Wiil Somaaliyeed oo lagu dilay Galbeedka London... 03/09/07: Wiil soomaaliyeed oo lagu macaabi jiray Yaasiin Abdriaxmaan , 22 jir ahaa ,ayaa lagu dilay galbeedka magaaladaan London, gaar ahaan xaafada Southall, Yaasiin iyo wiil la socday oo saaxiibkiis ah oo isna degan isla xaafada Southall, ayaa waxaa weerar kusoo qaadey kooxo wejiga soo dabooshey, oo watay Tooreeyo, 03/09/07 , saacadau markii aay ahyed 10:50PM meel aan sidaas uga fogeyn guriga Yaasiin, iyagoo markaas ku socdeen guriga . Hase ahaatee markii weerarku dhacay ayeey labadii wiil midba dhinac u eryadeen, qoladii weerarka soo qaadey , waxaana dhacday in Yaasiin, si xun loo tooreeyey, oo uu dhaawac halisa noqday , waxaana loola cararay Ealing hospital, halkaas oo uu Miyir beelay, galayna xaalad miyir dabool ah , waxaana uu Yaasiin u geeriyaadey dhaawacaas soo gaarey 11/09/07 gelinkii danbe . Waxaa si aad ah uga naxay arintaas ku dhacday wiilkaan soomaaliyeed dhammaan dadkii yaqaaney, waayo wuxuu ahaa wiil aad u degan , akhlaaq fiican, kuna fiican waxbarashadiisa, wuxuuna dhiganayey Sanadka Labaad ee Jaamacada . Policeka degmada Ealing oo kaashanay qeybta dembiyada baarta ee Policeka London, ayaa wada baaris xoogan oo ku aaden sidii loo soo xir xiri lahaa kuwii ka danbeeye dilka Yaasiin Abdiraxmaan, waxaana ilaa iyo hada xiran dhawr ruux, kuwaasoo mid ka mid ah inuu dilka geystay lagu eedeeyey, , Policeka ayaa ku rajo weyn in inta dhiman ee ka qeyb qaadatay fal danbiyeedkaan, gacanta lagu soo dhigi doono, waxeeyna ii sheegeen Policeka in aay wada aqoonsadeen dhammaan kuwii ka qeyb qaatey falkaas burcadnimo , gudahana lasoo wada dhigi doono maalmahaan . Abdullahi Osman London, UK: Aabbe Soomaaliyeed oo Mindi Lagu Diley
May 8, 2007: Waxaa magaalada London, xaafadda Islington, lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 41-jir magaciisana la oran jirey Mohamed Ali Maslah, ahaan aabbe dhalay shan carruur ah, wadenya Taxi. Sida laga soo xigtey booliska waxaa marxuumka mindi lagaga dhuftay wadnahana. Waxaana boolisku ay marxuumka heleen qiyaastii 3am. Xaaskiisii oo magaceeda la yiraahdo Sahra, oo 35-jir ah, waxay tiri: "Ninkaygii waxa uu ahaa nin aad hawl-kar ah oo ku dadaalayey sidii uu u korin lahaa qoyska, waxa uu ahaa aabbe wanaagsan", aad ayeyna uga murugootey geeridaas naxdinta leh. Marxuumku waxa uu dalka Britain tegey sannadkii 1989, xaaskiisuna laba sano kaddib ayey halkaas ugu timid. Halkaas oo ay noloshoodii ka bilaabeen, waxayna dhaleen shan carruur ah oo ah: laba gabdhood; Sowsan oo ah 11-jir iyo Samiya oo hal-sano-jir ah, iyo saddex wiil, Ahmed 10-jir, Yahya 8-jir, Maslah 3-jir. Marxuumka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Sayid Ahmed Ali oo 57-jir ah waxa uu sheegay in geeridaasi ay murugu weyn ku reebtay qoyska, gaar ahaan carruurta. Qoraalkii ay dilkaas ka qortay
Jariidada This Is London ka eeg halkan Ganacsade Kale oo Si Arxan Darro ah Loogu Diley magaacalada Capetown ee Koonfur Afrika
Hadaanu nahay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Cape Town waxaanu ka xunahay dhibaatada xasuuqa iyo barakaca ah ee ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ah ay ka wadaan caasimada Muqdishu, taasoo hoos u ridey rajadeenii ahayd inaan fursad u helno sidii aan dib ugu soo noqon lahayn dhulkeena hooyo taasoo naga kaafin lahayd darxumada, karaamo la'aanta iyo dilalka nalaku bartilmaameedsanaayo. Maxaan taageero ah oo aan ka sugaynaa dowladii loo hanweeynaa, mar hadii ay shacabkeedii si naxariis daro ah u gumaadayso, yaase nalooga haybeeystaa mar hadii dadweeynihii ay dowladahoogu na martigaliyeen daawanayaan dowladii Soomaaliyeed oo shacabkeeda xasuuqaysa.Cidkasta oo Soomaaliyeed ee gacan ka gaysan karta falalkaan wuxushnimada ah ee lagula kacaayo xoogsatada aan waxba galabsan waxaan ka codsaneeynaa ineey nagu soo biiriyaan wixii karaankooda ah ee ay nagu taageeri karaan. Sawirada aaskii marxuumka ka eeg halkan.... Hussein Dulqalam Nin
Soomaali ah oo Lagu Diley Maraykanka Phoenix, Arizona | Apr 6, 2007 | Updated: April 7, 2007
Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah oo magaciisa la oran jirey Feisal Omar kaas oo ifka kaga tegey siddeed carruur ah iyo hooyadood. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka. Sida uu sheegay telefishanka News5 ee Phoenix AZ, oo soo xiganeyey booliska, waxa uu marxuumku tegey guri uu ka soo qaadi lahaa saaxibadiis si ay u aadaan salaada Jimcada, markii uu gaarigiisii istaajiyey meesha gawaarida la dhigto ayaa waxaa halkaas durbadiiba ugu yimid nin kale, oo sida loo malaynayo muran halkaas ka dhashay la xiriira meesha gaawaarida la dhigto, markaasna uu bartii ku toogtey marxuumka. Dad arkayey ayaa sheegay in ninka toogashada geystey uu gaarigiisa ka soo degey oo toogtey marxuum Feisal Omar oo isku deyayey in uu meesha gaariga uu watey watey ka dhaqaajiyo.
Waxaa warku intaas ku daray in ninkan wax toogtey uu gaari uu watey inta uu xagga dambe kaga duqeeyey gaarigii marxuumka ayuu inta uu gaarigiisii ka soo degey waxa uu toogtey marxuumka oo weli ku dhexjira gaarigiisii. Markaas kaddib ninkii wax toogtey waxa uu ka cararay bartii, waxana uu kaga cararay gaarigii uu watey. Laakiin cabbar kaddib, ayaa nin soo laabtay oo gaarigii ninka wax toogtey ka kaxeeyey meeshii, waxaana warku sheegay in gaarigaas iyo ninkii wadey la qabtay oo su'aalo la weydiinayo. Lama hubi in ninka la qabtay uu yahay kii dilka geystey iyo in kale, laakiin waxaa la hayaa gaarigii uu watey. Boolisku waxay sheegeein in dilku dhacay qiyaastii duhurnimadii Jimcadii, kana dhacay guryaha ku yaal isgoyska 41st Street & McDowell Road ee magaalada Phoenix, AZ. Telefishanka News5 uu sheegay in Marxuumka (Feisal Omar) uu ahaa qaxooti ka yimid Soomaaliya, waxana uu ka tegey xaas iyo siddeed carruur ah oo jooga gobolka Ohio. Waxa uu Phoenix u tegey shaqo. Warar dheeraad ah ayaa sheegay in marxuumku uu dalka Maraykanka yimid bishii August 1992, sida uu AP u sheegay Hakim Osman oo ah madaxa jaaliyada Soomaalida Arizona. 6,000 ilaa 8,000 oo Soomaali ah ayaa lagu qiyaasay in ay ku nool yihiin maagaalada Phoenix. Waxaana warku intaas ku daray in marxuumku deganaa magaalada Columbus ee gobolka Ohio halkaas oo qoysku u deganaa, waxana uu tegi jirey magaalada Phoenix ee gobolka Arizona oo uu shaqo joogto ah ka raasaneyay. Waxaa wararka dheeraadka ah intaas ku dareen in marxuumka guryaha lagu ag-diley ay deganayd walaashiis Khadra Gureye Abtidon oo soo booqanayey. "Waxa uu marxuumku ka soo cararay dagaalka ahliga ah ee Soomaaliya, waxana uu doonayey in uu carruurtiisa ku koriyo meel ammaan ah" sidaas waxaa yiri Mohamed Baraki oo ay ilma adeer labad ahaayeen marxuum Feisal Omar. Siddeeda Carruurta ah ee uu marxuumku ka tegey waxay da'doodu u dhexaysaa 1 ilaa 13 sano jir. Booliska Phoenix waxay dadweynaha ka dalbadeen cid kasta oo akhbaar ka haysa dilkaas in ay la xiriiraan 480-WITNESS. Isha: ABC15, News5, azcentral | Updated: Apr 7, 2007
Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Magaalada Port Elizabeth ee K/Afrika::: Faafin: Sabti: Nov 18, 2006 Wararka SomaliTalk.com ka soo gaarey Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu dil hor leh ka dhacay gobolka Eastern Cape, caasimadiisa Port Elizabeth, xaafada loo yaqaan New Bright, wuxuuna falkaan dhacay maalintii shalay oo ahayd (Jimce Nov 17, 2006), waxaana marxuumka loogu soo galay dukaankiisa dabadeedna lagu dhuftay shan xabadood taasoo uu ugeeriyooday. Marxuumkaas oo isla shalay la xabaalay ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Shaafi Sheekh Xareed, wuxuuna wadanka ku noolaa sida la ii sheegay 2 ilaa 3 sano. Dilka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan K/Afrika ayaa ah mid faraha ka baxay oo aysan jirin cid wax ka qabaneysa. Haddaba maxaa la gudboon Soomaalida.. Fadlan akhri qormada Soomaalida K/Afrika: Cidna uma maqna Ceelna uma qodna, isla markaana talaadaada u gudbi qoraaga GUJI HALKAN....
NIN SOOMAALI AH OO LAGU DILAY MAGAALDA GEORGE EE SOUTH AFRICA Faafin: Talaada Nov 14, 2006 Maxamed Cabdi Faarax oo ka mid ahaa Ganacsatada yar yar ee
ku dhaqan Gobalka Western Cape magaladda George ayaa Jimcihii la soo dhafay
u geeryooday Jirdil naxariisdaro ah oo loo geystay mana jirto cid ilaa iyo
haatan loo soo qabtay arintaani. Nin ganacsade ah oo si xun loogu dilay.. Nov 15, 2006: Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in habeen hore nin ganacsade
caan ah ka ahaa Nayroobi Maydkiisa laga helay isagoo jarjaran goob ganacsi
oo uu ku lahaa Magaalada Nayroobi. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Afrika: Sept 19, 2006: Yusuf Bahar Abdullahi Sheekow waxaa lagu dhex diley dukaan uu lahaa oo.... Akhri... Xaafadda Islii, Nairobi, oo lagu dilay laba qof oo Soomaali ah Waxaa dil loo geystay maalintii shalay ahayd ee sabtida (oct 21, 2006) laba qof oo soomaaliyeed oo watay gaari yar oo ah kuwa taksi ahaanta loo istic maalo xaafada islii ee magalada Nairobi. Wariye ka tirsan wargayska Xog ogaal oo la yiraahdo Dayax Maxamed Cawaale ayaa somaliTalk u sheegay isagoo goob jog ka ahaa falkaasi in dadkaan somalida ahaa ee lagu dilay xaafada islii maalintii shalay ahayd la kala oran jiray Marxuumad Khadiijo Max’ed Cawad (khadiijo-Daalo) iyo Marxuum Siyaad Sheekh Axmed (catoosh) iyadoo haweenyada ay ahayd mid maamule ka ah shirkad ah agency diyaaradeed oo isku xiraha Somalia iyo dibadaha . Dadkaas Soomaaliyeed ee ladilay ayaa dilkooda waxuu ka dhacay xaafadda islii ee magalada Nairobi ay somalidu ka dagan yihiin khaasatan Wadada hor marta Warsame Gas Station. Labadaa qof ee somalida ahayd ee la dilay ayaa waxaa geystay dilkooda Burcad Kenyan ah ku hubeysan AK 47 iyo waliba bistooalado sida muuqatay oo uu wariyaha noo sheegay . Burcadda dilka geysatay ayaa gaariga ay saarnaayeen labada mar xuun waxey daba socdeen intii aysan qaban ka hor in kastoo uu dareemay darawalka haddana uma suura galin in uu ka baxsado burcadaas waxeyna ku hor gooyeen gaari ay wateen dabadeedna waxey ku bilaabeen rasaas sidaasna waxaa cadeeyay dad markaas marayay wadada oo aan ku gaarnay markii aan tagnay goobta falku kadhacay. Burcadda markii ay dileen darawal Catoosh ayay isla markiiba ku xejiyeen gabadhii oo ay ka qaateen boorso dusha u saarneyd oo aan lacadeyn lacagta ku jirtay caddadeeda balse aysan aheyn mid yar sida lasheegay. Arinkaan ayaa aheyd mid cabsi galisay bulshada soomaaliyeed ee ku nool Xaafadda islii, mana ahan markii koowaad ee dil ceynkaas oo kale ah. Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Nin
Soomaali Bantu ah oo Diley Afar Carruur ah oo uu Dhalay..
Oct 6, 2006: LOUISVILLE, Kentucky: Booliiska magaalada LOUISVILLE ee gobolka Kentucky ayaa sheegay in Jimcadii (9.a.m barqanimo) uu xarunta Booliska yimid nin sheegtay in uu soo diley qoyskiisii, markii la tegey gurigii oo ah guryaha dowlada Public Housing waxaa laga helay afar carruur ah oo meyd ah iyo qof dumar ah oo dhaawac ah (3 Gabdhood iyo 1 wiil), taas oo ah carruurta hooyadood. Ninka dilka geystey waxaa magaciisa la yiraahdaa Saciid Biyaad (Said Biyad), waana 42-jir, waxana durbadiiba lagu soo oogey dacwada ah in uu geystey afar dil oo ah derejada koowaad ee faldembiyeedka. Waxaa warku intaas ku daray in qoyskani ay yihiin Soomaali Bantu oo Qaxooti ahaan ku yimid Mareykanka sannadkii 2004, waxana markii hore yimaadeen magalada Portland ee gobolka Oregon. Waxana ay 2006 u guureen magaalada Louisville ee gobolka Kentucky. (Waxaa Louisville u soo guurey hooyada iyo carruurta oo uusan la socon Saciid Biyaad, waxa uu ku haray Oregon). Hooyada dhaawaca ah magaceedu waa Fatuma Amir waana 29-jir, afarta carruurta ah geeriyoodey magacyadoodu waa Sidi, Fatuma, Khadija iyo Goshany, waxana ay dhasheen intii u dhexeysay 1998 iyo 2003 [da'dooduu ahayd: 8, 7, 4, 3 sano jir], Sida uu sheegay Cusmaan Nuur (Osman Noor) oo ay walaalo yihiin Fatuma Amir oo ah hooyada carruurta dhashay. Waxaa wararku sheegeen in dhaawaca Fatuma Amir uusan halis ahayn oo lagu daweynayo cusbitaalka "University Hostpital". Waxaana wararku sheegeen in madaxa uu dhaawac ka gaarey. Waxaa laga soo xigtey Boliska in March 24, 2005 uu iska hor imaad ama muran dhex maray qoyskaas (waa ninka iyo Fatuma Amir) intii ay deganayeen Oregon. Hassan Muya oo ay reerka is garanayaan waxa uu sheegay in qoyskaasi ay Soomaaliya ka yimaadeen iyaga oo qaxooti ahna ay yimadeen gobolka Oregon, kaddibna ay Fatuma Amir kasoo guurtey gobolkaas oo timid Louisville, waxayna ay gobolkaas uga soo guurtey kaddib markii arrimo dhex mareen iyada iyo Saciid Biyaad. Waxana uu intaas ku daray in Saciid Biyaad uu toddobaadyadii la soo dhaafay uu soo garey magaaladan, laga yaabee in uu rabey in wada xaajood, ayuu yiri Muunya. Telefishanka WHAS11 waxa uu sheegay in Fatuma Amir iyo afarteeda carruurta ah ay Louisville yimaadeen 8 bilood ka hor ayagoo sababta ay usoo guureen ay ahayd in ay ka soo fogaadaan Said Biyad. Maalintii Khamiista ahayd ayuu Biyad yimid guriga ay deganayeen Fatuma iyo carruurtu, markaas ayey u ogolaatay in uu guriga soo galo. Subaxdii xigteyna waakan tegey booliska isagoo sheegay in uu qoyskiisii soo diley, markaasna gurigii laga helay afartii carruurta ahaa oo meyd ah iyo Fatuma oo dhaawac ah. Waxaa warku intaas raciyey in dembi-baarayaashu ay sheegeen in labo ka mid ah carruurtu ay hurdeen markii uu qowracey Said Biyad, labada kalena ay ka muuqatay nabaro muujinaya in ay is difaacayeen markii uu dilayey. Telefishanka WAVE-3 waxa uu sheegay in loomalaynayo sababtu uu ninkani qoyskiisa u diley in ay ahayd in uu xaaskiisa uga shakiyey gogol dhaaf. HALKAN DAAWO... Subaxnimadii Sabtidii (Oct 7) ayaa la aasay afartii carruurta ahayd ee uu abahood diley. Isla subaxdaad ayaa Saciid Biyad la hor geeyey Maxkamada, halkaas oo lagu soo oogey fal-dembiyeedka ah in uu diley afar carruurtiisa ah. Markii maxkamada la hor keenay wax hadal ah ma uusan dhehin, madaxa ayuuna hoos u foororinayey.
Isha: courier-journal, wftv, Wave Gabar Soomaaliyeed oo Hooyadeed Mindi ku dishay dalka Norway August 31, 2006: Inkastoo ay tani tahay midi ugu horeeysay ee nooceeda waayadan qurbaha ka dhaca hadana ilaa iyo iminka lama oga sababta gabadhani ay hooyadeed mindida ugu dishay.
Waxeyse aheyd habeenimadii khamiista soo galeysay markii gabadhan aan caafimaadka qabin ay hooyadeed si ulakac ah mindi madax uga dhifatay xilli goor dambe aheyd oo hooyadaasi hurdeysay. Boolisku waxey xireen nin la sheegay inuu yahay ninkii haweeneyda qabay oo gabadha adeerka u ah, arrinta aan la xaqiijin karrin ayaa ah in adeerkaasi shiraako la ahaa dilka loo geystay hooyadaasi. Markii gabadhani ay hooyadeed mindida ku dhifatay ayey baxsatay iyadoo wararka aan xog ogaalka u noqdeyna ay ii sheegeen in gabadhaasi ay wiil yar oo walaalkeed 10 jirna ah ay ka xoogtay teleefanka gacanta si aanu booliska ugu dirrin islamarkaasina ay guriga kor ugu xirtay. Iyadoo baxsad ah ayey cido ay u tagtay u sheegtay hooyadeed iney dishay sidaasina ay qoyskii ku wargeliyeen falkii dhacay. Su'aasha hadaba la isweydiinayo ayaa ah
maxaa kalifay gabadhani oo da'deeda lugu sheegay 18 jir in ay hooyadeed
disho. Xirriiro aan Norway la sameeyey ayaa ii sheegay in gabadhani ay
waayadan dambe xirriirka ay hooyadeed la laheyd uu aad u xumaa. Sidoo
kale dadkii aan la xirriiray ayaa misna i isheegay in gabadhu laheyd uur
lana qabo. Markii shilkan dhacayey adeerkii hooyada qabay uu joogay
guriga muxuuse gacan ah oo ka geystay si xaaskiisa uga badbaadiyo dilka
ay gabadheeda u geystay?
Gabadhani waxey diiday iney jawaab rasmi
ah ka bixiso falka ay geysatay balse waxey sheegtay iney hadli doonto
maalinta berito ah oo jimca ah.
Dalka Norway soomaalida degan ayaa la
rumaysan yahay in qaarkood xaalad adagi heyso mana ahan dilkani midkii
ugu horeeyey ee soomaalida dalkaasi degan isku geystaan iyadoo horey
dilal badan ay uga dhaceen balse tani waa tii ugu horeysay nooceeda ee
soo marta soomaalida Yurub degan gaar ahaan dalalka Iskaandaneefiyanka.
Akhri:
Warar
dheeri oo ah ku
saabsan dilkii
hooyo
Soomaaliyeed
loogu geystay
dalka Norway
Toronto: Gabar 20-jir ah oo Meydkeedii laga Helay Bac taal meel Qashinka Laga Qaado....
Toronto, Canada: Magaalada Toronto waxaa Jimcadii (July 14, 2006) meydkeedii la helay Yasmin Ashareh oo ahayd 20-jir. Waxaana boolsiku sheegeen in marxuumada mindi lagala dhacay qoorta. Waxaa la helay meydka marxuumada oo kujiray bac ah kuwa qashinka lagu guro oo taaley meel qashinka la dhigo oo ah dariiqa wadada Martin Grove Rd oo u dhow meesha ay ka shaqayn jirtey. Waxaa la sheegay in bacda uu kujirey meydka marxuumada uu helay qof qashinka halkaas ka qaadi lahaa, waxaana boolisku sheegeen in meydku u muuqdey mid bacdaas kujirey dhawr maalmood kahor intii aan la helin. Boston, USA: Wiil Soomaaliyeed oo Toogasho Lagu Diley
BOSTON, USA: Magaalada Boston waxaa habeenimadii Axad (June 25, 2006) toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Cabdirauf Cabdullahi, da'diisuna ay ahayd 19-jir. Waxaana uu dilku dhacay 11:30 habeenimo, kana dhacay dhanka koonfureed ee magaalada Boston, meel u dhow guriga marxuumka. Waxaa dilkaas loo xiray laba wiil oo 15-jirro ah.
Eloy Sierra (oo ah 15-jir), ayaa lagu soo eedeeyey in uu dilka geystey. Waxaana arrintaas caddeeyey wiil ay saaxiibo ahayeen marxuumka la diley oo markaas la socdey marxuumka, sheegayna in Eloy Sierra uu ahaa kii xabbada ku dhuftay Abdirauf Abdullahi. Waxaana la sheegay in wiilkaas dilka lagu soo eedeyey la saari doono maxkamada dadka waaweyn. Waxa kale oo la xiray 15-jir kale waxaana lagu amray in jeelka lagu hayo, oo la sootaago maxkamada lasaaro dhallinyarada, lacagta damaanada ee laga bixin karona wiilkan waa $200,000. Labada wiil ee loo xiray dilka waxaa la sheegay in ay markii dilkaasi dhacay ay ku fakadeen laba baaskiil, laakiin markiiba ay boolisku gacanta kusoo dhigeen Qaraabada marxuumka la diley waxa ay sheegeen in qoyska Abdirauf Abdullahi ay ka soo carareen Soomaaliya, waxana ay Boston yimaadeen sannadkii 1996. Abdirauf waxa uu bishan (June 2006) dhamaystiray kana qalin jebiyey Dugsi Sare, waxana u qorshaysnaa in uu bilaabo jaamacada University of Charleston ee West Virginia. Cabdirahman Yuusuf oo qoyska marxuumka yaqaaney muddo dheer, ahaana dadkii ku caawiyey in ay u soo guuraan Boston ayaa jariidada Boston Herald waxa uu u sheegay in qoysku ay markii hore degeen Memphis, laakiin ay halkaas si degdeg ah uga soo guureen kaddib markii ay xabbad wiifeysa ugu soo gashay qolkooda fadhiga.
"Waxa ay ka yimaadeen Afrika ayagoo ka soo cararay rabshado, waxaa xabbadi ugu suu gashay gurigoodii (Memphis)," ayuu yiri Cabdirahman Yuusuf, waxana uu intaas raaciyey "haddana tan ayaa dhacday." Talaada (June 27, 2006) ayaa marxuum Cabdirauf Cabdullahi lagu aasay Boston. Marxuumka hooyadiis oo magaceeda la yiraahdo Faadumo Maxamed ayaa TV-ga Boston ee Channel 5 waxa ay u sheegtay in wiilkeedi la diley uu ahaa "Wiil aad iyo aad iyo aad u wanaagsan". Halkan ka daawo Aaskii Marxuumka. VIDEO: Channel 4 halkan ka daawo... Dilkan marxuumkan waa kii 35-aad ee ka dhaca magaalada Boston sannadkan 2006, marka la barbar dhigo tirada dilka ee magaaladaas ka dhacday sannadkii 2005 xilligan oo gareysey 27-dil. Dhamaadkii bishii May ee 2006 ayey ahayd markii Minneapolis/St. Paul lagu diley 19-jir Soomaaliyeed oo dhiganey koleejo... (Warkaas hoos ka akhri.) Tarjumadii SomaliTalk.com | June 27, 2006 | Isha: 7.News Boston, Boston Herald | www.boston.com Minneapolis/St. Paul: Wiil Soomaaliyeed oo Toogasho lagu Diley
Habeenimadii Isniinta (May 29, 2006) qiyaastii markey saacadu ahayd 3:30 am ayaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 19-jir. Dilku waxa uu ka dhacay halka ay iska gooyaan labada waddo ee University Ave. iyo Berry St. oo ah meesha ay ku kulmaan labada magaalo ee mataanaha ah St. Paul iyo Minneapolis. Meeshas oo aad ugu dhow xarunta Telefishanka Channel 5, halkaas oo rasaasta laga maqlay.
Wiilka la dilay waxaa magaciisa oran jirey Shafi Abdurahman Ahmed. Qof ka dhowaa meesha dilku ka dhacay ayaa sheegay in uu maqlay sawaxan lix xabbadood oo lagu ridey wiilka dhinatay. Waxaana la sheegay in la arkay laba qof oo ka sii socdey meeshii dilku ka dhacay ayagoo kaxaystay gaari loo malaynayo in uu ahaa nooca loo yaqaan Van. Marxuumku waxa uu ahaa arday dhigta College, waxana uu gobolka Minnesota yimid toddoba sano ka hor asagoo ka yimid dalka Soomaaliya. Marxuumka Walaalkiis oo magaciisa la yiraahdo Dek Nur, oo 27-jir ah ayaa waxa uu jariidada StarTribune u sheegay in uu ahaa wiil daacad ah oo wanaagsan oo caqli badan. Sida ay qortay jariidada PioneerPress waxaa la xiray laba dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo la sheegay in lagu xiriiriyey arrintaas, in kasta oo aan cidna weli lagu soo oogin dilkaas. Isha Warka: KSTP, Channel 5 , StarTribune | May 30, 2006 | Updated: June , 2006
Wadanka Finland oo nin Soomaali ah oo Xaaskiisi Toorey ku dilay Nin Soomaali ah oo da`diisu lagu sheegey 32 jir ayaa waxaa lasoo sheegey inuu ALLAHA u naxariistee xaskiisii oo 27 jir Sooomali ah torey uu nafta uga qaadey shaley galab markey tarikhudu eheeyd 8.3.2006. Dhacdan naxtin leh ay lasheegayaa ineey ka dhacdey xaafad layiraahdo Suutarila oo ku taalo magalada Helsinki ee wadankan Finland.
Ninkan waxdiley ayaa ka baxsadey meeshu uu wax ku dilay oo eheed gurigii eey dagnayeen asaga iyo marxuumada hortiisa, lakiinse muddo lix sacaadood kadib markuu baxsad ahaa ayaa si sahalan boolisku gacan ugu soo dhigeen. Booliska ayaa wuxuu sheegay inuu cunugii yaraa ee hoyadii la diley in dowlada lagu wareejiyey oo hada nabad qabo. Ninkan waxdilay oo la ogeen sababtu uu dilay xaskiisii ayaa hada ku sugan xabsiga Helsinki sugayana in maxkamad la soo taago. Qore: Mubarak Helsinki, Finland ISHA: http://www.iltasanomat.fi/uutiset/kotimaa.htm#id1139690 Abdihakim Adam oo Lagu Diley Atlanta, Georgia, USA
Habeenimadii Ciida (Jan 10, 2006) ayaa magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka waxaa toogasho lagu diley Abdihakim Adam isagoo cunto ka dalbanaya makhaayad. Waxaa warku intaas ku daray in Abdihakim Adam oo aad looga yaqaaney makhaayada Madina (oo loo yaqaan Ethiopian and Somalian restaurant) in uu kijinka galay si uu u soo qaato dalabkii cuntada markey saacada ahayd 10.00 pm (habeenimo), waxana uu soo baxay ayadoo laba nin oo hubaysay ay xabbad dhafoorka kaga hayaan maqal-hayaha (cashier) oo magaciisa la yiraahdo Farah Burali. Nimankii burcada ahaa waxa ay markaas toogteen Abdihakim Adam oo makhaayada u yimid in uu cunto ka qaato. Abdihakim Adam waxaa da'diisu ahayd 28-jir. Ilyas Ahmed oo 37-jir oo la hadlayey jariidad ka soo baxda Atlanta ayaa yiri "Abdihakim Adam waxa uu ahaa Soomaali, walaalkay muslim ayuu ahaa". Jariidadu waxa ay qortay in makhaayada (Madiina) loogu magac daray magaalada Barakaysan ee Madina, dilkuna in uu dhacay habeenkii Ciidul-Adxa. Tuugatii markii ay marxuumka toogteen ayey meeshii ka carareen iyagoo aan wax lacag ah ka qaadan makhaayadii, waxaana la sheegay in khasnada makhaayada taal ay ku jirtey $60 doolar. Warar qaar ayaa tilmaamay in saddex dhallinyaro ah ay ahayeen kuwa geystey falka dilka ah. ISHA: http://www.wsbtv.com | http://www.11alive.com Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
Sabti Dec 31, 2005: Soomaali lagu qiyaasay kumanaan ayaa Jimcada December 30, 2005 bannaanbax ku dhigay xarunta dolwada ee City Hall, Columbus, bannaanbaxaas oo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin ugana caraysan yihiin dilkii uu sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley Naasir Cabdi oo ahaa 23-jir Soomaali ah oo sida qoyskiisu sheegeen madaxa ka xanuunsanaa. Soomaalida halkaas isugu timid waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin "waxaan rabnaa caddaalad" iyo erayo kale oo caro ah oo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo sarkaal boolis ah uu toogashada ku diley. Liibaan Ismaciil oo u hadlayey dadka bannaanbaxayey ayaa yiri "waxaan rabnaa in runta bannaanka la soo dhigo", sida ay werisey shabakada ABC NEWS oo soo xiganeysey hay'adda AP. Bashiir Maxamuud oo ah 23-jir ah dhigta Jaamacada Ohio State University ayaa yiri waxaan bannaanbaxan uga soo qayb galay waayo ma ahayn in Naasir Cabdi uu sidaas u dhinto. Dad arkaayey markii boolisku tooganayeen marxuum Naasir Cabdi ayaa sheegay in marxuumku uusan wadan mindi, halka boolisku sheegeen in uu mindi la soo baxay sidaas awgeedna ay u toogteen. Wararka Columbus Ohio ayaa tibaaxay in saraakiisha Boolisku ay qorshaynayaan in ay la kulman jaaliyadda Soomaalida Ohio. Halkan ka daawo Video Soomaalida oo Bannanbaxaysa... Warkii dilka Marxuum Naasir Cabdi hoos ka akhri. Wiil Soomaaliyeed oo ay Toogasho Ku Dileen Booliska Columbus, Ohio Warka dilka Marxuumka hoos ka akhri:
USA: Dec 29, 2005: Nin ayaa lagu diley xaafadda Cassady Village Trace oo ku taal woqooyig amagaalada Columbus, Ohio, laakiin ninkani ma hub ayuu haystey markii saraakiisha booliska ee degmada Franklin ay toogtey? sidaas waxaa is weydiiyey Telefishanka ONN [Ohio News Now]. [HALKAN KA DAAWO WARKA TELEFISHANKA ONN...] Waxaa warku intas ku daray in saraakiisu ay waraaqo maxkamadu soo dirtay uu u wadeen Nasir Abdi oo 23-jir ah, si uu Naasir ugu laabto qaybta dadka maskaxda looga jiro. Markii ay heleen Naasir Cabdi, saraakiisu waxay yiraahdeen waxa uu lasoo baxay mindi. Saraakiisii waxay kaddib adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa, laakiin ma ay shaqayn, markaas ayaa sarkaalka magaciisa la yiraahdo Jason Evans uu xabad ridey kuna diley Naasir Cabdi, sida uu sheegay Telefishanka Ohio. Qof arkayey sida arrintani u dhacday ayaa yiri ma arkin wax mindi ah, waxana uu qofkaasi toogashadashaad ku tilmaamay mid aan wax cudurdaar ah haysan iyadoo la ogaa xaalada maskaxda ee Naasir Cabdi, iyo weliba in saraakiisu ay arrintas ogaayeen. Ayaan Maslax waxay tiri, "Boolisku waxay adeegsan lahaayeen hab kale oo ay ku joojiyaan ama kula hadlaan qof maskaxda looga jiro." Waraaqaha maxkamadu waxay muujinayaan dembiyo hore oo uu galay Nasir, ayuu yiri Telefishanku. Qoyska marxuumku waxa ay sheegeen in Naasir Cabdi dhowaan laga soo saaray qaybta dadka maskaxda looga jiro oo uu saddex toddobad joogey guri, laakiin uu joojiyey in uu daawadiisii qaato oo uu bilaabay in uu u dhaqmo nooc kale. Waxana ay ku dareen weligiis ma ahayn qof faldembiyeed sameeya. Waxaa warka Telefishanku intaas ku daray in boolisku ay baaritan ku samaynayaan sidii dilkasi u dhacay oo ay ku ogaanayaan in sarkaalka toogashada geystey uu uu haystey cudurdaar iyo in kale. Marxuum Naasir Cabi khamiistii (Dec 29) ayaa lagu aasay qubuuraha Riverside Cemetery ee magaalada Columbus Ohio Tarjumadii
SomaliTalk.com | Columbus, Ohio | Isha:
http://www.ohionewsnow.com |
http://www.dispatch.com Wararkii hore ee Soomaalida Lagu Laayey Qurbaha:::: March 2002: Police-ka Minneapolis oo Toogtay Nin Soomaali ah Dec 23, 2005: Ciidamada yemen oo Rasaas ku Furay Qaxooti Soomaaliyeed... Guji
Habeenimadii Isniinta (Dec 13) ayey Luul Ibraahim u geeriyootey dhaawacii uu u geystey gaarigii la jiirsiiyey. Waxay ahayd xilli fiid ah (maalinadii Khamiista habeenkii Jimcadu soo geleysey) markii ay Luul isku dayday in ay joojiso tuug kaxaysanayey gaari ay leedahay Luul walaasheed, kaddibnauu tuugii gaarigii jiirsiiyey marxuumad Luul, Allah ha u naxariistee, dhaawacii soo gaarey oo ahaa dhaawac madaxa ah ayaa markiiba la geeyey Cisbitaal halkaas oo lagu sameeyey Qalliin maskaxda ah, dhaawacaas ayey u geeriyootey habeenimadii Isniinta. Tuugii falkaas geystey waxa uu la cararay gaarigii, inkasta oo markii dambe la helay garigii, laakiin ilaa hadda lama helin tuuga geestey falkaas. Waxaana lagu baaqay in $5000 oo doolar la siin doono qofkii soo sheega akhbaar booliska u suurta gelisa in tuugaas la qabto, lacagtaas oo markii hore ahayd $2000 hadda waa la kordhigey oo waxaa laga dhigay $5000. Warkii hore ee sida gaariga loo jiirsiiyey marxuumad Luul Ibraahim.... Guji... Nin Ganacsade Soomaali-yeed ah oo lagu diley Koofur Afrika .. Dec 2, 2005: Nin ganacsato soomaali-yeed ah ayaa lagu dilay wadanka K/Afrika gaar ahaan Magaalada Biritooriya kaddib markii ay soo weerareen kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa Bistoolado. Ninka la dilay oo si weyn looga yaqiinay wadanka K/afrika ayaa lagu magacaabi jiray C/raxmaan Max’ed Xasan (Arbacow), waxaana dilkiisa si weyn u uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka K/afrika oo iyagu waayadaanba lagu hayay dilal jooto ah. Ninkaan ayaa waxa uu wadanka K/afrika ku sugnaa muddo sanad ah ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii loo dilay ninkaasi, iyadoo sanadkaan keliya wadanka K/afrika lagu dilay ilaa iyo dhowr iyo sodon qof oo Soomaali ah oo badankood lagu weeraray xarumo ganacsi ah oo ay ku lahaayeen wadankaasi. Qore: Amiin Yuusuf Khasaaro | Email amiinkhasaaro@hotmail.com Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA...
(SomaliTalk.com | St. Paul, MN | Aug 26, 2005): Habeenimadii xalay markii ay saacadu ahayd 11:15pm ayaa toogasho lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 19-jir. Waxa uu Wiilkaasi dhex fadhiyey gaari taagnaa meel gaaska laga qaato (BP Gas Station) oo ku yaal wadada Lexington oo u dhow meesha looga baxo wadada Highway I-94 oo dhex mara magaalooyinka mataanaha Minneapolis/St.Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Kaddib markii warka kusaabsan dilka wiilka uu soo gaarey SomaliTalk.com, ayaa waxaan telefoon kula xiriirnay qoyska uu wiilka ka geeriyoodey, Taxiya Maxamed oo ah gabar ay walaalo yihiin wiilka geeriyoodey waxay SomaliTalk.com u sheegtay in: Wiilka walaalkay ah ee ladiley magaciisa waxaa la oran jirey Maxamed Maxamuud Maxamed. Waxana ay intaas ku dartey in afar wiil oo Soomaali ah (Walaalkeed iyo saddex kale) oo dhex fadhiya gaari ay wateen oo taagnaa meel gaaska laga qaato in xabbad aan la garanayn cidda soo ridey in ay haleshay walaalkeed, uun au geeriyoodey dhaawacii xabadas isla xalay. Waxaa dhici karta in marxuumka la aasi doono berri (Aug 27).
TV-ga WCCO.4 waxa uu sheegay in wiilkaas oo dhex fadhiya gaariga ayaa qof inta uu xagga dhabarka ka soo maray gadaal ka toogtey, taas oo marxuumka ay ugu yaraan hal xabad ku dhacday, kaddibna loo qaaday cisbitaalka Regions Hospital, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Boolisku markii ay yimadeen waxay goobtii dilku kadhacay joogeen saacado si ay u ururiyaan xog ku saabsan dilkaas. TV-ga Channel.5 waxa uu sheegay in marxuum
Maxamed Maxamuud Maxamed aysan jirin wax dembi ah oo uu hore u galay (wax
fal dembiyeed ah kama oolayn booliska). Waxana uu TV-gu intaas ku daray in
Ilaa hadda aan lahayn ama la garanayn cidii dilka geysatey, lamana garanayo
ujeedada dilka. Waxaana boolisku uu dadweynaha ugu baaqay in qofkii arrinta
dilkaas war u hayaa uu lasoo xiriiro booliska.. Warkii
Channel.5:
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota waxay qoyska uu wiilkaas da'da yari ka geeridooy Allah uga baryayaan in uu samair iyo iimana ka siiyo, marxuumkana Allah u naxariisto. Faafin: SomaliTalk.com | Aug 26, 2005 Laba Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Lagu Diley Toronto:::
Sida ay uu weriyeye telefosshanka dalka
Canada ee CBC labada dhallinyada Soomaaliyeed ayaa lagu diley magaalada
Toronto ayagoo ka soobaxay Aroos, rasaas ayaa la iskaga furay ayagoo aan
cidna gardaraysan, qofka rasaasta furayna aan la garanayn. Hoos ka akhri
magacyadooda iyo tacsida, Aaskii iyo warbixin koobana ka
Tacsi:::
Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajucuun, Allahuma laa taxrimnaa ajrahum walaa taftinaa bacdahum, waqfirlana wa lahum. Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa saaxiibkey Maxamed Jilocow (tennis) oo curudkiisa Loyaan Axmed Jilocow iyo saaxiibkiis Cali Maxamud Cali lagu toogtay magallada Toronto bishan August 8, 2005 ayagoo ka soo baxay xaflad aroos ah oo saaxiibkood oo lagu qabtay down town Toronto. Marxuumadas waxaa dilay ruux aan la garaneyn oo xabad iskaga furay markey baabuurkooda galaayeen asagoonba la hadlin. Marxuum Looyaan oo ahaa ardey jaamicadda sanadkii sedddexaad ee commerce Jaamicadda York university allaah ha u naxariisto. Cali Maxamud Cali waxa uu dhowaan u guurey magaalada Vancuover , waxan auu Toronto ugu soo laabtay arooska saaxiibkiis. Wallidiintoodna allah samar iyo iimaan ha ka siiyo.
Loyan Ahmed Gilao, waxaa da'diisu
ahayd 23-jir, halka Ali Mohamud Ali, ay da'diisu ahayd 19-jir.
waxaa tacsidda diraaya:
saahid maxamed yusuf ( Rooti)
Augt 12, 2005
Gabar Soomaaliyeed oo Mindi ku Dishay Wiil
ay saaxiibo ahaayeen Norway | SomaliTalk.com | Aug 13, 2005 Sarkaal u hadlay Ciidanka Booliska Dalka Norway oo lagu magacaabo Kjell Hjulstad ayaa shaaca ka qaaday in saaka aroortii guri ku yaal Xaafad ka mid ah Magaalada Oslo ee Dalka Norway in laga helay meyd Wiil Soomaaliyeed oo mindi lagu dilay, da'diisana lagu sheegay 28jir. Sarkaalka oo la hadlayey Saxaafada ayaa cadeeyay in dilkan looga shakisan yahay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda lagu sheegay Muna Ismaaciil oo loo yaqaan (AALIYAH) da'deena lagu sheegay 21jir. Sarkaalka loo xilsaaray baaritaanka dilkan ayaa shaaca ka qaaday in Marxuumka la dilay ay da'diisu ahayd 28jir magaciisuna la oran jiray Marxuumka Xasan Warsame. Waxaa baryahan dabme caadi u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha in ay Mindi isku dilaan, laakiin waxaan horey loo maqal gabar Soomaaliyeed oo Mindi isticmaasha. Sarkaalka oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan baaritaanka sababta keentay Dilka,isla markaasna marka ay soo gaba-gabeeyaan baaritaanka ay shir-jaraaid ku qaban doonaan Xarunta Booliiska ee Magaalada Oslo. Soomaalida kunool Wadanka Norway ayaa lagu eedeeyaa in ay ku badan yihiin dadka qaba Cudurka Buufiska maadaama labo sano gudahood Midi lagu dilay 9 Ruux oo- ay ku jiraan labo Caruur ah oo uu aabahood Qudha ka jaray. Xuseen Yaasiin Gode-Gode Aug 13, 2005 UK: Hooyo Soomaaliyeed oo Geeriyootey Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad.. Laakiin qaabka ay usoo dhacday iyo Qaabka ay Dhimatay waxaa kujira shaki... Glasgow | UK | Aug 7,2005 : Hooyo Soomaaliyeed oo dhallin yaro ah ayaa geeriyootey kaddib markii ay ka soo dhacday dabaqa 13aad ee sar dheer, sidaas waxaa qortay jariidada Sunday Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriiska. Meydkii hooyada oo da'deedu ahayd 27-jir ahaydna qaxooti ka timid Soomaaliya, haysateyn laba carruur ah, ayaa shalay laga helay magaalada Scotstoun, Glasgow. Deriska ayaa sheegay in habeenkii ka horeeyey (helitaanka meydkeeda) ay qaylo xooggan ka maqleen dhanka qolka ay daqaba ka deganayd hooyada Soomaaliyeed. Warka oo dhan guji halkan... Booliska Ireland oo Shaaca ka Qaaday Aqoonsiga iyo Sawirkii Ninkii Soomaaliyeed ee Dublin Lagu Diley Horaantii Sannadkan 2005....
Booliska Ireland oo loo yaqaan Gardaí ayaa soo bandhigay sawirka ninkii Soomaaliyeed ee sannadkan horaantiisii meydkiisa laga helay kanaalka lagu magcaabo Royal Canal ee Dublin. Waxayna sawirka u soo ban dhigeen in ay shacabka uga helaan akhbaar si loo helo dadkii diley ninka Soomaaliyeed. Farah Swaleh Noor oo Ireland ku noolaa ilaa 1996 waxaa meydkiisa la helay bishii March 30keedii, waxaana markaas da'diisu ahayd 38-jir. Boolisku waxa uu dadweynaha reer Ireland uga baaqay in qofkii aqoon u lahaa marxuum Faarax Swaleh Nuur ama qofkii marayey aagga wadada Ballybough ama kanaalka Royal Canal markey taariikhdu ahayd March 28 ama March 30, 2005 uu la soo xiriiro booliska. Bishan Agoosto 3deedii ayaa Booliska magaalada Dublin waxay xireen afar qof oo looga shakiyey in ay lug ku lahaayeen dilkii Marxuum Faarax. Farah Swaleh Noor waxaa meydkiisa oo si xiriir ah toorey ama mindi loola dhacay oo la googooyey laga helay meel u dhow buundo dulmarta kanaalka Royal Canal bishii March ee sannadkan 2005, asagoo weliba madaxa laga gooyey, ilaa hadana madaxii lama helin. Waxaa wararku tibaxeen in meydka qaybta dhexe laga helay ayagoo kujira bac madow, gacmahana iyo luguhuna laga helay meel u dhow. [Eeg halkan...] iyo [Halkan]. Isha: tcm.ie & iol.ie| Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
"YEMEN::: Gacan ku dhiigle la soo Qabtay" July 5, 2005
Sida uu kaga soo waramay gobolka ku yaal koonfurta yemen ee Laxaj wargeyska todobaadlaha ah ee ku hadla afka wasaarada arrimaha gudaha yemen ee magacaiisa la yiraahdo Al-Xaaris cadadkisii(554)aad ee (5/7/2005) ayaa sheegay in ciidamada nabadgelyada iyo kuwa nabad sugida ee gobolka Laxaj ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiigle Jamaal Axmed Sheekh oo 25jir ah kana mida qaxootiga soomaaliyeed ee ku sugan xerada Al-Kharas ee dalka yemen, waa sida warku u dhigaye. Jamaal wuxuu (25/6/2005) gawracay haweeney xaaskiisa ahaan jirtay taasoo la oran jiray Sahro Xilwo,waxa uuna ka baxsaday xerada waxaane baadi goob ugu dhaqaaqay ciidamo ka kala tirsan dembi baarista iyo nabad sugida kuwaasoo ugu dambeyntii ku guuleystay inay soo qabtaan horaantii todobaadkan, waxaana hadda Jamaal baaritaan la xiriira sababta uu u dilay Sahro uu uga socdaa xeer ilaalinta maxkamada gobolka Laxaj si loogu soo oogo denbiga uu galay ee ah dilka, waxaana dhici karta in Jamaal lagu xukumo dil toogasha ah hadaaney cafin ehelki ay Sahro ka dhalatay ka dib marka ay cadaato inuu marxuumad Sahro u dilay ula kac, la arki doonee waxa ay ku dambeyso arrintaan. Diyaariye/ Axmed Maxamed. Sanca-Yemen. ahmedwiish@hotmail.com YEMEN:: GAWRAC KA DHACAY AL-KHARAS.
Sida ay qortayjariidada AL-AYYAM cadadkeedii(4518) ee 27 /6/2005ta,in nin soomaaliyeed oo la yiraahdo Jamaal Axmed Sheekh kana mida qaxootiga soomaaliyeed ee ku jira xerada al-kharas ee dalka yemen ayaa gawracay haween soomaaliyeed oo la oran jiray Sahra Xilow oo 22jir ah 25/6/2005. Waxa ayna wararku sheegayaan in gacan ku dhiigle Jamaal iyo marxuumad Sahra is qabi jireen balse ay kala tageen laba bil ka hor, waa sida warku u dhigaye, mana sheegin wargeyska inay lahaayeen caruur iyo in kale, waxaana ninkaas Jamaal u suurta gashay inuu ka baxsado xerada Al-kharas, waxase ku raad joogo ciidamada dembi baarista ee gobolka Laxaj oo ah halka dilku ka dhacay, waxaane sawirada ninkan dilka geystey la dhigay meel kasta oo lagu baaro baabuurta (check point) gudaha ama dibadda magaalooyinka ku dhaw halka uu dilka ka dhacay. Diyaariye/ Axmed Maxamed - Faafin: SomaliTalk.com | Jun 28, 2005
Kanada: Saynis-yahan Soomaaliyeed oo Meydkiisii laga helay Taxi uu Wadey
Shil Gaari oo ka Dhacay Kanada oo ay Ku Geeriyoodey Labo Soomaali ah. | Dec 20, 2004 Meydkii Gabar Soomaaliyeed oo Laga helay London, Ontario, Canada Galabnimadii 6dii February 05 ayaa laga helay meydkii Faisa Cabdulqadir guri ay deganeyd ee ku yaal 450 PondMills ee magaladan London Ontario. Boolisku wuxuu sheegey iney gabadhaasi iyadu isdishey in kastoo dadka Soomaaliyeed ee deggan London Ontario aaminsantahey in la dilay. Faisa da'deeda waxay aheyd 21 Sano, waxay Canada timid October 04 sanadkii tagey, waxayna ka timid dalka Syria. Marxuumadda dhimatey Allah ha u naxariistee waxay la daganeyd gabar kale oo Canadian ah waxeyna deganeyd qol gaar ah. Jaalliyadda Somaaliyeed ee London Ont. waxay tacsi u dirayaan Ehelkeedii gaar ahaan Waalidkeed waxaana Allah looga baryayaa inuu u naxariisto Marxuumaddaas. Marxuumadda waxaa lagu duugey Qabuuraha Islaamka ee magaalada London Ontario waxaana duugteedii ka soo qayb galey Immaamka Masjidka weyn ee London Ont iyo dad badan oo muslim ah oo ay ka mid aheyd Soomaalida. London Ontario waxay 200km koonfur ka xigtaa magaalada Toronto. Qore:
Yusuf Osman |
yusufkenadid@hotmail.com Wiil Reer London Ontario ah oo Lagu Diley California SomaliTalk.com | London, Ontario, Canada March 2004: Wiil Soomaaliyeed oo reer London Ontario ahaa oo magacisa la oran jirey Mohamed Dr. Shariif Cabdulqaadir ayaa lagu diley Calafornia USA, sidaas waxaa SomaliTalk soo gaarseeyey jaaliyada Soomaaliyeed ee reer London Ontario. Waxaa warku intaas ku daray in wiilka aabihiis iyo hooyadiis ay u aadeen Califorinia si ay u ogaadaan sabatii lagu diley wiilka, haddii aan akhbaar dheeraad ah ka helona waan idinla socodsiin doonaa insha Allah. Dhanka kale Dhammaan Jaaliyaadda Soomaaliyeed ee London Ontario, waxay uga tacsiyadeynayaan DR. SHariif Cabdulqaadir geeridii naxdinta laheyd ee ku timid wiilkiisii Mohamed Cabdulqadir oo ku geeriyoodey Calafornia USA Waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuum Mohamed Cabdulqadir, reerkii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Allah siiyo, Cawil kheyr ahna Allah ugu bedelo. Yusuf Osman Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2004
Saddex Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Africa: Dec 26, 2004: Wararka ka imanaya caasimada Koonfur Afrika ayaa sheegay in saddex dhallin yaro oo Soomaali ah xallay lagu diley dalkaasi, Waxaana lagu diley goobo ganacsi oo ay halkaas ku lahaayeen. Saddexdaas dhallinayada ah waxaa magacyadoodu kala yihiin C/Kariim Xulusow, Maxamed Diiriye, iyo Xuseen Maxamed Axmed 'Gurbe" sid ay werisey idaacada Daljir, waxaana warku intaas ku daray in dhallinyaradaasi ay ka soo jeedaan deegaan Hiiraan ee Soomaaliya. Waxaana dilkaas geystey burcad aan la aqoon haybtooda. Warar kale ayaa tibaaxaya in nin afar oo Soomaali ah dalkaasi lagu diley. Afarta nin oo la dileyba waxay ahaayeen ganacsato. Warkan iyo warkale oo ku saabsan idaacado ku wajahan geeska afrika oo ay
soo jeediyeen madax sare oo ka tirsan Maraykanku ka dhegeyso
Minneapolis: Shan Soomaali ah oo Xabsiga Loo taxaabay, Waxaana Loo haystaa Dilkii Yasmin Ali Geele oo ahayd Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis Dilkan oo La Sheegay in uu la Xiriirey QAAD (KHAT)...
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004
MINNEAPOLIS - Shan Soomaali ah ayaa lagu soo oogey debig ah dilkii Yaasmiin Cali Geelle, waxaana dhammantood xabsiga loo taxaabay Isniintii. Qareenada ku mudacaya ee dembiga kusoo oogaya waxa ay shaaca ka qaadeen magacyada shanta nin, kuwaas oo kala ah:
Yasmin Ali Geele, oo 32-jir ahayd, waxaa meydkeeda laga helay qolkii ay ka degayn guriga dabaqa ah ee ku yaal 500 South 10th St. ee magaalada Minneapolis markay taariikhdu ahayd November 9. Waxaa laga toogtey madaxa. Sida uu weriyey KSTP TV, Qareenada ku mudacaya waxa ay sheegeen in shantaas nin ay rabeen in ay qaad (KHAT) kasoo dhacaan laba dumar ah oo iibinayey QAADKA. Fuad Mohamed Dhuuh ayaa Booliiska u sheegay inuu Ismail Mohamed Ali u sheegay inuu u malaynayo in uu diley qofta dumarka ah. Telefishanka WCCO oo faahfaahinayey arinta dilka marxuumada ayaa sheegay in qolka ay marxuumadu deganayd in habeenkaas dilku dhacay lagu gadayey QAAD (Khat). Qaadka oo sida WCCO TV ku tilmaamay ka baxa Kenya oo ay calashadaan qaar kamid ah Afrikada bari iyo bariga dhexe iyo qayb ka mid ah Jaaliyadaha laajiyiinta ku ah Maraykanka si ay uga helaan xaraarad. Qareenka degmada Hennepin (Minneapolis), Attorney Amy Klobuchar, waxa ay tiri 'waa dilkii ugu horeeyey ee la xiriira QAAD ee aan aragno." Eedaynta dhanka aka ah shanta nin waxau sheegtay in Ismail Mohamed Ali uu ahaa kan diley Yaasmiin ka hor intii aysan ka qaadin Qaad ama lacag. Dhammaan shanta qofna waxaa dacwada loogu soo oogey in ay ka qayb qaateen dhicitaanka (burcad nimada) oo sababay in ay dhimasho timaado. Dhammaan shanta Soomaalida ah ee dembigaas dilka loo haysto waxa ay Isniintii ku jireen xabsiga ayagoo la sheegay in lagu soo damiinan karo midkiiba $1 million oo doolar (waa mid kasta oo kamid ah min hal malyan oo doolar). Waxaana la filayaa in maxkamadoodii ugu horeysey lasoo taagi doono Talaadada (30/11/2004). Xeerka Minnesota waxa uu dhigayaa in qofka geysta dilka nooca loo yaqaan derejada labaad (second-degree murder) in lagu xukumo 25 sano oo xarig ah. Sida uu weriyeey KARE11 TV, qareenka magaaladu waxa ay tiri "weligeen jaaliyadda uma soo celin karno Yaasiin Geelle, laakiin ugu yaraan waxaan ballan qaadeynaa in aan sharciga marsiin doono shanta nin". Qareenka Degmadu waxa ay hoggaamiyayaasha Soomalida ee Minneapolis u sheegtay in qaadku yahay sharci darro. Maxkamada degmada Hennepin waxaa soo sannadkiiba soo mara ilaa 30 dacwo oo ku saabsan QAADKa kuwaas oo inta badan la xiriira haysasho Qaad. SHA: KSTP-TV | WCCO-TV | KARE11-TV Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004
BOOLIISKA ST. CLOUD OO XABSIGA U TAXAABAY NIN LAGU TUHUN SANYAHAY DILKII YAASMIIN CALI GEELLE OO AHAYD GABAR SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY MINNEAPOLIS Nov 29, 2004 Booliiska magaalada St. Cloud ee Gobolka Minnesota ayaa xabsiga u taxaabay nin da'diisu tahay 20-jir oo lagu tuhun san yahay dilkii marxuumad Yaasmiin Cali Geelle oo Bishan November 9keedii lagu diley magaalada Minneapolis. Sida ay werisey hay'adda wararka ee AP, arinta xarigaas waxaa boolisku shaaca ka qaadeen Axadii shalay (Nov 28, 2004). Waxaana warku intaas ku daray in ninkaas laga qabtay guri kuyaal magaalada St. Cloud, kaddibna lagu wareejiyey Booliiska Minneapolis. Waaxaa kale oo warku sheegay in ninkaasi marka la qabray uu watey aqoonsi khaldan (ama macmal ah) iyo qori (baastoolad). Yasmin Geelle, oo da'deedu ahayd 32-jir, waxaa meydkeeda laga helay qolkii ay deganayd oo ku yaalada magaalada Minneapolis markey taariikhdu ahayd Nov 9. Waxayna dalka maraykanka timid sannadkii 1993, xilligaas oo ay ka timid xeryaha qaxootiga ee Kenya. [Warkii hore hoos ka akhri]. ISHA:KSTP TV Faafin: SomaliTalk.com | Nov 29, 2004 MINNEAPOLIS:: QOF DUMAR AH OO SOOMAALIYEED OO TOOGASHO LAGU DILAY
Minneapolis (Nov 9, 2004 | Updated Nov 10): Warar aan ka soo xiganey warbaahinta Minneapolis ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah oo Soomaali ah habeenimadii November 9, 2004 lagu diley magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, USA. Gabadha la diley waxaa magaceeda la oran jirey Yasmin Ali Geelle, waxayna Minneapolis ku noolay ilaa sannadkii 1995. Waxayan da'deedu ahayd 32-jir. Wararkii u horeeyey ee dilka gabadha ka soo baxay waxay sheegeen in lagu diley mindi, laakiin warar kale ayaa tibaaxay in toogasho lagu diley. . Waxaana dilku ka dhacay dhanka koonfureed farsmagaalaha magaalada Minneapolis gaar ahaan xaafadda 'The Adams Apartments' [500 S. 10th Street South]. Waxaa dilkaasi dhacay qiyaastii 2:50am ee waa soo dhowaadkii. Waxaa wararka qaarkood sheegeen in qof deggan xaafadaas uu maqlay qof ku qaylinaya 'dab-damis' sidaasna uu ku wacay 911, markii ay boolisku gurigaas yimadeena aysan arag wax dab ah.
"Qof ayaa soo wacay booliiska qaybta dabdamiska asagoo sheegaya in dab ka kacay qolka 105", sidaas waxaa yiri Mike Carlson oo ka tirsan Booliska Minneapolis. Waxana uu intaas ku daray "Markii ay qaybta dabdamisku yimaadeen qolkaas, waxa ay heleen meydka qof dumar ah taas oo la tooreeyeeyay. Waxaana hadda bilaabeynaa baaritaan arintaas la xiriirta" [VIDEO: HALKAN KA DAAWO WARKA. CHANNEL 5 TV..] Weli ma cada sababtii loo wacay booliiska qaybta dabdamiska. lamana hayo cidii dilka geysatay. Booliiskuna waxa ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka arintaas. Wararka ugu horeeyaya ee soo baxaya ayaa sheegay in marxuumadu ay ahayd mid jaaliyadda Soomaalida Minneapolis dhexdeeda aad looga yaqaanay. VIDEO: HALKAN KA DAAWO WARKA. CHANNEL 5 TV.. ISHA: Channel 5 & Fox9 | tarjumadii SomaliTalk.com | Minneapolis | Nov 9, 2004 | Updated Nov 10 SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA::: Dhibaatada Qaran la'aanta SomaliTalk.com | September 5, 2004
Ninkii dilay Labadii Dumarka ah ee Soomaaliyeed ee Samiira iyo Faadumo ayaa Booliska Kenya Su'aalo waydiinayaan Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) November 20, 2004 Gacan ku dhiiglihi Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ku dilay labo Haween ah oo Soomaaliya Awees Ismaaciil Aways oo isagu Dilay Samiira Axmed Xasan iyo Faadumo Maxamed Xasan oo ku dilay Tooreey ayaa Booliska Magaalada Nairobi Gacanta ku dhigeen.Ninkan oo imanka ay gacanta ku hayaan Booliska Bangaani ee isla Xaafada Islii ayaa waxaa soo booqday Saxafiga la yiraahdo Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ah Saxafi ka tirsan Idaacada Iqra FM ee Magaalada Nairobi, waxana uu ii sheegay in uusan qalbi ahaan dhameen oo xoogaa isku buuqsanaa ninkani, wali xaaladiisa meelna uma dhicin oo looma gudbin Maxkamad. Dhinaca kale qaraanbada Haweenka Tooreeyda nafta looga qaaday ee Faaduma iyo Samiira iyo Ninka eedan loo Hayo ee Awees ayaan wali is arkin iyadoo laga dhur sugayo Aabaha Aways oo Dagan goob ka baxsan Nairobi. Lama oga waxa xaalkani ku danbayn doono, ma Booliskaa Faraha looga qaadayaa mise waxaa lagu dhamaynayaa Xeer Hoosaad Soomaali. 34-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley K/Afrika
Markey taariikhdu ahayd 25/8/2004 waxaa dalka Koonfur Afrika lagu diley ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Cabdishakuur Sheekh Xasan. Waxaa la dilay abbaaraha duhurnimadii maalintaas. In badan ayaa horaan loo soo weeraray laakiin tiisa un baa dhineed, laakiin wuxuu ahaa nin aad u foojigan qorigiisana keeblayuurur ayuu ahaan jiray. Maalintaa la dilalyay waa la gaaday oo isagoo quraan iska akhrisanaya kaddib salaaddii duhur ayaa la gaaday, xabbaddii koowaad ayaa wadnaha ka haleeshay, laakiin wuu dhaawac-dagaalay oo wuxuu isku dayay in uu isdifaaco, waxaana tacshiirad la isdhaafsanayay mudda 10 daqiiqadood iyo dhawr ah. Kaddib markale ayey rasaas kale ku dhacday lugta ayeyna kaga dhacday, taasina waxey sii jilcisay dhaawicii hore iyo dhiigbax badan oo xigay. Si kastaba ha ahaatee qorigiisu marna ma hakan ilaa uu doorsoomay dhiigbax awgii. Markuu suuxay tuugadii soo weerartay waa galiwaayeen dukaankiisa oo ahaa mid aad u cammiran. Maxaayeelay waxey u maleeyeen inuu dhufeys ugu jiro, jaanta ayeyna rogeen, waxeyse nafta ku jirtay 30 daqiiqo dhaawicii kowaad kaddib. Waxaa la joogay wiilyar oo uu adeer u ahaa. Soomaalidii soo yaacday naf kuma soo gaareen, waxaasa aan ka cararin wiilkii yaraa oo madaxa hayay ilaa looga immanayay. Dukaanka waxba lagama qaadanin. Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan wuxuu ahaa ganacsade mudda dagganaa halkaas. Wuxuu dhashay 17/5/1970, wuxuuna ku dhashay gobolka Ogaadeeniya ee Ethiopia hoostaga. Wuxuu ifka kaga tagay 2 caruur ah. Xaaskiisa Ijaaba Cabdi Digaale ayaa halkaas kula nooleed, haddana waa xaamilo lix bilood ah. ISHA: Qaraabada marxuumka. 16 Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika:
Bishii la soo dhaafay ee Agoosto waxaa kale oo dalka K/Afrika lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 16-jir. Abdikadir Garanage waxaa la diley 27kii Agoosto 2004. Sida ay werisey ha'yada wararka ee SAPA, wiilkan waxaa la diley asagoo soo booqday dukaan uu leeyahay adeerkiis, waxaana dukaanka ugu soo galay saddex nin oo hubaysan, nimankaas oo markii hore iska dhigay sidii kuwo dukaanka wax ka gadanaya (macaamiil), kaddibna mid ka mid ah ayaa markiiba rasaas furay. Waxaa kale oo la dhaawacay wiilka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Danar Abdul. Waxaa wararku intaas ku dareen in tuugadii dilka geysatey ay dukaankii kala baxsadeen lacag aan cadadkeeda la sheegin. Inta la ogyahay wiilkaasi wuxuu tirada Soomaalida ee lagu diley K/Afrika ka dhigeysaa qofkii 25aad. ISHA: SAPA 61-Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis Markey taariikhdu ahayd Jimce Agoosto 28, 2004 waxaa magaalada Minneapolis lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 61-jir. Inkasta oo aan ninkaas magaciisa si rasmi ah loo shaacin, hadana warbaahinta Minneapolis waxa ay magaciisa u qoreen in uu yahay: Abdullahi Dalmar Ali. Waxaa wararku sheegeen in marxuumka oo madaaxa laga dhaawacay laga helay meel wado ah (27th avenue south), waxaana uu u geeriyoodey dhaawacaas. Waxaa wararku intaas ku dareen in ay Booliska magaaladu raadinayaan ciddii falkaas geysatey. Jariidada StarTribune waxa ay marxuumka ka qortay in uu ahaa Abbe lahaa saddex wiil, xaaskiisiina ay kala tageen, waxana uu magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis) u soo guurey sannadkii hore asagoo ka soo guurey New York, waxana kale oo uu mar ku noolaa South America. Waxa uu haystey shahaado jaamacadeed oo ah ganacsiga [accountant], waxana uu ku hadli jirey Afar Luqadood oo kala ah: Arabic, Dutch, Somali iyo English. ISHA: Fox9 & Startribune & Google News Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay Nairobi Kenyan | Sept 2, 2004
Ganacsataada soomaaliyeed oo aan maanta wax ka waydiiya waxa ay yeelayaan ayaa ii xaqiiyay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo lagula kaco fal dambiyeed noocan oo kale ah waxayna intaasi ku dareen in ay sameynayaa shaqo joojin ay kaga cabanayaan Ciidanka Amaanka in wax lagaga qabto tuugadan dhaca iyo dilka u gaysanaysa. Inta badan waxaa dad badan shaki kaga jiraa tuugada iyo booliiska amaanka,waxayna dadku is waydiiyaan sababta loo waayo gurmad booliis marka ay dhacaan falalkan loona waayo booliiska,boolisku waxay ay ku eedaynayaan laftooda in aysan soomaalidu soo wargalin xiliga dhacaas loo gaysanayo.Habeen hore ayaa laba ka mid ah soomaalida lagu dhaawacay guryahooda,haddana lagu dawaynayo isbitaalka Kenyatta,waxaa aad u soo badanaya amaan darada deegaanada soomalidu ku badan iyadoo guud ahaan uu dalka kenya la ciirciirayo amaan daro iyo musuqmaasuq daran Hay'daha dowladuna ay mashquulsan yihiin is mucaaradid iyo musuqmaasuq taasna ay dhexda ka saartay howlihii amaanka ee ummaddu u baahnayd. Dadkan iima suurta galin inaan helo magacyadooda oo dhamaystiran balse hadii ay suurta gal noqoto waan idin soo gaarsiin doonnaa Hadii ALLAHA Awooda lihi ogolaado.
Isha:
canabmumtaz@yahoo.com | SomaliTalk.com | Sept 3, 2004
... Taxi Wade lagu diley Seattle:: Feb 2004 ... July 2003: Taxi Wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Ahmed Hussein Axme d oo lagu toogtey Minneapolis ....August 2003: Taxi wade Soomaaliyeed oo magaciisa la oran jirey Mohamed Ahmed Salah oo lagu toogtey Minneapolis 66-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis] Qofkii
23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika
QAREEN
SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA Minneapolis, USA: StarTribune oo Qortay in Marxuum Cali Warsame Ladiley
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
©
www.SomaliTalk.com |
|
|
|