SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND
Daabaco Boggan | Print
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso, Puntland Somalia
Beeluhu waxay go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur... GUJI...

Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji...

Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  Nov 5, 2006



  • Xaabsade oo Waji gabax kala kulmey kulan uu ku qabtey Garoowe
  • Galkacyo:wareegto xilkii looga qaaday taliyaha ciidanka Booliska puntland.
  • Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee ka jira Puntland  Ramaa(RPP) oo magacabay afhayeenka xisbiga  ee dalka Suudaan.

Xaabsade oo Waji gabax kala kulmey kulan uu ku qabtey Garoowe
Nov 14, 2006 | Isha: Garoweonline

Odayasha Gobolka Nugal ayaa ka baaqasadey in ay yimaadaan kulan wasiirka arrimaha Gudaha DGPL ku qabtey xarunta gobolka Nugaal.

Kulankaan oo loogu magac darey Difaaca dalka ayaa waxa Axmed Cabdi Xabsade kaga dhacay wajigabax kadib markii Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Nugaal ay ka baaqsadeen ka soo qayb galkiisa.

Wasiirku wuxuu isugu yeeray Odayasha, Siyasiyiinta iyo Waxgaradka Gobolka Nugaal,si uu uga dhaadhiciyo in ay Ciidamo keenaan, hase yeeshee shirkaas ayaan waxa ka soo qayb galin qof ka tirsan  Odayaasha iyo Nabadoonada Gobolka Nugaal.
 
Shirkaan ayaa waxaa isugu yimid dhalinyaro iyo Xubnaha Maamulka Gobolka, wuxuuna Wasiirku u sheegay dhalinyaradaas in looga baahan yahay dhalinyaro dalka difaacda.
 
Wasiirka oo ka sugayey dhalinyarada dhoweyn ayaa waxaa dhalinyaradii ugu jawaabeen hadal uu si weyn uga naxay, waxaana lagu yiri "Dawlad ayaan leenahay, Ciidamo ayaan leenahay, marka maxaa keenay in aad tirahdo waxaa loo baahan yahay Ciidan dalka difaaca keena". Sidoo kale, dhalinyaradu waxay ku yiraahdeen Wasiirka" Adiga, Gaagaab iyo Cadde Muuse ayaa dhaqaalihii dalka cunay ee difaaca Dalka".
 
Hadalka ka soo yeeray Dhalinyaradas ayaa ka tarjumayay dareenka shacabka Puntland ka qabo halka ay ku baxdo cashuurta xukuumada Cadde Muse ka qaado dadka reer Puntland
 
Cadde Muse ayaa kadib dagaalkii Bandiiradley looga adkaadey Malishiyaadka Cabdi Qaybdiid oo tageero ka helayay kuwa Puntland ayaa xukuumadiisu ku guuldaraysatey in ay isu keento ciidamo difaaca Puntland.

Madaxwaynaha DGPL ayaa markii la soo sheegay in la soo jiiray ciidamadii Cabdi Qaybdiid iyo kuwa uu horkacayo Xiif Cali Taar oo ah ganacsade iibsada kaluunka baddaha Puntland laga soo Jiraafo ayaa waxa uu magaalada Garowe kala tagey ciidamo u badan oo ilaaladiisa gaarka ah taas oo ka caraysiisay shacabka magaalada Galkacayo.

Madaxwaynaha DGPL oo muran xoog leh kala kulmey dadka degaanka iyaga oo dalbanayay in loo baahanyahay ciidankii Puntland oo difaaci lahaa ayaa magalooyinka Qardho iyo Bosaso uga yeeray ciidamo uu si gaar ah u leeyahay kuwaas oo intooda badan ka tirsanaan jiray jabhadii uu madaxada ka ahaan jiray inta uusan PL Madaxwayne ka noqon balse markii dambe u xuubsiibtay ciidamo loogu magac darey Birmad ama ilaalinta Khayraadka Puntland GDP.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa ku mushahar bixisa 8000 oo ciidamada Daraawiishta,lacagtaas oo dhamaanteed gacanta loo galiyo Taliyaha Ciidanka Darwaashita Puntland.

Isha wararka: Garowe Online


Galkacyo:wareegto xilkii looga qaaday taliyaha ciidanka Booliska puntland.

Wareegto ka soobaxday xafiiska madaxwaynaha puntland Gen: cade muuse ayaa xilkii looga qaaday taliyaha ciidanka Booliska puntland Yuusuf axmed khayr, wareegtadan ayaa waxaa lagu magacaabay taliye cusub kaasi oo loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ciidanka Booliska puntland Col: Siciid Karaama.

Ilaa iyo hada macada sababaha dhabta ah ee xilka looga qaatay taliyaha ciidanka Booliska puntland lakiinse sababaha ugu wayn ee loo tirinayo taliyiyii hore ee xilka laga qaaday yuusuf axmed khayr ayaa wararku sheegeen in ay ka mid yihiin in uu amar la'aan amba fasax la'aan isaga tagay puntland oo uu gaaray dalka Canada

Wareegtada uu madaxweynuhu ku magacaabay taliyaha cusub waxa ay u qornayd sidan:

__________
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu Arkay:
 Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu Arkay:
 Baahida loo qabo xoojinta Amniga Dowlad Goboleedaka Puntland iyo tayaynta Ciidanka Booliiska.

Markuu la Tashaday:
 Madaxwayne Ku-Xigeenka iyo Golaha Xukuumada.

Markuu Arkay:
 Aqoontiisa iyo Waaya Aragnimadiisa

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa loo magacaabay, Gaashaanle Sare, Siciid Cali Xaaji-Siciid Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland.
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa Saxiixay. Madaxwaynaha DGPL
Maxamuud Muuse Xirsi
______

Lamasaadaalin karo sida masuulkan cusub uu arimahaas oo dhan ugudan karo waajibaatka kasaraan balse waxaa looga baahan yahay waa dadaal iyo karti dheer oo uu la yimaado masuulka cusub ee xilka lo dhiibay.

Hadaan Booliska puntland laga qaadin halka ay maanta yaalaan waxaa gabi ahaanba hawada ka bixi kara aminga iyo kala danbaynta puntland oo uu Boolisku ka qaato tiir lixaad leh oo aan la ilaawi karin

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee ka jira Puntland  Ramaa(RPP) oo magacabay afhayeenka xisbiga  ee dalka Suudaan.

Xisbiga Mucaaradka ah ee ka jira Puntland oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaani RPP ayaa Talaadadii Nov 14 si rasmi ah u magacaabay afhayeenka xisbiga Ramaas ee dalka suudaan kaasoo loo magacabay Eng: Fatxi C/shakuur Ali boos sida ku cad warqada magacabista afhayeenka xisbiga ee suudaan.

Magacabistan ayaa waxaa ku saxiixan gudoomiyaha  xisbiga Ramaas Daahir ciiro. Xisbiga ayaa wada dar dargalin uu ku magacaabayo wakiilada dalalka aduunka, xisbigu intuu uu jiray wuxuu dhawr dal u magacaabay wakiilo  badan walina waxaa ka dhiman wakiilo kale oo badan oo u baahan magacaabid.

Tan iyo intii uu jiray xibigu waxa uu wax badan ka badalay nidaamka Dimuquraadiyadeed ee puntland waxana uu waxbadan saxay maamulka puntland oo intabadan khald ku taagan una baahan toosin iyo wax u sheegid hadaan la helina xisbiyo badan oo mucaarad ahna ay wax badan isbadeli karaan.

Dhisidtaanka xisbiga Ramaas kadib ayaa suurta galiyay in maamulku uu ku socdo wadada toosan isaga oo ka baqanaya dhaliilaha ee uu had iyo goor Xisbiga Ramaas  u soo jeedinayo maamulka puntland kuwaasoo indha  ka qabsan waayay markaas kadibna wax badan saxay walina u baahan in si wayn loo saxo.

Intabadan khaladaka ayaa ka yimaada tastuurka oo aan lagu dhaqmi tiro ka 10jeer ayuuna madaxwaynuhu ku tuntay isaga oo aaan lagala xisaabtamin sidoo kale ku dhaqanka miisaaniyada habkii loogu talagalay ayaan iyaduna marin, dhamaan arimahaa iyo kuwo kale ayaa xisbiga ramaas suurta galiyay in uu tuso indhaha mushtamaca puntland qodobadaas kan ugu wayna waa Musuq maasuqa iyo laaluushka ka jira puntland oo aan lalagaban. 

hadaba warqadii lagumagacaabay afhayeenka xisbiga suudaan ee ramaas waatan ee akhri 

Puntland State Of Somalia

Ramaas Plolitical Party

RPP/103/06                      Garowe             Date:14/11/06

 

Ku: Fatxi C/shakuur Ali boos

ogaysiin: saxaafada madaxabaaan ee somalia

ogaysiin: shacabwaynha puntland

Ujeedo: Magacaabiista Afhayeenka Xisbiga Ramaas eedalka Suudaan

Golaha dhexe ee xisbiga Ramaas dood dheer iyo is waraysi kadib waxay isla garteen in loo baahan yahay magacaabis wakiilo badan ee dalal kala duwan.

Gudoomiyaha xisbigu markuu la tashada Golaha dhexe ee Xisbiga Ramaas.

Markuu arkay barnaamijka  iyo xeerka Xisbiga.

markuu tixgaliyay baahida loo qabo magacaabista afhayeenka xisbiga ee suudaan.

Markuu arkay Tastuurka DGPL.

Wuxuu  xeeriyay.

1- Eng Fatxi C/shakuur Ali Bos in uu yahay afhayeenka Xisbiga Ramaas ee dalka Sudaan.

2- Hadaba waxaa lagaa codsanayaaa mudane in aad dhawrto qawaaniinta xisbiga iyo tastuurka DGPL.

3-waxaa lagaa doonayaa in aad ku shaqayso rabitaanka shacabka puntland iyo in aad ilaaliso xasiloonida dalka.

Gudoomiyaha xisbiga Ramaas

Daahir Cabdiqaadir Muuse( leedo)         email: daahirciiro@hotmail.com  tel: 747090

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2006


Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso, Puntland Somalia
Beeluhu waxay go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur... GUJI...

Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji... Nov 13

Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD