SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL

TALO KUSOCOTA FAYSAL DHEERE

Liibaan Siciid Shabac
Email: liibaanshabac@hotmail.com

Asalama calaykum,walaal waxaan rabaa inaan kaaga nasteexeeyo qoraaladaada aad kaga hadlayso arimaha PUNTLAND, haday arintaadu kusalaysantahay iftiiminta dhibaatooyinka kajira puntland waa mid saxa oo aad xaq uleedahay, kasheegida wixii xun ee uu masuulkasta ee katirsan maamulka puntland kusifoobay waa sax amaba xaq waayo isagaa qofkaasi soo doontay wax dadka udhexeeyay waana lagu canbaareeynayaa lagu caayayaa ilaa uu katanaasulo arimaha guracan iyo tagrifalka awooda shacabka aysiiyeen wax kabaxsan haduu layimaado.
 
Dhibaatada kajirta puntland waa arin aanan indhah laga qarsankarin una baahan in wax laga qabto masuuliyadeedana waxaa iskaleh dhamaan shacabka, isimada, aqoonyahanka iyo indheergaradkaba waayo waa iyaga kuwa lakala safan masuuliyiinta dhibaataynaysa umadooda iyagoo maslaxadooda  fiirsanaya taasoo usuurtagalinaysa masuulka katirsan maamulka inuu unasabsheegto lahaanshaha jagada uu hayo oo aan xitaa lagabadalikarin hadii laga badalana qabiilkuu kadhashay baa qoryaha soo guranayaa kuna sifeeynaya in reer hebel shaqadii kajoojiyeen waana nasiib daro mida uguweeyn ee jirta waqtina ubaahan  waxkaqabashadeeda.
 
Dhibaatada puntland kajirta waa uwada dhanyihiin masuuliyiinta meesha maamusha haduu ahaan lahaa madaweeyne, kuxigeen, gudoomiye barlamaan,wasiir, sarkaal ciidan,mid maxkamadeed, agaasime, askari ilaa biyatooni dadkii iyaga doortay beeyna utaal laxisaabtankooda iyo badalkooda haday kuqanciwaayaan sida ay shaqada uwadaan, waxba loogama qabankaro qoraal lagusoo qoray bogaga internetka waayo horaa looga daalay dadka soomaliyeed in wixii qalada iyo qofka qaldanba loogu tusaaleeyo bogagan hada aad isticmaalyaso adiga, diyaarna uma ah inay arimahaasoo kale kaa dhagaystaan bal ayba kugu qoslayaan amaba arin qabiil lagula aadayo iyo reer hebel buu necebyahay marka mahaboona inaad waqtigaaga qaaliga isaga lumiso qoraalada aanan laguugu garaabeeynin amaba lagu tusaale qaadanaynin.
 
Amaa kahadalka qabiil waa waxaan wanaagsanayn dadkuna ku kala irdhoobayo,wax masuula kama saarna beesha Cadde kadhashay wixii qalada ee uu layimaado Cadde iyo inta ay isku danta yihiin sidaad tilmaamayso adiga, dhibaato iyo musuqmaasuq ay uwada dhanyihiin beesha Cadde Muuse oo ay ugu heshiiyeen inay dulmiyaan amaba dhacaan dadka iyo hantida puntland majirto, xitaa jifida hoose ee Cadde kadhashay mahayo meeleey isugu raaceen in ladulmiyo dadka walaalaha ah ee reer puntland, puntland Beesha Cadde Muuse malahan waxaa leh dadka degaanka ah barina qofkalaa imankara puntland haduu dulmi sameeyo amaba hantida dadka dhaco hadana ma canbaareeynaysaa oo ma reer hebel baad kutilmaamin waa su'al taagan taasi, waxaa wax hagajiya waa in nadaam aan lamarikarin lalayimaadaa meeshana qabiilka kabaxaa doorasha dimuqraadiyana lahelaa si istuhunka looga fogaado.
 
Dhibaatada uguweeyn ee hada jirtase waxayba tahay qaab loo kala saari karo golaha xukuumada iyo golaha sharcidajinta maba jirto oo lama hayo maxkamad dastuuriya oo dastuurkii ladhigtay wax kuqaabeeysa, kaliya marjaca jiraa waa isimada iyaga nin waliba sibuu wax ulamuuqdaa amaba masuul katirsan buu lasafanyahay waana mida sumcadooda hoos udhigtay oo aanany maanta waxba uga qabankarin dhibka jira.
 
Marka aniga waxaa iga tala ah in loo duceeyo masuuliyiinta meesha maamusha, wax latusaaleeyo loo istaago sidii looga dhaadhicin lahaa inay dadkooda  iyo dalkooda ay wax uguqabanlahaayeen badalka intii la aflagaadeeyn lahaa waliba loosoo marin lahaa aflagaado web-pageska taasoo aan waxba taraynin inay kaga sii daraan mooyee, iskana ilaali inuu qoraalkaaga isburiyo faysaloow, waayo waxaa qoraalkaagii aad doomaha laganaaxay kaga hadlaysa kamid ahaa sidan,doonyuhu waxay usoo socdeen inay ruqsad kaqaataan maamulka,ok yaa horeeya ruqsada iyo imaanshaha doonyaha madoon aan ruqsad wadan baa imankarta deked aysanlahayn, waa adoo fiise lagaa raboo iskagala dalkii fiisaha kaarabay waa hadaad heshaba diyaarad sidaasi kugu qaada'e, soow lagu xirimaayo marka dabadeedna lagu ganaaximaayo amaba lagu musaafurinmaayo.
 
Waxaan qofkasta uga nasteexeeynayaa inuusan kahadlin arimo dadka kala fogaynaya amaba wax udhimaya sumcadiisa iyo wixii daniya oo ALLE uusan ugaraali ahayn,laakiin waa wax saxa wixii qalada ee jira oo dadka lagu dhibaataynayo amaba laysaga horkeenayo kahadalkooda amaba baraarujintooda.
 
Waa markii labaad ee aan webkan  iyo midkaleb wax kuqoro, waxaan karaaligaraynayaa haday jiraan cid dhibsatay qoraalkeeygii hore, sidookale aan ALLE cafis weeydiisanayaa inuu iiga danbidhaafo hadaan qoraalkaasi qof amaba ashqaas amaba qabiil ugu gafay anoo og inaan cidna kudulmin amaba ugu gafin qoraalkaasi.

Liibaan Siciid Shabac
Email: liibaanshabac@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qoraaladii: FAYSAL CALI AXMED... 1aad | 2aad | 3aad |

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD