi oo ka
mid ahaa muhaajiriinta.
Rasuulka (scw) wuxuu fananayay ama korayay buurta isaga iyo intii la
socotayba, iyadoo ay sii korayaan buurta ayaa waxaa ku soo baxay oo soo
gaaray koox ka mid ah ciidamadii gaalada oo doonaya inay dilaan Nebiga (scw).
Markii uu Rasuulka (scw) arkay gaaladii ayaa wuxuu saxaabadii ku yiri: “yaa
naga caabbinaya kuwan oo noqonaya saaxiibkayga Jannada”. Dhalxata ayaa
durbadiiba yiri “ anniga, Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa ku yiri
“maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin ka mid ah ansaarta ayaa yiri “waa
anniga qofkaas Rasuulkii Allow”. Rasuulka (scw) ayaa yiri “haye, waa adiga”.
Ninkii saxaabiga ee ansaariga ahaa wuu dagaalamay jeer markii danbe laga
dilay. Haddana Rasuulka (scw) iyo asxaabtii kale waxay markale sii fanteen
buurtii, gaaladiina haddana way ku soo baxeen. Markale ayuu Rasuulka (scw)
yiri “war ayaa nin u ah kuwani?!”. Dhalxata ayaa misna yiri anniga Rasuulkii
Allow. Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri: “maya, adiga meeshaada iska joog”. Nin
ka mid ah ansaarta ayaa haddana yiri anniga Rasuulkii Allow. Rasuulka (scw)
ayaa ku yiri “haa, waa adiga”. Intaa dabadeed ninkii ayaa la dagaalamay
gaaladii jeer ay markii danbe isna ka dilaan. Haddana Rasuulka (scw) wuxuu
sii koray buurta, gaaladiina way soo raaceen, kama uusan suulin Rasuulka (scw)
inuu ku celcelinayo hadalkiisii hore, Dhalxana uu leeyahay anniga Rasuulkii
Allow, Rasuulkuna uu leeyahay maya, uu saxaabi kale u fasaxayo inuu caabbiyo
gaaladaas jeer ay 11-kii ansaarta ay dhammaantood halkaas ku shahiidaan.
Waxaa Rasuulka (scw) weheliyay oo keliya Dhalxata, gaaladii ayaa haddana
markale soo haleelay Nebiga.
Dhaawacii Rasuulka (scw) ka soo gaaray dagaalkii Uxud
Rasuulka (scw) ayaa wuxuu Dhalxata ku yiri: “hadda haa”. Rasuulka (scw)
waxaa dagaalka ka soo aaray dhaawacyo. Waxaa la jabiyay dhooshiisa hoose,
wejigana waxaa ka soo gaaray dakhar, sidoo kalena dabintiisa hoosena waxaa
soo gaaray dhaawac, dhiig badan ayaa ka soo daatay wejigiisa sharafta badan,
daal iyo tacab aad u daranna maalintaas wuu hareereeyay jirkii suubbanaha
Nebiga (scw). Dhalxata wuxuu guda-galay inuu rogaal-celin ku sameeyo gaaladii
si uu uga fogeeyo Rasuulka (scw), wuxuuna intaa kadib u soo laabanayay
Rasuulka (scw) si uu u saaro xagga sare ee buurta, markale ayuu haddana
gaaladii u soo laabanayay, sidaas ayuu sameenayay jeer uu markii danbe
gaaladii ka fogeeyo.
Dagaalkii Uxud waxay ahayd maalintii Dhalxata
Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yiri: “waqtigaas
iyada ah anniga iyo Abuu Cubeyda Binu Al-jarraax waxaan ahayn kuwo ka fog
Rasuulka (scw), markii aan u nimid si aynu u daawayno wuxuu Rasuulka (scw)
nagu yiri anniga iga taga, oo waxaad aaddaan saaxiibkiina”, wuxuu ka waday
Dhalxata. Haddaan u nimid Dhalxata, waxaan aragnay isagoo dhiig baxaya,
jirkiisana waxaa ku yiilay dhowr iyo toddabaatan dhaawac ama seef ah ama
waran ama leeb lagu soo ganay ah. Waxaan kaloo aragnay isagoo gacantiisiina
qaybta horena la gooyay, kuna dhacay meel god ah isagoo suuxsan. Sidaa
darteed ayuu Rasuulka (scw) u oran jiray wixii intaa ka danbeeyay “ruuxii
jecel inuu arko nin dunida dusheeda socda, isla markaasna dhintay ha eego
Dhalxata Binu Cubeydillaah”. Abuubakar As-siddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee
wuxuu ahaa markii la xuso daggaalkii Uxud kii yiraahda “waa maalintii
Dhalxata”. Intaas waa sheekada la xiriirta sababta loogu naaneysay shahiidkii
haddana noolaa.
Maxaa loogu bixiyay Dhalxihii kheyrka badnaa
Haddaba, haddaan milicsano sheekadiisa la xiriirta sababta loogu naaneysay
Dhalxihii kheyrka badnaa iyo Dhalxihii deeqsiga badnaa, waxaa hubaal ah inay
iyadana leedahay boqolaal sheeko. Dhalxata wuxuu ahaa ganacsade leh hanti
fara badan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa magaallada Xadramuut uga
timid lacag gaaraysa 700 000 dirham. Wuxuu habeenkaas Dhalxata seexday isagoo
walbahaarsan, aadna u murugaysan. Waxaa u soo gashay afadiisa Ummu Kalthuum
Bintu Abiibakar As-siddiiq, waxay aragtay inuu aad u murugaysan yahay,
waxayna ku tiri: “maxaa kugu dhacay Abii Maxammad?!!, ma wax dhibaato ah ayaa
xagganaga kaaga timid!”. Dhalxata wuxuu afadiisa ku yiri: “maya, adigu waxaad
tahay afo tan ugu wanaagsan, hase ahaatee ilaa iyo xaleey waan fekerayay oo
waxaan naftayda ku lahaa muxuu yahay malaha nin Rabbigiisa hadduu seexdo
iyadoo ay gurigiisa taalo lacagtaas”. Waxay tiri, maxaa ku walbahaarinayo!?,
aaway dadkii tolkaaga ahaa ee masaakiinta ahaa, markaad waabiriyaysato u
qaybi maalka. Dhalxata wuxuu aad u jeclaystay hadalkii ay ku tiri xaaskiisa,
wuxuuna ku yiri “Allaha kuu naxariisto, waxaad tahay qof uu Alle (sw)
waafajiyay towfiiqda, sidoo kale aabahaa”.
Markuu waagu baryay Dhalxata wuxuu lacagtii ku guray qariirado kala duwan,
dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta reer ansaar iyo mujaajiriin. Dhalxata
wuxuu ahaa deeqsi u roon masaakiinta, waxay weydiistaan oo dhan wuu siin
jiray. Waxaa la sheegaa sidoo kale inuu maalin maalmaha ka mid ah uu Dhalxata
u yimid nin doonaya in wax la taro, dabadeedna wuxuu u sheegay inuu jiro dhul
qiimihiisa gaaraya 300 000 kun oo dirham, wuxuu dooransiiyay inuu dhulka
qaato, ama uu qiimihiis qaato, hase ahaatee wuxuu ninkii doortay inuu qaato
lacagtii, wuuna siiyay, maxaa yeelay wuxuu arkayay ajarka iyo xasanaadka Alle
agtiisa uu ka rajeynayo inuu kumanaan jeer ka weyn yahay hantidan. Ilaahay ha
ka raalli noqdo Dhalxihii kheyrka iyo deeqsiga badna, mujaahidka ahaa,
qarbrigiisana Allaha u iftiimayo. Intaasina waxaa ku dhammaatay sheekadii
saxaabigii jaliilka ahaa ee Dhalxata binu Cubeydillaah.