SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND

Taageerid iyo dhursugid  ka timid Beesha Maxamed Cumar

 

Anagoo ah Beesha Maxamed Cumar waxaan taageeraynaa soona dhawaynayaa go’aankii shalay ay ku dhawaaqday Dowlad Goboleedka Puntland oo ahaa inay aqbashay Baaqyadii iyo Codsigii Culimada Puntland ay ku dalbanayeen in Puntland lagu maamulo kitaabka ilaahay.

 

Waxaan u hambalyey naynaa Maamulka Puntland iyo dhamaan Shacabka reer Puntland, ee isla af gartay inay shareecada Islaamka ku dhaqmaan. Sidoo kale waxaan u aragnaa talaabada uu qaaday Madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse mid geesino leh iyo inuu Puntland ka badbaadiyey bur bur iyo is afgarnwaa, waase haduu hirgaliyo ku dhaqanka shareecada sida uu saxaafada u sheegay.

 

Waxaan ka dhursugaynaa inuu Maamulka Puntland iyo Madaxwaynahaba inuu soo bandhigo ajandaha dhaqan galinta shareecada iyo goorta la dhaqan galinayo shareecada islaamaka, sidoo kalena inay san af kaliya arintu ka noqon ee loo baahan yahay ficil dhab ah.

 

Waxaan kaloo ka dhur sugaynaa Culimada Puntland sida ay isula meel dhigeen ku dhaqanka shareecada inay isla meel dhigaan  Maamulka Puntland hirgalinteedana iyo waliba in arintaas lagu dhakhsado.

 

Waxaan kaloo ka dhursugaynaa beelihii ku dhawaaqay inay shareedaca qaataan iyo dhamaan shacabka reer Puntland inay arintaan soo dhaweeyaan una diyaar garoobaan sidii loo xaqiijin lahaa talaabada xigta oo ah bilaabida hir galinteeda.

 

Waxaan ka codsanaynaa dhamaan Dowlada iyo shacabkaba inay san arintaan naga noqon hadal kaliya ee loo istaago sidii Kitaabka ilaahay loogu dhaqmi lahaa si aan u badbaadno anana u kala badbaadno.

 

Waxaan umada Soomaaliyeed u rajaynaynaa Dowlad Islaam ah, gaar ahaana shacabka reer Puntland waxaan u rajaynaynaa inay xaqa ku midoobaan una istaagaan taaba galinta Sharciga ilaahay, diintana iyo ehelkeedana u gar gaaraan.

 

Sh. Maxamed Macalin Axmed
sh. Iyo Macalin wax ka dhiga Jaamacada Bariga afrika

mmaxmed@hotmail.com  

Boosaso Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


Sida looga arkay Puntland ku Dhawaaqida Dowlada ee ku Dhaqanka Shareecada Islaamka
Waxaa aad looga soo dhaweeyey Puntland hadalkii shalay kasoo yeeray DGPL, marka laga reebo... Akhri Warbixinta...

Waraysi Sh. Maxamud Qorane ay SomaliTalk layeelatay
kadib markii lasiidaayey isagoo maalin iyo habeen ku xiraa Dekada Boosaaso... Akhri Waraysiga...

.Beesha MOORCASE: Baaq ku dhaqan Shareecada Islaam
.Hambalyo iyo Taageero ka timid Beelaha Cali Saleebaan

»
Beesha Gumasoor  oo go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka
»Sool/Sanaag: Baaq ku saabsan Qaadashada Shareecada Islaamka
»
BAAQ KA SOO BAXAY BEEL WAYNTA CALI SALEEBAN EE W/AMERICA
»Baaq ay soo saareen waxgaradka beesha c/raxman harti (kaskiqabe)
»
Baaq Ay Sanaag ka Soo Saareen Beelaha Warsangeli
»Norway: Bayaan ay soo saareen indheergaradka reer Puntland...
»Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ku baaqday ku dhaqanka shareecada
»
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan...
»Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda reer PL ee Yurub iyo W/America..
»Baaq ay soo saareen Culimada iyo Waxgaradka beelaha dega Sanaag
»Baaqa Culumada iyo waxgaradka Ahlusunnah Waljamaacah
»Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah..
»Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka Puntland ee Minnesota
»Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
»Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday  Lascano
»Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo
»Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada..
»Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  
»Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Tamarta

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD